Shirqoolkii Waynaa.!!!! Bilowgii Lumitaanka Qunyar Socodka
Ilaahaybaa mahad leh, naxariis iyo nabad galyana nabiyu laahi mux'ed ayay
dushiisa ahaatay. Intaa ka bacdi waxaan dhamaan aqristayaasha ku salaamayaa
salaanta islaamka, salaanta ahlul janaha. Asalamu calaikum waraxmatulaahi wa
barakatuh.
Iguma aysan ahayn wax kadiso iyo fajiciso ah, waxaanay ahayd falaadh aan
filaayay...
Waxay ahayd dhacdo aan ku cusbayn saxwada islaamiga ah, soona noqnoqtay marar
badan, intii caqli lehina ay tijaabadaas ka faaiidaysatay...
Waxay ahayd bilowga musalsal dheer oo socon doona intii uu allaaah ogolaado in
uu socdo, waa bilow khiyaanooyin qaran ama umadeed oo ka bilowda khudada hada la
qaaday iyo dhabaha hada uun cagta la saaray, inshaa allaahuna ku dhamaan doona
fashil iyo foolxumo wayn oo raacda khiyaanoolayaasha waanay xusi doontaa
taariikhdu, dhabankoodana waxay ku xardhi ama ku daabici inay yihiin kuwo ka
ganacsada dhiiga dadka gadana qadiyadaha, siduu yidhi alle ha xifdiyee amiirka
dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta alshabaab sh. mukhtaar abuu-zubair.
Waxaa soo ifbaxaysa in la hirgalinayo mukhadad ama qorshe iyo barnaamij uu
dhigay marka hore shaydaan kabacdina maraykan iyo xulafadiisa oo ay kaw ka tahay
qaramada midoobay iyo midowga yurub.
Hadaba muxuu yahay mukhadadkaasi ama qorshahaasi?.
Yaa dhigay?. Yaase loodhigay oo lagula dagaalamayaa?.
Yaa la adeegsanayaa?. Muxuuse ujeedada ama hadafka mukhadadkaasi yahay?
Waxaa hubaal ah in waqtiyadan dambe ay kusoo xoogaysanso dunida muslimka ah
taageero aad u balaadhan oo ay shucuubta muslimiintu u hayanaan mujaahidiinta,
isla markaana waxay ka qanceen madaxdooda dabadhilifyada ah, iyo sidoo kale
nidaamyada xukuneed ee qalqalafsan ee ay wataan, waana baraarug diimeed oo
ilaahay loogu mahadnaqo.
Taageeradaas oo ka dhalatay is hortaaga ay is hortaageen mujaahidiinta ay ku
tilmaaman xagjirku mashruuca ay maraykan iyo israaiil hogaaminayaan, ee ku
qotoma dhaca, dilka, boobka arxandarada ah ee ay ku dhisantahay cadaawada
caqiidadeed iyo damacyada siyaasadeed, kuwa dhaqaaleed iyo kuwa militryba.
Waxaa batay jabhadaha mujaahidiintu ay ku wadaan kacdoonka isbadal doonka ah ee
sida isdaba jooga ah uga dilaacaya wadamada mulimiintu ay degaan iyo kuwa xooga
ay gaaladu ku haysataba.
Philippines waxaa ka jirta jabhada abu sayaf, Pakistan waxaa kasoo ifbaxay
jabhada daalibaanta pakistan, Afghanistan waxaa ka jirta dalibaan iyo alqaeadah,
Iraq waxaa ka jira jabhado mid ka badan oo ay ugu wayntahay dowlada islamiga ah
ee iraq iyo ciidanka ansaaru sunah, saudi arabia waxaa ka dilaacay kabhad cusub
oo la magacbaxday alqaacidada jazeeratul carab, yemen waxaa ka jira dhaqdhaqaaq
waayadan dambe soo xoogaysanaya oo isna la baxay aqacidada koonfurta jazeeratul
carab, morocco Algeria Mauritania Tunis Mali waxaa ka jira jabhad xoogbadan oo
la baxday alqaacidada galbeedka islaamka, filistiin waxaa ka jira jabhado badan
oo ay u xoogbadantahay jabhada qasaam oo ah garabka militry ee xamaas, syria
lenanon waxaa ka jira dhaqdhaqaaqa jundu shaam, fatxul islaam iwm. Somalia waxaa
ka jira jabhado ay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta alshabaab, jabhada
islaamiga somaliyeed, naigeria waxaa ka jira dhaqadhaqaaqa daliban.
Sidoo kale wadamada aan madaxbanaanida lahayn ee muslimiinta ah isla markaasna
hoosyimaada quwadaha gaalada ayaa iayana sidaas oo kale ay mujaahidiintu jabhado
uga samaynayaan, sida kashmiir, iyo qaybo badan oo ka mida dhulkii hore loo
odhanjiray midawga soofiyeeti.
Shabaabkii xooga ahaa ee caalamul islaami waxay si xoogbadan ugu biirayaan
jabhadahaas mujaahidiinta ah.
Sidaa aawadeed ayaa dawlada maraykanku waxay istiraatiijiyadeeda fog ee ku aadan
dunida muslimka ku dhistay waaqicaas ah in cadawgiisu (umada muslimiinta) ay aad
ugu heelanyihiin mujaahidiinta si isdaba joog ahna ay u sii xoogaysanayaan.
Hadaba waa in la keenaa xal lagaga hortago fiditanka fikirkaas ah ku
qanacsanaanta in islaamku xal yahay. Dhibka iyo guumaysiga umadu ku jirtana in
lagaga bixi karo jihaad. Waxay u tafa xayteen oo guntiga dhiisha iskaga dhigeen
sidii ay u damin lahaayeen karkaas, Wuxuu yidhi allaah "Waxay doonayaan inay
afkooda ku damiyaan nuurka ilaahay".
Muxuu yahay qorshaha la hirgalinayaa?.
Meelaha ugu waaweyn ee dawladaha reer galbeedka iyo maraykanku ay ka qaataan
aragtiyaha siyaasadeed ama fikradaha ayaa ah Goobaha lagu sameeyo baadhitaanada
iyo diraasadaha ama xarumaha cilmi baadhista, waxa ay u yaqaanaan Research
centers.
RAND Corporation waa mid ka mida hay’adaha ugu waawayn maraykanka ee diraasadaha
ay soo saarto ay dawlada maraykan ku dhisto hadba wixii ficil ah ee ay qaadayso.
Waana hay’ad guun ah oo shaqaynaysay mudo gaadhaysa 60 sano.
Rand ayaa ah xarfo la soo gaabiyay oo ka kooban Research and development,
misaaniyad sanadeedkeeda waxaa lagu qiyaasaa lacag gaadhaysa 150 milyan oo
dollar, waxaana ka shaqeeya shaqaale gaadhaya 1500 ilaa 1600 oo u badan
aqoonyahano shahaadooyin sarsare sita. Waxaanay hay’adani hoos timaadaa ciidanka
cirka ee maraykanka US air force.
Hadaba laanta hay’adan u qaabilsan diraasaynta bariga dhexe ee Center for Middle
East Public Policy oo ku taala wadanka Qatar gaar ahaan magaalo madaxdiisa doha
ayaa waxay dhawaan soo saartay warbixino isdaba jooga oo si khaasa uga hadlaya
talooyina uga bixinaya sidii looga hortagi lahaa in jihaadiyiintu ama
islaamiyiintu xukunka dawladohooda mar uun gaadhaan iyada oo aanuu maraykan ka
raali ahayn ama uusan isagu ka qayb-qaadan arintaas isaga oo ujeedooyin
istiraatiijiyadeed oo gaara ka leh.
THE MUSLIM WORLD AFTER 9/11 waa mid ka mida diraasadaha ay diyaarisay Rand taas
oo soo baxday March 2005 kana koobanayd 500 oo baal ama xaashiyood, wuxuu
hadafkeeda ama ujeedadeeda ugu wayni ahayd sida diraasada lagu sheegay
"Istiraatiijiyada ugu haboon ee la gudboon maraykanka in uu kula dhaqmo dunida
muslimka ah mustaqbalka"
Diraasadaas oo aad u balaadhnayd ayaa bal waxa aynu kasoo qaadan dhowr qodob oo
kamida qodobada ay cida diraasada diyaarisay kula dardaarantay dawlada
maraykanka:-
- In islaamiyiinta qunyar socodka ah laga qayb galiyo xukunka dawladohooda ay is
hayaan, dhibna ma leh hadii islaamiyiintaasi aanay ku qanacsanayn
dimoqraatiyada, waxaanay diraasadu sidoo kale sheegtay baqaha laga qabo in hadii
islamiyiinta qunyar-socodka ahi ay si dimoqraadi ah ugula wareegaan xukunka ay
ku kacaan falal ka hor imanaya mabaadida dimoqraadiyada oo shareecada islaamku
qabto, laakiin waxay diraasadu isku qancisay in hadii ay islaamiyiintu soo gudo
galaan hay’adaha dimoqraadiga ah ay suuro-gal tahay in ay aad u furfurmaan aadna
ugu dhex milmaan dimoqraadiyiinta, waxaana ay diraasadu shardi uga dhigtay
islaamiyiintaas xukunka laga qayb galinayo in ay u hogaansamaan mabaa’dida
dimuqraadiyada, iyo in ay ka fogaadaan in ay isticmaalaan xoog ama dagaal
(jihad).
