SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Aqoonyahan uu dhashay dalka Germany oo yiri "Yaa Islaamka ka Cabsanaya".?


Ibraahim Da'ud "Gentleman"

Dietrich Ritz oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Germany kana mid ah xarunta Cilmi Baarista a Daraasaadka Bari xafiiskeeda uu ku yaala Magaalada Berlin ee dalka Germany ayaa waraysi uu siiyay wargeeska Der Spiegel ee ka soo baxa dalkasi Germany ooga hadlay arrimo ku saabsan diinta Islaam-ka iyo dadka Muslimiinta intaba.

Dietrich Ritz ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in dadka Muslimiinta ah laga cabsado, isagoo Salaada, Soonka, Iyo Xajka ku tilmaamay in ay yihiin Waajibaad Diini ah oo dadka Islaam-ka laga doonayo.

Aqoonyahankan ayaa Muslimiinta dalka Germany ku nool u soo jeediyay amaan gaar ahaan dhalinyada kuna tilmaamay in ay yihiin dhalinyaro diinta Islaam-ka ku dhagan. isagoona yiri "Inta badan dadka Muslimiinta ah ee dadka Germany ku nool waa dad Nabadeed, waa dad nabada jecel, marka maahan macnaheedu in ay wax xiriir ah ka dhaxeeyaan dhibaatooyinka caalamka meelo ka tirsan ka dhaca iyo diinta Islaam-ka".

" Diinta Islaam-ka waxa ay ka caawisay Qaaradda Yurub in ay horumar sameeyso xilliyadii dhaxe gaar ahaan Markii Islaam-ka uu ka talinayay Dalka Spain mudo 8 Qarni ah". Ayuu sidoo kalle yiri aqoonyahankan lagu magacaabo Dietrich Ritz.

Aqoonyahanka Dietrich Ritz.

Markii Diinta Islaam-ka lagu sameeyay faquuq, dad badan oo Qaaradda Yurub ah Diinta Islaam-ka waxayba la noqotay wax cusub balse hadda waxa soo baxay dhalinyaro badan oo Yurub ah oo doonaya in ay dib u eegaan Diinta Islaam-ka si ay o fahmaan xogta dhabta ah ee islaamka .

Fikirka Qaldan ee Diinta Islaam-ka laga fahmay.!

Kaddib markii weerarka lagu bur-buriyay Daarihii mataanaha ee ahaa dalka Mareekanka sanadkii 2001-kii, waxaa soo if baxay kooxo badan oo Islaam la dirir ah, dowlada Mareekanka waxa ay dagaalo ku qaaday dalal badan oo Islama ah sida Afganistan, Iraq iyo Somalia. Dhinace kalle dalal Yurub ah waxaa sidoo kalle ka soo ifbaxay in Diinta Islaam-ka iyo Nabi Mohamed "S.CW" loo geesto aflagaado aad loo meel dayin. Dhawaana Filim uu soo saaray ninka Tirsan Baarlamaanka dalka Holland uu soo saaray Filim uu Kitaabka Qur'aanka ku aflagaadeeynayo.

Mar kalle aqoonyahankan Dietrich Ritz ayaa yiri "Dowlada Germany waxay un aragtaa dhibaatooyinka dadka Muslimiinta ah ay meelo badan oo dunida ah ay ka sameeyaan taasi oo ku timid sabab un, balse Xaqiiqada dhabta ah ee islaamka intaasi way ka duwantahay". Isagoo ku tilmaamay qofka aan Xaqiiqada Islaamka aqoon in uu yahay qofka ugu horeeya ee cadaawada ugu horeeysa u haya Diinta Islaam-ka ee nabada u ah hormuudka.
Dietrich Ritz
"Ma ahan in loola dhaqmaa dadka Muslimiinta ah sida loola dhaqmo Qaxootiga dalalkooda ka soo hayaamay, Muslimiinta waa dad aaminsan wax Xaq ah" ayuu aqoonyahanka sii raacsaday hadalkiisa.

Aqoonyahankan ayaa ku tilmaamay in is fahamdaradda jirta looga bixi karo oo kaliya in Reer Galbeedka iyo Muslimiinta ay meesha ka saaraan khilaafka u dhaxeeya, sidoo kallena ay abuuraan xaalad wada hadal iyagoo kalsoonida saldhig ooga dhigaya xiriir cusub oo ay yeeshan Islaam-ka iyo reer Galbeedka.

"Mar walba oo uu xiriir idinka dhaxeeyo qofka Muslimka ah, waxaa badanaya Fahamka Guud ee diinta Islaam-ka, waxana haboon in qof walba Ha ahaado Muslim ama yuusan ahaan uu raaco Qaanuunka u yaal wadanolaashaha meel kasta oo caalamka ah". Ayuu yiri Dietrich Ritz.

Aqoonyahana Dietrich Ritz isagoo ka hadlayay arrinta ku saabsan Xaquuqda Haweeneeyda waxa uu yiri "Haddii Dumarka la dhibaateeyo xaqooqdana aysan helin, yay tahay qofka xalka ugu wanaagsan keeni kara.? Aniga illama ahan in uu reer Galbeedka arrintan xalin karo, balse Islaam-ka aya ah meesha kaliya ee ay dumarka Xaqooqa oo dhameestiran ay ka heli karaan ay tahay diinta Islaam-ka maxaa yeelay waxaa jira Dumar badan oo ka muuqda Mujtamacaadka ay ku dhax noolyihiin ee dalalka Islaamka ah".

Ugu danbeentii aqoonyahankan ayaa hadalkisa ku soo gunaanaday in dadka Muslimiinta ah ay yihiin Dad Qawaaniinta raaca, Muslimiinta aan Diinta Islaam-ka aan ku dhaqmin waa lagu wareerayaa in ayba yihiin kuwo wanaagsan iyo in kalle, balse Christian-ka iyo Yuhuuda ayuu ku tilmaamay in lagu kalla saari karo hadba sida wax ay u dhaqan galiyaan wax ay aaminsanyihiin.

Dhamaad.
Xigasho shabakadda Islaamonline.

sayfudiin@hotmail.com , ibraahimdc@yahoo.co.uk

By ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman" April 21, 2008

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com