MAXAA LALA KULMI GEERI KA DIB??.....
Q.ENG: ABDI KARIM AHMED HUSSEIN
Dhamaantiin salaamu calaykum wa raxmatulaahi.
Waa mawduuc runtii loo baahan yahay in laga hadlo.
NAFTII WANAAGSANEED
Qof kasta oo innaga inaga mid ahi wuu dhimanayaa qof kasta oo innaga inaga
mid ahi waa kii mawdka dhadhamiya.
Balse nabigu wuu dardaarmay CSW wuxuuna ku dardaarmay "war badiya
sheegitaankiisa ama xasuustiisa midka macaani oo dhan dumiya had iyo
jeeraale" midk aduunyada dadka ka quusinaya oo qofkaan maalkiisi
dareensiinaya kaa xusuustiisa badiya WAANA MAWDAK .
Nabiga CSW waxa uu isagu nugula dardaarmayo iyo waxa aynu innagu ku
dhaqmaynaa waa laba aad iyo aad u kala fog. Marka qofku hadii uu
aakhiro xasuusto aduunyadu way la yaraataa haduu aakhiro iloobana aduunyadu
way la waynaataa hadii uu qofkii ajelkiisi uu dhamaado wakhtigii
ilaahay u qoray cimrigiisi u dhamaado .
Imika akhriste adigu bal naftaada in yar imika naxashka ku rid ka dibna eeg
adoo ku jira kafantaadi ka dibna eeg adoo godkii laguu sii laalaadinayo ka
dibna eeg iyadoo ciidii lagugu rogaayo ka dibna eeg meesha lagaga soo
tagayoo adigoo sii maqlaya dadka kab qaadkoodi.
Godkoon lahayn iftiin ilaa ilaahay inuu u yeelo mooyee, oo cidhiidhi ah
ilaa inuu ilaahay waasiciyo mooyee, oo dabayl lahayn ilaa inuu ilaahay u
yeelo mooyee, bal imika akhristee intaa niyada gasho.
Malaa igtii alle ayaa kuu timaada oo soo fadhiisanayaan meesha ishu ay wax
ka aragto iyagoo kaa raraya daartii dhamaanaysay oo kuu raraya daartii
hadhaysay markaasu malakul mawt kuu soo dhawaan malagii la yidhi nafta soo
qaad ilaa uu madaxa kaa soo fadhiisto. Naftii buu u yeedhin
kolkaa,maarkaa naftan loo yeedhayaa laba midkood bay noqon.
1:Naf markay aduunka joogtay xasuusneed aakhiro iyo mawd ilaahay iyo
rasuulkiisa adeecday oo xaaraantii iska iska ilaalisay dariiqii nabigeena
CSW raacday wuxuu ka leexiyayna ka leexatay.
2 :Iyo mid waxaas oo dhan diiday.
Hadii ay markaa tahay naftu ama ruuxdu ruux wanaagsan wuxuu malakul mawt
odhan "soo bax nafyaheey jidhka wanaagsan ku jirtay ee aan xaaranta cuni
jirin ee rasuulka amarkiisi raacday wuxuu ka reebayna ka hadhay.
ku bushaarayso janno iyo ilaahay raali ahaanshihiisa " saas baa la odhan.
Dabadeedna naftii way soo bixin sidii dhibic biyo ah oo kasoo dhacday weel
la foorariyay."Sidii qodax suuf laga soo saaray oo kale". Waxaana sidaa u
soo bixi nafta qofka muslimka ah uun iyo muminiinta.
Ka dib naftu jidhka ku dhagi mayso ee way soo bixin naftii iyagoo u wada
dhaqitaan janada ay ka soo qaadeen,malaa igtii way la soo cararayaan oo
markiiba ilaahay baa loo bandhigayaa,marka qofku nafta ay ka baxaysano
naftiisa kor baa lala aadaya (samada) ka dibna samooyinka oo dhan waa
lasii marinayaa oo malaa,igta ayaa ku sii tukanaysa ilss samada rabi ku
sugan yahay la geeyo ka dibna ilaahay bay malaa igtii naftaas waday u
waydiinayaan inuu samada u furo ka dibna ilaahay wuu u furaya samada oo
naftii way salaamaysaa ilaahay salaan rabinimo ka dibna ilaahay wuu soo
dhawaynayaa .
Hadaba akhriste naftaada samada maloo furi doonaa mise waa laga celin
doona? ma taqanid.
Ka dibna waxaa u soo baxa janada kaadhkeedi oo la odhanayaa ku qora jannada
naftan buugeeda.
Ar nasiib badana ninka lagu qoray jannada.ilaahay waxaanu ka wada baryeenaa
inuu janada nagu qoray dhamaanteen wixii muslimiin ah aamin aamin aamin.
Ka dibna arlada u celiya isagoo raali ah meeshii uu ku jiray (xabaashii)
waayo ilaahay wuxuu yidhi(ciida ayaanu iniga abuurnay iyada ayaanu inigu
celinaynaa iyada ayaanu iniga soo saarynaa maalinta (qiyaamada).
Dad badan ayaa is waydiiya marka qofka maydka ah la maydhayo naftiisi
halkay joogtaa .Qofkaasi haduu mumin yahay markaas waa la soo celin isla
markiiba ka dib marka lagu soo qoro jannada oo way ag taagan tahay laakin
inagu uma jeedno oo waxay leedahay ( ida dajiya,ida dajiya,ida dajiya) waayo
meesha ay ku socoto way ogtahay.'
Ka dibna marka la aasayo godka ayeey la galaysaa isagoo sii maqlaya dad
jabaqdoodi.ka dibna xaalku intaas kuma dhamaan.
waxaa u imanaya isla markiiba laba malag oo oo bilaa naxariis ah ayaa u
imaanaya wayna soo fadhiisinayaan oo waxay waydiinaya sida:
1:Ilaahaagu waa kee ?
2:Nabigaagu waa kee?
3:Diintaadu waa tee?
Qofkii ilaah iyo rasuulkiisa iyo diintiisa aqoonin wuxuu oran aaaah
aaah aaaah kufaarta oo kale iyo qofkii aan ilaahay aqooninba laakin
qofka muslimka ahi si wacan ayuu uga jawaabaya oo wuxuu odhanayaa sidan:
1:ilaahay waa ka khalqiga iyo samaawaadka abuuray.
2:Nabigaygu waa muxamad CSW.
3:Diintaydu waa diinta islaamka (furqaan).
Ka dibna qofkii muslimka ahaa ee xabaasha ku jiray qabrigii cidhiidhiga ahaa
ayaa loo waasicin oo ilaahay baa kala jiidin dhulka.
Ka dibna godkii waxaa kula soo galaya camalkaagi oo wixii aduunyadu kulama
soo galayaan daarihii aad dhistay iyo gawaadhidii iyo lacagtii kula ma soo
gali ee waaxaa kula soo galay camalkaagi.
Dabadeedna waxaa kuu imaanaya wiil yar oo aad iyo aad u qurux badan oo
udgoon badab misaad odhanaysaa (war adigu ma tihid kii danbiga la imaan
jiray ee danbi kaama muuqdee yaa tahay? wuxuu ku odhanayaa (camalkaagi
ayaan ahay) ilaahaw camalka noo qurxi rabiyaw ilaahay nooqurxi rabiyaw
. Qofku markuu xabaasha galo camalkiisi wuu arkaaya oo wuu u imaan.
Akhriste ma dheera ee hada ogaw waxani waxay kugu dhacayaan adigoon is
ogayn malaa wax fog baad u haysata, ehelkaagi iyo qaraabadaadi iyo
maalkaagi adoo haysta ayeey waxani kugu dhacayaan
EE WALAAL ILAAHAY MAXAAD U DIYAARISAY MAALINTAAS QIYAAMADA ?
Ka dibna waxaa loo furin daaqad cadaabta ah misaa lagu odhan ( fiiri wuxuu
ilaahay ka leexiyay) misaa loo furin haddana mid jannada ah misaa la odhan
(fiiri ilaahay waxa uu kuu diyaariyay) labadiiba wuu arkaya marka qofkii
meydka ahaa ee meesha ku jiray.
saas ayaa dadka ehlu cilmiga ahi meelaha khatarta ah u galayaan oo
lacagtoodi u baabiinayaan oo sadaqaysanayaan waxay doonayaan inay intaas oo
kaliyah gaadhaan innaguna lacagtii ayaanu ka daba ordaynaa oo diintiine u
tuuraynaa inaan lacag helno awgeed mmmmmm, FAHMKEENU INTAAS AYUU LE EG
YAHY.
qofkaas muslimka ahi wuxuu la kulmi janooyin iyo waxyaabo ilaahay ugu talo
galay oo aanan maskaxdayda ku soo koobi karayn
NAFTII XUMEYD
WAXA LA GU SMAYNAYAA INTAAS AANU SOO SHEEGNAY KA SOO HORJEEDKEDA
WAA MIDAANU KA BAQAYNO INAAN XAGEEDA AADNEE..
