Fidinta diinta iyo doorka culumada Soomalaida Koonfurta
Afrika (dad baddan oo diinta lagu soo duwayo). Inbaddan
waxaa dhagahaaga kusoo dhacay marka aad wadan qurbo ah
joogtid,oo diinta masiixiyada ku badantahay “aduunyo ayaad usoo
haajirtey, ma adigaa diin usoo haajirey, halkii laga haajiri
lahaa ayaad usoo haajirtey, kolkaas ayaad ka cabanaysaa
dhibaatada qurbaha kugu heysato”, laakiin marka aad dhinac kale
ka eegto bulshooyinka islaamka ee u haajirey wadamada gaalada
waxay kaalin lixaad leh ka qaadanayaan fidinta diinta, tusaalada
koowaad waa Soomaalida, ay ka mid tahay tan ku nool dalkani
K/Afrika kuwaas oo culumada ay dad baddan islaamka kusoo dareen.
Waa maalin jimco ah, jawigana waa mid degan, waa maalin kale
oo aan ku waa bariistey nabad iyo caafimaad, anigoo rabi weyne
xasuusan, waxa kaliya ee i walwalgalinayo waa wadanka qurbaha ah
ee aan ku noolahay, dhibaatada walaalahayga soomalaida ku
heysato, iyo jamhuuriyada kiristaanka ah ee aan ku dhex
noolahay, waxaan ka walbahaarsanahay waxa aan diinteeyda iyo
dalkeeyga u qaban lahaa haddii aan joogi lahaa dalkeeygii hooyo.
Laakiin walwalkaasi wuxuu I daayay markii salaadii jimcaha laga
baxay.
Mid ka mid ah mashaa’iikhda masaajidka Johannesburg maamusha
ayaa isu taagay in uu iclaan jeediyo, wuxuu yiri “waxaan u
istaagay in aan idiin sheego, waxaa jirra nin walaalkeen ah, oo
hadda diinta kusoo biiraya, waxaan rabnaa in halkan shahaada
loogu qabto, ee fadlan dhagaysta oo fadhiya”, intaasi markii aan
maqlay ayaan kasoo istaagay meeshii dambe ee aan masaajidka ka
fadhiyey, waxaan usoo dhawaaday halkii imaanka iyo culamada
shahaada u qabanaysay walaalkeena cusub ay fadhiyeen, waxaa
shahaadada u qabtay Fadiilatul Sheekh Isxaaq oo daqiiqado ka hor
salaada jimcaha naga bixiyey, ahaana sheekhii qudbada jimcaha
aqriyey, “Ashhadu”, waa uu ka daba dhahay, wax yar kadibna waa
loo dhameeyey ashahaado qabadsiintii.
Ninkani walaakeen ah ee hadda diinta kusoo biirey, waxaa
horey loogu magacaabi jirrey Gabreal Mazwi, waa 36 jir, wuxuu ka
yimid dalka Zimbabwe, qadar daqiiqado ah oo aan ku waraystay
masaajidka dhexdiisa ayaa waxa uu iiga sheekeeyey qaabkii uu ku
go’aansaday in uu diinta islaanka kusoo biiro , wuxuu yiri
“waxaan ka dhashay qoys kiristan ah, South Africa markaan imid
ayaan waxaa la shaqeeyey dad muslimiin ah, waxaa iga yaabiyey
dhaqankooda suuban, daacadnimadooda, deeqsinimadooda, sida ay
isaga illaalinayaan xaqqa dadka kale, sida ay daacad oga yihiin
cibaadada iyo salaada, waxaan ogaaday wixii salaad ahaan ay u
tukan jirreen reerkeena iyo dad Kiristanka ah , eey ahaayeen
waxyaalo been abuur ah, oo aan sal iyo raad lahay” ayuu yiri
walaalkeena cusub oo hadda magaciisa loo rogey Jamaal.

JAMAAL OO MUSLIMAY
Bal eeg oo u fiirso, ninkani waxa diinta kusoo daray isagoo
arkay dhaqanka suuban ee dad muslimiin ah ku camal falayaan,
halkaasi maxaa kaaga baxaya?. Waxaa halkaasi kaaga muuqanaya in
adiga oo aanan wax dadaal kale ah ku bixinin in aad qof soo
islaamiso, kaliya dad badda baddan aad ku islaamin karto in aad
dhaqankaaga toosiso, oo aad dadyowga kale u muujiso waanaaga
islaamka , iyo dhaqankkiisa u wanaagsanyahay, waxaa suurogal ah
in dadka ay ku qancaan diinta kadibna ay diinta kusoo biiraan.
Laakiin ka waran haddii adigii islaamka ahaa aad u dhaqmayso si
ka fool xun, kana an islaamka aheynn?, sideed qof ugu
qancineysaa islaamka waa diin wanaagsan ee kusoo biir?.

DADWEYNAHA OO MASAJIDKA FADHIYA
Walaalkeen Jamaal waa mid ka mid ah tusaalaha wanaagsan ee
aan usoo qaadan karro shaqada wanaagsan ee ay hayaan Culumada
Soomaaliyeed ee markani noqdey laf dhabarta Kumanaanka
Soomaalida ah ee dalkani degan, mid ka mid ah culumada oo markii
Jamaal la islaamiyey hadlayay ayaa yiri “soo dhaweeya walaakeena
cusub, qof idinka oo kale ah umbaa diinta kusoo jiidey, waa
waajib idin saaran in aad dadka aysan diinta gaarin aan diinta
kusoo duwdaan” dabcan fariintaasi iyo waxa meesha daqiiqado ka
hor ka dhacay ee qeerka iyo wanaaga ah ayaa qof kasta oga
filneyd in uu ogadaado awooda ku jirta iyo sida ay suurogal ugu
tahay in uu afkiisa iyo adinkiisa diinta rabbi ku faafiyo.
Sida uu mardambe ii sheegey Sh. Axmed Dheere, oo ah xoghayah
guud ee ururuka culumada Al-Bayaan, anigana aanba ka warhayay,
waxaa jirey dhowr qof oo kale oo sanadkani gudihiisa lagu
muslimiyey masjidkani oo sanad kaliya dhisan.

AXMED DHERE OO KALIMAD BOGADIN IYO DHIIRIGALIN AH MUNAASABAD KA
SHEEGAYA
Ururka dacwada ee Al_Bayaan ayaan howlo baddan ka qabtay
xagga fidinta diinta, illaa iminkana wada, waxaa kamid ah
howlaha u qabsoomay ururka dhismaha masjiido Soomaalida ay ku
cibaadeysato, samaynta mandaaris ay caruurta wax ku bartaan,
kuwaas oo caruur baddan ay ka faa’iideysatay, waxaana jirra in
wali looga fadhiyo howlo baddan oo kale, laakiin waxay u
muuqataa in markani Ururka Al-Bayaan oo 10 sanno ka hor ku
billoowdey si gaabis ah uu noqdey Daad aanan cidina moosi karin,
oo faafinaya diinta Islaamka, iyo u adeegeeda.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo). Email:
saxansoxo1@hotmail.com., ama
Southafrica@somalitalk.com. Johannesburg, South Africa,
Somalitalk. Tell:+27767059384.