HORYAALKA EUROSOM OO AL-HIJRA NOQOTAY IYO XAFLADII XIRITAAN.
Waxaa muddo laba isbuuc ah ka socdey magaalada
Leicester tartankii tobonaad ee ciyaaraha EuroSom, tartankan
ayaa waxaa uu intuu socdey lagu tartamayey ciyaaraha kala duwan
sida kubadda cagta (da'da yar yar iyo waa weynba), kubadda
koleyga (Wiilal iyo gabdho), Kubadda Miiska, Falaaraha ama
kabdhoodka, Orodada,waxaa xusid mudan sanadkan in EuroSom ay
noqotay markii ugu horeeysey ee lagu tababaro maamuladooda
qaabka loo sameeyo isku aadyada ama jadwal diyaarinta.
Aqristow maanta ayaa waxaa lasoo gabagabeeyey dhamaan
ciyaarahaas aan kor kusoo xusnay.Hadaba galabta ayey aheyd
markii ay usoo soo hareen dhinaca kubadda cagta laba kooxood oo
iyagu Finalkii isugu yimid kuna wada ciyaaray halkaas cayaartii
kama danbeeysta aheyd, labadan kooxood ayaa waxaa ay kala
ahaayeen Kooxda Al-Hijra oo reer London ah iyo Kooxdii martida
loo ahaa ee Leicester, labada kooxood ayaa waxaa ay wada yihiin
kooxo ka dhisan wadanka Ingiriiska.
Labada kooxood ayaa waxaa inta aysan ciyaarta bilaaban waxaa wax
ka weydiiyey macalimiintooda sida ay u arkaan ciyaarta maaanta.
waxaa ugu horeeyntii aan ku hormaray macalinka kooxda reer
Leicester Macalin Abdi oo waxaa weydiiyey ciyaarta sida uu u
arko, waxaa uuna iigu jawaabay 'Runtii waa ciyaar kulul oo labad
kooxoodba wey wada adagyihiin, walow ay kooxda Al-Hijra naga
qibrad badan tahay oo angu waa markii noogu horeeysey oo aan
imaano tartankan cayaarta Finalka ah, lakiin waa ciyaaroo
waxwalba ayaa ciyaarta ka suurtowda waanse isla arki doona
jawaabteeda' sidaas waxaa yiri macalinka Leicester. Sidoo kale
waxaan halkaas ku waraystey macalinka Al-Hijra oo waxaan
weydiiyey isla su aashii, waxaana uu iigu jawaabay 'Waxan waa
kubad marna adiga ayey ku jirta marna dhinaca kale, lakiin sidii
nalagu yaqiinay waxaan soo bandhigi doonaa ciyaar wanaagsan oo
ay dadka kawada helaan' sidaas waxaa yiri Macalin Rabiiic
Mcalinka kooxda Al-Hijra.
Si kastaba ciyaartii waa bilaabatay oo waxaa ay ku bilaabatay
jawi degen, waxyar kadib ayaa waxaa bilaabatay in koox walbaa ay
markeeda weerar qaado, weerarkaas iyo weerar celiskiiba waxaa
ugu danbeeyntii ciyarta qaybteedii hore ay kusoo gabagaboowdey
eber iyo eber. Qaybtii labaad ayaa layskugu soo laabtay, kadib
markii ay latashteen labada kooxoodba macalimiintoodii,
ciyaartii wey adkaatay oo waxaad arkeysey inkooxdii Leicester ay
soo bandhigeen ciyaarquruxbadneyd oo weerarkooduna aad u badnaa
oo ilaa iyo sedexgool ay iska cuneen. Macalin Rabiic ayaa arkey
qaabka ay ciyaarta usocoto isla markaasna badal kusuubiyey
ciyaartoydiisii iyo qaabkii ay u ciyaarayeen oo waxaad arkeysey
in nin ka cayaarayey weerar uu ku badalay mid difaaca ka cayaara
isla markaasna suubiyey nin difaaca ka ciyaara inuu geeyo
weerar, si kastaba wixii larabo halaysku adeegsado ciyaartii
qaybtii labaadaa waxaa ay kusoo gabagaboowde isla eber iyo eber.
Waxaa lagu daray waqtigii dheeraadka ahaa waxaa ay isna
qayybtii hore ku dhamaatay eber iyo eber, qaybtii labaad ee
waqtiga dheeraadka ahaa ayaa waxaa ay qalad kusuubiyee diilinta
18-aad dhexdeed kooxda Leicester halkaasna Rigoore laga dhigey
waxaana Rigooradaas kooxda Al-Hijra u dhaliyey inankii lambarka
Tobonaad u sitey kooxa Al Hijra Jamaal.
