ISTIRAATIIJIYADA LA’AANTA SOOMAALIDA MAXAA NOOGA
LUMAY?! Bismillaahi
Sida loogu wareersan yahay halka
Soomaalidu asalkeedu ka soo jeedo Ma carab baa mise waa
Afrikaan ayay umadani dhexdeeda isku wareersan tahay..,
sida Soomaalida iyadoo isku dhaqan, af, diin iyo midab
ah u kala irdheysan tahay oo towfiiqda looga qaaday ayay
u ayaan darran tahay mar waliba.
Ilaa jiritaanka Soomaalida inta la
ogyahay bal dib u fiiri…, taarikhdii Axmed Gurey iyo
Geeska Afrika halgankiisii halkee ku danbeeyay..?,
Sayid Maxamed C/lle sow awoodii gumeysigii Ingiriiska
laguma tijaabin?, xornimo-doonkii, Shantii Soomnaali loo
qeybiyay AFIS ugu danbeysay sow Talyaaniga oo dagaalkii
labaad ee dunida ku jabay nalooma dhibin..?.
Dowladii ugu horeysay ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya sow howsheedii koowaad kama
dhigin soo celinta Gobollada maqnaa iyo SOMALIWEYN
raadinteed..? dowladii Kacaanka sow dagaal uma gelin soo
celinta Somali Galbeed..?.

Ayaan darrada Soomaalida waa
istiraatiijad la’aan iyo qorshe xumo ay ku lamaanan
tahay daneysi iyo ku takrifal, waa marka horee umad
ahaan Soomaalidu maaha dad xaraadad fog leh aqoonta
diinta, maadiga iyo tan dowliga ahna aad abay ugu
liidataa, tusaale ahaan sidii aanu dunida ugu noolaan
lahayn ayaan kari weynay, waxaan nahay dalka kaliya ee
dowlad la’aanta ah, 46 sano markii uu xor ahaa kadib
dowladnimo hanan waayay oo caddowgiisii qabsaday.
Aan taariikhdeena istiraatiijad
la’aaneed soo koobo:
DOWLADII KACAANKA (Gen. Maxamed
Siyaad Barre)

Soomaalinimadii na madax martay iyo
jaceylkii Shanta Soomaali oo isu timaada waxay keenaan
inaan awoodda saarno dhisme ciidameed oo dhaqaalaha ugu
badan lagu bixin jiray, saddexdii Gobol ee maqneyd waxay
kala ahaayeen sidan:
NFD: Gobolka Soomaalida ee
Kenya la siiyay waxaa daah saaray oo arrinkiisa in
xoogga la saaro mugdi geliyay is fahamkii Cigaal iyo
Jomo Kenyatta, oo la oran karo qeyb ayuu ku lahaa
dhalashadii Kacaanka 21-ka Oktoobar.
JABUUTI: Faransiiska ayay
gacantiisa ku hartay wax dareen ahna ma saarneyn oo inay
xoroobeyso waa soo muuqatay jiho ay aadaba.
Somali Galbeed: Gobolka Itoobiya la
raacsiiyay ee Soomaaliyeed ayay qadartu noqotay in la
wajaho, jabhado lagu kiciyo ilaa markii Jamhuuriyadda
Soomaaliya markii danbe dagaalka si buuxda u gashay.
Dowladii Soomaaliyeed khaladaadka
istiraatiijiyeed ee gashay waxaa ugu weynaa qiimeyn
la’aanta xaaladda markaas jirtay: saameynta Itoobiya ee
siyaasadda dibadda. Kala guurkii dowladda Soomaaliya
iyadoo WARSO ka mida ay NATO ugu wareegtay iyo arrimo
kale GALBEED WAA LA XOREEYEE WAARSAA GAAGIXISAY.
Natiijadii waxay noqotay in
Soomaalida dhexda ku lunto: Mareykankii ay u wareegtayna
waxba u qaban waayo, WARSO-na ay Itoobiya la safato
sidaana ciidamadii Soomaalida lagu buburiyo jab xunna ka
soo haleelo, arrintaasina waxay ahayd BILOWGII BURBURKA
JAMHUURIYADII SOOMAALIYA.
Maalintaasi haddaan qiimeyn kari
weynay xaaladda dunida oo dalal maqan oo aanu soo celino
iska daaye lafaheenii ku qamaarnay.., waxay ahayd in dib
loo fiirsado laakiin maxaa ka dambeeyay..? .
Jabhadihii kacay
Jabhadihii kacay ee sumadda
Soomaalinimo yeeshay waxay mid waliba salka dhigatay
Itoobiya iyadoo qorshaheedu yahay inay rido taliskii
Kacaanka iyo dowladii Maxamed Siyaad, istiraajiiyad kale
Buuggaba uguma qorneyn…, maxaa dhacay Jabhad waliba
beel ayay noqotay sida SSDF oo u xuubsiibatay Majeerteen
SNM oo noqotay Isaaq iyo USC oo Hawiye ahayd, kuwo
kalena waa jireen.