Marka godka la galiyo ee la aaso qofkaas laba malag oo wajiyaal madaw oo
wata kafan laga soo qaaday naarta oo ur qadhmuun leh iyo geedo naarta
laga soo qaaday way u yimaadaa oo sidii oo kale ayeey u fadhiistaan oo
naftii ayeey u yeedheen naftii isla markiiba soo baxi mayso ee waxay
isku dhajin jidhka markay aragto malagani sida uu u egyahay dabadeedna
iyagoo garaacaya jidhkii meel kasta ayeey ka soo saaraan naftii ku
odhanayaan "soo bax nafyaheey urka badani wax dhulka korkiisa ku
bakhtiya ay ugu ur badan tahay", waxayna yidhaahdaan ku bushaarayso
cadaab iyo ciqaab kalakduwan,
samada ayaa lala aadaa naftaas urka badan leh.
Ka dibna waxaa nacladaya malag kasta oo jooga samooyinka iyo dhulka
dhexdooda,ka dibna waxaa ilaahay loo waydiiya in samada loo furo laakin
looma furo waana laga diidaa,ka dibna dhawaaq baa ka yeedha xaga ilaahay
wuxuu yidhaahdaa ku qora naftan jahanaba(cadaabta),ka dibna u
celiya dhulkii misaa la soo tuuraa naftii si xun,misay soo xaadirtaa
inta la dhaqayo oo la kafanayo iyo qaadidiisa sariirta korkeeda ayeey ka
qaylinaysaa mise odhanaysaa "war halkaa ii wadaan" maxaa yeelay way og
tahay in lasoo diiday oo jahanaba loo diyaariyay way ogtahay inaan khayr
ka horayn qayladaas oo ay maqlayaan xawaayaan ku nool dhulka korkiisa
misaa la galiyaa xabaashii misay malaa igtii ku yidhaahdaa sidan
1:Ilaahaagu waa kee?
2:Nabigaagu waa kee?
3:Diintaadu waa tee ?
Misuu yidhaahdaa qofkii maydka ahaa ee meesha ku jiray aaah aaah
aaaah.
Misay ku odhanayaan waxna ma fahantid ee waxna ma garatid ee hagaranin
misay ku dhufanayaan bahal ay wataan oo ilaahay og yahay quwadiisa
ilaa ay feedhaha hoose dhulka hoose mudan feedhaha sarena dhulka
sare mudaan oo cabaadka ka baxayo ay maqlayaan shay kasta oo dhulka ku
nooli dadka iyo jinka mooyee. mmmmmmmm
ilaahayaw naga badbaadi.
Ka dibna waxaa loo godlaa oo furaash looga dhigaa naar
misaa daaqada loo furaa jannada ah oo la yidhaah fiiri waxa ilaahay kaa
leexiyay.
Misaa hadana loo furaa mid cadaabta ah misaa la yidhaah fiiri waxa uu
Ilaahay kuu diyaariyay.
Labadaba wuu arkaya.
Hadaba akhriste inaan soo dhaafnay ha moodin wax fogna ha moodin minut
gudaheed ayeey waxani ku dhacayaan nafta in lagaa qabtaa ilaahay waxba
kuma aha adiga waxaa aragtaa qofkan in la qaaday oo ciida lagu rogay
uun, laakin nabigu CSW wuxuu inoo sheegaya waxa dhici doona.
Waxaa liibaanay qofkii ilaahay ku dhaafsiiyo marxaladaas,
ilaahay hana dhaafsiiyo marxalaadaas aamin aaaamin aamin.
Misaa loo keenin camalkiisi oo waxaa u iman mid indha la oo dhaga la
oon hadlaynin.
Misuu odhan qofkii maydka ahaa ee meesha ku jiray( war adigu yaa tahay
uma ekid kii khayrka la imaan jirayee)
misuu odhan isna ( waxaan ahay camalkaagi).
Akhriste ogow aduunyadu waa xabsiga qofka muuminka ah iyo jannada
kaafirk. WAR IS DIYAARI QOFKASTAW ,IS DIYAARI .