- In la abuuro lana dhiiri galiyo oo la barbaariyo kooxo islaamiyiin qunyar socod
ah, si loogu adeegsado la dagaalanka kuwa ay u yaqaanaan gaaladu ASALRAAC.
Waxaana lagu sheegay dirasada in kuwa qunyar socodka ahi ay awood ahaan aad uga
hooseeyaan kuwa asal-raaca ah, sidaa aawadeed waxa ay diraasada talo ahaan u soo
jeedisay in maraykanku gaalgalin wayn ku sameeyo kuwa qunyar socodka ah, oo uu
sidoo kalena ka qayb qaataa sidii uu afkaartooda qunyar-socod-nimo u gaadhi
lahayd dhamaan muslimiinta, lana sameeyaa shabakado caalami ah oo isku xidhan
awoodna leh.
- In la baabi’iyo lana burburiyo kuwa asal-raaca ah, lana fahmo sifooyinka ay
khaaska ku yihiin, siyaalaha ay u wada xidhiidhaan asal-raacyada dunida
daafaheeda ku kala nooli, sida ay uwada hawl galaan, cida maal galisa, meelaha
ay u liitaan, si markaa ka bacdi loo dejiyo istiraatiijiyada ugu fudud ee loo
burburin karo, ka bacdina halkooda lagu badalo kuwa qunyar-socod ah.
Building Moderate Muslim Networks, ama dhisid shabakado muslimiin qunyarsocoda,
iyana waa diraasad ka kooban 217 xaashiyood, taas oo soo baxday taariikhdu
markay ahayd 26-march ee 2007. Waxaanaan odhan karaa waa hadaf ama ujeedo
taktiiki u ah hadafkii istaraatiijiga haa ee ay isugu biyo shubanaysay
diraasadii aynu hore u soo sheegnay.
Waa sidii loo samayn lahaa islamiyiinta qunyar socodka ah ee qorshahan hirgalin
lahayd, waa diraasad aad uga hadlaysa islaamiga qunyar socodka ah ee uu maraykan
doonayo afkaartiisu waxa ay tahay.
Marka la isku soo ururiyo waxa ay afkaar ku soo diyaariyeen diraasadani waxay
isugu soo biyo shubanaysaa in islaamiyiinta qunyar socodka ah oo ay
sifooyinkooda aad ugu sharxeen diraasadaas ay uga faaiidaystaan laba arimood.
- In ay ku garaacaan oo ay kula dagaalamaan kuwa ay u yaqaanaan asal raaca ama
wahaabiyada sida ay sheegeen, kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwo
jihaadiyiin ah ama kuwa fikir ahaan taabacsan alqaeda waa sida ay u dhigeen
hadalkee. Kuwaas oo sida ay sheegeen aaminsan in la soo celiyo khilaafadii
muslimiinta ee luntay.
- In ay ugu cago jugleeyaan kuwa digtaatooriyiinta ah ee xukuma wadamada
muslimiinta ah, kuwaas oo ay ku khuukhinayaan in ay xukunka ka tuurayaan kuna
badali doonaan kuwaan qunyar socodka ah ee shacbiyada shacabkana haysta, hadii
ay xukuumadahaasi fulin waayaan waxa uu maraykan ka dalbado.
Akhristayaal ma soo koobi karno shirqoolada ay gaaladu u maleegayaan baraarugaa
islaamka ee dunida manta kazoo ifbaxay. Cidii u baahan in ay daalacato
diraasadaas halkan ayay ka rogan kartaa.
http://rand.org/pubs/monographs/2007/RAND_MG574.pdf
Hadaba sidaan wada ogsoonahay waxaa waayadan dambe soo if baxaayay warar ku
saabsan wada hadalo ay yeelanayaan dawlada federaalka kumeel gaadhka ah ee
somalia iyo isbahaysiga mucaaradka ah ee dib u xoraynta somalia, waxaana
arintaas sii xaqiijiyay madaxa isbahaysiga mar ay waraysatay idaacada british broacasting corporation
laanteeda afka somaliga taariikhdu markay ahayd 4/4/08.
Sidoo kale waxaa dhanka kale ee TNG-da arinkaas qiray hadh iyo habeena u taagan
ra’iisal wasaare nuur cade.
Waxaa intaas kasii horaysay wada hadalo iyo kulamo dhex maray isbahaysiga asmara
iyo qaar kamida masuuliyiinta maraykanka sida safiirka maraykanka u fadhiya
Nairobi Ambassador Michal Ranneberger, iyo masuuliyiin iyana ka socda qaramada
midoobay oo uu ka kowyahay axmed walad cabdllah.