SSDF seeftii xoogga lahayd ee
Kacaanka ayaa kala tuurtay, SNM-na awoodii dowladnimo
ayaa lagula dul dhacay, USC-na way u danbeysay.. laakiin
xarfahaasi beelihii aan soo sheegay ayay u taagnaayeen
ilaa haddana loo yaqaan. Markii Maxamed Siyaad meesha
ka baxay istiraatiijad la’aantooda jabhadihii beelo ayay
u qeybsameen dagaalo sokeeye ayayna isla galeen.
Dagaaladii sokeeye
Waxaa nasiib darro bilowday dagaallo
sokeeye oo Soomaaliya ka dhigay hoyga dhimashada,
gaajada, dowlad la’aanta, qaxootiga darxumada iyo
ixtilaalka, waxa ugu wanaagsan ee burburka ka soo dhex
baxay waxaa la oran karaa waa Somaliland oo haba
sheegato dowlad madax bannaane wax uun maamul u egi ka
jiro, is maqal xoogaa ahna laga helay.
Dowladii Maxamed Siyaad waxaanu ku bedelnay dal
qabqableyaal isku heystaan oo tobanaan imaaradood iyo
beelo u kala qeybsan, nidaamkii hantiwadaagga waxaanu ku
bedelnay isuma-taliso iyo fowdo, Soomaalinimadii waxay
ka badin weysay inaanu beel beel isu dilno.
Qarankii jabay, karaamadii luntay iyo dadkii kala
tegay ee isla noolaan waayay.., waxay mar labaad garan
waayeen sida dunida loogu nool yahay kadibna karkii
karay ee karkaarada jebiyay wuxuu umiliyay inay wadaado
(Maxkamadihii Islaamiga) caasimadii la wareegaan meesha
ka saaraan qabqableyaashii 15 sano ku ilmo dhalatay ee
Koonfurta Soomaaliya kala qeybsaday.
FURSADII UNISOM
Dagaaladii sokeeye markii ay socdeen sanad wax yar
uun ka badan waxay Soomaaliya isu bedeshay dal burburay
iyo dad dhammaanaya oo tarab tarab u le’anaya. Dunidii
xaaladaas ka damqatay waxay Soomaaliya kadhigtay mid
loogu soo gurmado sidii loo badbaadin lahaa, loona
quudin lahaa Soomaalida dhammaanaysa ee Soomaalida kale
laga siin waayay gargaarkii… aan is weydiinee
caga-bararkii iyo gaajadii kalabar Soomaalida qarka u
saarantay inay u dhammaato yaa sababteeda lahaa.., Kuwii
wadooyinka xirtay ee Baydhaba ka dhigay magaalada
dhimashada una diiday in dadkaas ay macaluuliyeen ee ka
haray kuwii ay laayeen gargaar la gaarsiiyo haddii ay
markaas kadib arrintii jihaad u bedeleen iyo gaallo la
dirir waxay ahayd tijaabo aan soo marnay.
Fursadaas noocii ay doonto ha loo dhigee iyaduna
waxay ahayd istiraatiijiyad xumo lagu waayay dadaal kale
oo Soomaaliya looga soo saari lahaa godkii dheeraa ee ay
ku dhacday, mana laga faa’iideysan ee isla dabinkaas
ayaanu ku soconnaa.
Maxkamadaha islaamiga

Maxkamaduhu
waxay taageero ka heleen dadweynaha Muqdisho oo kadib
xukuumadii Siyaad Barre ku soo jiray cadaab iyo kadeed
aan la qiyaasi karin… waxayna taageeradooda la mid ahayd
tii la siiyay Jabhadihii kacay siiba USC oo Muqdisho
ugaa danbeysay dowladii Maxamed Siyaad Barre, laakiin ma
jirin qorshe ama Istiraatiijad ay Maxkamaduhu ku talo
jireen ama hayeen… xitaa iyagii ayay qaadan waa iyo la
yaab ku noqotay inay ka guuleystaan qabqableyaashii
Muqdisho..!!!.
Dad badan oo aqoonyahanno iyo nooc waliba leh ayaa la
taliyay madaxdii Maxkamadaha kuna booriyay inaysan
fursadan lumin, Soomaaliduna markan ay u dhow dahay in
dowladnimadeedii la soo celiyo, laakiin caadadii hore
ayaa dib loo raacay oo caadifadii soo celinta
Somaliweyn waxaa lagu bedelay caadifad kale oo ah
JAMHUURIYADDA ISLAAMIGA SOOMAALIYA.
