SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

CADDE MUUSE MA DOORANNAA MAR KALE?

W.Q Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil sheekh Adduun
Email: sheekhaduun@hotmail.com


Diryaan haantoow diryaan, diryaan duul maqan u yeer, diryaan dooxada ka yeer, diryaan oo diririg lee, diryaan weligaa ha demin - (Haan- ciyaar dhaqameed Soomaaliyeed, inta badan hablaha ayaa fiidkii ku cawweeya)

Waxaan filayaa in maanta laga soo tegay waqtigii riwaayadaha iyo ammaanta afka baarkiisa ah ee aan qalbiga sii jirin iyo durbaanka beenta ah lagu maaweelin jiray boqorrada iyo madaxda ummadaha ayna timid goortii runta la is fari lahaa xaqiiqadana farta la iska saari lahaa. Beeni raad ma leh, ayaa hore loo yiri, Rag waa kii run sheega, dumarna raalliyaa u roon- maahmaah banaadiri ahna waa ahayd.

Miisaan oo macnee si caddaalad ahna u lafo gur xaalka puntland, faa’iido iyo khasaaro kii aad ku aragto si bulshadu uga diga rogato degelka ay maanta taal uguna guurto berrin dhaama kan maanta la joogo ee qaniinka leh nooc walba; shillinta, kudkudaha, gafanaha, gendiga- inta dhiigga jaqda iyo inta ummad bi’isa; ammaan xumida, sicir bararka iyo boobka Khayraadka Dalka iyo hantida dadweynaha iyo inta kale ee tiro beelka ah.

Xukuumadda Madaxweyne Cadde Muuse waxay si cad ugu fashilantay maarayntii maamul goboleedka Puntland, taasna waxaa ugu wacan tayo xumida xukuumadda, barnaamij la’aanta, xisaabtan la’aanta xukuumadda iyo shacabka, jilicsanaanta madaxweynaha, la taliyaashiisa oo ah dad an sumcad iyo sharaf ku dhex lahayn bulshada, aqoon iyo waayo aragnimo maamul midna aan lahayn iyo isagoo aan xilliga xulitaanka golahiisa wasiirada waxba talo ah ka siin hoggaamiyaasha bulshada ama beelaha ee uu wasiirradiisa ka soo doorto balse uu ku keeno nin jeclaysi ku salysan dan gaar ahaaneed.

Sidaa oo kale waxaa jira in ka badan 20 la taliyaal madaxwyne oo uga sheekeeya berisamaadkii madaxwynaha shaqooyinkii uu soo qabtay iyo sidii uu u noolaan jiray balse aan marnaba ku soo qaadin mashaakilka siyaasadeed iyo bulsho ee Puntland ka taagan.

Maanta cidna ma mooga dhibka ka jira dalka; waxaa hareeyey sicir barar, daabacaadda lacagaha beenta ah (money laundry), dad badani waxay aammin sanyihiin in xukuumadda iyo madaxda u sarreydsa maamulku ay hormuud ka yihiin lahaanshada iyo furashada warshada daabaca lacagta beenta ah, madaxweynaha laf ahaantiisuna marar warbaahinta caalamiga ahi (sida British Broadcasting Corporatio iyo Idaacada Codka Maraykanka) weydiisay lahaanshaha warshadaha waaba uu qiratay in xukuumaddu warshadaha qaarkood leedahay. Burcad -badeedda iyo mid berriba waxay haatan gaareen Puntland halkii ugu khatar badnayd, waxaa haatan baxsan la doonyaha iyo maraakiibtii badeecooyinka ganacsi u siday shacabka. Waxaa in badani la socotaa qiimaha Maraakiibta iyo doonyaha loogu soo kiraysto Soomali halka sare ee uu gaadhay, taasna waxaa ugu wacan khatarta ku sugan badaha soomaaliya.

Intaa waxaa dheer burbur ku yimid hay’adihii ammaanka iyo garsoorka musuqmaasuga iyo maamul xumada xukuumaddu caadadda ka dhigatay darteed taasina waxaa ka unkamay ammaan xumo keentay dad tira badan in lagu laayo, lagu dhaawaco laguna dhaco inta badan degaamada Puntland haba ugu badnaadeen Boosaaso oo ah xarunta dhaqaale ee ismaamulka, welina ma jirto cid loo hayo dilalka, dhaawacyada iyo faldambiyeedyadaa tirada beelay ee dhaca.

