Yaa Qalay Adoogay?A. M. Yusuf
|
wayeel@operamail.com
Sheekadan waxa qoray wiil
yaraa ee agoon ahaan jiray. Waxa
loo hibeyn, lagu na maamuusi
agoonta Soomaaliyeed.
____________________________________________
SOODHOWEYNTII MEYTIDA
Absuge, agoonki Cabbeey Makaraan,
haddii gadaal uu dib ugu noqdo
carruurnimadii, waxa uu soo gocanayaa
codkii hooyadii arooryada Khamiisaha ay
isaga ugu digi jirtay.
"Maandhow biriga waa Khamiis.
Meytadii aa na soo haysa. Guriga ciyow
wada haaq oo biyo na ku bilbil."
Dabadeed hooyodii waxa ay aadi jirtay
suuqa si ay uga soo iibsato waxyaabo
kasta ee loogu baahnaan karay in
cambuulo lagu sammeeyo -- sida digir,
lamma kabbo oo sariir macsar ahayd,
murxo buneed, kiilo sonkor, caleem
shaahi, qorfo iyo heyl, jaawi… iyo
alaabo kale. Maalmaha qaarkood, gooraha
qaar, mararka ay faraxsanan tahay, waxa
ay Absuge ugu qaadi jirtay "digri" ay ka
soo baratay Siyaaradii Buubaaye Aw
Makanne.
Anbuulaa galleey la tuummi
diireey ki ma'adehee;
maneey dhaaysi [subag] eey leheen
dhammaanteed dhagaanjiyaay….
Lix jir oo kale ayuu ahaa; ama se waa
uu kaba sii yaraa. Isagu na si
aabbehiisii ka geeryooday uu ugu soo
dhoweeyo baraako kabkab ahayd; waxa uu
aadi jiray Carragaduudda (meel
berigeedii loo yaqaannay Dhiigtaarreey:
waa meesha maanta ay dhacdo xaafadda
Xamar Bile); Carragaduuddu se sidaas
ugama sii fogeyn gurigooda; mararka
qaarkood dhowr jeer ayuu ba iskaga daba
laaban jiray si uu ciid kale uga keeno.
Intii tabartiisa ahayd ayuu god yar
yaanbo ku faagan jiray; ciidgaduudda na
maroogsin ayuu ka soo buuxsan jiray.
Madaxa saar ee la dhiikacso! Sidii qof
wareersan waxa uu hadba geesaha ula
dalanbaabbiyo ba; gurigii ayuu dib u soo
tiigsan jiray; badanaaba, waxa uu iman
jiray iyada oo ayan hooyo weli ka ba soo
laaban suuqii Wardhiigley. Ciiddaas
cusboon ayuu dhulkii ku kebbisi jiray.
Absuge yaraantiisii kama uusan qaloon
ama cabsoon jirin weydiimaha ku
saabsanaa Eebbe Weyne, Nabow Maxamed,
geerida, wedka, sheekh, shariif, xer,
aw, khaliif, suufi, macallin, kabiir --
iyo waxa dadku ay ugu yeeri jireen,
"geeri-gacan-dheer": cirfiid ka soo
baxaya qabrigii lagu duugay ee
cawooyinka dibadaha u meehannaabaya si
uu u helo qof uu dhiigga ka miirto. Waxa
uu is weydiin jiray in aabbehii ahaa
marsoobbaxa la sheegayay ba iyo in kale?
Weydiintan keliya ayuu dadka ka ba
reeban jiray. Malaha ma aan uu doonayn
in carruurtu ku caydo dadcunnimada
aabbehiis? Aabbe dhintay? Aabbe
bahaloobay?
NIMANKII KHAMIISAHA IMAN JIRAY
Fiidaddowga maalmaha Khamiisaha,
habeenada Jimcooyinku ay soo geli
lahaayeen, waxa gurigooda iman jiray
laba wadaad iyo nin geeryooday. Shii
Xanfar, indhool ayuu ahaa; Absuge ayaa
ba ul kagaga soo hongeyn jiray aqal
hoorri ahaa ee ugu oollaa buuladii Buur
Hindi; iyo Macallin Fatuuro, nin aad u
dhallin yaraa. Ninka dhintay waa Absuge
aabbihii: waalid isaga wiilkiisii ba ay
si uun u kala dahsoonaan jireen.
Hayeeshee labada wadaad af uusan
garanayn ayay cabbaaro ku wada daldalmi
jireen. Waa dambe ayuu Shii Xanfar
weydiiyay afka ay ku wada heesayeen
isaga iyo Macallin Fatuuro. Cutushkii
ayaa u sheegay in uu ahaa Qur’aan iyo
Manaaqib. Si baas ayuu se ugu sii
qeexay.
