Xasuuqa ka dhacay Xamar muxuu xanbaarsanyahay? Xasuuqii ay
dhawaan ciidamada gumeysiga Itoobiya ka geysteen Muqdisho ma ahayn kii
ugu horreeyay tan iyo intii ay magaalada soo galeen dhammaadkii 2006 ee
waa qayb ka mid ah silsiladda gumaadka iyo xadgudubyada ay wadeen ilaa
wakhtigii ay waddanka qabsadeen, waxaanse xasuuqan si gaar ah ugu xusay
in marka laga eego xilliga uu ku soo aaday uu xanbaarsanyahay farriimo
dhiig ku qoran oo uu gumeysigu ku tala-galay inuu soo gaadhsiiyo guud
ahaan dadweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaanna
xoogagga muqaawamada oo qeybo ka mid ahi ay baryahan danbe dabacsanaan
ka muujiyeen wadada hadal ay la galaan DFKG ee la shaqeysa gumeysiga.
Inta aynaan akhriyin farriimaha khadhaadh ee uu xasuuqani
xanbaarsanyahay bal aan soo qaadno waxyaabaha aan is leeyahay waxay ina
tusi karaan ujeedada cadowgu uga golleeyahay xasuuqan ayna wali
qaybihiisii ilaa xilliga sadaradan la qorayo wada dhammaanin.
- Xasuuqani wuxuu ku soo beegmay xilli hadallo aan toos aheyn ay
kala gaadheen DFKM iyo isbahaysiga dib u xoreynta iyada oo qolo
kasta ay soo gudbisay aragtideeda.
- Sidoo kale wuxuu xasuuqani ka danbeeyay guulo is daba joog ah oo
ay soo hoyiyeen xoogagga muqaawamadu ka dib markii ay si ku
meelgaadh ah ula wareegeen gacan ku haynta magaalooyin ay ka
midyhiin Diinsoor, Waajid, Qansaxdheere, Buurhakaba, Jawhar ,
Buulobarde, Balad weyne iyo kuwo kale .
- Xasuuqani wuxuu yimid iyada oo dad badani is yidhaahdeen waxaa
dhowaaday xilligii ay ciidamda gumeysigu bixi lahaayeen, halka ay
dad kalena la soo dhowaatay xilligii la heli lahaa dowlad
Soomaaliyeed oo loo dhanyahay .
- Wakhti yar ka hor xilliga xasuuqani billowday waxaa soo baxay
warbixino sheegaya khasaarooyin laxaad leh oo soo gaadhay ciidamada
gumeysiga, waxaana laysla dhaxmaray in uu daal ka muuqdo ciidamada
gumeysiga .
- Xasuuqan waxaa lagu bartilmaameedsaday goobo la is lahaa way ka
caaganyihiin millatariga, sida: masjidka weyn ee Al-hidaaya oo xarun
u ah jamaacada Tabliiqa oo la yaqaanno dunida oo dhan inayna ku lug
laheyn arrimo ciidan ee ay ku howlanyihiin in gaal iyo islaamba ay
diinta gaadhsiiyaan, waxaana masaajidka dhaexdiisa lagu gumaaday
culimo iyo arday ay ka mid yihiin culimo waaweyn, sida: Sheekh
C/laahi Maxamuud Ciise iyo Sheekh Siciid Yaxye.
Arrimahaas iyo kuwo kaleba waxay ina tusayaan in xasuuqan baaxadda
leh ee geysteen ciidamada gumeysiga Itoobiya uu yahay mid si qorsheysan
loogu talagalay, lana doonayay in lagu gudbiyo farriimo uu cadowgu
doonayo inuu gaadhsiiyo guud ahaanba bulshada soomaaliyeed, farriimahaas
inta ii muuqatana waxaa ka mid ah :
1. farriin si gaar ah ugu socota is bahaysiga dib u xoreynta oo
baryahan danbe shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo
DFKM, warbaahintana laga sheegay in farriima aan toos ahayn ay kala
gaadheen labada dhinac taas oo sida muuqata ugu yaraan qaybo ka mid ah
isbahaysiga dib u xoreynta ay la ahayd inay keeni doonto in ciidamada
gumeysiga Itoobiya ay meesha ka bixi doonaan mar haddii wada hadal
Soomaalida dhexmaro ama awood qeybsiga la isla garto.