Raas-kaambooni ilaa Gaalkacyo maxaa inoo dhiman ayay
xisaabtii noqotay, rag madaxdii Maxkamadaha ka mid ahaa
oo kheyrka jecel ayaa iftooday, Baydhaba barqa cad ayaa
lagu tegayaa, kadibna Puntland iyo Somaliland ha is
dhiibeen haddii kale DAADKAA QAADAYA..?!.
Laguma waaya aragnimo qaadan taariikhdaas fashilka ah
ee aanu soo marnay. Lama akhrin waayaha dunida, xisaabta
laguma darin xaaladda dunida ka taagan iyo waxa dhacaya
(Afghanistan, Ciraaq, iyo Lubnaan), waxaanu ka dhaxalnay
xaaladda aanu maanta ku jirno ee gunta hoose aanu
fadhino.
Micnuhu maaha inaan khaladka oo dhami anaga leenahay,
mana aha inaysan macquul ahayn dhismaha dowlad islaami
ah oo Soomaaliya yeelato shalay, beri iyo Saa-dambe,
laakiin waxaa muhiim ah inaad akhrin karo siyaasaddaha
saddexda maran ee aad ku dhex nooshahay, inaad abuuri
karto jawi aan ku noolaan karto adiga kuna jiri karto
adigoon u gudbin deriskaada.
Danaha Mareykanka iyo madaxweyne Bush Soomaaliya ka
leeyahay iyo danta Itoobiyada Meles Zenawi anagaa
mideynay sanadka 2006-da oo isku qasabnay sidii aan
sameynay 1977-kii oo aan u mideynay danihii WARSO ee
Midowgii Soofiyeeti iyo Itoobiyadii Mingistu, meelaha
aysan Soomaalidu iska bedelin ee falanqeyta u baahanna
waa halkaas (Hoggaamiyeyaashii Maxkamadaha 2006-da iyo
Gen. Siyaad Barre isku ujeedo iyo hadaf ma ahayn laakiin
waxay ka sinnaayeen Istiraatiijiyad la’aan iyo qorshe
xumo).
2007-da kadib
Kadib markii ciidamada Itoobiyaanka dalka qabsadeen
aakhirkii sanadkii 2006-da (Markii caddowga loo jabay
Culimadiina yaaceen), haddana qorshe xumidii
suuragelisay guuldarradaasi weyn way sii socotay, wayna
ka sii dartay Istiraatiijiyad xumadeena ilaa heer aan
gaarnay inaan isku qabsano bixitaanka Itoobiyaanka iyo
qaabka ay tahay in dalka looga saaro.
Kuwii keenay (TFG-da) ayaa isku khilaafsan, kuwa
dagaalka kula jira ayaa isku khilaafay umadiina kuwaas
ayay ku dhex luntay. Dhamaantood sow uma adeegayaan inay
sii joogto…???!!!. Haddii Soomaalidu is heysato, la isku
heysto, lana kala heysto yey faa’iido ugu jirtaa..??.
Istiraatiijiyad xumada salka na dhigatay ee aan ku
luminay qaranimadii, isku dilnay welina qarka u saaran
nahay inaanu inta dhiman ku weyno sideen uga dawoobi
karnaa?.
Waa su’aal adag, laakiin aan is weydiinee kumanaanka
NGO ee xilligan dal dibad Soomaalidu ka dhiseen maxaa
looga heli waayay urur, xarumo ama machadyo
istiraatiijiyadeed oo umaddeena haga, kala taliya
masiirkooda iyo danahooda?. Boqolaalka aqoonyahan ee ku
nool dibadda qaarkood wax ka dhiga Jaamacadaha Waqooyiga
Mareykanka iyo Yurub ma awoodi waayeen inay mar uun isu
yimaadaan oo hanaan qaran u fekeraan ama dhisaan isu
tagyo Soomaalida loogu jeexayo hannaan ay dowladnimo ku
gaari karto.
Yaa maanta sheegi kara oo noo haya qaab aan ku
qeybsan karno dowladnimada oo aan ahayn Qabiil iyo
Gobol? Waxaasi oo su’aalo ah waxay ku wajahan yihiin
inta aqoonta u leh ee ka damqaneysa haadaanta ay
Soomaali ka sii laadlaado iyo inta ay ku harsan tahay
dadnimo iyo damiir wadaniyeed, bal aanu isla sahmino
walaalayaal.
Maqaal kale oo ku saabsan ISTIRAATIIJIYAD XUMIDA
MAXKAMADAHA (MUQAAWADAMADA) oo xasaasi ah filasho wacan…
Insha Allaah.
Waxa Qoray:
Shariif Moalim
Shariif55@hotmail.com
Muqdisho Somalia