Waxaa si aan gabbasho lahayn ummadda horteeda loogu boobayaa khayraadkii dalka oo ay hooshayaan koox gaar ah oo isugu jira ajaanib iyo rag maamulku bari taarayo oo xiriir sokeeye la leh madaxda hoggaamisa maamulka.

Ganacsiga tahriibta oo ah mid ku xididaystay kana hirgalay Puntland ayaa ah masiibo aadami oo lagu eedeeyo Puntland maamul iyo shacab ba waana arrin magac xumo iyo caddaawad u keenay Puntland. Diin ahaan, dhaqan ahaan, akhlaaqiyan iyo damiirka aadamiga midna ma oggolaan karaan ganacsiga foosha xun ee tahriibta ee puntland caanka ku tahay. Ummada Somaaliyeed iyo bulshada Caalamkuba waa ku ceebeeyaan Puntland.

Puntland waxay kaloo ka mid tahay meelaha uu sida ba’an uga tisqaaday ka gancisga hubka sharci darrada ah oo Puntland na u noqotay siilad ama suuq lagu kala iibiyo. Hubkaasi si tahriibta waa mid gacanta u gala dad iyo kooxo si xun u adeegsada oo aan dada aan waxba galabsan ku dhibaateeya sida kooxaha burcadda ah ee badda wax ku dhaca ama ku afduba.

Dhaamman arrimahan waxay saamayn ku yeesheen nolosha shacabka Puntaland si gaar ah, si guudna ummadda Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku nool. Waxaasa samaysmaya hab nololeed bulsho oo dabaqad ku dhisan ka dib markii habkii dhaqan dhaqaale ee bulshadu u nooleyd uu burburay, maciishaddii circa isku shareertay, wax-hayntii danyartuna meesha ka baxday, guud ahaanna dhaqaalihii dalku burburay.

Maanta kooxaha danyarta ah ee bulshada iyo ganacsatadii yaryarayd oo nolol maalmodka ka debbiri jiray dukaamada iyo meherdaha yar yar dhammaan dadkaasi waxay maanta ku cayrtoobeen fasahaadka dhaqaale iyo lacagaha been abuurka ah ee horseeday sicir bararka aan hore loo arag ee gaadhay halkii ugu xumayd taariikhda umadda. Intii awoodi karaysay dadkii danyarta ahaa ee waayay fursadahoodii shaqo ama ay ka xirmeen meheradahoodii ganacsi ayaa haatan u qaxay xeryaha qaxootiga Xagardheer ee Ifo iyo dhagaxley ee ku yaal gobolka Waqoyi Bari ee dalka Kenya Iyo xerooyinka qaxootiga ee Jabuuti ee Holhol iyo Cali Cadde.

Dadka qaxay, ka sokow in noloshu ku adkaatay ayna kari waayeen in ay qoysaskooda quudiyaan maciishadda kacday iyo sicir bararka awgood waxaa jirta ammaan xumo gaadhay indadku is boobaan oo mararka qaarkood dharaartii suuqyada iyo waddooyinka la isku furanayo, taasi in badani waxay qabaan in ay qayb ka tahay faqriga iyo gaajada sii kordheysa ee ka taagan Ismaamul goboleedka Puntland iyo burburka ku yimid hay’adaha ammaanka iyo garsoorka ee Puntland.

Taariikhda inta la xasuusto lama arkaan ayaa ka dhacday Puntland sandkaan. Waxay tani dad badan soo xasuusisay sheeko waayeelku ka sheekeeyaan. Waxay tahay sannad abaar aahaa oo dad iyo duunyo la beelay ayna dillaacady qawlaysato arkaan-qaad noqotay, sannkaasi oo la oran jiray Xaaraama-cune ama bakhti qalato, gobollada Puntland midba si looga yaqaan. Waxaana qiyaastii taariikh ahaan uu ku beegnaa samankaasi afartameeyadii qarnigii 19aad . Maanta Xaalka Puntland wuxuu taagan yahay kolkii ay baxcday Kitow ka gur oo ah hal hays hore u baxay waayo ay deegaammo gobolka bari ka tirsan ay ka arrimin jireen awoowayaashii madaxweynaha haatan ku fadhiya kursiga laga hoggaamiyo Puntalnd, balse maanta ay dib dadka u xasuusiyeen kooxda hoggaanka haysa.