Qofkii dadka xaman jiray ee dadka hilibkooda afkiisa ku cuni jiray waxaa
lagu googoon afkiisa maqasyaal naarta laga soo qaaday waxaana laga
bilaabaya daanka ilaa qadaadka ayaa lagu geenaya iyo cadaabyo kala
duwan,
qofkii maalka agoonta cuni jirayna iyo ribada calooshooda waaxaa laga
buuxin naar afkana waxaa lagaga gurin dhagaaxaan naar ah,
dadka ribada cunna waxay ku dabaalan wabiyaal dhiig ah ayuu
ilaahay ku dabaalsiin doona say ugu dabaalan jireen xaaraanta,
qofkii salaada ilaahay ka hurdi jiray ee aaan tukan jirin dhagax ayaa
lagu dhufanaya markasta waxaana lagag dhufanayaa madaxa misuu bashaaqin
misaa haddana la isku soo celin si uu u dhadhamiyo cadaabka alle
misaa hadana lagu dhufan saas buu ku jiraya waligii
qofkii beenta sheegi jiray daanka la dilaacin ilaa qadaadka sanka la
dilaacin ilaa qadaadka indhahaa la dilaacin ilaa qadaadka saas buu ku
jirin isaguna,
INTAA KA DIB.....
Dabadeena waxaa la afuufaya nafkhadii ugu danbeesay ee qiyaamaha la isku
soo saarayay waxaana afuufaya malaga (ISRAAFIIL).
qofkii muslimka ahaa wuxuu soo baxaya isagoo leh( ILAAHI MARKAAN
DHIMANAY NA SOO SAARAY AYAA MAHAD LEH)
isagoo ilaahay u mahad naqaya ayuu soo bixin oo ogaa inuu dhimanayo lana
soo saarayo ogaa inuu muddo qubuuraha fadhin doono og meesha uu imika
qabanayo oo mar hore kaadhkeedi u soo baxay (JANADA)
kii kaafirka ahaana isagoo leh ( WAR YAA NAGA SOO SAARAY MEESHAYADI AANU
KU JIRNAY) waayo xabaasha ay ku jiraan meel hurdo ah oo kale ayeey u
tahay marka loo eego cadaabta sugaya laakin may hurdin ee ciqaab ayaa
ku socotay waayo waa tii lasii tusay meesha sugaysa.
Misaa la soo kaxeenaya khalqiga ilaahay abuuray oo dhan iyagoo wada
qaawan wada caga cad wada buuryo qab ah nin iyo naagba
qof walbaana waxaa kexeenaya malag kaasoo ah kii daftarkeeda haayay
kuna markhaati furaya
dadku maalintaas waxay isugu jiraan mid qoslaya sidii muslimiinta oo
kale mid faraxsan mid ooyay oo cadaab ku soo socda ka ooyaya
oo caalamkii dhamaan soo baaba,o oo umadii khalqi wixii ilaahay abuuray
isku wada yimaadaan ilaa NABI AADAn________NABI MUXAMADE CSW.
Ka dibna dadku meesha ay taagnaadaan 1000 SANO oo nabiyadii ilaahay soo
dirto lagu yidhaah (ILAAHAY NOO BARYA INUU QIYAAMAHA RIDO IMIKA) ilaa
mid kasta loo tago uu yidhaah anigu ilaahay ku odhan maayo .
Ilaa nabi Muxamed looga tago oo uu ilaahay u sujuudo oo ilaahay ka
aqbalo oo qiyaamihii dhacdo .
maalinkaas cirku qorax ma leh oo ilaahay iftiinkiisa ayaa cirkii qorax u
yeelaya ka dibna ilaahay iyo malaa igtiisi ay yimaadaan iyagoo sharaf
galinayaa caalamkan ilaahay iyo malaa,igtiisu
(akhri suurada al-fajr iyada ayaa ka waramaysaa ilaahay iyo
imanshihiisa ayaada 20______26 .
ka dibna waxaa la kala soocaya gaaladi iyo muslimiina ,la iskuna
dhex jiri maayo.
miisaankiina waa in la keena ka uu miisaankiisu cuslaado weeyaan ehlu
janadu ka uu khafiifona waa ehlu naarkii
miisaanka adiga lagu saari maayo ee waxaa la saaraya kan godka kuu
yimi,
misaa loo yeedhi doona markhaatiyaashii oo dhan ee aduunyada
laakin kuwaas waxaa ka horayn jidhkaaga ayaa kugu markhaati
kicin GACANTII, ISHII, DHAGTII, LUGAHII, AFKII,
dhamaan jidhkaaga oo dhan.
taa waxaan ula jeeda xumaanta aad samaynayso aad is leedahay dadka
kale ka dhuumo gacantaadaanad ka dhuuman karin xubin kastaana oo
jidhkaaga ka markhaati ahi way kugu markhaati kici WALAAHAY BILAAHAY
TOLAAHAY
XAGAAD KA GALIN IYAGA ...
jidhku wuxuu odhan doonaa nafta cadaab naftuna waxay odhan doontaada
jidhku isagaa macsida ku dhacayee cadaab.
