Hadalkiii Jangali-III*: hadal baa iga raacay!.BBC-da laanta afsoomaaliga, waraysi uu Jangali-III (3aad) siiyay
haddaanan dhagaysan waxaan dhaar ku mari lahaa; INA BUUSH ruux ka
indho-adag in uusan dunida ku noolayn. Illayn, maalinkii waagiisu kuu
baryaba, war ama dhacdo cusub ayaad ku waabariisataa. Naanaysta ah;
Jangali, labada ruux oo aan u maqlay waa; “Cabdulqaadir Adan Aw
Maxamuud” Guddoomiyihii Hore oo (Bankigii Horumarinta Soomaaliyeed)
haddana ku nool USA, Naaneystaa; meesha, xilliga iyo dhacdada ay ugu
baxday xog badan ayaan ka hayaa. Ninka kale waa; Axmed Jaamac “Jangali”,
(Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya) oo markii iigu
dambaysay aan ku kulanay; xeradii “JOMO KENYATA SHOW GROUND” ee Mombasa,
Kenya. Aabihi Jaamac Jangali–I oo da’ah ayaa la socday. Runtii, subaxaan
arkay halka uu ka soo toosay aad ayaan u murugooday. Ma aha in aan ka
murugooday diihaal ka muuqday, balse, waxaan ka carooday; “oday
soomaaliyeed oo soo halgamay soona taliyay oo xero askar Kiinyaan ah ay
dusha ka ilaalsato ku xeraysan, isaqa oo aqoonsi qaxootinimo ka
quuddarraynaya hay’adda UNCHR. Intaa waxaa dheer odayaasha qoyska aan ka
dhashay (REER AW MAXAMUUD) iyo “Axmed Jaamac Jangali” in ay
saaxiibtinimo fog dhextiil.
Ruuxa saddexaad oo aan naaneystaa u maqlo waa ninkii waraysi aan ka
dhagaystay BBC-da bixiyay isaga oo naaneystii awowgi huwan. Korriimo iyo
waxbarasho mid ay noqotaba waxaa laga maalgaliyay hantidii ummadda
soomaaliyeed, safaarado dhawr ah oo waayo aragnimo –hadda khasaaro ah-
dibloomaasiyadda la xiriirta uu ka kasbay, waa ka soo shaqeeyay.
Jangali-III inkasta oo aanan aqoon badan oo hore aanan u lahayn, waxaa
araggiisa iigu dambaysay 27/08/2006 oo aan ku kulnay “Wilson Airport”-
Nairobi, isaga oo Baydhabo ka yimid iyo aniga oo fasaxii xagaaga
Kismaayo ku soo qaatay. Waqtigaa waxaa “Wilson Airport” hadba xafiis
galayay nin xabashi ah oo “Basaboor Diploomaatig” ah wata oo, isna
Baydhabo ka yimid. Runtii, Jangali-III iyo xabashigu in ay wada socdaan
isma waydiin, kamana fakarin.
Sare waxaan ku xusay Jangali-III, in uu BBC-da hadal siiyay, arrintaa
waxay dhacday malinkii bishu ahayd 21/04/2008. Hadal colooshu ila
hurtay, oo fajicisso igu noqday, isaga oo aan wax lur ah iyo murugo
toona aan qabin uu kala dhigdhigay waxaan ka soo qaatay, intan:
(Masaajid ay ciidamada Itoobiya galeen oo dad lagu laayey ama xitaa lagu
dhaawacay ma jiraan, wararkaas waa kuwa been abuur ah oo aan sal iyo
raad toona laheyn oo saxaafadu ay buunbuunisay)…(Gacana waa isku
difaaceynaa gacanna dib-u-heshiisiin ayaan ku baadi goobeynaa, waxay
dowladdu diyaar u tahay iney la hadasho cid kasta oo nabad dooneysa)…(In
masaajid dad lagu dhex laayo wa arin ka baxsan SHAREECADA ISLAAMKA oo
aan ka suuroobin ciidamada Itoobiya oo taageeraya kuwa Dowladda
Soomaaliya!)...