Ma jirto wax yididdiilo ama ruux-raajis ah oo ay wadaan xukumayaashu marka laga reebo safarrada aan kala go’a lahayn ee ay dalka dibaddiisa ugu baxaan iyo kolka ay kasoo laabtaan oo ay idaacadaha waraysta ka sheegaan in ay macdan iyo shidaal laga hirqado dadka usoo saarayaan oo ay heshiis kambaniyaal shisheeye kula soo galeen in ay khayraadka dalka noo baaraan ama soo saaraan. Shidaal la soo saaro sida uu suurto gal ku yahay waqtigan inta aan ba la isweydiin dad badani waxay shaki ka qabaan sumadda iyo shaqada ay qabtaan sharikaadka shisheeye ee heshiiska madaxdu sheegtay lala soo galay. Qaarbaa walwal ka mujinaya in kambaniyaashan suuqa madow ah ee aan sidaa loo aqoon saldhigyadoodana aan lahayn ayba qayb ka yihiin maafiyada caalamka iyo sharikaadka ku hawlan hawlan ka macaashidda shaqqooyinka sharcidarrada ah ee shatarta badan sida daabulidda iyo fogeynta wasakhda iyo haraaga warshadaha farsameeya niyukleerka, haraaga warshadaha kiimikada iyo isbitaallada wasakhdaasoo horeba ilaa maantadan la joogo la aaminsanyahay in siweyn loogu daadiyo badaha iyo xeebaha Soomaaliya.

Haatan waxa soo dhowaatay xilligii loogu tala galay in loo diyaar garoobo doortshooyin xor ah oo dalka ka dhaca. Haba sheegin u diyaargarow ay xukuumaddu samayso iyo qorshe doorashee, weli waxaa Puntland ka maqan gobolka sool oo ay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee Puntland qiimo aad u jaban kaga iibsadeen Somaliland. Dadkii gobolkaasi degganaa gaar ahaan magaalada Laascaano in badan oo ka mid ah oo hore uga barakacay dagaalladii xeeladanaysnaa ee labada maamul gobolka kula kala wareegeen weli guryahoodii kuma noqon waxayna ku noolyihiin degaanno ku meel gaar ah.

Puntland, rajo yar ayaa ka soo istiimaysa ololeyaasha siyaasadeed ee ay musharraxiinta rajada ka qaba hoggaaminta Puntland ee mustaqbalka ay waqqtigaan ka bilabeen Gobollada qaarkod iyadoo waqtigii jiritaanka xukuumadda haatan ay ka harsan tahay 8 bilood, mana muqato wax qorshe ah oo hoggaamiyaasha maamulkani ay ugu talo galeen waqtiga kala guurka siyaasadeed ee Puntland.

Laga yaabee in xukkuumaddani ay qorshayaal qarsoon iyo xeelado kale damacsan tahay oo ay maanka ku hayso in ay xilka kororsato waa sida haatan uu yeelay madaxawyne Daahir Riyaalaha Maamulka jaarka ah ee Soomaliland oo ay galeyaasha maamulkiisa ee sida sharciga ah u jiraa ay dhowaan u kordhiyeen muddada madaxweynuha iyo xukumaddiisu xilka siihaynayaan. Su’aasha meesha ku jirtaase waxaa weeye , Puntland, ma jiraan goloyaal sharci ah oo xukumadda waqtigu ka idlaanayo xilka u kordhin kara? Sida qaanuunka iyo axdiga Puntland ku cad, jawaabtu waa maya… Haddiise taasi ay dhacdo oo xukumaddani waqtiga ay biirsato Maxaa dhici kara? Suurto gal ma tahay in faraha lala galo oo laga fursan waayo dagaal ay shacabku isaga hor leexiyaan maamulkan guuldarraysay ee horumar la’aanta iyo silica laga dhaxlay?