Kooxda Al-Hijra ayaa sidaas waxaa ay ku noqotay Horyaalka
EuroSom, Al-Hijra waa markii labaad oo ay horyaalkan qaado. Kii
sanadkii ugu danbeeyey waxaa qaadey kooxda Kanava ee Finland.
Waxaa ciyaarta ka dib jirey xaflad xiritaan ah oo lagu soo
gabagabeeynayey tartanka Tobonaad ee EuroSom, xafladan ayaa
waxaa ay ka dhacdey hool aad uqurux badan oo ay soo diyaariyeen
gudigii qabanqaabada ciyaarahan uguna talagaleen in ay
kusogootiyaan walaalahooda kasoo qayb galay ciyaarahan.
Xafladan xiritaanka ayaa waxaa ay isku jirtey mid lagu
aablmarineyey dhamaan dadkii kasoo shaqeeyey barnaamijka snadka
soo socdaanadkan iyo dhamaan cid aale iyo cidii kuguulaystay
tartamadii kala duwanaa ee sanadkan. Waxaa sidoo kale xafladan
loogu codeeynayey labaddii wadan ee isku soo sharaxdey iney
qabato ciyaraha sanadka soo socda.
Xafladan waxaa lagu abaal mariyeye dad aad u tiro badan oo aan
halkaan kusoo koobi karin lakiin , dhinaca kubadda Cagta waxaa
macalinkii ugu fiicnaa noqdey Macalin Siciid Ceyrow,
ciyaaryahankii ugu fiicanaa waxaa uu Noqdey Ciyaaryahankii
kooxdii birmingham u sitey Nro 10-aad, halka goolal dhalintana
uu noqdey ninkii ugu badnaa inankii nro 10-aad ee Al-Hijra,
kooxdii ugu fiicneydna Kooxda Birmingham, goolhayihii ugu
fiicnaa kooxda Norwey.
Xafladaii waxaa ay kusoo dhamaatay Jawi aad u macaan oo dadkii
halkaas isugu yimid ay aad ula dhaceen, waxaa xusid mudan in ay
sanadkan isku soo sharaxeen laba wadan oo mid walba uu rabay
inuu sanadka soo socda qabto ciyaarahan. Labada wadan ayaa waxaa
ay kala ahaayeen Wadanka Denmark iyo Sweden waxaan halkaas
codeeyn ka dib ku guulaystay wadankii Sweden qaas ahaan
magaalada Gothenburg.
Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudomiye kuxigeenka GOS
Duran Farah,Bashiir Fox,Garossre caalami ah Gen.Bashiir M. Jamac
(Goobe,Garsoore) caalami ah Maxamed Farax,Madaxa laanta afka
somaaliag BBC-da Yusuf Garaad,Gudoomiye ku xigeenka K.Cagta
Axmed Nur,Macalin Bashiir Abdi Daahir,Gudomiye K.K.Koleyga iyo
horumarinta Baana,Macalinka Qaranka Anyeelo,C.M.Farah(Biriq)Laacibkii
batroolka, Mucjisadii kubadda miiska Magan Daahir,Laacibtii
kubadda koleyga Dhame iyo Axmadeey oo Canada ka yimid, Biini,
odayaasha EuroSom oo aan lahilmaami karin Prof.Musse
Naasir,Muridi Zein iyo Sabriye.
Waxaan marnaba la hilmaami karirin websideyadii nala shaqeeyey
oo aan halkan mahadbalaaran uga soo jeedinayo, waxayna kala
yihiin Hiiraan Online,Deeyoo,Ciyaaraha,Somalitalk,Radio
Dalmar,Onkod, Somalisc.com iyo idaacada BBC-da qaybteeda afka
Soomaaliaga, websideka Calanka.com.
Waxaan ugu danbeeytii aniga oo ah Af-hayeenka EuroSom Abdiaziz
Godah aan hanbalyo usoo jeediyaa maamulka EuroSom Leicester iyo
dhamaan intii ka qayb qaadatay soo dhaweynteenii iyo sidii
wanaagsaneed ee ay noola shaqeeyeen muddo laba isbuuc ah, waxaan
sidoo kale maamulka cusub ee sanadka soo socda iyagana u
rajaynaa intaas iyo ka fiican.
Isku soo wada duub mudo laba isbuuc ah ayaa waxaa halkan habeen
iyo maalin ka socdey barnaamijyo isdaba tixnaa oo aan halkan
lagu soo koobi karin, waxaa inoo balan aha Gothenburg Sweden iyo
2009 haddii ilaah yiraah.
Sawirada Gabagabadii Ciyaaraha EuroSom... Daawo
ABDIAZIZ GODAH
Leicester-England
Tartankii kubadda koleyga ee EuroSom oo ay ku guuleeysatay kooxdii
Cardiff iyo Ciyaartii ciyaartoydii Hore ee cuslaatay...
Akhris/sawiro.. July 29