Haddaba, ma hadalka ku saabsan; (shareecada Islaamka), mise hadalka
intiise kale?: Hadalka hore ninna waydiin mayo oo dhagahayga ayaan ku
maqlay, hadalka dambase, waxaan ka akhriyay
Shabakad Internetka,
dhab ahaan, ma baciidsan in uu yiri. “Faarax Golollay” (AUN) ayaa laga
sheegay; “hadalkaa ma oran shaabaddaydise waa lee yahay”. Waraysiga in
badan oo ka mid ah caro ayaa idhaafisay, waxaanse, malayn karaa;
hadduusan maanta oran barri in uu oran doono!. Wararkaas waa kuwa been
abuur ah oo aan sal iyo raad toona laheyn oo saxaafadu ay buunbuunisay),
dhihideedu waa fududdahay, waliba kolkay xaajadu kugu qalloocano, waase,
been sheegid nacas ah oo beri hore laga tagay. Soomali warkeedu waa
midka dhafoorka uga yaal. Hugunka iyo holaca xabbada Taangiga xabashida
iyo daryaanka BM-ka madaxtooyada laga soo hurgufayo ma cod dhallinyarada
saxaafaddu farsamaysay,baa?. Maydka meel walba daadsan ma filim la
jilayo qayb ka mid ah,baa?. Been markaad sheegayso qiil ayaa loo
sameeyaa, sida Nuur-cadde, oo waxaa lagu adkaystaa; “cadow ayaan iska
dhicinnay”. Malaha, Duqa (Nuur-cadde), si kale ayuu ugu fasiran yahay
erayga ah; Cadow, oo kay wada dhasheen iyo kan cadowga ah wali uma kala
caddaan. Dhanka kale, Duqu (Nuur-cadde) la yaab ma laha oo da’diisi oo,
hore u badatay ayuu isku qoray (Jaamacdda; War on terror) oo “ina Buush”
ka dhisay magaalada “Washington DC,” wuxuuna la qabsaday arday junior
ah (Ardada cuusub) oo ka firfircoon; Melles, Karasaay, Maaliki,
Musharaf,…………...Horti waxaa Jaamacadda laga cayriyay (Drop out) “Geeddi”
oo sixun u saaqiday.
Musiibadan dooni mayo in aan ku dheeraado, waxaanna halkan tacsi u
marinyaa shacabka soomaaliyeed iyo ehelada dadkii iyaga oo gacmmo maran
(dhiig qabow) la xasuuqay, intii Shahiidday guri roon Allaha geeyo,
dhaawacana cafimaad dagdag ah Allaha u soo dajo.
“Gacan Xabashida
ayaan isaga dhicinaynaa Gacanna codka ayaan ku bixinaynaa”. Hadalkaa
waxaa yiri; sannadkii 1964-tii, (AUN) Dr. Cabdirashiid Calii Sharmaarke”
Ra’isul wasaarihii soomaliya ee xilligaa. Miyi iyo Magaalo warkaa waa
maray. Dhanka kale, aan ku saxee; xilligaa ayaa xabashitada maanta aad u
qiil dayayso -4 sano oo qura ayaan madaxbannaanayn- ku hawootay soomaali
oo aan qaan-qaarin in ay faraha ku dhigto. “Jamhuuriyaddii Soomaalyai”
berigaa waxay isu diyaarinaysay doorashadii barlamaankii 1964-tii oo,
sanaadiiqdii codaynta waa la diyaariyay.