Akhristayaal aan idin xasuusiyo hadal uu yidhi mid ka mida kuwa ugu rug
cadaadisan fikiryahanada ama kuwa dhiga afkaarta siyaasiga ah eeku saabsan
bariga dhexe ahna masuul ka tirsan hay’ada rand, isla markaana ah ninka
diyaariyay diraasada hore ee The Muslim world after 9/11 kana qayb qaatay
diraasadan dambe kaas oo la yidhaahdo angel rabasa isaga oo dhiiri galinaya kuwa
lagu sheego qunyar-socodka wuxuu yidhi rabasa:- "Maadaama oo aanu nahay anagu
(maraykan) wadan ajanabi ah, oo sidoo kale aanaan ahayn dal muslim ah, nooma
suuro galayso in aanu faro-galin ku samayno oo aanu la dagaalano caqiidada ama
ideologyada kuwa xagjirka ah… waxaa muslimiinta ku waajiba in muhimadaas iyagu
ay ku kacaan, doorka aanu anagu ku yeelanaynaana uu noqdaa uun in aanu idiin
diyaarino garoonka cayaarta, anaga oo xoojinayna kuwa qunyarsocodka ah"
Sidoo kale waxaa uu madaxwaynaha TNG-da dambiile c/lahi yusuf axmed ku sheegay
waraysi uu siiyay idaacada bbc taariikhdu markay ahayd 16-04-08 oo uu ku sheegay
in hada ay haboontahay in la isugu tago oo la faquuqo kuwa uu ku sheegay in ay
yihiin argagixisada caalamiga ah, mar la waydiiyay cida uu ula jeedo
argagixisada in uu ula jeedo mucaaradka wada hadalka la wadana, waxa uu sheegay
in aanuu u jeedin inta aaminsan mabda’a wada hadal in lala galo dawlada ee cida
uu u jeedaa ay tahay dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta alshabaab oo uu si cad u
magcaabay.
Hadaba waxaa kulmadaas lagaga shaqaynaayay in la abuuro jawi uu ku qabsoomo wada
hadal ay yeeshaan labada dhinac, taas oo aan loogu danaynayn labada dhinac ee is
haya isla markaana wada hadlaya midna laakiin la doonayo in: -
- Lagu badbaadiyo laguna samato bixiyo dawlada Ethiopia oo ku guuldaraysatay
ujeedooyinkii ay u timid carada Somalia, iyo iyada oo si xawli ah ugu
dhiigbaxaysa gudaha dalka Somalia dhaqaale ahaan, iyo millitry ahaanba.
- Lagu Burburiyo quwada mujaahidiinta islaamiga ah ee kasoo ifbaxday dalka
Somalia, taas oo hor istaagtay hirgalinta mashruuca mucatab ku dirirka caalamiga
ah, quwadaas oo islamarkaana fashilisay qorshayaashii isugu jiray damacyada
siyaasadeed, dhaqaale iyo militry ee loogu talagalay in dalka Somalia lagu
burburiyo laguna qaybsado hantidiisa iyo khayraatkiisa.
Hadaba islaamiyiinta somaliyeed ee ka qaybqaadanaysa wada hadalada hada la wado
ee ujeedadoodu tahay hirgalinta ujeedooyinkaas iyo ahdaaftaas istiraatiijiga u
ah gaalada, ayaa waxay isugu jiraan dhawr qaybood marka la eego xaga
dhaadsanaanta in ay fulinayaan qorshe gaalo dan u ah laguna burburinayo nuurka
islaamka oo lagu badbaadinaayo sii jiritaanka ethiopia si ay u noqoto handadaad
iyo qodax mar walba ku mudan cunaha umada somaliyeed iyo carbeedba khaas ahaan
masar, jibouti, sudan iyo iyana Eretria.
Waxaa jira kuwo aan dhaadsanayn qorshahaas oo daacadimo aan sharciga ku
banaanayni ay hayso, waxaa jira kuwo dhaadsan laakiin dano siyaasadeed iyo kuwo
shaqsiyeed oo mansab iyo kursi u wayn yahay uun u fulinaya qorshahaasi, sidoo
kale waxaa jiri kara kuwo ku jira isbahaysiga oon ahayn garabka islaamiyiinta ah
oo dhaadsan qorshahaas lagana yaabo in talo ay ku leeyihiin fulinta qorshahaas,
ahna kuwa soo xidha fiilooyinka u dhexeeya gaalada iyo isbahaysiga, una
diyaarsan qorshaha labaad ee ka dambeeya marka kani uu fulo –illaahay ma
fuliyee- ay iyana bilaabaan qorshe meesha lagaga saarayo kuwan qunyar socodka ah
laftooda oo ay timaado "waxa la I cunay maalintii dibiga cad la cunay:.
