SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gowracii Masjidka alhidaaya waa Fariin cad oo ku socota muwaadin kasta oo Soomaliyeed

(Faalo uu qoray saxafiga albashiir)

Aduunyo hadaad sii joogto wax walba waad arkeysaa dhacdadii kadhacday masjidka culimada tabliiqa ee alhidaaya ee murugada iyo anfariirka xambaarsaneyd waxa ay noqotay mid baal cusub ufurtay wadamada itoobiya iyo soomaliya shacabka soomaaliyeedna tusisay dhowr arimood oo qaarkood ka dahsoonaa, waa mida horee dadbaa qabay in itoobiya ay iska ilowday cadaawadii soo jireenka aheyd ee ay uheysay umadda soomaaliyed kuna doodayay in itoobiyadan aaney aheyn tii hore, waa mida kalee kuwa kalaa qabay in ciidamada itoobiya aysan shacabka soomaaliyeed oodhan aysan usocon ee ay bartilmaameedsanayaan kooxo gaar ah oo cadaawadi ka dhaxeyso, laakiin waxaas oodhan waxaa isku fuuqsaday foolxumadii shalay ka dhaxday muqdisho, Ciidamado itoobiyaana oo wata dabaabado ayaa masaajid dad ku cibaadeysanayaan inta soogalay jameecadii masaajidka joogtay midba mar inta soo qabsaday intii kale ku horbireeyay sida xoolaha ookale inaa li laahi wa inaa ileyhi raajicuun, bal maxaa dareemi laheyd hadii aad ujeedi laheyd waxa meeshaas ka dhacayay, gabar soomaaliyeed oo ay ku qabteen masjidka banaankiisa ayaa markii ay sidaayeen kadib iyadoo ilmeyneysa saxaafada usheegtay in rag soomaaliyeed horteeda lagu bir bireeyay waliba loogu hanjabay iyadaa xataa in saas loo gali doono.

Xaasidnimada Qaawan

Xaasidnimada aan xadka laheyn ee ay lasoo baxeen ciidamada itoobiya waa mid awalba ay ogaayeen inta badan umadda soomaaliyeed mana aha markii ugu horeysay ee ay gowracaan dad soomaaliyeed iyagoo uquuri la' xabada ee ku fakaraya in ay nafta si xun uga qaadaan, laakiin qofka muslimkaa xanuun kasta oo uu dunida ku arko aakhiro ayuu rabi ugu raaxeeyaa, waxaana hubanti ah in dhacdooyinka noocan oo kale ah ay yihin kuwa sii mideynaya umadda soomaaliyeed shakigana ka saaraya intii awal ay dabadhilifyadooda ka dhaadhicinayeen waxyaabo qaldan, mudo laba maalin ah ayey ciidamada itoobiya xamar ku xasuuqeen dad laba boqol ku dhaw kuwaasi oo dhowr iyo labaatan ka mid ah midi cunaqa iyo qoorta looga gooyay, waxa ay madaafiic aan loo meeldayin uqeybiyeen xaafada ka mid ah muqdisho iyagoo si aan loo meeldayin ugu garaacaya meelaha dadka rayidka ah ay ku nool yihiin sidoo kale waxa ay rasaas la beegsanayeen shaqsi kasta oo soomaali ah oo ay kor uga jeedaan rag, dumar, iyo caruur tuu doona ha ahaadeene, wiil ka mid ah dhalinyarada mudo daganeyd xaafada huriwaa oo qadka taleefanka iigu waramayay ayaa iisheegay in waxii uu arkay iyo waxii uu maqlayay ay ahaayeen kuwa isagaba nolosha nacsiiyay, waxa uu yiri qoyskeyga anigaa xaafada kaga haray si aan guriga tuugada uga ilaaliyo laakiin guri iska daaye nafsadeydii ayaan meel aan geeyo waayay, gurigiina laba madfacbaa dhulka dhigay oo wuu baaba!ay, waxa uuna yiri uma qoomameynayo waayo dadkii xaafada ayaaba qaarkood iyagoo la gowracay aan aasnay anigana waxaan sugayaa waqtiga la igowrici doono, balse waxaan ku sheegayaa buu hadana yiri in dadkeena xaafada ku harsan uu hada go'aankeenu noqday in aaney itoobiyaanka nololba nagu qaban waayo qofna diyaar u ama aha in ciidamo itoobiya ay silac dilaan, iyadoo na dishay bey meydkeena qabsaneysaa maahee waayo wey noocadaaday heerka ay xaasidnimadooda gaarsiisan tahay, wiilkaasi waxa kale oo uu iisheegay in oday dhowr iyo sideedan jir ah oo xaafadiisa daganaa uu ku jiray wadaadadii lagu gowracay masjidka alhidaaya oo shalay ay meydkiisa kasoo qaadeen oo ay aaseen.

