SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

20 APRIL MAALIN MADOOW-XASUUQA UMMADDA SOMAALIYEED

Waxaa sida Qoraxdda u cadaatay qorshe GumeeysiggaItoobiyaanka iyo Shaqaalihiisa koopiga ah eey ka wadaanDalkeena hooyo gar ahaan Caasimada Muqdisho xuduntaUmmada Somaliyeed,waxaa ayaan daradeda leh naxdiiniyo Murugadeeda leh Tacdiyadda heerka Gabood falka ahoo eey geeysten Ciidanka gumeeysiga Itoobiya iyo kuwaadeegayaasha ah(Maryo Calasta)kuna Xasuuqeeyn Dadaad iyo aad u fara badan rayid ah una badnaa Wadaado,Haween iyo Caruur waxba galabsan.

Falkaas ayaa qeyb ka ah xadgudubyada joogtada ah ooka dhacaaya Caasimada laguna gumaaday Dad gaaraaya 50.000,dhawacaduna ilaa 200.000 halka barakacu yahay2-Malyan, sidoo kalle waxaa jira Dad badan oo ku jirraJeelasha Dalka Itoobiya iyo kuwa Rajiimka oo gaaraayailaa 15.000 qof una badan Culimaaudiin,Aqoonyahan iyoShakhsiyaad qiimo weyn ku leh Bulshada dhexdeeda.

Runtii Xaalada Magalada Muqdishoiyo guud ahaan degaamadda ku xeeran waa mid la orankaraayo waxeey ku jiraan xalaad colaadeed qorsheeysaniyo gumaad cad oo aan loo aabe yeeleeyn, ujeedada kadameeysaana tahay sharciyenta Gumeeysiga Dadkuna sicad u diidan yahay,heeryadda gun-nimada iyo duudsiggaJiraanka Qaranimadeena ma ogolaaneeyno marna,waayoDalkeena inagaa leh(somaaliya Somaali baa leh),suurta-galna ma noqoneeyso qabsasahda Itoobiyanka iyo gelidaXili Isticmaar cusub-Walaahi Maya.

Xasuuqa iyo fal gumaadka foosha xun oo ka dhacayCaasimadda Muqdisho 20/04/2008 waa mid xanuun weynleh Muwaadiidin badana naftooda ku waayeen,xadgudubcadna loo geeysteey Culumaa-udiin ku sugnaa Masaajid Masaajidka Alhidaa ee Xaafada Waxara-Cadde oo gooracloo geeysteey-waa arrin fool xumadeeda leh, demdi kusaleeysan naceeyb Diineed,Isireed iyo Qoomiyadeedba,waana mid aan loo dul-qaadan karan marna, JawaabCad iyo talaabada ku haboon laga qaadi doono Xiligga kuhaboon Inshaa Alle,waana mid Cashar cad u noqon doonakuwa weli indhaha ka qarsanaaya Gumeeysiga iyo habkaGuracan oo wuu Ummadeena kula dhaqmaayo(Dadka laDilay 20/04/2008 Tiradoodu waxeey mareeysaa 200 qof Halka dhaawacu 1000 kor u dhaafay).

Anigoo ah Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab) MuwaadinSomaaliyeed Diintiisa iyo Dalkiisa Difaacadeeda u taaganwaxaan guud ahaanba Ummada somaaliyeed halkan ugasoo jeedinaayaa Baaq ku saleeysan Difaacada DalkoodaHooyo iyo iska Caabinta Gumeeysiga duulimaadka cad kuheysta Hooygeeynaa qaaliga ahaa,Dalkeena Hooyo ciidaLama huraanka ah,Goobta Raxmaanku inagu abuuray,waxaan ku boorinaayaa abaabulida kacdoon UmmadeedDalkoo dhan ah iyo ku biirada Halganka Hubeeysan,sidookalle waxaan Talo ayaan ugu soo jeedinaayaa HogaankaSarre ee Ururka Dib u Xoreeynta Somaaliyeed in eey kaFiirsaadaan Qorshaha Wada hadal iyo Nabada UN-ku eeywadaan Maadaama Dalkii Xasuuqaasu xiligan ka Socdo,Halganku heerkii ugu sareeyeey maraayo.

Maya Xasuuqa-Gumaadka iyo Falalka Tacadigga xad-dhaafka, Maya Goowraca Culimaa-udiinka Somaaliyeed,Maya Madaafiicdda Gumaadka, Maya Boodka HandiddaIyo Dhaqaalaha Ummadda Somaaliyeed, Maya FalakaFoosha Xun Fara-Xumeeynta Haweenka Somaaliyeed,Maya Bara-kiciin Malaayiin Muwaadin, Maya HeeryaddaWayaanaha iyo Koopigooda Somaali ku sheega ah, MayaQorsaha Gumeeysiga Cusub Aduunka(Mareykanka iyoXulafadiisaba),Maya Gun-nimadda Maya Walaahi Maya,Walee waa loo aaraa Muwaadidiinta Xaq daradda lagu Xasuuqay-Walee waa loo aaraa-Balan.

Allah Weyn--Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)--England-Uk-22/04/2008-- sharifhassan50@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com