Waxaan odhan lahaa walaalaha loo tashaday.
Waxaad tihiin kuwo taariikhda sharfta ku leh bogag dahab ah, waxaad tihiin darbi
adag oo hortaagan –insha allaah- mawjadaha damaacinamada ah ee lagu soo weeraray
umada muslimiinta ah khaas ahaan umada somaliyeed.
Waxaad tihiin kuwo aanaan abaalkooda gudi karin, idinkaa guusha leh maadaama oo
aad xaqa ku taagantihin walow ay ayaamaha qaar aad u soo adkaadaan. Walow ay
ragii idiinku dhawaa idinkoo nool idin iibiyaanba, walow dhiigiina lagu seexdo
hotelo waawaynba, imisaad u adkaysateen dabaylo iyo duufaanada xooga badan oo
badalay fikirka iyo tawajuha odayaal tusaale u ahaa dhabar adayga iyo sabirka.
Codka sharafta iyo cisadu ku dheehantahay ee ka reeban isdaad raacinta
daciifnimada ah ee ku dhisan aragtiyaha siyaasadaha daba dhilifnimada ah ee ay
ka madhantahay quwada iyo cisigii islaamka lagu yaqiinay.
Walaalahayga islaamka ahaw qorshayaashaas ka madhan akhlaaqda wanaagsan, ee ay
ku dheehantahay fulaynimada, khiyaanada, siyaasada beenta ah, iyo iibinta
qadiyada umada somaliyeed waxay inooga baahantahay qorshayaal lagaga hortago oo
ay aasaas u tahay shareecadu, dabadeed mawaaqif sharafeedyo, siyaasad
xikmadaysan, dulqaad, sabir iyo naseexo, adayg iyo debacsanaan isu dheeli tiran.
Sidaa aawadeed waxaa ila gudboon in aynu ka duulno qodobo dhawr ah oo aan
isleeyahay way haboontahay in waqtiga kan lagaga bixi karo.
Dagaalku waa mid umadeed ee maaha dagaal kooxeed.
Waxyaalaha u waawayn ee ay gaaladu ka faaiidaysato, mashruucana hirgalintiisa ka
qayb qaadan kara waxaa ka mid ah iyada oo la kala saaro shacabka iyo
mujaahidiinta. Oo laga dhigo mujaahidiintu in ay wataan qorsheyaal u gaara oo
meelo kale laga darawaliyo oo aan umada iyo dalkaba dan u ahayn.
Waxaa la doonayaa in dagaalka laga dhigo dagaal u dhexeeya tirada yar ee
mujaahidiinta ah iyo gaalada soo duushay, oo shacabkuna yahay uun mid lagu
duldagaalamayo oo aan dan iyo muraad toona laga lahayn khaas ahaan
mujaahidiintu.
Arintaasi waxay u baahantahay in laga hortago si ficil iyo hadal ahaanba ah,
waxay u baahantahay in mediaha ama warbaahinta oo maanta ah mid ka mida hubka
ugu halisaysan ee la isticmaalo aynu uga faaiidaysano hirgalinta ah in dagaalku
yahay dagaal u dhexeeya umad lagu soo duulay iyo gaalo soo duushay,
mujaahidiinta la magacaabayaana ay yihiin uun kuwo hormood ka ah halgankaas.
Waxyaalihii keenay in shacab badani uu inagala qayb qaato dagaaladii hore ee
aynu la galnay isbahaysigii ashahaado la dirirka ee aynu ku jabinay waxaa ka mid
ahaa iyada oo aynu ku guulaysanay in aynu shacabka ku qancino in mashruuca ay
wadaan ashahaado la dirirku uu yahay mid u halisa shacabka somaliyeed iyo
diintiisaba, loona baahanyahay in la iska dufaaco weerarada ay soo qaadayaan
kooxdaasi sharwadayaasha ahi, ilaa markii dambe lagu magacaabay in jihaadkani
ahaa kacdoon shacab runa way ahayd. Waxaana ay ahayd runtii siyaasad najaxday oo
meel martay, umada iyo mujaahidiintana anfacday.
Waad ogtihiin maanta cida ugu badan ee dagaalka ku leedayaa waa shacabka, kaas
oo waliba si toos ah loo abaarayo loona beegsanayo, sidaas oo ay tahay ayaa
hadana waxaad moodaa in aanuu shacabku ogaynba in aan dagaalka lagu wadin isaga,
taasina waa wacyi la’aanta shacabka haysata iyo ogaal la’aanta aanuu ogayn in
dagaalkani yahay mid saliibi ah ama mucatab ku dirir ku aadan cid kasta oo
islaam ah.
Siyaasad oo sharciyaysan, xirfadaysan oo xikmadaysan.
Waa run oo waxaad ka dhigteed goobaha dagaalka wacdaro iyo geesinimo badan,
ujeedooyin cadcad sida cadceeda ayaa indhihiina hortooda idiinka muuqda, Guul
iyo gobonimo ama shahiidnimo iyo shahaado.
Iyadoo intaas oo dhan ay jirto ayaa hadana hadii la waayo in geesinimadaas iyo
guulahaas aan looga faaiidaysan siyaasad u adeegaysa ujeeda ama hadafka
dagaalada loo galay waxaa dhici karta in cid kale isku magacawdo, oo dedaalkii
iyo juhdigiiniiba ay xadaan qolo aan ri gees uga ridini.
Siyaasada aynu ubaahanahay waqtigan aan hada joogno waxaa kow ka ah in aynu si
aad u xikmadaysan shacabkuna uu fahmi karo aynu umada ugu sheegno in waxa socdaa
uu yahay qorshe lagu hagar daaminayo shacabka oo laga leeyahay ujeedooyin
khaasa.
Ilaahay ha xifdiyo hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa alshabaab wuxuu ahaa mid arintaas
dhaadsan waqti aanay soo shaacbixin arintani, u noqda oo dhagaysta kalimadiisii
u dambeysay. In badan ayaa laga cawday sidii kululayd ee uu u dhaleeceeyey kuwo
uu ku tilmaamay inay gadaan qadiyadaha, kana ganacsadaan dhiiga mujaahidiinta,
laakiin maanta ayay soo baxday wixii uu ka digaayay.
Walaalayaal waxaa la inooga baahanyahay in inaga qudheenu aynu soo bandhigno
shacabkana u sheegno barnaamijkeena aan ugu talagalnay in aan dadka ku wadno
waqtigan xaaliga ah ama barnaamijkeena siyaasadeed ee ku aadan sidii looga bixi
lahaa dhibka iyo rafaadka haysta umada kaas oo ay masuul ka yihiin dawladaha
jaarka ah, yurub maraykan iyo israel.
Shacabka badankiisu waa caamo umana fikirayaan sida aynu u fikirayno oo kale
laakiin waa in aan ku dedaalnaa in aan sideena oo kale ka dhigno, tusno waxa
aynu arkayno, dareensiino jacaylka aynu u hayno, u cadayno hadafkeena iyo u
jeedadeena, hadii taa aynu awoodi waynana aynu ku qancino in sida aynu u
fikiraynaa ay saxtahay isla markaana ay tahay dariiqa ugu haboon ee loo marayo
xalka qadiyadeena.
Khaladbaynu u aragnaa in lala hadlo dawlada ridada ee dabadhilifka ah, kumana
aaminayno in aanu heshiis la galno, waayo ma ahan dad madaxbanaan ee waa dad
lagu cayaarayo laguna jiilayo hadba sidaasada ay gaalada soo duushay maslaxo u
aragto. Waa dad aan wanaaga jeclayn iyo islaamnimada. Waa dad aan diyaar u ahayn
in xukunka xaga alle iyo rasuulka loo celiyo, taas oo inaga aasaas inoo ah.
Cidii isku dayda inay heshiis la gasho ee ka mida kuwa dagaalka aanu kuwada
jirnana sida maxkamadaha islaamiga ah waxaanu ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan
arinkaas waayo?, waxay nagu sharciyaynayaan dawlad aan jirin oo daba dhilifa,
waxay waqti siinayaan cadawga ethiopianka ah ee hada sii nafbaxaya, waxay burbur
iyo isku dhac u soo jiidaysaa kuwii aad markii hore meesha uga soo wada jeedeen
la dagaalanka dawlada ridada ee hada aad soo dhawaysanaysaan, ee aad ka
sugaysaan in aad xukunka la qaybsataan.
Siyaasad cad oo asalkeedu yahay inaanay khilaafin shareecada islaamka, siyaasad
damaanad qaadaysa amni iyo imaan in la helo, siyaasad damaanad qaadaysa in
shacabka gaajada laga saaro kadib marka meesha laga saro wixii sababay, ee ah
dulmi diin-laawayaal iyo dunuub shacabka qudhiisu kala galay. Siyaasad
koobsanaysa xasilinta waaqica hada, indhaha shacabkana tusaysa mustaqbal ifaya
oo islaamaysan kaas oo looga baahanyahay inay wada hiigsadaan dhankiisana u
dhaqaaqaan si ay u xaqiijiyaan ka dhabayntiisa.
Ka faa’iidaysiga tijaabooyinkii hore.
Dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah ee maanta dunida ka jira ama ka jiri jiray waayada
qaar waxay soo mareen dhacdooyin farabadan oo kala gedgedisan. Dhacdooyinkaasi
waxay inooga baahanyihiin diraasayn iyo ku cibro qaadasho duruusta aynu ka
faaiidno. Si aynu dariiqa ugu dhaw u marno ujeedooyinkeena. Oo aynaan marlabaad
dib u marin dariiq horey usoo xidhmay oo ay walaalo inaga horeeyey soo
tijaabiyeen.
Waqtigan hada aynu marayno khaas ahaan dhacdadan aynu ugu talo galnay in aynu ku
falanqayno qormadeenan ee ah qorshaha loogu talo galay in meesha lagaga saaro
quwada xaqa ah een marnaba ka tanaasulayn waajibkeeda sharciga ah ee ka saaran
weerarada mucatab ku dirirka ah ee lagu soo qaaday umadooda.
Dhacdooyinka khuseeya ama la midka ah dhacdadan aynu hada marayno, way
badantahay inta ay kuwo walaaleheen ah oo dunida ka jira ay soo martay.
Waad iiga cilmi roontihiin ikhwaan dhacdooyinkii ay ku burburtay walaaleheenii
xarakadii islaamiga ahayd ee wadanka Eretria, iyo sidii dhiigii islaamiyiinta uu
uga faaiidaystay xisbigii shuuciga ahaa ee uu hogaaminaayay madaxweynaha hada ee
Isaias Afewerke.
Sidaasoo kale walaalihii Algeria, iyo duruusta ku dheehan heshiiskii jabhada
badbaadinta islaamiga ahi ay la gashay dawladii dabadhilifka u ahayd gaalada.
Sidaas oo kale tijaabadii walaalaha reer maser ay kala kulmeen isbahaysigii iyo
heshiisyadii xukun wadaaga ee dhex maray dhaqdhaqaaqa ikhwaanul muslimiin iyo
dawlada ridada ee maser.
Hada waxaa mashruucaas hirgalintisu ka bilowmatay dalka ciraq, oo waa la ogyahay
sida ay ku bilaabantay mashruuca balaadhan ee ay ka dhalatay fikrada saxawaadka
murtadiinta ah. Iyo sida ay awoodii mujaahidiinta ugu wiiqeen gobolada qaar sida
anbaar oo kale. Iyo sidaas oo kale mu’aamarada ay mujaahidiinta ku hayaan kuwa
sida beenta ah u soo gashaday shaadhka diinta iyaga oo fulinaya mashruuc gaalo
soo dhistay, oo ku dhisan wada hadal lala galo dawlada ridada ah ee ciraq ka
jirta.
Qasnada duruusta aynu ka faaiidaysan karno dhacdooyin kuwan la mida oo dunida
muslimka ah soo maray aadbay u badan yihiin waxaana inala gudboon in aynu aad u
diraasayno sida ugu haboona uga faaiidaysano.
U nasteexeeya walaalaha la qalday.
Imisaa xaqdoon ah aanse hayn dariiqii ay u mari lahaayeen xaqa, imisaa xaqdoon
ah se ku daalay dhererka iyo dhibka dariiqa xaqa ah oo miciinsaday dhabooyinka
shaydaanka ee ka farcama ama ka baydha dariiqa xaqa, imisaa gobanimo doon
dagaalyahano ah oonse fahamsanayn dabeecada iyo wajiga dagaalkani leeyahay iyo
sida ugu haboon ee lo waajahayo.
Dhamaan kooxahaasi waa quwad meelo badan oo banaan inaga buuxin kara, waa quwad
loobahanyahay in aynu soo jiidashadeeda kooxbadan saarno, oo aan xidhiidhkooda
aad u xoojino walow haba ku jiraan kuwa qorshayaashaas khiyaanada wada’ee.
Waa in aynu si guud ugu dignaa kuwa sida indho la’aanta ah ee daacada iyo
ikhlaasku ka madhanyahay ugu ololaynaya hirgalinta mashruucaas aadka u khatarta
badan iyagoo kaleh dano shakhsiyeed ama hirgalin u kasnimo ah, inagoo isla
markaana raacinayna cadayn aynu cadaynayno in aanuu mashruucaasi umada dan u
ahayn.
Waxaasi waa badil kuma noqdaan baadil oo kaliya maanta, waxaasi waa xaqna kuma
noqdaan xaq maanta, waxaa la inooga baahanyahay in asaaliibta ama habka aynu u
sheegayno in baadilku baadil yahay aynu sida ugu haboon ee uu fahmi karo hadba
qofkaa aynu la hadlaynaa aynu u sheegno. Isla markaana Isticmaalayna
ereybixinada ugu dhaw ee uu fahmayo.
