SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Afgooye: Cali Maxamuud Magan ayaa ka war bixiyey xaalada ay ku sugan tahay beertii dowlada imaraatka carabta ee midoobey

Dhegeyso Cali Maxamuud Magan oo warbixinaya ama halkan (mp3)

Warbixin ku saabsdan Beertii Madaxweynihii dalka imaaraatka carabta ee midoobey Sheikh Sayid Bin Suldaan Al Nahyaan oo ka badbaaday burburkii iyo bililiqadii dalka ka dhacday sanadhii la soo dhafay ,

Beerta Sheikh Sayid oo ku taal Bartamaha Degmada Afgooye oo sodan 30, KM dhinaca koonfureed ka xigta Caasimada Somalia ee Mogadishu waxa ay ka bad baaday inta badan Bililiqadii Baahsaneyd ee loo geystay Ee ka dhashay Dagaalkii Sokeeye 1991 markii laga awood roonaday Xukunkii Kaligii Taliska ahaa,

Beertaan ayaa waxaa ay ku fadhidaa dhul balaciisu dhan yahay 110 mitir oo dhirer ah iyo 780 balac ah , dhirta laguy beeray tiradeeda saxda ah lama haayo guryaha ayuu ku sheegay in ay qeyb ahaan dayactir lagu sameeyey halka qeybta kale ay u bahaan tahay beertaan ayaa ah afar qeybood waxaana biyaheeda laga helaa dhanka webiga iyada oo leh hal ceel isla markaana lo shido laba matoor oo dab dhaliyayaal ah

Beertaan ayaa waxaa lagu beeray geed mireedo fara badan oo ay ka mid yihiin canbe ,liin dhaqaan , bambeelmo ,bandariini ,seytuun ,isbaandheys ,raqay,babaay ,moos , iyo kuwo kale oo aan halkaan lagu soo wada koobi Karin waxaana ay tahay %80 mid wanaagsan beer ahaan marka loo eego iyo xiliga hada lagu jiro

Md cali Maxamuud oo ah Shaqsiga gacanta ku haya Beetaasi ilaa markii ay dhexda ka baxaday Dowladii hore Gen, Maxamed Siyad ayaa Isagoo la hadlayay Suxufiyiinta waxaa uu sheegay in inta badan ay bad qabaan Dhamaan qalabkii Beerta

“Wax Dhibaato ah ma qabno anaga ayaana gacanta ku hayna waxaa nagu gacan siiya wiil uu dhalay Sheikh Sayid Ayuu yiri Md Cali

Mar aan saakay boqonay Beerta Shekh sayid ayaa waxaa indhaheena qabanayeen Geed Mireedyo Fara badan oo isugu dhirta la cuno Waxaana ka dhax shaqeynayay Dad Soomaali

Hasa yeeshee Waxaa ka maqan wax yar oo dayactir dhinaca qalabeynta waxaa ku dhaxyaala Masaajidyo waa weyn ay ku dukan karaan Rag iyo Dumar meelo laagu nasto iyo beeo
doog leh

bertaan ayaa waxaa hanti ahaan ay u heysataa laba matoor oo biyood ,laba caga cagaf midna qashinka lagu qaado halka midka kalana berta lagu falo iyada oo ay u dhertay qalabkii lagu dayactiri lahaa sida tubooyin balaastig ah iyo matooro yaryar oo cowska lau guro kuwa geedaha lagu jaro iyo qalab kale oo badan

11 shaqaale bermanti ah iyo 7 shaqaale joogoto ah waxayna isugu jiraan mas.uuliyiin ,farsamo yaqaaano beer falayaal ah

Beerta Sheikh Sayid oo ku taal Bartamaha Degmada Afgooye wxaa ku yaal masaajid laba qeybood ka kooban sida qeybta dumarka iyo qeybta raga waxaana markiiba ku dukan kara 250 qof oo rag ah iyo 30 dumar ah

Masaajidkaan beerta ku dhex yaal ayaa wuxuu ka kooban yahay lix musqul oo raga ah iyo laba dumarka ah 30 qasabadood kuwaas oo leh fadhi weesaqaad iyo afar weji dhaq wuxuuna leeyahay goob lagu nasto marka masaajidka laga soo baxo halkii marna ay gali karaan ilaa 150 qof

Beertaan ayaa waxaa ay u muuqataa mid waxeedii ay u dhan yihin xag kastaba marka lag aeego waxaana ku dhexnool qaar ka mid ah ugaadha dalkeena sida daba taagta , goroyada, iyo daayeero farabadan waxaana meel kasta ku so jiidanayo uabaxa beerta oo ay ishu ku doogsaneysaa marka aad jaleecdo waana mid shaqaalaheedu uu u hagar baxay sida ka muuqato biyaha dhex butacayo ,dooga iyo geed miroodka ay isa saaran yihiin mirihiisu

Arintaan ayaa waxaa laga dheehana karaa umadda somaiyeed in ay dalka imaaraadka carabta u heyso sharaf weyn iyo karaamo waxaana marqati ka ah badbadinta ay badbadiyeen qasrigii uu lahaa sheikh saayid bin suldaan alnahyaan raxiamhu laahi
Sharaftaana waxaa soo hooyey shacabka ku nool dagmada afgooye

Dhulkaan ay leedahay dowlada Emaaraadka carabta gaar ahaa boqortoda ayaa ah meel ay ka caagan yihiin ciidamada dowladaha shisheeye ee dalka joogo waxaana ka dul babanaya calanka dowlada Emaaraadka carabta ee midoobay waana sababta ay uga caageen in ay galaan ciidamada wadamada shisheeye ka socda

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
0025215576666
002521653623


Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Dhisme labo Dabaq ah ka wada Magaalada Boosaso

Dhismahan labada Dabaq ah oo ah midkii ugu horeeyay oo Wasaarad ka mid ah Puntland ay yeelato ayaa dhismiiisa si xoogan iminka uga socdaa Magaalada Boosaso gaar ahaan Xarunyii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.

Dhismihan labada dabaq ah ayaa yimi kadib markii Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Abwaan Yuusf Xasan loo magacaabay sanadkii hore maraaksi kadibna uu waxqabadkisii uu horeeyay ka dhigay Dayactirka iyo dardargelinta Xafiisyada Wasaaradda.



Halka uu ka socdo Dhismaha Wasaaradda oo aanu booqanay ayaanu kula kulanay Injineerka gacanta ku haya Dhismaha Wasaaradda oo lagu magacaabo Injineer Axmed isaga oo sharaxaad ka bixinaya dhismaha halka uu marayo ayaa uu sheegay in wakhti dhow uu ku soo gabagaboobayo guud ahaanba dhisme aad u qurux badan.

Injineerka waxa uu tilmaamay in shaqada oo si firfircooni leh ku socota iyo dhiirigelinta joogtada ah ee Wasiirka Wasaaradani Abwaan Yuusuf ay ka dhigayso in sida ugu haboon loogu dhamaystiro gurigan labada dabaqa.

Shirkii ugu danbeeyay ee Golaha Xukuumada Puntland ayaa codsi ka yimi Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/samed Yuusuf Abwaan waxa golaha Xukuumada Puntland isku raceen in Miisaaniyada Dalka looga jaro dhismaha Wasaaradaasi 1.5%, si dhismaha Wasaaradu u noqda mid si dhakhso leh u dhamaado.
 
Cawaale Jaamac Salaad
Boosaso.Puntland
jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 4, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com