Haddaba, haddaan dabagalo (Tacqiib) hadlkii ficil darradu ka
muuqatay, carada badanna abuuray; Marka hore, wax laga xumaado waxaa ah
in ninka British Broadcasting Corporation u warramay uu hadal taariikhda galay oo jawaab u ahaa
xabashi; in uu ka saaro xayndaabkii saxa ahaa, oo uu damco in uu meel
khaldan ku magmakeeyo (kakabin), iyada oo cadowga maanta uu yahay isla
cadawgii shalay. “Dr. Cabdirashiid” hadalkiisaa Miyi iyo Magaalo waa
laga soo dhaweeyay halka kan Jangali-III, Miyi iyo Magaalo laga
nacaladay. Adiga oo xabshi gacan ku wata in aad tiraahdo gacanta kalana
soomaali ayaan heshiisiin uga dhex dooni waa meel ka dhac tilmaan u ah;
quursiga kasmada iyo dareenka qofka soomaaliga ah. “Gacan Xabashi,
Gacanna Heshiis”, war soomaali la hor geeyo ma aha, sida aad wax u
rabtaanna waa saas. Sidaas, hadday ka duwantahay; maxaad u qoonsateen;
“wada hadal gali mayno ilaa xabshi dalka laga saaro”, Maskaxda ereyadaa
macnaha silloon xambaarsan, dadka aaminsan haddaad ka mid tahay, maxaa
lagaala hadlaa?, heshiiska aad waddaana waa meelmarinta hawadii
xabashida oo 1964-tii afka ciidda loo daray!. Sidaani ka dhab ma aha oo,
kollay labada dhinac mid baad been kula socotaa, ee degdeg u bareer;
xabashi, mise soomaali?, meel dhexe ma jirto!. Xabashi iyo “Shariicada
Islaamka”, ayaan meel isugu geyn ninka yiri: “Godka lagu cadaab muxuu
go’uhu been sheegay”. Haddii uu ninkaasi eraygaa yiri; iyo haddii uusan
oran, midi muran ma leh oo, waa in uu: XABASHI U HAYO SHAQO QARAN..
Hadal lama saaraadee, ninkaa waxaan u soo jedinayaa dhawrkan sadar oo
talada ah: Marka Koowaad: Geedka shir inta aadan tagin ayaa garta la sii
akhristaa. Sidaa darteed, “nabad iyo heshiisiin soomaali dhexdeed ah
haddii ay dhab kaa tahay (idanka tahay); marka hore, qallooca meesha ku
jira saara oo waxaad ku dhiirataan in aad tiraahdaan; “xabashi ha ku
noqoto maalinkii 27/01/1991 meeshii ay joogtay oo ah; gaddiga kale oo
xadbeenaadakii Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeyay ee caalamku hore u
aqoonsaday. Marka Labaad: Nabigeenni suuban (SSC) wuxuu yiri: “Ibnow,
Aadan oo dhammmi waa khaldamaad, inta khaldantana waxaa ugu roon intii
tawbad keenta”…Carabina, waxay tiri: (xaqa oo loo laabto waa fadiilah
[waxsan kororsi], haddaba labadaa hadal qalbiga inta ku qufulatid,
af-muggi waxaad ku tiraahdaa: “waan khaldamay waana ka laabtay wixii
Shaydaanku iga yeersiiyay, soomaaliyeey; ha la icafiyo”, sidoo kale;
ehelada dadkii xabashidu xasuuqday u tacsiyee. Markaa Saddexaad: Nolosha
qurbaha –haah, oo waa wax adag- haddad xammili kari wayday, Xamar iyo
Baydhabo in aad ka fogaatana aadan jeclaysan, sababo kuu gaar ah
dartood; “wasaaradihii Boosta iyo Xannaanada Xoolaha” isaga laabo, waa
kuu dhaamaan Wasaarad Arrimo Dibadeed; waxa ay ku sheegeen oo, xire iyo
fure midna aadan ka ahayn, eed wax aan ahayn kaa soo galayn”…Waligaa,
yaan lagugu xaman hadal qallafsan (meel-ka-dhac) oo shaabad kugu noqda.
“Waa la duugsane yaan la dacaroon”; yaryaraysi ma leh.
Ugu dambayn, “Sayid Maxamed Cabdulle Xasan”; markuu gumaysiga
soomaalidii raacday la hadlayay, wuxuu yiri:
- Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin
- Aman aaladduu sida, ama awrtabuu rara
- Ama ariga buu qala, ama laba ugaarsada
- Ama uba ilaalaa ah, ama uurka kala jira
- Ashahaado beeniyo, islaannimo ha lagu dhaqo
- Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan
karo!.
- Allow, ma la taliyay!.
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan