SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa keenay In heshiis lala galo kooxda Imbagati?! 
 

Sida aan la socono waxaa dad badan oo halgamayaal ah ama caln wade u ah halgamahas, ucuntami waayey heshiiskii Jabuuti, lakin halgame ama calan wade ma is waydiisay sababta keentay in lala shiro oo lala heshiiyo kooxdii cadowga ku soo hogaamisay dalka?

Waxaan umalynayaa jawaabta suaashaasi in ay ku xirantahay hadba xagashi (angle) ki aan ka eegno.

Waxaa fure u ah dhamman dhinacyada aan ka eegayno su’aashaas, in aan isla fahanno halka uuu marayo xaalka umadda soomaaliyeed, ha ahaato dhinac aqooneed, dhaqaale, wacyi iyo bartilmaameedka uu uyahay dalal badan oo caalamka ah.

Umadda soomaaliyeed waa umad aan wacyigeedu aad u sareyn una dulqaadan karin in ay ku sii jiraan halgan daba dheeraada, waa umaddii 18 sano isku dilaysay wax aan ilaa hadda natiijo laga gaarin, waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay la barbardhigaan halganka reer falastiin oo ay ku doodaan imisa sano ayay ku jireen reer falastiin halganka, lakin su’aashu waxay tahay dadka falastiiniyiintu ma dad la wacyi ah kuwa somaldaa? Jawaabta si ahlan waa maya, bal aan eegno ragga maanta ka dagaalama falastiin dhamman waa rag aqoon leh, wada jaamiciyiin ah. Waa rag go’doonkasta oo lageliyo keensanaya badiil, waxaan ula jeedaa umadda somaliyed ma aha umad wacyigeedu gaarsiin karo in ay kusii jiraan halgan dheer,marka waa in lagu saaraa cadawga waqtiga ugu sahlan oo weli ay umaddu adkaysankarto.

Waa uu fahmi karaa ruux walaba oo caqli leh in itoobiyaanku aysan iyagoo qoryuhu madaxa usaaranyihiin oo maleszanawi dhahayo somaliya denbi ayaan ka galay ka bexaynin somalia, waayoo ilaa heerkaa laga gaarsiiyo umaddu ma aha umad u bisil in ay dulqaadato.

Dhanka kale dhaqaale ahaan soomalidu waa umad 18 sano burbursanayd oo aan haysan ilo dhaqaale oo lagu sii noolaado, maanta waxa somaliya ku dagaalamayana waa dowlado leh dhaqaale sareeya oo ay ku kala jebin karaan soomalida, hadii dagaalku sii socdana keeni karta in dadku dhaqale qaatan soona sheegaan halka uu ku jiro halgameha dagaalamaya, waayo dadku waa ay baahanyihiin.

Hadii aan ka eegno dhinaca diinta rasuulka(NNKH) waa kii galay heshiiskii Xudaybia oo runtii marka kor laga eego ku jiifay muslimiinta lakin alle ku tilmaamay in uu yahay Nasri cad. Heshiiskaa waxaa kamid ahaa in uu rasuulku xabbad joojin lagalay quraysh.

Marka maanta hadii xabbada laga joojiyo itoobiyaanka iyana ay baxayaan waa tilaabo laqaadankaro, Sida ay noogu sooqaadeen ba hormuudka halgamayaashu.

Marki aan ka eegno dhamman xaglahaas kala duwan waxaa inoo soo baxaya in qofkii keeni kara qorshe lagu joojinayo xabadda laguna saarayo itoobiyaanka saacaddu markay tahay 8:00 subaxnimo uu ka talo wanaagsanyahay kan samaynaya saacaddu markaytahy 9:00 subaxnimo.

Dhamman marki aan fiirino duruufahaas jira waxaan dhihi karnaa walaalaha galay shirki Jibuti waxa ay sameeyeen tilaabo hurmar leh, waxaanna alle ka rajaynaynaa in uu la garabgalo uuna fududeeyo hirgelitaankiisa.

Waxaan guul u rajaynayaa dhamman umadda somaliyeed, anigo sigaara ugu hambalyaynaya ragga qoriga u sita sidi loo xoreynlahaa dalka iyo kan afka ugu doodaya intaba.  
 
 

Qore: Eng. Gutale 
 

Email: gutalesom1@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 3, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS