Ma naqaan Akhriyidda?
Gacalle/gacaliso, ma taqaan
akhriyidda?, amase ma naqaan akhriyidda?. Laga
yaabee in aad istiraahdo, muxuu su’aashaa noo
waydiiyay?!. Runtii, kadis iguma ah waydiintiinnu,
waana garan karaa in aad akhriyidda ku dheeraysaan
oo sadarradanba waad akhriseen waliba afaf badan oo
kale in aad akhrisaan waa filayaa. Haddaba,
Akhriyid(-da): waa eray ama hadal qoran kicin; ku
dhawaaqid; naqid; marin (Eeg qaamuuska af-soomaaliga
ee Dr. Yasiin C. Kenadiid dabcaaddii 1976dii).
Akhriyidda aan u jeedo ma aha
kicinta xarfaha Laatiinka ah ee af-soomaaliga lagu
qoray, sidoo kale, waxa la akhriyo waa fara badan
yihiin; faalka[1] waa la akhriyaa, fijaannada
(koobabka yar-yar oo qaxwaha lagu cabbo) waa la
akhriyaa, calaacasha gacanta midig waa la akhriyaa,
intaa iyo in ka badan oo la akhriyo, middoodna dan
kama lihi!.
Akhriyidda, aan u muraad lee
yahay waa ka mug wayntahay xaaladahaa oo dhan.
Nasiib darro, soomaali inteeda badan waa ka
dhacsantahay akhriyidda saxa ah ee hadalka qoran.
Sidoo kale, waxaa laga yaabaa qaar bulshada ka mid
ah maskaxdooda in aysan meel ku lahayn fahamka
nuxurka ku jira sadarrada dhexdooda (between the
lines). Akhriyidda aan tilmaamayo waa: kartida
bulshada soomaaliyeed u lee dahay kicinta, ku
dhawaaqidda iyo garashada qoraallada laga diyaariyo
dhacdooyinka soomaaliya soo foodsaara, halka ay
salka ku hayaan, cidda maslaxaddeeda la ilaalinayo
iyo saamaynta qofka saddexaad (The third person) ku
lee yahay waxa dhacaya dhexdeenna. Qofka saddexaad
(the third person) waxaan ulajeedaa; Bulshada
caalamka mid daris nala ah iyo mid naga fog oo madax
xanuunka na haysta kor iyo hoos bud-dhige u ah.
Qabiilka iyo waxa kale oo aan la yaacnno ma aha
halka sartu ka quruntay. Iswaydiinta wax-ku-ool ah
waa; kaalin intee le-eg ayay bulashada caalamku ku
lee dahay coladda ama nabadda soomaaliya?.
Tusaale ahaan aan u falanqayno
war uu qoray webpage-ka (shabakad Internet ah) taariikhdu
maalinkay ahayd 24.03.2008: wuxuu qoray:“Marka
Kormeer nabadeed waxaa ku tagay Ciidamo Itoobiyaan
ah”. (shabakad Internet ah) waxay raacisay: Guddoomiyaha
gobolka Sh/hoose wuxuu yiri: “Ciidamada ayaa markii
dambe ka baxay gudaha magaalada, iyagoo degay
afaafka hore ee laga soo galo magaalada Marka,
halkaasoo la sheegay in ay kala socon doonaan
dhaqdhaqaaqa magaalada”.
Annagu, ma nihin socoto hadda ka
soo istaagtay Trinidad And Tobacco (laatiin
Ameerika) oo aan waxba kala socon waxa ka dhacaya
soomaaliya. Balse, waxaan nahay dad; laf, lud,
maskax iyo dareen soomaali ah oo, biyaha iyo hawada
Soomaaliya ku barbaaray, isla markaana fasiri kara
wixii laga qoro dhibaha soomaaliy ka aloosano.
Haddaba, warka (shabakad Internet
ah) sida
uu yahay haddaan u akhrinno, waa sidatan; ciidamo
gumaysiga Itoobiya ka tirsan ayaa magaalada Marka ku
tagay socod baqdin galin iyo baas-abuur loola jeedo.
Ciidamadii gumaysiga Itoobiya dadwaynaha Marka oo
muddo nabad ku noolaa waxay galiyeen xaalad sas iyo
argagax ku beertay. Ciidamad oo gawaari gaashaaman
iyo hub culus magaalada ku dhex maray, muraadkoodi
kolkay fushadeen, waxay fariisteen irridda magaalada
Marka laga soo galo si ay dhaqdhaqaaqa dadwaynaha u
xayiraan.
