SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MPLS


Puntland iyo Somaliland Jidka dhuuban ee ay hayaan xagee buu gayn doonaa?

Waa kasta oo uu cimrigaagu ku gaadhsiiyo waxaad lakulmi wax kaa yaabiya,wax kugu cusub iyo wax kaa argagixiya,Soomaaliya labada goobol ee ku caan baxay dabaqoodhinimda iyo dibusocdnimda ee Puntland iyo Somaliland ayaa waxa ay iskaga mid yihiin dhowr arimood oo ay Soomaalida kale kaga takoorn yhiin,waxaana kuwaas kamid ah,in marka ay yihiin kuwo raalli galiya cadawga umdda Soomaaliyeed hadii ay ahaayen Gumaystayashii Ingiriiska iyo Talyaaniga ee qarnigii 20 aad iyo hady tahay gumaysiga Itoobiya ee Qarnigan 21 aad ee cusub.Waxaa kale oo ay Soomalida kga duwan yihiin iyagoo guul u arka in loo dhowaado gumaysiga,amaba ilbaxnimo ka dhiga.
Umadda Soomaaliyeed markii ay masiibadda dagaalka sokeeye ku dhacday ayay kala baxday,dadka qaar dhimashadii dhareerka iskama ayna duwin oo waxa ay ku xambaartay wax kasta oo xille oo ay ku raalli galinayaan cadawga soo jireenk ah ee Soomaalida oo Itoobiya ah,qaarna waxa ay door bideen in ay madax ciidda ka ceshadaan oo marna ayna cadawga Itoobiya ka dhignin Sayidkooda.

Maamulka Puntland ayaa 22 kii April 2008 waxa uu qaadi tallaabo lafilayay oo ay Itoobiya ku raalli galinayaan taas ah iygoo Tigreega ugacan galiyay niman ka tirsan jabhadda ONLF, talaabadan uu qaaday maamulka Puntland ayaa waxaa ladhihi karaa macallinkii jideeyay waxa uu Cigaal sanadkii 2006 kii mrkii uu Tigreega ugacan galiyay 3 nin oo ktirsan jabhadda ONLF,arintaasi waligeed way socotay markii uu dhintayna waxaa sunihiisii raacay Daahir Riyale,illa markii dambe Sayladda ugu wayn Hargaysa ay noqotay midda dhoofinta dadka Reer Ogaadeenya.

Maamulka Puntland ayaa waxaa mudaba laga shintirinayay dadka Ogaadeenya iyo xukuumadda Tigreega midka ay huri doonto,Itoobiya waxa ay marar badan uyeedhay C/lahi Yuusuf iyo Cadde Muuse si ay usoo qabqabtaan dadka Reer Ogaadeenya ee jooga Puntland,si hadaba Tigreega looga helo taageero maamulka Somaliland looga saaro gobolka Sool ayaa waxaa maamulka Cadde Muuse lama huraan unoqotay in ay gacan galiyaan xubno ONLF ah.

Soomalidu waxay ku maah-maahdaa meeshaad nin ka qaadato ninbaad kaga tagtay,Hadda meesha puntland ay Tigreega ka qaadatay ha ugaato in kaga tagtay 10 Million oo Reer Ogaadenya ah,kuma ayna tusaale qaadanin sida ayna Xukuumdda Riyaale waxba ugu qabanin Tigreegu amaba ayna cidna waxugu qaban Karin.
Awbaan Soomaalida Ogaadeenya udhashay ayaa waxa uu arkay Tigreega iyop dadkii kale ee aan Ogaadenya ahayn iyo maamulkii Ciid Daahir oo isu celiyay dadkii Ogaadeenka ahaa oo ruux waliba sidii isagoo xag alle dambi dhaaf kagahelya uu ula dagaalamay,markaas ayuu tiriyay Gaby aan midhihgiisu ka xusuusto>
Ogaden ninkaan maanta dilin dawladdaa xidhiye
Dhiiggooda kii daadiyaa wuu dalacayaaye
Dambi-dhaaf in lagu gaadhi bay doqontu moodaaye

Maroodigan dirgaxan bay arkaan ee duraaqsadaye
Intuu daaman-waynuhu runduday duudka laga fuulye
Darajada Lug-jiid uu wataa waa dadkuu cunaye
Daroontii uu laayiyo ragguu diirtay hilibkooda
Waa loogu daba joogsadee duhur ma joogeene
Si kastaba ha ahaatee qof kasta oo ugo'aan qaada si indhihiisa hortooda ah isla markaana aan ka baaraan dagin dhaxalka taariikheed waxa uu keeno waxaan usheegaynaa in maalin maalmaha kamid ah ay runtu imaan,Itoobiyada xaalkeeda laga dayrinayo ninka sumcad kga raadsaday dhiigga walaalkii waxaa hubaal in barri ayna jiri doonin meel wax laga soo abto.

Badal Mohamud
africanman84@gmail.com


Statement On Puntland's Abduction & ExtraordinaryRendition of ONLF Officials

24 April 2008

The Ogaden National Liberation Front (ONLF) stronglycondemns the forced abduction,detention andextraordinary rendition of two ONLF Central Committeemembers by the Puntland regional administration inSomalia on 22nd of April 2008. This act constitutes aclear violation of the United Nations ConventionAgainst Torture and other Forms of Cruel, Inhumane, orDegrading Treatment as the two officials have a clearand well founded fear of persecution including torturein Ethiopia.

The two ONLF political prisoners were removed byforce from their hotel in Garowe in central Somalia bysecurity forces of the Puntland administration. Afterintense interrogation, they were then driven in thepersonal vehicle of the Puntland Minister of FinanceMohamed Ali Yusuf "Ga Gaab" to Ethiopian securityforces waiting for them on the Ogaden side of theborder with Somalia.

One of the ONLF officials was in Puntland to protestthe deliberate killing of a citizen of Ogaden byPuntland security forces in a jail in the northerncity of Bosaaso and to assist his family members. Hewas in regular contact with Puntland officials whonever objected to his presence. The other ONLFofficial was in Puntland visiting his spouse andchildren. Both were unarmed political figures andposed no threat to the security of Puntland.

The ONLF considers this act to constitute a clearhostile intent on the part of the Puntland regionaladministration toward the people of Ogaden.

The consequences of this action shall be the soleresponsibility of the Puntland regionaladministration.

Ogaden National Liberation Front (ONLF)

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com