SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Joogitaanka Ciidamada Shisheeye & Mustaqbalka Geedi socodka Nabadda .

Dhibaatooyinka aan baaxadda lahayn ee aan qoraalka lagu soo koobi karin ee ka dhacaya Dalka Soomaaliya ayaa waxay abuurayaan Cabsi weyn oo laga qabo inuu wax u dhimo Geedi socodka Nabadda ee uu horseedka u yahay R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) , Waxaa hubaal ah inay dhab ka tahay R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed uuna ballan qaaday inuu heshiis dhab ah la geli doono Cid waliba oo ay Khusayso Xal u helidda iyo Nabad raadinta Dadka iyo Dalka Soomaaliya.

Haddaba waxaa is weydiin mudan waa kuma kuwa hortaagan ,ama Caqabadda ku ah horumarka iyo Nabad raadinta Dadka iyo Dalka ? waxaan Shaki ku jirin oo uu qof waliba uu markhaati ka yahay Taariikhda dheer ee uu Cadowga Itoobiya u qabay Dalka Soomaaliya iyo sida ay Maanta ay ugu amar ku taaglaynayaan Dhulkeena Hooyo ,iyagoo Hanashada Dhulka Soomaaliya u soo maray Marxalado kala gedisan marka laga bilaabo Halgamadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Halyeygii Axmed Gurey oo si kulul u Caabiyey inay Gumeysigana baday inay Hilbaha Cayriinka ahi Quutaan , Meheradna ay u noqotay .

Heshiisyada Nabadeed ee soo ifbaxaya waxaa haboon in DFKMG ahi iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ay dib u eegaan Marxaladda uu Dalku ku sugan yahay ,Dhibaatooyinka Shacabka haysta Gumeystaha Gurigiisii Mooday Dalkeena Hooyo ,Qaxootiyada ku baa'bayaa Qurbaha ama lagu Dilayo ,Carruurtii Soomaaliyeed oo Diintii iyo Dhaqankii illoobay ,Nabadgelyadii oo heer aad u xun taagan, Dunidii oo aan Caan kaga noqonay Tahriib iyo Tarxiilka , Berrigii markii isaarooyinka lagaga Caalwaayey ay Bucaddu u Dhacday inay u ay Badweynta Isbaarooyin Dhigtaan , Ummadda Soomaaliyeed waxay Diyaar u yihiin in ay DFKMG ahi iyo Mucaaradku si deg-deg ah u gaaraan Xal Dhab ah oo aannu Shuruudo aannu ku Xirnay ,si loo badbaadiyo Shacabka Cadowgana loo Saaro.

Waddamo fara badan oo Afrika ah ayaa Dagaalka Sokeeye ee Soomaaliya ay isku mid ka ahaayeen ,hase ahaatee Dadkaasi badankoodu waa Dad aan isku Af iyo isku Diin ahayn hadana way Heshiiyeen ,innagu waxaannu nahay Dad isku Af isku Diin ah isku Dhaqan ah hadana weli Dagaalkii Sokeeye wuu sii Daba dheeraanayaa maxaa Wacay? Gumeystaha Itoobiya ayaa ku Dhex jira Dadka iyo Dalka kaasoo weliba Muquursaday dhammaan Dalka Soomaaliya isagoo Shacabka ku haya ,Xasuuq, Dil, Dhac , Boob , iyo Kufsi. taasina ma aha wax dow ah oo loo Dulqaadan karo inuu Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka uu ku laayo Dadka Maatida ah iyo Culumada ku Cibaadaysanaya Masaajidda Gudahooda.

Maqaalkani oo aan ku soo koobayo joogitaanka Ciidamada Shisheeye iyo Mustakhbalka Geedi socodka Nabadda Dalka ayaanu waxaannu mar kale ugu baaqaynaa in ay Xal kama dambayn ahi laga gaaro si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed oo ku jira Gacan Gumeysi oo aad u Xun , kaddibna laga wada hadlo Danaha Ummadda Soomaaliyeed iyadoon Dib loogu noqonayn Marxaladihii abuuray Dagaaladii Sokeeye loona gudbo Badbaadinta Ummadda iyo Dhulka Soomaaliyeed oo uu Cadowgu Cunayo ,Heshiiskuna uu noqdaa mid mira dhala ee uusan noqon mid lagu danaysanayo ay Cid kale loogu adeegayo.

Gunaanadkii iyo Qoraalkani waxaannu ka muujinaynaa Heshiiskani inuu noqon doono mid mira dhala sida ka muuqata Daacadnimada R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen , waxaanna Khiraynaa in uu R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen yahay Halyey ka soo dhex muuqday Siyaasadii Soomaaliyeed ee 17-Sano ku socotay majara habowga kuna bedelay jawi Nabadeed oo ay Caddaalad ay ka Muuqato , Haddaba waxaannu leenayahay inay ka Faa'idaystaan Dhammaan Mucaaradka iyo Cidwalba oo doonaysa inay Heshiis la gaarto Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya ayna Dib u eegaan Dhibaatooyinka haysta Shacabka Soomaaliyeed ee weysan Meel ay u Maceen galaan Maantay.


Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Eng. Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com