"Leey ilaaha, sallalaahu wassallim!
Hees maahin! Waa afkii Ilaahey. Waa
warka keliya aas adoogaa haddaan kuu
kasi karo bo."
"Adoogeygi af Soomaali ma kasaayo
miyaa?"
"Afka dadka dhantay waa Khur'aan jaw."
"Khuraan? Khuraanka af maashee waaye?"
"Heeh! Heeh! Waryaa Khuraanka afkii
Ilaaheey waaye! Af Carawi waaye!"
"Aabbehay af Carawi ma yakhaannaa?"
"Heey, nabee! Waa yakhaan. Waryaa! Siis
u kaseynin? Khureyshti aas bo Janno la
joogaahe!"
"Habartayne iida af Carwiga ma
takhaan?"
Macallin Fatuuro ayaa wiilkii ku
afjigay, "Arrooy! Ma habartaa? Yaa iida
maa wili dhimatay hee? Xaadse geeri ugu
saraadee, hiindadaa? Qumayahow!"
Absuge oo argagaxsanaa ayaa weydiiyay,
"Sidee ku barateen afka Ilaahey? Adii
iyo Shii Xanfar ma horaad u dhimateen?
Ma lamma cirfiidaad tihiin?"
Cabbaarkaas goortii la marayay,
macalinkii oo xanaaqsanaa ayaa Absuge
dhoorkii dheeraa kaga dhegay, kolkaas na
sidii ari Carbeed u jiiday, ula na
dhowaaday bowd uu qariyay geedka
saarsaarka la yiraahdo. Dhowr serbi inta
uu ka soo goostay, iskugu na wada soohay
sidii dawliga ceelkii, ayuu wiilkii
haragga kaga siibay. Cod karaamo awnimo
watay ayuu se ku qanciyay hooyo Biyood
oo aad uga carootay dilka loo geystay
agoonkeedii. Si ayan Biyood uga xummaan
waxa uu ka raariday in wiilkeedii
Sheydaan ka dhex hadlayay.
"Ma cunug agoomahaan gacantaydaan u
quuraa? Waxaan tumaayay ba waa shaydaanu
rajiimiye," ayuu Aw Fatuuro cod naxariis
laga dareemi karay ku yiri.
Oday Xanfarkii uu Absuge usha u sidi
jiray na waxa yiri, "Wallaahi, tallaahi,
leey ilaaha sallalaahu! Fatuuroow.
Ba'awga wili si oo faaylan u sii nig
dhaw!"
Dhawaaqii Shii Xanfar waxa uu maankii
Biyood u tebiyay farriimo gacmaheeddii
ka dhigay nacabkii u labaddibleyn lahaa
wadaad u oomanaa dhiigga wiilkeedii.
Hooyo si mintid ahayd ayay ugu
qabqabatay, ugu na dhigaysay halgaadihii
Aw Fatuuro uu Absuge ku jiidi-jiidii
lahaa.Balowgii ayaa ka dhammaaday,
wiilkii. Absuge se, waa ku ayaankaas!
Nasiib badnayaa se!
Haddiiba waxa gurigii mar soo wada
galay adeer Faralle, adeer Jeesgooye,
iyo adeer Diraac. Buuqii ka dhacay
lagama wada sheekeyn karo. Ogow se, Aw
Fatuuro dib dambe in uusan u imaan karin
gurigaas ayaa si cad loogu sheegay.
UURKUTAALLOOYIN
Hal wax ayuu Absuge weligiiba se
dareensanaa. Aabbehiisii loogu sheegay
in uu guriga wax ka joogay ayuu intaas u
cabanayay. Warcelin yar na kama uu
helin. Waxtar na kama helin. Ciidan na
kama helin. Dadnimo na kale, taas haba
sheegin. Waxba isuma ayan ba ahayn.
Aabbehaas dhintay. Absuge waxa uu ka
qoomameeyay ciiddii uu dartii u soo
qoday, u na soo daldalay… iyo gurigii uu
awgii u hagaajiyay ba. Abbe wax-ma-tare
ahaa.
Mid kale na dareen ayuu u lahaa. Lama
taaban karin ilmo adeer Jeesgooye. Lama
maagi karin ilmo adeer Faralle. Sidoo
kale, ilmo adeer Diraac. Ilmo adeer
Yoolac, kuwaas yaa ba agtooda isku mari
karay. Waa aabbeyaal dhaba ahaa. Waa
abbeyaal noolaa. Meel xawaalo la
yiraahdo na ilmahooda, hal maalin na,
kagama ayan soo baadi jirin.