Gudaha iyo afaafka Marka maxaa
kaga lumay ciidamada Itoobiya?!. Nabadda reer Marka
yaa xabashi xil ka saaray?. (shabakad Internet ah), maxay
ciidamada xabashida ugu tilmaantay, ciidan
nabadeed?, uhiillin ciidan cadaw ah halkaa soo ka
dhadhami mayso?, Itoobiya soo ma aha dawlad daris
ah, (Qof saddexaad) oo duullaan cadaw tinimo fog
salka ku haya iyo damac xeebaha soomaaliya u soo
duulay?. Bulshada
caalamkuna soo raalli kama ah
duullaan qaawan oo dal madax bannaan lagu qabsaday?.
Maqaawama (iskacaabin) soo xaq dhabiici ah ma
noqon?.
Dhab ahaan akhriyidda saxa ah
waxaa la gaari karaa kolkii su’aalahaa jawaabtooda
la isku baandhiiyo. Sideedaba, cidina warka inta ka
soo shaqayso oo, soo lafa gurto ku soo hordhigi
mayso, ee waa in aad lee dahay aqoon yahanno iyo
Macaahid istaraateejida ku takhasusay oo maqaallo,
diraasado iyo kutub ku soo bandhiga sida saxa ah oo
loo akhriyo dhacdootyinka caalamiga iyo kuwa gobolka
(Geeska Afrika).Wax akhriyid la’aan waa saldhigga
indho xumada naga muuqata!.
Si le-eg bulshada caalaamka iyana
waa laga rabaa akhriyidda iyo fahamka colaadaha
Geeska Afrika filiqsan. Durduro waa waxa maalin
walba Maraykan ku jabo (Durduro geel baa ku jaba)
colaadda loo qabana naaxiya. Baryahan waxaa aad loo
hadal hayaa “Maamulka Buush” in uu dareemay; madaxda
“Addis Ababa” in ay dhiiqo lugaha u galisa, waana
sababta UN-ku u soo laba kacleeyay. Dadka aqoonta u
leh siyaasadaha Caalamiga ah waxay yiraahdaan;
“Maraykanku dhaqaalaha UN-ka inta ugu badan isaga
ayaa bixiya, saldhigga UN-kuna waa New York,
maantana dunida isaga ayaa ugu itaalroon, sidaa
darteed, Golaha Ammaanka wuxuu u soo jeediyay in
xassaradda soomaaliya oo looga beensheegay ay hadda
af u bixiyaan (xal ka keenaan). Reer Yurub intooda
badan waa qabeen dareen ah; duulanka ciidamada
xabashidu in uu yahay; dabkii oo saliid hor leh lagu
shubayo, ha yeeshee khaadirdhawrid Maraykan iyo ha
la idin muto awgeed ayay inta badan dhabarka la
jeediyeen, wax isdhaafsina meesha kama marra.
Nimaan, saaxiib nahay ayaa wuxuu
iiga sheekeeyay barnaamij su’aalo ah oo uu ka
daawaday TV-ga Dubaay. Wuxuu yiri: “habayn habeenada
ka mid ah ayaan furay TV-ga, waxaan dhexda ugu
dhacay barnaamij gabagaba ah oo ruuxii ku guulaysta
la hoyanayo habaynkaa lacag dhan 1.000.000$. Ruuxa
wax la waydiinayo, wuxuu xaq uleeyahay; 1- in uu
ruux caawiya taleefan u dirsado -2- Ruux madasha
fadhiya in uu la tashado -3- In uu codsado su’aasha
in 50% laga tuuro. Ninkii su’aalaha la waydiinayay
ayaa lagu yiri:”su’aashan waa middii ugu dambaysay,
haddaad jawaab sax ah sheegto caawa waxaad la
hoyanaysaa hal Milyan oo Doolar”. Su’aal; “afar dal
oo muslim ah carabnna ah dalkee ugu hodansan:
2-
Suudaan 4- Soomaaliya
Tartamihii, durba wuxuu
waydiistay in su’aasha 50% la tuuro. Waxaa la
sooreebay Sacuudiga iyo Soomaaliya. Wuxuu Taleefan u
diray saaxiibki (Urduni ah), saaxiibki wuxuu yiri:
“war sacuudiga dheh, Soomaaliya soo tan isdishay oo
gaajada looga qaxay ma aha?!”. Tartamihii fursaddii
ugu dambaysay ayaa la siiyay oo lagu yiri: “ma ku
raacday saaxiibkaa, mase waad ka diidday?”.