Gunaanad: -
Ugu dambayntii waxaan halkan ugu baaqaynaa inay ilaahay u toobad keenaan kuwa
mashruucan foosha xun ee u khidmeynaya gaalada raba inay fuliyaan, oo ay dhibka
gaalada haysta ka furdaamiyaan iyaga oo ku furdaaminaya in walaalohood ay
iibsadaan una guntadaan baabiintooda.
Waa hubaal oo mashruucaasi sidiisa u hirgali maayo, laga yaabaase in uu dhib
waxoogaa ah u keeno mujaahidiinta, laakiin ogaada kuwa mashruucan soo qaatayow
in aad qubuurihiina gacmihiina ku qodaysaan, taas oo aan ka wado in idinka
qudhiinu aydun sadex jeeraba khasaari doontaan.
Hadii uu hirgalo
in aad idina la idin dhaafi doonin oo siyar oo aad u dhibyar la idiinka
takhalusi doono, waxaydun arki iyada oo inta qof qof la idiinku yeedhay maalin
walba nin maxkamad kiis gaara loosoo taagayo, kiisaskaasi ha ahaadaan qaar aad
waayada qaarkii magaca jihaadka ku gasheen iyada oo lagu andacoonayo in aad
xasuuqdeen dad somaliyeed, ama iyada oo hadii ay ugu sokayso xabsi guri la
idinku soo rogo ama dalka la idinka mamnuuco inaad soo gashaan maadaama aad ka
hortimaadeen tiirarka dimoqraadiyada ee shirkiga ah.
In uu idiin hir gali waayo
mashruucaasi oo aad se dhaawac gaadhsiisaan mujaahidiinta, taas oo sababi karta
in qaar ka mida mujaahidiinta oo dhalinyaro u badani ay si arxandaro ah idiinka
aarsan doonaan, idiinlana dagaalami doonaan si ka daran sida ay gaalada ula
dagaalamayaan, taasina ay keento in xasuuq sokeeye dhaco - ilaahay ma keenee-
dabadeeto aad ku hoobataan maadaama dagaalka aad la idiinka badiyo.
In isagoon mashruucani wali hirgalinba uu fashilmo
, sababo badan aawadee oo ay ugu horayso umada oo dhibka ay kusii siyaadiso
dawlada aad la heshiinaysaan, ka dibna ay sumcadii ay umadu idiin haysay ay
dhulka ku dhacdo, oo la idinka aamin ka baxo, idina aad ku dambaysaan kuwo is
lacnadaya markay is arkaan, khaladkaas iyo dambigaas wayn ee aad gasheen
aawadii.
Waa hubaal oo fikirkaa qaldan ee horseeday soo abaabulka shirqoolkaas
mujaahidiintu wuxuu ka dhashay isbahaysigii sharci darada ahaa ee lagu soo
aasaasay asmara, kaas oo ay ku jiraan kuwo ku caan baxay islaam nacayb, dadnimo
xumo, diin la’aan iyo dabadhilifnimo. Wuxuu yidhi rasuulku SCW " qofku wuxuunbuu
leeyahay diinta saaxiibkii".
Shalaybay ahayd markuu sheekh shariif –ilaahay hasoo hadeeyee- lahaa nuur cade
inuu ka darnaado cali geedi mooyee kama roonaanayo!, tolow maxaa is badalay,
sidoo kale shalaybay ahayd markuu lahaa sheekh shariif –alle hasoo hadeeyee- "
Hadii dadka qaar ay ka suurowdo in ay wada hadal la sameeyaan dawlada ku meel
gaadhka ah anaga nagama suurowdo arintaasi"! tolow maxaa is badalay.
Gabagabadii waxaan leeyahay walaalaha mujaahidiinta ah, sabra una dulqaata
deelqaafyada gefafka iyo khiyaanooyinka idinkaga imanaya kuwa col hortii jabay,
idinkoo ka gaashaamanaya khiyaanooyinkaas ugana jawaabaya isla markaana umada
uga digaya si xikmadaysan, waaqicana la socota oo eegaya hadba talaabada ugu
haboon iyo waqtiga ugu haboon ee aad ka qaadanaysan af iyo adinba.
اللهم أهلك الظالمين أولياء اليهود والصليبيين، اللهم قاتل الكفرة المرتدين، اللهم
سلط عليهم بأسك الذي لا يرد عن القوم المجرمين، اللهم إنا نسألك النصر على الأعداء
والانتصار للضعفاء والانتقام للأبرياء، فإنك تؤتي الملك من تشاء, وتنزع الملك ممن
تشاء، وتعز من تشاء وتذل من تشاء، بيدك الخير إنك على كل شيء قدير.
Bilaal Hargeisaawi
15/04/1429H – 21-04-2008
Bilaal_1985@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2008