Burburinta deegaanku waa baaba’a (Dadka)
Ummadda
W/Q: Maxamed Maxamuud Ducaale
April 10, 2008
In kasta oo ay aad muhiim u tahay kheyraadka dhulka ay
bulsho haysato, hadana waxaa ka muhiinsan maskaxda iyo
cilmiga Aadanaha oo hadba agaasima kheyraadka ay ummad
waliba haysato.
Haddii uu wadan hodan ku yahay kheyraad isla markaana
dadkiisu aysan lahayn karti ay kaga faa’idaystaan oo baahi
iyo haraadba ay qabaan, waxaa dhaama waddan aan kheyraad
badan lahayn laakiin dadkiisu si quman u fekero. Sida la
ogyahay ummad walba waxa ay ka toostaa ama ka dib dhacdaa
hoggaanka oo ummadaha nasiibka leh waxaa u kaca hogaamiyaal
ay dalkooda iyo dadkoodaba laxajeclo ka hayso, hoggaanka
ummad walba waxa uu bulshada u yahay Qalbi Nabigeena suuban
calayhi salaam waxa uu yiri “jirka beni aadamka waxaa ku
jira cad (gobol yar) oo hilib ah haddii uu wanaagasnaado
jirkoo dhan ayaa wanaagsanaada haddii uu xumadana waxaa
xumaada jirkoo dhan waana qalbiga”. Kaalintaas cadkaas uu
Nabigeena NNKH uu tilmaamay waxaa ummadda ugu jira
hogaamiyaha, kaasoo haddii uu wanaagsanaado ummadda inteeda
kalana ay hagaagayso haddii uu xumaadana ummadda inteeda
kale ay xumaaneyso.
Soomaaliya waxaa hogaamiya dad ku faanaya aqoon darrada,
iyo maamul xumada taas oo baylihisay deegaankii iyo
kheyraadkii dalkeenna
Allow hogaan wanaagsan oo dadka iyo kheyraadkeena u tura
na sii amiin.
Horumarinta Deegaanka
Nolosha Aadanaha guud ahaan waxaa Alle sabab uga dhigay
waxyaabaha ay quutaan iyo hawada ay qaataan oo loo yaqaano
(flora and fauna) oo macnaheedu yahay dhirta iyo deegaanka.
Horumar kasta uu Aadanuhu gaaro waxaa saldhig u ah hadba
heerka ay gaarsiiyaan dhirta iyo xoolaha. Marka labadaas
qeybood la horumariyana waxaa horumara guud ahaan nolosha
Aadanaha.
Tusaale, dalka Maraykanku waxyaabaha uu aduunka intiisa
kale kaga horumaray waxaa ka mid ah waxsoosaarka beeraha iyo
xoolaha, arintaasina waxa ay keentay in ummadda Mareykanku
ka horumarto ummadaha kale.
Dalka Hindiya wuxuu ka mid ahaan jiray dalalka ugu daran
ee la liita faqrinimada, laakiin markii shacabka dalkaasi
garwaaqsadeen in horumarinta deegaanka lagu gaari karo
horumar buuxa ayay lixdameeyadii Hindiya bilowday waxa loo
yaqaan “kacaanka Cagaaran” (Green revolution) taasoo
macnaheedu ahaa in la kobciyo wax soosaarka beeraha, maanta
Hindiya waxa ay ka mid tahay waddamada dhaqaalahoodu sida
aadka ah uu u kobcay sanadihii la soo dhaafay laguna
tilmaamay inay ka mid noqotay waddamada xaga warshadaha ka
horumaray.
Haddaba deegaanka Soomaalidu muxuu maanta ku sugan yahay
Waxaa hubaal ah in dalkeenna Alle ku manaystay deegaan
isku dheeli tiran (ecology balance) iyo cimilo aan is beddel
badan lahayn kuleyl iyo qabow, intaa waxaa inoo sii dheer
carrosan wax soosaar wanaagsan duunyaduna ku taranto hase
yeeshee, si iimaan iyo naxariis la’aan ah ayaa loo
baabi’iyay dhirtii muhiimka ahayd waxaana loo keensaday
makiinado casri ah oo muddo gaaban xaalufin kara dhul aad u
balaaran. Waxaa si aad ah loo beegsaday si dhuxul looga
shido geedaha waaweyn sida Hareeriga, Bilcilka, Maraaga,
Reydabka,Tuugaarka, Quraca, Dheenka, Qansaxa, Galoolka,
Meygaaga, Lebiga IWM.
Dhulkii la geed qaaday waxaa ka kacay bacaad ku fiday
dhulkii dhoobooyda ahaa oo beeraha laga tabci jiray ama
cowsleyda ahaa oo ay ku tiirsanayd daaqsinta Geela iyo
Geesleyba (Lo’ iyo Ari) waxaana hoos u dhacay wax soo
saarkii beeraha, si kastaba ha ahaatee, haddii geedihii
lajarayo isla markaana uu bacaad ku fidayo beerihii oo aysan
muuqan cid wax ka qabata kuwa burburinta deegaanka wada soow
ma muuqato Bar iyo Beer la’aan iyo mustaqbal madow. Waxaa
intaa sii dheer dhirtii la jaray bacaadkii ka kacay waxaa uu
qarka u saran yahay in uu kala jaro wadooyin muhiim ah sida
waddada isku xirta Kimaanyo iyo Muqdisho.