Tartamihii dhidid waawayn ayaa ka soo yaacay,
dadwaynihii neeftay isku cesheen, guddigii garsoorku
dhagahay furteen. Aamus dheer dabadeed wuxuu yiri:
“Waa ku raacay”. Mar qura ayaa laga dhawaajiyay
qalab guux iyo reen isku daray, garsoorkiina ku
dhawaaqay: “MAADAN GARAN”.
Nin dhaqaalaha ku xeel dheer oo
guddiga ka mid aha ayaa la yiri; “u fasir
saaxiibkeen”, wuxuu yiri: “beer, bad, xoolo iyo
khayraad dhulka hoostiisa ceegaaga, intaba waxaa
laga helaa soomaaliya, hodon tinimada dhabta ahna
waa intaa oo la isla helo”. Ninkii odayga ahaa aqoon
yari wuxuu ku waayay 1.000.000$, annaga soomaali
ahna garasho la’aan iyo aqool xumi waxaan ku waynay;
nolol barwaaqo iyo baraare salka ku haysa.
Sheekadaa markaan maqlay waxbaa;
“qub iyirri”, adiguse kolkaad akhrisay, dhulku ma
kula wareegay, mana jiriiricootay?!. Ugu yaraan
hadda ma garatay waxa naloogu meeraysto, colaadda
iyo qaxana naloo baday?, Walaal (Akhii),bal,
sadarradaa maskaxda ku garoori, haddayba kuu
dhaqantahay?!, dabadeed wax uun talo ah sheeg..
Gabagabo: inkastoo nasiib
darrooyinka ay ka mid tahay; Muqdishow maanta ragga
ku sugan (qaar) far-soomaaliga akhriyaan,
af-xabashigana ku hadlla. Waxaan raggaa u fasaxay
taliyahooda-baas;(Gabre) oo ay safka dheer har iyo
habayn ugu jiraan, kolkay fursad u soo meerto -been
fara badan waa sidaane, (Dhagba war ku qaad)- in ay
sadarrada soo socda u akhrinyaan; waxaad ku
tiraahdaan: “Soomaalidu way kuu maahmaahday oo
waxay tiri;“Karkarre kulusaadi halaal ayaa
istaawiyee”. Karkarre=Doofaar, Kulusaadi=cayilay;
naaxay, halaal(xalaal)=Sharreecada Islaamku aysan
reebin cunid iyo isticmaal toona,
Istaawin=isumalayn; (Doofaar cayilay xalaa ayuu
isumaleeyaa) oo ah; (Xabashi lacag iyo saanad
Maraykan soo siiyay wuxuu isumaleeyaa soomaali in uu
gumayn karo).
waxaad kaloo ku tiraahdaan;
soomaali shirib ayay kuu soo tirisay oo, waxay tiri:
Ciidan Xabashi col ka liita[2]
Kuma carraabin ciid korkeed!.
Cadaado muggaan ka cayrinay
Coomaad ka cirbodhiibsadaan!...
Jananka, sadarradaa ugu
celceliya,
haddaad karti uleedihiin.
Hadduu wax ku garan waayo,
farha ka qaada.
Saad-dambuu garane.
Ogaada; idinna meeshuu maro
ayaa la idin jiirsiin..
“Qoriyo qiiqiisa waa la isla
tuuraa”.
[1] Nin oday ah oo la oran jiray
Shiikh Cabdisalaam Aw Maxamuud (AUN) oo rumaysan
faal wuxuu sheegay, xataa haddi la arko in ay been
yihiin, sidiisana dambi yahay, ayaa dul istaagay mid
faaliye ah oo dad badan oo ku xoonsan faal u
akhrinaya oo leh: faalku wuxuu yiri; “saas iyo
saas”. Cabbaar kolkuu dul taagnaa ayuu faliyihii ku
yiri: “bal maandhoow farahaaga itus”. Kolkuu
gacantii uu ku faalinayay u taagay ayuu Shiikhii
inta faaliyaha farihiisi rogrogay yiri “Allah waa
ruux farihiisu wax u sheegaan!”. Dadkii madaxa
ruxayay, inta aad u qosleen ay faaliyihii bartii ka
dareereen isaga oo kaligi ah.
[2] Cadaado waa dagmo ka tirsan
gobolka Galgaduud. Coomaad waa dagaan ka mid ah
Gobolka Hiiraan. Cirbadhiibsi waa faraha lugaha oo
la isku taago, si meel fog waxa maraya loo arko. Waa
dabeecadda giiryaalaha (fulayga). Waa (phenomena)
xaalad lagu yaqaan ciidamada xabashadi kolkii
muqaawamadu (iskacaabinta) baacsato.
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan