SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MUQDISHO

MASJIDKA AL- HIDAAYA WAA ARSAN DOONTA MALIN UN DIBNA WAA LAGU DHISAA EE   DULQAAD MUUJI MANTAY.

  Sagaal iyo tobankii bishaan waxay aheyd malin aad u muruga leh una xanuun badan malintii Masjidka al- Hidaaya lagu duqeyay dababadaha Ciidamada Itoopiya, iyagoo ku garacay qiyaastii 40 madfac oo aan loo meel dayin laguna babiyay qayb kamid ah dhismaha Misjidka al- Hidaaya,laguna dilay qiyaastii 21qof oo rayid ah kuna jiro sheekh saciid yaxye oo kamid ahaa culumada ugu waaweyn Tabliiqa allaha u raxmade iyo ayagoo qafaashay arday yar yar oo wax ka baranayay gudaha masjidka da'doodana u dhaxayso 9 jir ilaa 18 jir.
 
FOOL XUMADII TAN KA HOREYSAY EE LAGU SAXAROODAY MASJID GUDIHIISA.
 
 Waxay aheyd malin axad ah bishuna aheyd 9/12/2007 markii mar qura indhaha dadka xafada EX. Carwo Itko ay qabtayn laba masjid oo xafadaas ku yaalo oo Kitaabadii yaalan ay ku bidayaan lamiga weyn ee xafadaas, kadib markii ay Jeex jeexeen Ciidamada itoopiya kadibna saxarada iskaga tireen kitaabada quraanka kariimka iyo ayago gudaha misjidkaas u isticmalay sida suuliga ama musqusha oo kale,taasoo dadka xafadaas dhamaantood cara ka muujiyen arintaas, ayado aysan jirin cid ka hadashay oo ka tirsan dowladda FKMG, marka laga reebo inkiraad si toos ah u inkirayn in cidamadda itoopiya ku saxarodeen gudaha masjid iskagana tirayn saxarada kutaabka quraanka kariimka,malinkaas ayaan ka quustay dowladd isku sheega aniga qudhayga waxaana islahaay, waa malinta dadka soomaalida ay iswada racayaan cadwgana hal meel uga soo wada jesanayaan calumadana na horkici donaan jihaad aan dhamanin inta Diintayna aan Sharaftana iyo Dhulkana aan ka xoreysanayno cadwga nagu soo duulay,lakiin taas ma dhicin oo waxii dhan waxaa lagu hilmaamay wax ka yar sitimaan,markaas ayaan isdhahay midaan mid ka weyn miyaa sugaysaan oo hurdada kaga tostaan waxaana noo xigay in masjid kale lagu dhax gowraco culumadayna,tasoo cid kasto oo muslim ama gaal ah ay la yaabto.
 
 
URURKATABLIIQA WAA SIDEE?
 
 Tabliiqa waa urur kaarsiiyo fariinta Islaamka dadka meel kasta ha joogaane, waana urur calami ah oo hadane balaaran kana duwan ururada kale fikrad ahaan,waxaana la'asaasay muda laga joogo 90 sano ka hor waxaana asaasay nin magaciisa la' oran jiray Mowlana Qandahlawi asal ahaane ka soo jedo wadanka hindiya, .culumada Tabliiqa waxay ku badanyihiin xoogna ku leyihiin wadamada kala ah, Hindiya, Pakistan, Bangaladesh, hadane fariinta Tabliiqa waxay gartay dunida dhan taasina waxaa tusaale u ah in aad ku arkayso culumada Tabliiqa meel kasto aduunka aad ka tagto, si dhab ah looma huba xiliga Tabliiqa soomaliya uu ka hana qaday, balse waxaa la hubaa in xoogiisa la arkay burburkii dowladii kacaanka kadib,calamadaha igu weyn ee lagu aqoonsada Tabliiqa waxaa kamid ah ayagoo xanbarsan boorsooyinkooda dharka igu jirayn iyo ayagoo raxan raxan u socdo cimaamadne si qurxon madaha igu duubantahay iyo ayagoo u safro wadama kala dheer, marka ay rabaan qof in uu qato fikirkooda waxay u sheegaan in wax qasab ah aysan jirin balse ow ku soo raaco ilahay dartiis,Tabliiqa waa urur ka madax banaan arimaha siyaasada waa urur ku shaqa leh faafinta diinta islaamka iyo qofka oo salaadda lagu baraarujiyo.
 