Xeeldheerayaal badan oo arrimaha siyasadeed ee Puntland lafa gura kolkaad arrimaha taagan iyo mustaqbal maamulka jira aad kala sheekaysato waxay saadaalinayaa in aan sinnaba dadweynuhu ku aqbali aqbali maamulkan oo so laabta iyo shan sano oo kale oo rafaadkani lagu sii jiro. Laakiin uma eka in kooxda hoggaanka haysaa ay la socdaan ama ay garawshiinyo u hayaan carada iyo dareenka shacabku qabo umana hoggaasana rabitaanka shacabkooda.

Dad badan ayaa shaki weyn ka qaba kooxda talada haysa oo durba bilaabay u-xusulduubka iyo u gacan haadinta dawlado shisheeye taasoo ay ku doonayaan in ay xoogag shisheeye dalka soo geliyaan si ay xukunka u sii haystaan iyadoo mashruuca tageerada shisheeye lagu raadinayao uu yahay midka caadiga ka noqday caalamka haaran balse lagii xiiso dhigayo ee ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Taasina wax macquul noqon kara uma muqato waayo xukumad shisheeye oo maanta diyaar u ah in ay khilaaf ka taagan gobol Soomaliya ka mid ah ka taagan is dhex taagto ma jirto.

Waxaa dhici karta in xiisado iyo rabshado ujeeddo laga leeyahay si qorshaysan loo abuuro meelah aqaarkoodna laga rido dagaallo la abaabulay dabadeedna mas’uuliyadda rabshadahaasi dusha loo saro kooxo lagu tilmaami doono qaswadayaal iyo argagixiso si qiil ama marmarsiinyo loogu helo codsiga gacan shisheeye iyo xaalad degdega oo dalka lagusoo rogo lagu laalo wixii rajo ahaa ee la xidhiidhay isbeddel siyaasadeed iyo doorashooyin dalka ka hirgala.

Haaddaan maamulku u shaqayn si habsami leh oo ku dhisan kalsoonida iyo danaha shacabka waa wax aan suurto gal noqonayn in maantana dadweynaha Puntland oo hore Madawaxyne Cabdulaahi Yuusuf kula dagaallamay sharci jabin iyo xil kororsi ay maanta ka oggolaanayaan siyaasiyaainta talada haysta xukun marooqsi iyo xil la kororsado, oo daawadayaalna ka noqn doonnaan ciyaarta aan garsooraha lahayn ee kana dhacaysa garoon aan daawaadayaal joogin.

Beelaha Reer gaar ah sidee ugu cuntamaysaa in madxawyne Cadde siiyo hal qoys oo beeshisa ah “Xarigga Bayla” laba wasiir, halka beelo xaq u lahaa ay banaankla ka jogaan xukumadda.

Hadabba intaas oo masiibo oo maanta hor yaal dadweynaha reer Puntland misna waxaan la qarin karain in Madxweye Cade Muuse oo hareeraha ay kaga jiraan kooxo xooggan oo la taliyaashiisa ah iyo gole wasiirro faashilmay oo musuqmaasuq ah uu markale u xamaam qaadanayo ku negaanshaha kursiga xukunka ee Puntland.

Haddii intaasi oo dhib ah shacabka ay ku soo gaartay Madaxawynha taldiisa iyo habka xukunkiisa caddaaladdu ku yartahay si kasta o uu maanta garowsado khaladdaadkiisii hore kuna ballan qaado in uu is baddel keenaayo uuna kala diraayo dhamaanba golahiisa xukuumadda ayaa su’aasha umadda hortaali waxay tahay “daw ma tahay in aan mar kale iyo shan sano oo hor leh aan dooranno Generaal Cadde?

Bulshada reer Puntland maanta waxaa la gudbood in ay tumaan durbaan garasho, durbaankaasi oo la hadla quluubta iyo dareenka rasmiga ah ee shacabka damqana nabarka hoose, dibaddana soo dhiga masha dahsoon ee nabarku ka raysan la’yahay. Tilmaan toolmoonna ka bixiya guriga san ee loo guuraayo iyo lagu reeyaha talada aan ku aammminayno.

Durbaan garashoow diryaan, diryaan oo dammane la hadal, diryaan oo weligaa ha demin.

Taladii towfiiq leh.

Cabdirisaaq Cumar ismaaciil (Sheekh Adduun)
sheekhaduun@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com