..misaa loo soo dirin malag oo malagii wuxuu keenayaa
mid indho aan lahayn oo kici kara iyo mid indho leh oon kici karin
dabadeedna beer bay soo wada galayaan misuu odhanaya kii indhaha lahaa
war anigu midhaha geedkaa ku yaalaan arkaa ee makici karo ,adiguse waad
kici kartaa laakin indho ma lihid saanu ku soo wada guranaa, misuu
kiikale yidhi " anigu aan ku qaade adaa arkee inoo soo gur misuu qaaday
soona guray midhihii misuu malagii yidhi" yaa la cadaabayaa" misay
naftii tidhi labadaba misuuu yidhi malagiina " saas bay isku yihiin
jidhka iyo naftu waana nili wada cadaabaya" .
Ka dibna qof walbaa wuxuu caabuday ha raaco ayaa la odhanayaa qofkii
gaalka ahaa inuu yidhaahdo maalinkaas "maanta ma raacayo diinta
christinka ee i anfacimaysid ee orod iska tag awood uma leh inuu saa
yidhaah waayo aduunyadii buu soo raacay..
waxaa meesha ku soo hadhaya muslimiintii ilaahay taqaanay.
Xitaa kii markuu dhulka korkiisa joogay ilaahay yaqaana ee aan u tukan
jirin ee camal wanaagsan ku dhaqaaqi jirin ee Ilaahay uun
yaqaanay mararka qaarkood waxaa la yidhaah dadkaas buu ku soo dhex
jiraa.
Laakiin in kastuu isaguna ciqaab daran la marsiin dono,
misaa lagu yidhaahdaa muslimiintii "war idinku maydaan tagayn waakuwaa
dadkii tageen" misay yidhaahdaan anagu dadkaa markaanu aduunyadii
joognay maanaan raacin ee ilaah baanu leenahay ee isaga ayaanu
sugaynaa misaa lagu yidhaah " oo ilaahay ma aragti aa ku taqaanaan
baa jirta" misay yidhaahdaan haa way jirtaa aragtidi anag iyo ilaahay
naga dhaxaysa" quraanka ayeeyna ku dhex jirtaa ee baro Akhristaw
..
misuu ilaahay si kale iskaga soo dhigaa oo si aanay ku aqoon u soo
baxaa misuu yidhaahdaa " ANIGA AYAA RABIGIINI AH"
misay yidhaahdaan " adiga ilaahay baanu kaa hoos galnay"halkan baanu
joogaynaa ilaa ilaahayagi inta uu ka imaanayo ayeey odhanayaay
WAA LA IMTIXAAAMAYAA SOO MA ARKAYSID,
misuu ilaahay kor ahaaye u soo baxaa misay sujuud u wada dhacaan
muslimiintii, ilaahay sida uu ku soo baxayo kama jawaabi karo waxna
kama sheegi karo waayo awoodayda way ka baxsantahay.
kii markuu dhulka kor joogay aan tukan jirin maalinkaas ma sujuudi karo
waayo aduunyadi muu u soo tukan ilaaha oo dhabarkiisa bir baa laga
dhigayaa awood uu ku sujuudona ma leh.
( qofka in yar oo iimaan ahi uu ku jiro qalbigiisa waxa uu noqda kuwa
nabi maxamed u shafeeco qaadi doono iyagoo cadaabta ku jira la odhan don
soo daaya ha raacaan nabigoodee Muxamed CSW ) waa dadkii iimaanka yari
qalbigooda ku jiraye..
ka dibna ilaahay wuxuu siiya janooyin iyo nimcooyin iyo wax kasta ay
mutaysteen oo axaadiisteena iyo kitaabka quraanka ee wayn ku soo
arooray ... wasalaamu calaykum....
Abdikarim Ahmed Hussein
Sweden, Stockhlom
Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2008