SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ee Nusoj ayaa Maamulka Puntlad Ugu baaqay inay Raali galin ka bixyaan Nin magacooda ku qadhaabta...

Gudoomiyaha Ururka saxiyiinta Somaliyeed ee Nusuj C/saaq Sheekh Aduun ayaa si kulul u beeniyay Hadal uu dhawaan Saxaafda ka sheegay Nin ku dhaw dhaw Cade Muuse oo lagu magcaabo Bile Maxamuud Qabawsade, Gudoomiyaha ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin Hadalkaasi dhawaan uu saxaafada qaarkeed ka sheegay kaasi oo ah in Ururka saxafiyiinta Somaliyeed ee Nusuj aanu waxba u qaban Saxaafada Somaliya,

Guudoomiyaha oo haatan ku sugan Dalka Jabuuti ayaa Shir Jaraa"id ku qabtay isla magaalada jabuuti waxana uu sheegay inaanay waxba ka jirin hadal Warbaahinta Puntland laga sheegay taasi oo ah in Ururka Nusuj aanay wada shaqayn lahayn Saxafiyiinta Puntland, isaga oo eedayntaasi ku sheegay mid aan sal iyo raatoona lahayn.

Gudoomiye Sheekh Aduun ayaa sheegay inuu haatan Dalka Jabuuti u joogo hawlo shaqo isla markaana uu dhawaan ku soo laaban doono Dalka Gudihiisa, isaga oo farta ku fiiqay in uu Saxafiyiinta Somaliyeed ugu maqan yahay hawlo shaqo oo iyaga anfaca, Guudmiye Sheekh ayaa waxa uu ugu baaqay Saxafiyiinta Somaliyeed inay isku duubnaadaan oo ay wada shaqayn yeeshaan isla markaana ay meel uga soo wada jeensadaan cid Alaale cidii Saxaafada dhaawac u gaysanaysa.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ee Nusuj Mr Sheekh Aduun ayaa waxa uu shirkiisaa Jaraa"id ku sheegay inay jiraan dad badan oo doonaya inay kala qaybiyaan Saxaafiyiinta kuwaasina looga bahan yahay in laga hortago dadkaasi doonaya inay Maja xaabiyaan Saxaafada Somaliyeed.

Hadalkaasi ka soo yeedhay Gudoomiyaha Ururka Nusuj C/saaq Sheekh Aduun ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili uu dhawaan hadal laga soo xigtey Nin aad ugu dhaw Cadde Muuse oo lagu magcaabo Bille Maxamuud Qabawsade, hadalkaasi ayaa markiiba waxa si kulul u beeniyay Gudoomiyaha Ururka Nusuj.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha ururka Nusoj hoos ka akhri:

Mid ka mid ah Suxufiyiinta Somaliyeed.


War qoraal ah oo ka soo Baxay gudoonka Ururka Nusoj

waa wax lagu qoslo in la taliye Madxwene yiraahdo nusoj aayan ka joojiyey in weriyaal adaan Puntlanad.

Nusoj waa urur saxfdeed oo heer qaran ah una taagaan difaacitaanka Xoriyda Saxaafadda iyo sare uqaadida Taydooda.

sannadkan aynu ku jiro waxay tababro dalka iyo dibadiisa siiyey in ka badan 100 suxufi oo Somaali ah, puntland waxay ku lahayd Doorkeeda.

Wasaaradda warfaafinta Puntland waxa naga dhexeeya xiriir wada shaqeyneed lakiin La taliyaha madaxawaynaha puntlanad waxa uu u muuqdaa nin Qarda jeex ku socda aan fahansaneeyn shaqadiisa - anagu ma hoos tagano maamul waxaan nahay urur madax banaan, mana xakumo isagu weriyaal waayo saxfiyntu waa madax banaanyihiin

ururka nusoj waxuu arkaa hadalka Bile qof iska hadlay mana ku yeelanayo wax saameeyn ah.

nusoj anigaa gudoomiye ka ah waxaaan ahay saxafi Reer Puntland ah oo weliba ruug cadaa caalamka iyo gudaha laga yaqaan.

waxaan Maamulka Puntland ugu baaqaya in ay raali gelin ka bixyaan hadalka aan loo meel deyin.

nusuj waxy u Taagan yahay ururka Saxifiynta somaliyeed waxyna Xubin buuxda ka tahay ururka saxafada aduunka waxay kaloo madaxka tahay urur weynaha saxfiynta bariga afrika iyadoo ah Heer soomaaliya wax qoral awoodse ma u leeyhay arinkan jawaatu waa maya

ugu danbaytii waxaan ugu baqayaa mar kale in Puntland Raali gelin cad ka bixiso qoraladaan loo meel deyin ka soo baxaya Shaqsiyaadka is huwinya magaca dawalada

waxaan u sheegaya in qofka qoray qoralkan uu bal dib u fiiriyo sharciga saxaafda u degsan puntland inta aanu ku taalabsan

Gudoomiyha Ururka saxiyinta Qaranka soomliyed Nusoj
Xafiiska JIbuuti
00253605177
ama 00253341140
sheekhaduun@hotmail.com

Dowlad Goboleedka Puntland oo uga Digtay Suxufiyiinta Puntland inay ka Qaybgalaan Shirarka ay soo Agaasimaan Ururka Nusoj... Akhri.. Apr 24

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com