Xoolaha
Xoolihii waxa ay waayeen daaq, roob la’aan loo aaneynayo
dhirta la jaray ileyn dhirtu roobka ayay soo jiidaaye ayaa
dhacay, nacfi yarada dadka iyo duunyadaba haysata waxaa sii
dheer waxaa la waayay geed milicda qoraxda laga harsado ama
laga dugsado gabaddanada dhaxanta. Dhallinyaradii xoogga u
ahayd dhaqaalaynta xoolaha waxay u soo yaaceen xagga
magaalada waxayna u xaroodeen qabqableyaal ka tanaaday
dhiiga dhallinyarada. Dhanka kale, waxaa la waayay dowlad
kala tacaasha cudurada xoolaha, xoolihii ummada waxay ku
dhaw yihiin in mar dhow laga soo fariisan doono ceyrnimo.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa cad in dadka
Soomaaliyeed aysan dareensaneyn qatarta ka imaan karta
dhirta oo la jaro ama lagubo. Waxaa tusaale wanaagsan inoo
ah dhacdadaan oo ah arin dhab ah oo dhacday.
Nin Geelley ah iyo wiil uu dhalay ayaa waxa ay ku
tashadeen in aysan iska iibin Geellooda sanadkan,
waxyaabaha ay u baahan yihiina ay ka shaqeystaan in dhirta
dhuxul laga shido si loo baajiyo in neef la iibiyo wiilku
Geella ayuu ilaaliyaa, Aabuhuna geedihii Geellu daaqi lahaa
ayuu sii gubayaa mana oga in uu Qatar ku hayo Geelliisa,
Dhacdo taa lamida waxa ay tahay dadka dhuxusha ka shidaa
Gobolka Shabeelada hoose lacagta ay ka helaan dhirtii ay
gubeen waxa ay ku iibsadaan xoolo, oo waxaad maqlaysaa
Geelii ama lo’dii dhuxulayda waa yaabe haddii ay u taagan
yihiin gubida dhir jirtay dhowr boqol oo sano xaggee buu
doonayaa in uu xoolaha ku dhaqo.
Duurjoogta
Soomaliya waxa ay ka mid ahayd wadamada duurjoogta caanka
ku ah markii la waayay qorshe ummaddeed duurjoogtii waxaa
lagu baabi’iyay xabad cadowtooyo oo macno la’aan ah iyadoo
qaar iimaan laaweyaal ahna ay u dhoofiyeen dibadaha ugaartii
caanka ahayd sida Baciidka, Deerada, cowsha, Goodirka waxaa
kale oo dibada loo raray shimbiro badan intii ka fakatay
xabadana wax ay u hayaameen wadamada dariska ah sida Kenya
oo ay u gudbeen Geri iyo Maroodiyo Badan.
Badda
Badeenna waxaa lagu daadiyay qashinka sunta ah kaas oo
halaag u geystay noolihii. Badeenna waxaana u soo
kaluumeysi tegay caalamkoo dhan oo waxa ay waliba qaadeen
ugxantii Kaluunka si uusan dib ugu tarmin ileyn waa meel
aan cidana lahayne. Dhibaatooyinka aan laga soo kaban Karin
waxaa ka mid in godadkii kaluunku ku dhalijiray ee xeebta ku
dhawaa ay maraakiibta shisheeye burburiyeen. Godadkaan waxa
ku tarmijiray kaluunka la’aantoona kaluunku ma tarmaya
waxaana halis ah in kaluunku raadsado goobo kale oo uu ku
tarmi karo.
Dhibaatada baddu kuma koobna tan ay shisheeyuhu nagu
hayaan ee waxaa jira burcad badeed Soomaaliyeed oo badda ka
dhigay tan ugu qatarta badan aduunka oo dhan. Qatarta baddu
waxay keentay dhibaatooyin adag sida sicir barar aan horay
loo arag iyo in gargaarkii la soo gaarsinwaayo dadka u
baahan taas oo ay u dheer tahay masiibooyinkii uu shacabku
la daalaa dhacayey ee dagaallo aan kala go lahayn, baahi,
cuduro iwm.
Dhibka ay keeni karto burburinta deegaanka oo si
wanaagsan loogu sharaxo Xoolo dhaqatada, wax garadka iyo
hogaamiyeyaasha qabaa’ilka waxay qeyb ka qaadan kartaa
badbaadinta dhirta fara kutiriska ah ee hartay.
Haddaba si wax looga qabto arintaas waxaa muhiin ah in
culumada Soomaaliyeed ka soo saaraan fadwo ku saabsan
baabi’inta deegaanka iyo waxa diinta Islaamku ka qabto
maadaamaa haddii dhirta la baabi’iyo aanay nololi suura
galay. Waxa ay tahay aragtideydu haaddii culumada
Soomaaliyeed fadwo ka soosaaraan jarida dhirta laguna wacyi
geliyo shacabka Soomaaliyeed in taasi horseedi doonto in
buldhooyinka deegaannada la baabi’inayo ku nooli ay hor
istaagi doonaan mashruuca baabi’inta deegaanka Soomaaliyeed
kadib marka ay u caddaato in nolosha dadku la dhimanayso
tan dhirta.
Mohamed Mohamud Duale
Muqdishu, Soomaalia
E-mail: cujub@yahoo.com