SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Bayaan Ka soo baxay Bulshada reer Puntland ee ku dhaqan Emaradka

Waxaa wax laga naxo Ficilka ay ku kaceen Madaxda Puntland, waa ficil ka fog Diinta islaamka, waa ficil ku dhisan Cadowtinimo iyo Amxaar Jeclaysi Ficilka Noocaas oo kale ah dadka ku kacaa waa dad Diinta Islaamka Banaanka ka ah sida aan ka fahmayno Xadiiska rasuulka SCW " Qofka Mislimka ah Qofka kale ee Muslimka ah waa la walaal, Muslimku walaalkii ma dulmiyo, Muslimku walaalkii Cadow uma dhiibo" Meeshii Dawladda Puntland ay Garab istaagi lahayd Shacabka walaalaheed ah ee Cadowgu Xasuuqayo Ma ahayn inay Cadow u dhiibto, ragga Makiidaha lagu yaqaaney inay Lacagta faalsada ah ku daabacdaan maantana waxay keeneen inay walaalahood Cadowga ka iibsadaan.

Waxaan ogaysiinaynaa Dadka ku kacay ficilkaas Inaysan marnba taariikhdu hilmaamin doonin, Siyaasadda Gurracan ee Tigreega way soo Afjarmi Doontaa Ninkii Dhoof ku yimid bayna geeridi dhibaysaa Maanta waa kala bax Laba Qolo un ba la kala noqonayaa Imaa inaad Safka Muslimiinta raacdo imaa inaad Safka gaalada ku soo biirto, Ficilada xun xun ee ku soo badanaya Puntland ma aha Mid shacabku raali ka yahay waxaanu ka murugoonaynaa Xasuuqa ka socda Muqdisho waxaan ka murugoonaynaa Xasuuqa ka socda Ogadnia Meeshii la rabey in puntlad Dadka Dhibaataysan ay soo dhawayso oo ay u fidiso Gacan Islaam nimo iyo mid Dhalasho ma ahayn In Codowga Dib loogu celiyo.

Waxaan leenahay Walaalayahaga Muslimiinta ah ee reer Muqdisho Iyo Ogadiniaba Nasrigii ilaahay waa soo dhawyahay Guushana waxaaa leh Muslimiinta

waxaan tacsi u dirayaa Ehladii wiilashooda Cadowga gacanta loo galiyey ee laga dhoofiyey garoowe, waxaan Tacsi u dirayaa Shacabka Somaliyeed ee maalin walba Muqdisho lagu Xasuuqayo waxaan leeyahay Sabra Taariikhdu way isbadali doontaa Guushana Inta ilaahay Raacdey ee wadadiisa ku dhimata ayaa leh

Waxaa Shacabka reer Puntland laga rabaa inay Iska dhiciyaan Nimanka Diirka Somalida leh ee Dadkii Muslimka ahaa Cadowga u gacan galinaya Shacabkii Muqdisho ayaa la Xasuuqey Masaajidadii ayaa lagu Gawracay Culimadii aan siyaasadda ku jirin ayaa la Gawracay, Miyeeynaan ka dhiidhiyeen waxa Gumaysigu Samaynayo Miyeeynaan ahayn Dad Islaam ah Aawey Islaamnimadii ?

Waxaan Leeyahay Somaliyeey Gacmaha is qabsada Codowgiinana meel uga soo wada jeedsada .

Dadkayga Xabashi loo dhiibey miyaa Dawladnimo lagu gaadhi
Kuwa Xabashi Noo dhiibey miyaa Xuququl Insaanleh

Tolaay Dhalashooy Tolaay Miyaan Laga dhiidhiyeen
Dhibkaas Ehelkeen ku dhacay
Jaaliyadda Reer Puntland ee Abu-dhabi

Mustafa Akhyaaar
NotifyBaafin@eim.ae

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com