CULUMUMADII WAAWEYNEED MAXAA HELAY
 
 Culimaada soomaaliya waa kuwa bulshada soomaaliyeed dhaxdooda sharaf weyn ku dhaxleh markii la arko wadaad calim ah qof kasto oo soomaali ah saqiir iyo kabiir waa loo istaaga, ayadoo saas aytahay oo culumada soomaliyeed ay sharaftaas ku dhax leyihiin bulshadooda haddane mahan culumada soomaliyeed kuwa israacsan xaladaan murugsane halmeel kuwa uga wada soo jeestay ee waa culuma ku kala jiro tafaraaruuq aan dhamaad laheyn iyo urur urur haday saas noqdayn culumadayna yaa dadkii waci galinaayo oo dhahaayo cadawaan iska dhiciya anagane fataxadaan nii soo marayneye waana ni hogaaminaynaaye intaas laga mahaayo culumadaana dibad iyo dal ha joogane.
 
Culumadaynaa waaweyn hadaa laga heli waayo midnimo iyo isjaceyl waxaa dhici doonto iyagoo ku jiro masaajidadooda in mar labaad iyo marsadaxaadba la gowraco kadibna laga hadli waayo sida ay midii malin dhaweyd uga amuseyn ayagana laga amuso oo la waayo bulshada cid wax u sheegta,culumadayna somaliyeed xitaa canbarayn ma awoodi layihiin wax qabad allaba u maqane.
 
Iyadoo taas jirta waxaa la duugi karin kacdoonkii ka dhacay kal hore muqdisho sida culumada ay uga qayb qaatayn kooxihii dadka iska haystane uga dulqadayn ammaan caasimadii ka dhigayn muddo lix bilood ah.
 
SOOMAALIYEEY DAGAALAMA OO DULQAAD MUUJIYA INTA AAD CADAWGA ISKA DULQADAYSAAN.
 
 Qofka kasto oo soomaalinimo ku danbayso waxaa waaajib ku ah in uu la dagaalamo cadawga ku soo duulay wadankiisa, isagoo ilaalinaayo diintiisa, sharafkiisa, dhulkiisa, maalkiisa intaas hadii laga helo muwaadin kasto waxuu heli doona sharaf ,karamo ama shahaado oo aysan jirin wax ka fiican,malahan wadanka dadka keenay kufaarta kana hadlayn kufaarta waxa ay u geysanayso goobaha barakaysan ee lagu cibadaysto iyo ihaanada lagu hayo shacabka soomaliyeed meel kasta ha joogane waxaan hubaa mantay ninkii ka qaybqaato dagaalkaan in bari lahadal heyni doono sida Sayid Maxamed Cabdule Xasan allaha u naxariiste jiilka dhalan doonane loogu dhigi doono iskuulada tariikhda Soomaaliyane inuu ka gali doono baal dahab ah.
 
Raage Cali Dheere
raagenews@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2008

batroolFadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland
Australia: Waxaa burbur dhaqaale ku dhacay shirkad dallaaliin ah oo xiriir la leh Range Resources, arrintaas oo keentay in... Akhri warbixinta

Black Gold of Puntland
Warbixin dheer oo laga qoray shirkadaha Batroolka DGPL
: Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar... Akhri

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?: Puntland Waxay ka Go'eysaa Soomaaliya, Haddii Lagala Hadlo Arrimaha Shirkadaha Batroolka?.. Akhri..

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

 


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com