SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMO

HOOYO IGA RAALI NOQO INTII AAN KU JIRI LAHAA FAQRIGA DHULKA OO AAN CIIDA CUNI LAHAA WAXAAN DOORTAY IN UU YAXAAS IGU CUNO BADDA !!!
(Warbixin Muraga Leh)


Sayidnaa Ali Bin Abii Taalib Karamalaahu Wajahah Wa RC oo ahaa imaamkii Muslimiinta ayaa waxaa uu Yiri asigoo Ka hadlaayay Faqriga 'Hadii uu faqrigu Nin ahaan lahaa seef ayaan Qoorta uga jari lahaa'

Haddaba inkastoo Dhulka Afrika uu yahay dhuli Qani ah oo wax walba laga helo hadane Faqriga iyo Gaajadda (HANGER AND THE POVERTY) ee ka jira Dalalka Afrika ayaa waxuu ku kalifay boqolaal Dhalinyaro ah oo u dhashay Dalalka Afrikada waqooyi, Afrikada dhexe ,Afkirada Bari in ay baddaha si murugo leh ugu dhintaan

Dalka Aljeeriya oo ku yaalo waqooyiga Africa ayaa waxey dhalinyaro badan u tahriibaan Yurub ayigoo raaca Dooman, waxaana dhacda in Qaar ka mid ah Dhalinayaradaasi ay Gaaraan Dalalka Midowga yurub Gaar ahaan Dalalka Spain iyo Talyaaniga ayidoo kuwa kalane Ayigoo faqri ka cararaayo uu ku Cuno badda dhexdheeda Yaxaas Badeed

Dhambaallo lugu Qoray Sigaarka warqadiisa lugana soo dhex riday dhalooyin laga cabay cabitaano oo ay Badda soo tuurtay ayaa waxaa laga helay xeebaha Badda Aljeeriya,dhamaabaladaas ayaa waxaa Ahalkooda usoo qoray Dhalinyaro Aljeeriyaan ah oo doonayay in ay gaaraan Yurub si Tahriib ah Balse markii ay ogaadeen Mowjahadaha Badda weynta oo ku kacay darteed in aysan bad baadi doonin Doonida kasoo dul qoray waraqadahaan muragada leh, waxaana ka mid ahaa Hadaladan hoos ku Qoran:

' Hooyo Iga Raali Noqo Aduuunka Korkiisa waxaan la joogi Waayay Faqri intii uu i cuni lahaa aboorka Waxaan Ka Door badiy in uu Badda igu Cuno Yaxaas Badeed ama Aan yurub Galo si aan Faqriga uga Baxo'

Mid kale ayaa waxuu warqad Ahalkiisa usoo Qoray ku Yiri' Hooyo iyo Aabe waxaan isku daayay in aan Dalkeena ka cararo, Lakiin Nasiib Daro sida muuqata Badda ayaan dhaafi wayay, Waalidkii aan jeclaayow Walaalihii aan jeclaayow Naftiina ka taxadira, aduunka idinka ayaan idinku jeclahay, Qofkii amarka Waalidkiis Qaadan waayo meel xun ayaa u danbeyneyso, Nabadgelyo waan ka xumahay in aan warkiina diiday'

Mid kale oo asigane ka mid ahaa dhalinyaradii Tahriibka ku jiray ayaa waxuu ku yiri Warqadiisa'Hooyadii Qaaliga aheed waxaan warqadaan kusoo Qoraa ayidoo mujada xun nugu kacsanyahiin,aniga iyo 5 aljeeriyan ah ayaa isla raacnay laash kuleemeysi waxaan islaheen dabaasha markaad u dhawaataan xeebaha talyaaniga, lakiin waxaa muuqata in anan gaareyn Talyaaniga una soo laaban doonin Aljeeriya, iska key cafi hooyo ma dooneyn in aan soo tahriibo lakiin waad ogtahay dhibaatada aan ku jiray waan ku jeclahay'

Warqad kale oo ay heleen ciidamada badda ee Aljeeriya ayaa waxey u Qoreed Sidan'Waalidkeyga Badda ayaa kacsan ma ogi meesha aan ku suganahay qofkii diid Nasiixadiisaa waalidkiisa waxaa u danbeyn doontameel xun , hadii aan noolaado waan iska arki doonaa hadii aan dhinatana waxaan isku arki doonaa Alle agtiisa'

Wiil asigane lugu magacaabo Maxamuud oo 24 jir ah Rabana in uu Tahriibo ayaa waxuu yiri' waxaan taaganahay maalin walba Dekadda waxaan sugaa markab aan ku dhuunto waxaan rabaa in aan Dalkaan isaga ka tago maahan meel la joogi karo, waxuu gacanta u galay maafiyo, waxaan rabaa in aan yurub galo ee shaqeesto kadibna guursado waxaa Nasiib leh kuwii badda ku geeriyooday kuwaasoo ka tegay faqrigaan iyo shaqo la,aantaan'

Warqadahaan muragada leh ayaa waxaa qoray dhalinyaro aljeeriyaan ah oo doonayay riyadooduna aheed in ay si Tahriib ah ku gaaraan Janada yurub si ay shaqo wanaagsan u helaan kadibna ay u guursadaan ayigoo ka cararaayay faqriga iyo shaqo la,aanta ka jirto Dalkooda lakiin Nasiib Daro riyadoodii ku dhamaatay in uu Yaxaas badeed Cuno sida kumanaan Soomaali ah oo maalin walba dhibaatodan oo kale ku dhacdo.

Uga danbeytii waxaan Shaki ku jirin faqrigu in uu yahay Cadow iyo cudur Bini'aadanka oo dhami la dagaalamo waxaan ayidana shaki ku jirin in dad badan oo ku nool dunida in ay ku jiraan faqri kii ugu xumaa kuwa kalane ay ka carareen dhulkoodii hooyo ayigoo raadinaayo nolol ka wanaagsan tan dhulkooda hooyo ay ku noolaayeen, faqrigu waa cudur aadmiga dhami wada neceb yahay kuna kalifa Insaanku in uu sameeyo wax yaabo badan oo laga xishoodo,faqrigu waa wax mudan in laga cararo aadna u xun caalamka oo dhana laga necebyahay muslimiintuna ay ka duceestaan, faqrigu waa kan dadka is jecel kala geeya, faqrigu waa kan dadka is qaba kala fura, faqrigu waa kan dumarka ku kalifa jirkooda oo ay jecelyihiin in ay gataan, faqrigu waa kana ku kalifa waalidiinta in ay gadaan ubadkooda oo ay aduunka u jecelyahiin,faqrigu waa kan caruurta dhiga wax barasho la,aan,faqrigu waa kan ku kalifa Raga Qaarkooda in ay gataan Kaliyah Dumarkooda inta kala baxaan ama Kilyahoodaba gataan lakiin inkastoo dhibaatooyinkaas oo dhami jiraan waxaa muhiim in mar walba Nafta la ilaaliyo lana jeclaado Nolosha oo laga shaqeeyo sidii looga hortig lahaa faqriga.

Haddaba Akhrisow anagoo og Dalka Soomaaliya in uu yahay Dalalka ugu faqiirsan Dunida makula tahay faqri kasto oo jiro in ay yurub tahay meel mudan rafaadkaas in loo maro ? maxaadse jeceshahay in aad kula taliso dhalinyarada soomaaliyeed ee raba in ay Tahriibaan ? maxeysa tahay arigtidaada ku aadan Guud ahaan Tahriibka? Sideesa u aragtaa dhalinyaradan Aljeeriyaanka ah ma kuwa ku khaldan Tahriibkooda misa kuwa ku saxsan?

Ismaaciil Saxaaf
Saxaaf@hotmail.com

Xigasho:Islamonline.net

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 1, 2008

qaasimWasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka..

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com