MOODDO GEERIDA KU SAABSAN
Haayoo dhimashadu ba waagaas waxa uu
u moodi jiray "diiq geeryoonayay oo
kale; wedka na, Oday Duurdaye oo kale".
Odaygan, malaha, waa Soomaaliga dhabta
ah ee Absuge uu weligii ba arkay.
Duurdaye. Soomaali run ahaa. Duurdaye,
si ka duwan sidii Absuge hooyadii,
marrehii Shii Xanfar iyo awsaantii
[digri-salaankii] Macallin Fatuuro ba,
-- ama si loogu wada fahmo sida ugu wada
wanaagsan: afkii Ilaahay -- waxa uu kaga
sii kalsoonaan jiray faalkii Bucur
Boordeel, iyo xiddigiskii Maaxi Mayow,
iyo dhaawgii Siiddii Tarashle. Jinni iyo
jaan sixir lagaga xijaabo adeegsiga
suuligiisii cusubaa, Tarashle ayaa
Duurdaye ku yiri,
"Orgi raaya-dheeraa waa iniid
baarlawaanka [suuliga] u khashid; haddii
taaseeti ka bihi karinne, diiqoo ne
allaa ka dhigee, muqsusha inii dhiiggoo
luwu bafiyo [rusheeyo] waaye."
Sidaas daraaddeed, maalin maalmaha ka
mid ahayd, Oday Duurdaye waxa uu
doonayay musqushiisii cusbayd in uu diiq
ugu waqdhaacimo.
Waxa ahayd lix-jirkii Absuge kahor.
Berigaa isaga ahaa, berigaas dhiigga la
qubi lahaa, ayuu Absuge la kulmay Oday
Duurdaye oo weli u middi sahanayay si uu
diiq-dooro u bireeyo. Markii ugu
horreysay noloshiisa ayuu arkay diiq
madaxbeelay oo iskaga daba wareegayay
sidii in uu ka caweynay goob shabashabo.
Laakiinse, haddana waxa uu arkay isla
haddiiba sida biyo karkarayay haddana
loo dhex kuday, dabadeed na baalashii
lagaga sii wada rifayay, loo xuubsiibay,
cadcad na loogu sii jarjarayay. Haddii
se uusan arki lahayn tifidda iyo
jarjarka diigga lagula sii kacay, waxa
uu iska rumaysnaan lahaa in diiqu na dib
ugu soo kici lahaa sidii Axabeeygii
suuxsuuxi jiray oo kale.
Faylasuuf yar ayuu ba Absuge ku soo
baxay. Weydiin ba weydiin kale ayay
oodda ka rogtay. Waxa uu had iyo jeer
is-weydiin jiray:
"Maxaa u wacan in Axabeey oo aan la
qalin inta uu iska dhinto, sida diiqii
na u rafrafto -- misana in uu dib iskaga
soo noolaan karay?"
Isaga ayaa isu warcelin jiray, "Mindhaa
Axabeey isagu dad ayuu ahaa? Oo hee?
Maxaa aabbehay haddaba u diiday in uu
dib u soo noolaado? Ma Axabeey,
cuuryaankaas liitay, tolow, miyuu ka ba
sii abuuris liitay?"
AARGOOSI
Waa dambe ayuu adeer Yoolac ka bartay
xeer Soomaaliga ugu mudanaa: "qofkii
rubad gooyo ba; isaga na in la gooyo".
Goor waxa la soo gaaray agoonkii,
haddeer, uu isagii na wax dili karay.
Qofnimo ahaan, baxaallii ahaan, wiilkii
waxa uu ku soo baxay Yoolac oo inta
taagan. Dad kale ayuu xataa ka bartay
halyaynimadan: adeer Yoolac ba waxa
Xamar ka soo ridday in uu dilo ilaal
[askari] aabbihii Mudug horey ugu soo
dilay. Wed, dable, ayaa toogtay awowe.
Adeer Yoolac aabbihii. Waa murugo
dhacday waagii Saldanadii Cali Yuusuf.
Geesi, daddil, ayuu ba Adeer Yoolac u
arkayay. Absuge waxa uu doonayay in uu
noqdo geesi. Dilaa ku dhaqmo xeerarka
aargudashada. Sida Yoolac ba.
Awgii go'aankaas uu qaatay, maalin
maalmaha ka mid ahayd, faylasuufkii
yaraa, Absuge, agoonki Cabbeey Makaraan,
halyay qaangaaray, waxa uu hooyo Biyood
weydiiyay:
"Ii sheeg! yaa qalay adoogay? Ma
Duurdaye mise wed kale?"…
A. M. Yusuf |
wayeel@operamail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan