SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

suxufiyiin isbaaro ahaan u adeegsata qaar kamid ah qalabka war-waahinta.



Qarni waliba magac ayaa loogu wan-qalaa,iyadoo kolkaa halbeeg looga dhigayo, sancada iyo horumarka ashqaraarka leh ee uu aadanuhu higsanayo. Tusaale ahaan, qarnigii 20-aad ee aynu ka soo gudubnay,waxaa la oran jiray. (qarnigii warshadaha iyo sancadda) ciddii doontaa ha u bixisee.

Sidaa si lamid ah, qarnigan cusub ee soo unkamay sanadkii (2000) ee 21-aad, isagana waxaa loo bixiyay (qarnigii isgaarsiinta, sayniska iyo tignolojiyadda.)

Hadaba maanta war-baahintu waxay ka mid tahay aaladaha wax lagu hago kuwooda ugu saamaynta badan, laguna hanto quluubta dadka iyo maankooda,tiiyoo wax lagu dhisi karo waxna lagu burburin karo.

War-baahinta soomaalida maanta iyo dadka ka shaqeeyaba, gabi ahaan waxay isku arkaan inay hormuud u yihiin wacyi-galinta guug ahaan umadda af-soomaaliga ku hadasha, iyo ku baraarujinta wanaagga u horseedi kara horumar iyo aayatiin wacan. Halka in badan oo kamid ah bulshada soomaaliyeed ee dhagaysata,daawata, ama aqrisataba ay u arkaan (dagaal-ooga-yaal,qabqablayaal nuuc cusub) oo kusoo biiray kuwii horay looga adkaaday,qaarkoodna ay weli nafi ku dambeyso.

In badan waxaad arkaysaa, ama aad aqrinaysaa iyadoo dadka qaarkiis ay cod dheer ku leeyihiin. "idaacad hebla waxaa iska leh qabiil hebel,iyo web-site hebel waxaa lagu buun-buuniyaa rabitaanka qabiil hebel, iyo warar caynkaas oo kale ah.

Hadaba ujeedada maqaalkaygan aan ugu magac-daray (saxafiyiin isbaaro ahaan u adeegsata qaar kamid ah qalabka war-baahinta) waxay tahay:

Waxaan aqriyay war-bixinno sidii war-maalmeedka (dailynews) u qoran, balse lagu durayo, laguna dacaayadeynayo, shaqsiyaad, kooxo, iyo shirkado ganacsi. si looga helo wax xoogaa qadaadiic ah oo ay isku furtaan, sifo looga joojiyo weerarka war-baahineed.

Waxaa kasii daran,warka la iska been-abuurayo, waxaa ka buuxa been iyo shahaada-suurnimo adduunkana lagu hoogayo aakhirana lagu cadaab mudanayo.

Waxaan kaloo goob-joog uhaa saxafiyiin dad mas'uuliyiin ah dhagta ugu sheegaya in jeebka loo qooyo, haddii kale ay wacdare dhigi doonaan iyagoo adeegsanaya war-baahinta.

ILAAH ayaan idinku dhaarshaye miyaysan is-baaro nuuc cusub ahayn???, maxayse kaga duwanyihiin is-baaroolaydii dadka calalada ka furan jirtay, dhaca iyo dilkana isugu dari jirtay?!.

Adduunyada saxaafadda sharci iyo anshax ayaa kala haga, ciddii ku xad gudubtana maxkamad ayaa lasoo taagaa, wuxuu mutaystana la marsiiyaa. Inkastoo qaarkood si xun loo adeegsado, iyadoo kolkaa xeelad iyo xoogba lagu muquuninaayo.

Sidii fadeexaddii war-baahinta galbeedka ee dagaalkii ciraaq, oo af iyo adinba la qabtay, hal dhagna wax loogu sheegay, qaarkoodna qandaraaskii shidaalka iyo khayraadkii wax laga siiyay.

Anaga iska-daayoo inaan sharci iyo anshax ilaalinnee, waxaan ku dur-durinnay xuduuddii uu Eebbe noo xadeeyay, inagoo sheeganayna inaan haysanno diinta adduunka ugu sharafta iyo karaamada badan.

Ugu dambeyn, anigu maahi wariye ama saxafi ka shaqeeya war-baahinta maanta, macnaha -dadka qaar ayaa sawir qaldan iga qaadan kara, oo is oran kara: "armuu kooxo duqaynayaa". balse waxa kaliya ee aan rabo waxay tahay.

inaan u nasteexeeyo asxaabta ku jirta ama dhex-muquuranaysa dhaliilaha caynkan oo kale ah, iyo kuwa u tafa xaydanaya ee aan is ogayn.Mana doonayo inaan halkan ku xuso shaqsiyaad ma ha'ado war-baahineed, soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa "fulay xantii ma mooga".

Dhammaanteen Alaha na cafiyo, magafanna waa Eebbe.

W.Q: SAYYIDCALI XUSEEN
gaabane99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 3, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS