SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mooshin Lagu Doonayo In Xilka Lagaga Qaado raysal-wasaare Nuur Cadde Oo Ka Bilowday Baydhabo

Mooshin Lagu doonayo in Xilka lagaga qaado raysal wasaaraha Dowlada FKMG ah Nuur xasan xuseen (nuur Cadde) ayaa ka Bilowday magaalada baydhabo Iyadoo ay wadaan Mooshinkan Qaar ka tirsan Baarlamaanka FKMG ah ee fadhigiisu yahay Magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka bay .

Mooshinkan oo si xowli ah Uga soconaya magaalada baydhabo ee baarlamaanka dhexdiisa ayaa soo shaac baxay kadib markii la sheegay kulamadii caadiga ahaa ee ay yeelan jireen Baarlamaanka FKMG ah Hoolka shirarka ee xarauntii Hore ee ADC Maalintii shalay ay Kooxo kooxaysi ka dhex Bilowday Gudaha baarlamaanka islamrkaana ay ku Doonayaan sidii loosoo bandhigi lahaa mooshinkan ka dhanka ah raysal wasaare Nuur cadde.

Sidoo kale Mooshinkan ayaa Durba soo shaac bixiyey khilaaf laysku mari la,yahay ayaa warar laga helayo Xildhibaanada FKMG ah oo ku sugan magaalada baydhabo islamrkaana Diiday in Magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Mooshinkan uu ka dambeeyo madaxweynaha Dowlada FKMG ah oo beryahanba ka Biyo diidanaa Siyaasada raysal wasaare Nuur cadde taasoo soo if baxday xilikaa qaadistii Duqa caasimada maxamed dheere .

Mudanahan ka tirsan baarlamaanka ayaa sidoo laga soo xigtey inay Jiraan kala qaybsan siyaasadeed oo durba ka Dhex Bilowday baaralamaanka FKMG ah dhexdiisa oo laysku mari la,yahay Xil Ka qaadista raysal wasaare Nuur cadde taasoo Guuxa baarlamaanka dhaqaalo Urursigu oo aad isu soo tarayo.

Hadalka Mudanahan ayaa kusoo beegmaya Xili ay jiraan Khilaaf la sheegay inuu U dhexeeyo raysal wasaare Nuur xasan xuseen (nuur cadde ) iyo madaxweyne C/laahi yuusuf taasoo ay dadka Qaarkiis Sheegayaan inay khilaafkan ka dambeyso Xukuumada Ethiopia oo ka dhalatay dadaalka nabadeed ee uu Nuur cadde ka dhex wado Qaybaha siyaasada ee dalka soomaaliya .

Ma Dhabaa In Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Madaxweyne Yuusuf Iyo Raysal-wasaare Nuur Cadde.

Waxaa Cirka isku sii shareeraya Khilaafkii u dhexeeyey Madaxweyne Yuusuf iyo raysal-wasaarihiisa Nuur cadde kaasoo Durba dhaliyey kala qaybsan siyaasadeed oo dowlada FKMG ah iyadoo Xili Asbuucyo ka Hor uu mad madow ku Jiray waloow uu iminka sii biyo dhigay islamrkaana uu salka Ku hayo is maandhaafkani Kooxaysiga kala Fekerka ah ee dowlada KMG ah

Xiisadan sii kordhaysa ee u dhaxaysa madaxweyne yuusuf iyo Nuur cadde ayaa miciyaha lasoo baxday xiligii uu raysal wasaare Nuur cadde xilka ka xayuubiyey duqii caasimada Muqdisho maxamed cumar xabeeb (maxamed dheere) oo uu u arkay nuur cadde inuu caqabad Ku yahay amaan kusoo dabaalida caasimada Muqdisho waloow ay madaxweyne yuusufna ka xanaajisay .

Sidoo kale Raysal wasaare Nuur cadde oo dadaalo dheeraad ah oo dhinaca nabadaynta ku Jiray tan iyo Intii lasoo doortay ayaa ku talo Jira sidii uu Miciyaha Uga siibi lahaa madaxda uu is leeyahay waxay is Hortaageen dadaalada nabadeed ee uu doonayo inuu salka Ugu dhigo dowladiisa islamrkaana ka Bilaabay maxamed dheere oo ahaa gudoomihii gobolka banaadir .

Dhinaca kale waxaa soo If baxaya Qorshaha siyaasadeed ee madaxweynaha DFKMG Yuusuf oo isagu aan marnaba ka raali ahayn sida Muuqata in xilka laga qaado nin ka tirsasn kooxdiisa oo uusan xilka ka qaadin islamrkaana ay warar Hoosaadyo laga helayo xarunta villa soomaaliya ee Hoyga yuusuf ay sheegayaan inuu Madaxweyne yuusuf qabo fekerka ah inuu Nuur cadde samaystay Koox siyaasadeed ka Horjeeda Mowqifka C/laahi yuusuf .

Qarax Miinada Rimuudka Laga Hago Oo Saaka Lala Beegsaday Ciidamada Ugaandha Ee Muqdisho Ku Sugan

Qarax miinada Nooca Rimuudka Laga hago ayaa saaka lala beegsaday Ciidamada Ugaandha ee ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee magaalada Muqdisha ku sugan halkaasoo uu ku geeriyooday Askari ka Tirsan ciidamada Ugaandhiiska ah ee ku sugnaa Agagaarka KM-4

Askariga Ku geeriyooday qaraxan oo Miino baadhe ahaa ayaa Si Lama Filaan ah waxaa Ugu qarxay miino aad U xoog badan oo hal mar gariirkeedu saameeyey dhamaan deegaanada ka ag dhowaa KM-4 Halkaasoo Hilibkiisu cad cad U googo,ay askirigii miino baadhaha ahaa islamrkaana derbiyada Guryaha ku dhowaa halkaasi ay ku daafadaysay Hilibkii oo Googo,an .

Sidoo kale sida uu saxaafada U xaqiijiyey sarkaal U hadlayey Ciidamada Ugaadha ee amisom ayaa sheegay in askarigaas oo keliya uu kaga geeriyooday qaraxan islamrkaana intaasi sii raaciyey inaysan Jirin Cid kale oo ku waxyeelowday Qaraxan Miino ee Goobta ay Miinada ka baarayeen ka dhacay .

Dhinaca kale Mid ka mid ah dadka deegaanka ku sugnaa Xiliga qaraxaasi dhacayey ayaa Saxaafada u sheegay in saaka barqanimadii ay ciidamada Nabad Ilaalinta Ugaandha ay lug ku marayeen wadada isku xirta garoonka diyaaradaha aadan cadde air-port iyo Isgoyska KM4 kadibna ay arkeen Qarax Hal mar Hawada isku shareeray .

Ciidamada booliska dowlada KMG ah iyo Ciidamo ka tirsan Kwa AMISOM ayaa isku gadaamay Goobta Qaraxu ka dhacay Mudo daqiiqado ah kadib iyagoo xiray wadada isgoyska KM-4 islamrkaana kusoo Qab qabtay Culimo Udiin Tabliiq ah iyo dad shacab ah oo xiligaa Doonayey inay Ku tukadaan salaada Jimcaha masjid Ku yaala agagaarka Goobta Qaraxu ka dhacay ee KM-4 .

Qaraxaasi ka dib ayaa Ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Uganda waxa ay isku faafiyeen wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo isgoyka KM4,waxaana Ciidamadu ay qab qabteen dad aad u fara badan oo qaarkood la sheegay in ay kala baxeen Masaajid ku yaala nawaxaaiga uu qaraxu ka dhacay islamarkaana wadada ay dib u fureen.

Qaraxan oo aan La ogayn Cida ka dambaysa ayaa warar Hoosaadyo soo baxaya sheegayaan inay sheegteen Xoogaga dagaal yahanka Al-shabaab ,mana aha Qaraxii UGu horeeyey ee lala Beegsado ciidamada Amisom ee Ku sugan caasimada Muqdisho islamrkaana ay jiraan Tiro ka dhowr jeer oo hore oo lala beegsaday Qaraxyo ay waxyeelo kasoo gaartay .

Yaasiin Maxamed faytin

Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 1, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS