SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
22 April 2008.

Itoobiya oo ka xanaaqday barnaamijyadii Aljazeera
Muqdisho: Ciidammada Itoobiya oo wadaado ku gawrcay masaajid
Eritereya: Itoobiya Maraykanka ayaa dhulkayaga ku haya
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Been Lug la qabto bay leedahay-Aljazeera)

======================

Itoobiya oo ka xanaaqday barnaamijyadii Aljazeera

Xukuumadda gumaystada Itoobiya ayaa si wayn uga xanaaqday barnaamijyadii Ogaadeenya ku saabsanaa ee dhawaan laga soo daayay Kanaalka caalamiga ah ee Aljzeera, waxayna isniintii daboolka ka qaaday inay xidhiidhkii diblumaasi u goysay waddanka Qatar.

Xukuumadda gumaysatada Itoobiya ayaa bayaan ay soo saartay ku eedaysay dowlada Qatar inay bil walba 150 oo doollarka Maraykanka ah siiso Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeya, iyadoo u sii Marisa waddanka Eritaraya.

Bayaanka ka soo baxay xukuumadda gumaysatada Itoobiya waxaa lagu sheegay in dowlada Qatar ay xasillooni darro ka wado gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay taageerto xoogagga gumaysi la dirirka ah ee Ogaadeenya iyo Soomaaliya ka dagallama.

Kanaalka caalamiga ah ee Aljazeera waxaa dhawaan laga sii daayay, qaybihiisa carabiga iyo Ingiriisigaba, barnaamijyo taxane ah oo laga soo duubay qaar ka mid ah gobollada dalka Ogaadeenya, kuwaasoo daaha ka rogay xasuuqa iyo cadaadiska ay Itoobiya ku hayso dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Barnaamijyadan ayaa lagu soo bandhigay dhacdooyin murugo leh oo muujinaya sida naxariisa darrada ah ee ciidammada nacabka ah ee gumaystada Itoobiya ay ula dhaqmaan dadwaynaha Ogaadeenya, iyo cunaqabataynta dhinac walba ah ee ay ku hayaan.

Barnaamijyadan waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay cududda millatari ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo sida ay uga hawlgalaan guud ahaanba dalka Ogaadeenya, isla markaana ay cidhiidhiga u galiyeen ciidammada saama la-luudka ah ee gumaystada Itoobiya.

Xukuumadda gumaystada Itoobiya ayaa ku caan baxday inay cid kale ku eedayso xasillooni darrada iyo xasuuqa ay ka wado gobolka Geeska Afrika. Xukuumadda Itoobiya waxay is-illowsiinaysaa inay iyadu tahay isha ay nabad galyo xumada iyo macuulusha Geeska Afrika ka soo burqato.

Xukuumadda gumaystada Itoobiya waxay bishii Sebtember ee kal hore dalkeeda ka caydhisay lix diblumaasi oo u shaqayn jiray safaarada Norway ku leedahay magaalada Addis Ababa. Xukuumadda gumaystadu waxay dalka Norway ku eedaysay inuu faragalin ku sameeyay muranka u dhexeeya iyada iyo Eritereya.

Muqdisho: Ciidammada Itoobiya oo wadaado ku gawrcay masaajid

Ciidammada Itoobiya ee xoogga ku haysta dalka Soomaaliya ayaa ugu yaraan 27 qof ku gawracay magaalada Muqdisho.

Ciidammada Itoobiya ayaa la sheegay inay xoog ku galeen Masaajidka Al-Hidaaya, oo dad badani ay gabbaad ahaan ugu soo carareen, ka dibna ay dhexdiisa ku gawraceen ugu yaraan 21 qof oo isugu jira wadaado, dad waayeel ah iyo carruur yaryar.