Haddaba farriinta xasuuqani u sido isbahaysiga waa inay ka quustaan
inay Itoobiya dhib yaraan kaga baxayso Soomaliya iyo inayna gorgortan ka
galidoonin sii joogiddeeda taas oo asal ahaan ku qotonta dano gaar ah oo
ay Soomaaliya ka leeddahay waxa la doonaba ha lagu sheegee, waxaana
muuqata in gumeysigu rabo inuu isbahaysiga tuso inayna ahayn dad agtiisa
muhiim ka ah ama mudan in tanaasulaad loo sameeyo si ay ugu nuglaadaan
tanaasulaad badan oo ilaa xad gaadhaya inay iswada dhiibaan, waxayna ila
tahay in madaxda isbahaysigu farriintaas si xooggan u fahmeen ama
horayba ay u fahamsanaayeen arrintaasina waxay keeni doontaa in
isbahaysigu awooddiisa isugu geeyo muqaawamada hubeysan inta la gaadhayo
xilli uu cadowgu si dhab ah u xanuunsado oo uu isagu go’aansado inuu
wadanka ka boxo oo aan baryo ku imaanin, haddii kale waa in lagu
talagalaa wadadahadalka qaabkan ku billowda inuu ku dhammaan doono in
muqaawamadu sharciyeyso joogitaanka gumeysiga haddii ay aqbasho inay
kuraas (kooban) ka qaadato DFKM ee la shaqeysa gumeysiga. Arrintaas oo
wax badan u dhimi doonta kalsoonidii ay bulshada Soomaaliyeed meel kasta
oo ay joogto siisay muqaawamada ku howlan dib u xoreynta Soomaaliya.
2. farriin ku socota guud ahaan xoogagga muqaawamada qeybohooda kala
duwan oo macneheedu yahay Faanoole fari kama qodna, in aad
malleeshiyooyin Soomaali ah magalaalooyin aan u dhiibannay ka erideenna
wax weyn xaaladda ka baddali meyso, ciyaarina waa galin danbe ee guntiga
xajista, farriintaasina muhiim bay muqaawamada u tahay si ay awooddeeda
u keydsato wakhtigana uga faa’iideysato mar haddii ay caddahay in
dagaalku dheeraanayo waxa dhab ahaan ay muqaawamada is hayaanna uu yahay
gumeysiga, waxaana habboon inay muqaawamdu xoogga saarto gumeysiga, kana
dhaga adeygto intii suurtagal ah daandaansiga dabadhilifka Amxaarada la
socda oo dhab ahaan aanu dilkoodu xanuujineynin gumeysiga; maxaa yeelay
haddii kun la dilo kun kalae oo cusub ayay helayaan geeridoodana inay ka
naxaan iska daaye way ku farxayaan illeyn waa cadow dhaafaye.
3. farriin kale waxay ku socotaa dadweynaha dayaca ka daalay ee
wali qaarkood duleedada muqdisho tubanyihiin iyaga oo sugaya inay maalin
dhow guryohoodii ku noqdaan ka dib markii ay maqleen wadahadallo la
filayo inay dhex maraan DFKG iyo isbahaysiga dib u xoreynta, farriintani
waxay dadkaas u siddaa dhambaal odhanaya ilaa aad ogolaataan is badalka
dhacay iyo in waddanka Itoobiya dowlad ka tahay oo aad sidaas kula
shaqeysaan idiin ma dhowa inaad guryihiinnii ku soo noqotaan, haddii aad
isku daydaanna marka danbe idinka oo mayd ah ayaa la idinka saari
doonaa.
4. farriin kale waxay ku socotaa guud ahaan shacabka
Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxayna leedahay in la isu turo
inagama dhexeynin cadowna halka uu u dhimanayo ayaa lagu dhuftaa,
culimada iyo masaajiddda kumaanaan khaldamin ee waxaan ognahay inay
tahay halka aad ka nooshihiin mooryaanta iyo inta idin dhibaysana annaga
dhib naguma hayaan haddii loo baahdana ciidan baaban ka dhiganeynaa,
dhab ahaanna annaga ayay ciidan noo yihiin haddaba.
Arrinkaasi wuxuu keenayaa inay bulshada soomaaliyeed ogaato
waxa haysta inuu yahay codow kii uxumaa oo amxaaro ah, la iskana ilaawo
in laga sugo inuu inoo arxamo, waxaana lama huraan ah in xaqiiqadaas
laga duulo oo Soomaaliyi isu raacdo sidii gumeysiga wadanka looga kicin
lahaa, loona difaaci lahaa maatada iyo muqaddasaadkaba.
5. farriin kale oo fool xun waxay ku socotaa madaxda DFKM ee la
shaqeysa gumeysiga wuxuuna macneheedu yahay shacbiga ma matashaan ee
annaga ayaad noo shaqeysaan marka yaa idiin diray wadahadal iyo inaad
cid aanaan raalli ka ahayn la kulantaan, shaqadiiinna ku ekaada oo marka
aan madaafiicda garaacno sacbiya cadow ayaa lala helayna dhaha, waxayna
ila tahay in farriintaas ugu yaraan Nuur cadde fahmay oo isla markiiba
ku dhawaaqay inay ciidamada Itoobiya cadow iska difaacayeen, garna ay u
lahaayeen ficilka ay sameeyeen, waxayna ila tahay in Soomaalidu garan
karto in ragga noocaas ah ee gumeysiga la shaqeeya aan gacal la moodin,
ama loo arkin rag gacanta wax ugu jiraan oo talo ka go’do.
Xasan Maxamed Ibraahim
xasanyare@msn.com
Afeef: Aragtida qoraalkani waxaa leh qoraaga ku saxiixan