SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dadweynaha Reer Puntland uma Baahna Baaburta Raaxada ee.......

Bilihii Danbe waxa Degaanada Puntland la soo dersay Dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Abaaro,Sicir Barar,Amni xumo iyo kuwo kale oo badan.

Dhibaatooyinkaasi ayaa isugu jira kuwo Rabaani ah iyo kuwo kale oo dadku ay kensadeen hadana dhamaan arrimahaasi wax ka qabashadooda waxa looga baahnaa Maamulka Dadweynaha Goboladan ay dhisteen ee Puntland.

Kaalinta Dowlada ka sokow waxa jira in qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada,Ganacsatada,Haweenka iyo Dhalinyaradu ay isu xilqameen oo inta awoododa ah ay wax ka qabteen arrimahaasi sida Biyo dhaamin ay u sameyeen dadkii abaaruhu heleen ee Biyo la'aanta ahaa.

Maamulka Puntland ee Madaxda uu ka yahay Gen: Cade Musse Xirsi oo la rabay in arrimahaasi oo dhan uu wax ka qabto ayaan dheg jalaq u siin, tasoo micneheedu noqonaya ma jirto wax masuuliyada oo iga saaran Dadweynaha.

Aqoonyahano iyo Khubaro kale oo Maamul yaqaan ah oo aan wada faaleynay hab dhaqanka Dowlada uu Madaxda ka yahay Cade Musse ayaa waxay ku tilmaamen inay tahay Dowlada Qayru Masuul ah oo cuni taqaana Canshuurta dadka Masaakinta ah laga qaado.

Cinwaanka sheekada hadii aynu shaaca ka qaadno iyada oo jiraan dhibaatooynkii aynu soo sheegnay ee ahaa Abaaraha,Sicir Bararka iyo amaan xumada ayaa Maamulka Puntland waxa beryihii danbe uu ku mashquul sanaa soo dejinta Baabur nooca Raaxda ah oo gaaraya 60 baabur.

60-ka Baabur ee kuwa Yar yar ah gaar ahaan Baaburta loo yaqaan Toyota Landcruiser ayaa ah kuwo soo baxay sanadihii danbe waxana iska leh badankood Shirkadda Macdanta iyo Batroolka oo dhaqdhaqaaqeda dhinaca dhaqaalaha uu aad uga muuqdo Degaanada Puntland.

Sikastaba, Dadwenow ma wax wanaagsan baa in Dowlad Shacabkedii la ildaran yihiin dhibaatooyinkii aynu soo sheegnay inay ku mashquusho Baaburta Raaxada iyo Safarada Dalxiiska?

Gabagabadii waxaan leeyahay Dadweynaha Reer Puntland uma Baahna Baaburta Raaxada ee waxay u baahan yihiin Badbaado iyo Biyo Dhaamis.

Cawaale Jaamac Salaad
Boosaaso,Puntland
Jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com