Wadaadada qaarkood ayaa la sheegay inay ka trisanaayeen Kooxda Wadaadada ah ee Tabliiq loo yaqaano, kuwaasoo aan wax lug ah ku lahayn iska horimaadka ka dhex-socda ciidammada Itoobiya iyo xoogagga soomaaliyeed ee ka soo horjeeda.

Ciidammada Itoobiya waxay sidoo kale meelo kale oo Muqdisho ka mid ah ku gawraceen ilaa iyo 6 qof oo qaarkood ay yihiin oday dhaqameedyo caan ah.

Xaafadaha ay dagaalladu u badan yihiin Xaafadaha Wardhiigley, Heliwaa, Waxara-Cadde iyo Yaaqshiid.

Sida ay sheegeen ururro xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo ka jira magaalada Muqdisho waxaa dagaalladan ku dhintay in ka badan 100 qof, hase yeeshee dadka goob joogga ah ayaa sheegaya in dhimashadu ay intaas uga badan tahay.

Dadka dagaalladan ku dhintay waxay u badan yihiin dad shacab ah oo le’day madaafiicda aan aaba-yeelka lahayn ee ciidammada Itoobiya ku garaacayeen xaafadaha Muqdisho. Waxaa sidoo kale dagaalladan ku dhaawacmay in ka badan 200 oo qof, waxaa iyaguna magaalada ka qaxay dadwayne aad u badan.

Seddex maalmood ah oo xidhiidh ah ayuu dagaal qallafsani ka dhex socdaa ciidammada gumaysiga Itoobiya iyo xoogagga soomaaliyeed ee ka soo horjeeda, sida uu guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u-xoreunta Soomaaliya, Sh Shariif Sh Axmedna, waxaa ciidammada Itoobiya la gaadhsiiyay khasaare aad u ba’an. Wuxuu kaloo intaas raaciya, mar isniintii u warramayay Kanaalka Aljazeera, in dagaalku uu soconayo inta ciidammada Itoobiya laga nadiifinayo dalka Soomaaliya.

Eritereya: Itoobiya Maraykanka ayaa dhulkayaga ku haya

Madaxwaynaha waddanka Eritereya Isaias Afewerki ayaa waddanka Maraykanka ku eedeeyay inuu xukuumadda Itoobiya ku dhiirri galinayo inay xoog ku qabsato dhulka ay iyada iyo Eritereya ku mransan yihiin, wuxuuna tilmaamay in Maraykanku uu gobolka kula dhaqmo siyaasad uu danihiisa ku dhawranayo oo kaliya.

Waraysi uu dhawaan siiyay Tilifishinka Aljazeera, wuxuu madaxwayne Afewerki ku sheegay, in Maraykanku uu Itoobiya ku dhiirri galinayo inay ka shaqayso sidii loo baajin lahaa astaynta xadka ud hexeeya Eritereya iyo Itoobiya, iyadoo la raacayo go’aankii ka soo baxay maxkamadda caalmiga ah, dhawr sano ka hor.

Afewerki wuxuu intaas ku daray in dhibtaada u dhaxaysa dalkiisa iyo Itoobiya uu Maraykanku saldhig u yahay, sababtuna ay tahay iyadoo xukuumadda Itoobiya ayna awood u hesheen inay xoog ku haysato dal Eritereya leedahay, haddii ayna taageero dhinac walba ah iyo dhiirri galinin ka haysanin maamulka Maraykanka.

Madaxwaynaha Eritereya wuxuu sidoo kale sheegay in joogitaanka ciidammada Qaramada Midoobay ay joogaan dalalka Badda Cas ku yaalla ee xadka la leh Itoobiya uu yahay sharci darro. Hadalka madaxwayne Afewerki wuxuu ku soo beegmay xilli ay Qaramada Midoobay daah ka rogtay inay ciidammadeedii iyo shaqaalaheedii oo dhan ay kala soo baxday waddanka Eritereya oo ay u soo gudbisay dhinaca Itoobiya.


Radio Xoriyo

22 April 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 23, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com