SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed(Jabiso)

Date:- 15/04/1429H - 21/April/2008M. Ref: - xwx/008/008

Sida la ogyahay 19- 20/ Bishan April 2008 waxa ka dhacay magaalada Muqdisho xasuuq aad u ba’an oo loo geystay shacbiga Soomaaliyeed iyada oo la dilay in ka badan 93 qof kuwaas oo isugu jira kuwo la gowracay, kuwo lagu dilay si toogasho ah iyo kuwo lagu duqeeyay guryahooda Madaafiic aan loo meel dayin, sidoo kalana uu cadowgu dhaawacyo u geystay in ka badan 140 qof.waxaana intaasi dheer in cadowgu qafaashay in ku dhaw 100 qof oo aan illaa iyo hadda nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Dhanka kale waxaa hadlay Nuur Cadde oo sheeganaya in uu yahay Ra’isul Wasaare mas’uulna ka yahay shacabkaasi cadowgu Xasuuqayo isaga oo ka dhawaajiyay in dagaalkii ay ciidamada cadowga itoobiya ku xasuuqayeen Shacabka uu ahaa mid difaac ah loogana hor tagayo cadow uu ku tilmaamay mid nabad diid ah oo uu ula jeedo xoogaga difaacaya shacabka maxasta ah ee soomaaliyeed, taas oo uu y arko in dhibaatooyinka kala duwan ee uu gumeysiga iyo dabo dhilifyadooda u geysanayaan shacabka mid xaq ah!!!.

Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed(Jabiso) waxa ay u aragtaa xasuuqii ay cadowga iyo dabo dhilifyadooda u geysteen shacabka soomaaliyeed iyo waliba hadalka ka soo yeeray Nuur Cadde:-

• in uu yahay mid lagu dabar goynayo dadka udub dhaxaadka u ah ummadda sida:- culumaa’udiinka,dhalinyarta,odayaasha wax garadka ah iyo da’yarta wax baranaysa,iyada oo tusaale loo soo qaadan karo gowracii iyo Bahdilkii ka dhacay gudaha iyo daafaha Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Muqdisho.

• In lagu dhibaateeyo maatida aan awooda lahayn, kuwaas oo la kulma tacadiyada arxan darada ah ee uu geysanayo gumeyisgu sida:- dil, kufsi, Barakac, Boob iyo Bur-Burin.

• In aysan dalka ka jirin dowlad u adeegaysa danaha shacabka isla markaana difaacaysa jiritaankooda.balse ay jiraan Dabo dhilifyo u adeegaya cadowga ummadda soomaaliyeed taas oo daliil cad u ah hadalkii ka soo yeeray Nuur Cadde.


Baaq
1- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynaysaa gumaadkii arxan darada ahaa ee 19-20 bishan April 2008 u geysteen Ciidamada Cadowga ah ee Itoobiya degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana ay illaahay uga baryaysaa in uu ka aqbalo intii ku shahiiday xasuuqaas, caafimaad deg deg ahna siiyo intii ku dhaawacantay, inta ku jirta gacanta cadowgana alle ka soo daayo iyaga oo bad qaba

2- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed (Jabiso) waxay Cod dheer ugu Baaqaysaa dhamaan garabyada mujaahidiinta iyo cid waliba oo diyaar u ah in ay la dagaalanto gumeysiga Midnino Buuxda si cadowga isa soo bahaystay looga saaro dalka, loona badbaadiyo diinta, dalka iyo dadka soomaaliyeed.

3- Waxay (Jabiso) ugu Baaqaysaa dhamaan shacabiga soomaaliyeed dal iyo dibadba in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada difaaca diinta,dalka iyo dadka, taas oo fududayn karta in uu meesha ka baxo gumeysiga ummaddana laga badbaadiyo xasuuqa cadowga iyada oo la kaashanayo alle (s.w.).

4- Jabiso waxay ummadda soomaaliyeed ugu yeeraysaa in ay u toobad keenaan allihii abuurtay kuna kalsoonaadaan, si ay uga baxaan dhibaatooyinka kala duwan ee haysta sida: Xasuuqa, Abaaraha iyo Sicir Bararka.

5- Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed )Jabiso) waxa ay shacabka Soomaaliyeed ogaysiinaysaa in aysan wadanka ka jirin wax dowlad la yiraahdo taas oo maanta ka difaacda xasuuqa isir baabi’inta ah ee ay cadowgoodii soo jireenka ahaa ugu geysanayaan gudaha dalkoodii Soomaaliya.

Digniin:-

Waxa ay Jabiso digniin culus u jeedinaysaa dhamaan dadka la shaqeeya gumeysiga una ah dabo dhilif in ay ka waantoobaan u adeegidda cadowga gumaadaya shacabkooda kana fogaadaan wax kasta oo loogu howl-fududaynayo gumeysiga sida:- in loo noqdo ciidan, jaasuus, ka kiraynta gawaarida iyo Hotellada

Wabillaahi Towfiiq

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka guud ee
Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed(Jabiso).
Muqdisho – Soomaaliya
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com