Culimada Tabliiqa

Culimada Tabliiqa oo uu saldhig u ahaa masaajidka xasuuqa ka dhacay waa culumo aan shaqo ku laheyn arimaha siyaasada,dagaalada, iyo xataa muranada mamaadii'da kusaabsan ee ay culamada kele ee soomalaiyeed isku qabqabsadaan, kaliyana shaqadoodu tahay faafinta diinta islaamka, waxayna waaya'araga qaarkood dhibka shalay soogaaray u aaneynayaan in qaboobidaasi ay qeyb ahaan ukeentay, waayo dagaalka o ka holcaya SOS oo la ogyahay inta u masaajidkaasi ujiro ayay iska dhexjoogeen iyagoo aan wax cabsi ah qabin fileyna in itoobiyaanka ugu soo galayaan sidaana ogowracayaan waxa ayna cibaadadooda sii wateen ilaa gudaha loogu soo galo oo mid mid loosoo qabsado, inkasta oo qadarta rabi meesha taalay hadana taxadar la!aan ayaa ka muuqatay sida muuqata, laakiin tani waxaa ay tusaale u noqotay iyaga iyo soomaalida oo idil, waxaana hubinti ah in qorshahani uu ahaa mid laga soo shaqeeyay oo iyaga lagu bartilmaameedsanayay waxa kaliya oo lagu cadaawinayana ay aheyd faafinta diinta islaamka taasina waxaa cadeyn usii ah qafaalashadii ardada yaryarkaa ee barineysay culuunta islaamka ee ay ka kaxeysteen itoobiyaanka halkaasi oo aan la ogeyn halka ay la!aadeen.

Dowladda

Mas'uulka kaliya oo waayad loo hanweynaa waa Ra'iisul wasaaraha Nuur cade hadalkii uu axadii jeediyay ayaa sumcadiisa dhulka ku jiiday, iyadoo uu dhagihiisa ku maqlayo madaafiicda ay itoobiyaanka sida arxan la!aanta ah ugu garaacayaan dadka rayidka ah ayuu yiri dowlada iyo ciidamada itoobiya wey isdifaacayaan waxayna arintaasi noqotay meeshii cir laga filaayay bey ciiryaamo ka timid iyadoo dhalisay niyad jab balaaran oo ku timid taageerayaal badan oo ku hanweynaa oo ka filayay in uu noqondoono mas'uul taariikh reebi doona, waxaana muuqata in uu isbadal weyni ku yimid habdhaqankiisii siyaasadeed sabab kasta ha ahaatee, ninka isugu dowlada hogaamiya ee C/laahi yuusuf awalba cidi kama sugeen wax naxariis ah waayo waxaaba lagu tilmaamaa in mansabka uu hayo uusanba aaminsaneyn in uu soomaali oodhan uhayo oo ay ka tan badisay dabeecad qabyaaladeed isagooba dadka muqdisho ka aaminay in ay yihiin hal qabiil oo cadawgiisa ah waxaana lasoo wariyay in habeenka ay cadowga itoobiya culimadda iyo shacabka ku xasuuqayaan muqdisho in uu Washinton kaga qeyb galayay shir ay dad taageersan oo beeshiisa ah ugu qabteen isagoo halkaasina ka jeediyay hadalo laga yaxyaxo waxa uuna sidookale booqashadiisii mareykanka halkii uu sidii madaxweyne dalkiisa ka naxaya udhaqmilahaa uu shacabkan soomaaliyeed ee guud ahaan abaaraha, sicirbararka iyo colaadaha la liicaya uu gargaar caalamka uweydiin lahaa uu mareykanka ka dalbaday in ciidamada itoobiya loo fasaxo in ay diraadaha dheereeya iyo kuwa qumaatiga ukaco u isticmaalaan dagaalada muqdisho isagoo doonaya in dadkaan lasii cirib tiro, sikastaba dowlada ay itoobiya horboodeyso awalba kheyrbadan lagama sugeen waxa kaliya oo la sugayana waa goorta waqtigeedu uu imaanayo oo uu daadka socda qaadi doono inaa nabsigu marbuu soo daahiraaye.
Sikastaba arintu ha ahaateen waxaa hubanti ah umadda soomaaliyeed in ay guuleysandoonto cadawgana uu bixidoono marka intii loogu tala galay ay ku dhimato inta sii noolaatana ay taariikhda baalal kala duwan ka galaan, hanka itoobiyana uusan shaqeyn doonin waxaana lagudboon qofkasta oo soomaali ah in uu ka xanuunsado waxa Muqdisho kasocda sida dhacdadii Masjidka Alhidaaya ee lagu xasuuqay Culimadda somaaliyeed.

Bashiir Max'ed warsame (Albashiir)
Qaahira Masar
Email: albashiir88@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com