SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Kaalmo ay soo dhiibeen jaalaiyadaha wadamada Denmark iyo England oo la gaarsiiyey dhaawacyada jiifa ispitaalka dayniile ee magalada muqdisho

Sawirada halkan ka daawo.....

Deeqahaan la garsiiyey dhawacyadaan manta ayaa ahaa dhmaantood lacago gaaraya $1000 waxaana la siinayey qofkiiba 200.000 sh:Somali ah  

Kalmadaan oo aheyd laba qeybood ayaa tan hore waxaa ispitalka soo gaarsiiyey gabdho muxsiniin somaliyeed oo ku dhaqan dalka Denmark magaalada Copenhagen oo soo wakiishay xaawo Cali Dheere iyo Safiyo nuur Cali waxayna u soo marsiiyeen deeqdaan lacageed nadiifo Cali Shadoor oo gacanteeda ugu qeybisay bukaanada dhaawacyada la idran ee jiifa ispitaalka dayniile . 

Munaasibadii dhaawacyada lagu gudoonsiinayey buukaanada oo ka dhacaday gudaha ispitalka dayniile ayaa waxaa ka mahadcelisay marwo Caasha Cusman Ugaas ( Casha Shaacuur ) oo ah madaxa gudiga ispitalka dagmada Dayniile  

Mana aha markii ugu horey ee ay nadiifo lacago sidaan oo kale ah qeybiso lacagahaan qeybo ka mid ah ayaa waxaa loogu talagalay dadka u barakacay deegaanada u dhaxeeye muqdisho iyo afgooye iyo sido kale ispitaalada xabeeb ,madiina ,iyo banadir oo dhawaan laga qeybin dono lacago sidaan oo kale ah     

Deeqo la mid ah ayaa lagaarsiiyey isla ispitaalak dayniile  

Sidoo kale kaalmo la mid ah tan oo kale ayaa bukanadaan waxaa ugu deeqay qaar ka mid ah gabdhaha dagan  common ailing ee dalka engiriiska xaafada wets howl oo soo wakiisheen gabadha la yiraahdo madiino dhiblaawe waxayna u soo marsiiyeen  qeybinta lacagtaan marwo Caasha Cusman Ugaas ( Casha Shaacuur )  

Ispitaalka dayniile ayaa maamihii tagay la geeyey boqolaal dhaawacyo ah oo aan heli Karin qarashka ispitaalka iyo dhaqtarka kuwaas oo helay dhaqaatiir lacag la.aan ah sariiro , iyo qaliin iyo daawo oo ay intaba ugu deeqeen dhaqaatiir ka tirsan kuwa aan xudeeda laheyn ee faransiiska bukaanadaan ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen dagmooyinka gobolka banaadir iyo tuulooyika u dhow dhow waa sidaan sababta loo geeyey bukanada dagaalaka ay wax ka soo gaaraan intooda badan  

Cadnaan xuurshe Axmed 5 sano ayuu la jiifaa cudur jilbaha ka galay isaga oo dugsi quraan dhiganayey dagmada balcad xili ay qandho darani ku dahcday ilaa iyo hadana wuxuu la jiifaa ispitalka dagmad adayniile wax qarash ahna lagama qaado dhaawacyada dhmaantood 

Caaisho ibraahin waxaa caloosha looga qalay xabad wiifto ah oo ku dhacday xili ay joogtay xaafadooda oo ku taal dagmad ahodan ee magalca muqdisho waana 4 sano jir 

Isbitaalka dagmada dayniile ayaa ka geeyaa dhaawacyada ka sokow dadka uu so rito cudarka shuban biyoodka ,malaariyada , dhiigyarada , umulaha ,wxaana joogo dhaqaatiir taqasus u leh cudurada guud iyo qaliinka wxaana ka shaqeeya 150 qof oo shaqaale qibrado kala duwan leh iyada oo hada la wado dhismaha laba qol oo qalabkii iyo sariirihiina ay diyar ku yihiin gudaha ispitaalka oo ay maalgeliyan jaaliyadaha somaliyeed eek u dhaqan dibada  

Muuse Maxamuud Jiisow

Musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

0025215576666

0025250907666

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Australia: Waxaa burbur dhaqaale ku dhacay shirkad dallaaliin ah oo xiriir la leh Range Resources, arrintaas oo keentay in... Akhri warbixinta

Black Gold of Puntland
Warbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
: Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar... Akhri

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?: Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?.. Akhri..

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

 


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com