SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Safaaradda Mareykanka ee Yaman oo dadka cuna Jaadka u diidey in ay siiso Viso...

Safaaradda mareeykanka ee Yaman ayaa sheegtay inaanay viiso siinayn dadka cuna Jaadka, waana in qofka dalbanaya viisada aan hubinnaa bay yiraahdeen in jaadka cunistiisa ay ugu danbeeysay ugu yaraan 3 sanno ka hor oo dhiig laga qaado, wuxuuna qaraarkani quseeyaa baa la yiri dadka doonaya visada loo yaqaan "immigrant visa" oo ah tan la siiyo dadka doonaya inay Maraykanka ku noolaadaan sida dadka dadkoodu dalbanayaan sida qoysaska is dalbanaya, shaqaalaha shaqada ka helay ama ka doonaya maraykanka, iyo kuwa raba in qaxooti nimo loogu geeyo maraykanka oo ay ku jiraan dublumaasiyiintu, mana quseeyso kuwa doonaya visit visada.

Dadka reer yamana ayaa la sheegay in 60% in ka badan ay si toos ah ugu xiran yihiin Jaadka cunistiisa, waxaana cuna dhamaan qaybaha kala duwan ee mujtamaca reer yaman sida Madaxda dowladda, Odayaasha dhaqanka, Dumarka,Qaar ka mid ah iyo weliba Ardayda xilliga imtixaanaadka.

Dowladda mareeykan ayaa ah mid ka mida dowladaha aaminsan in Jaadku yahay mid ka mida daroogada xaaraanta ah ee ka daran khamriga Sidaasna waxaa xaqiijiyay xarunta mareeykanka u qaabilsan baarista cusdurada US Center for Disease Control and US Controlled Substances , waxaana mareeykanka ku wehliya oo la qaba arrinkaa dowlado kale oo badan sida Canada,Germany, waddamada khaliijka carabta iyo kuwo kale.

Jaadka oo saynis ahaan loo yaqaan Catha edulis Forsk asal ahaanna ah geed ka baxa Africada bari iyo koofurta Carbta ayaa waxaa loo yaqaannaa magacyo kala duwan sida qat,Jaad,Qaad, q'at, kat, kath, gat, chat, tschat (Ethiopia), miraa (Kenya), iyo Murungu marka la qallajiyana waxaa loo aqoon jiray Abyssinian tea or Arabian tea( oo macnaheedu yahay shaah Ithoobiya ama shaah carbeed),waxaana ku jira maadooyin badan oo kiimiko ah oo isug jira kuwo daroogo ah iyo kuwo caafimaadka wax yeela oo sun ah waxaana ka mid ah kuwan hoose:

Cathinone [S-(-)-cathinone], iyo 2 diastereoisomers cathine [1S,2S-(+)-norpseudoephedrine or (+)-norpseudoephedrine] iyo norephedrine [1R,2S-(-)-norephedrine]. Waxayna dhismo ahaan xiriir la leeyihiin amphetamine and noradrenaline. Geedka waxaa ku jira (-)-enantiomer of cathinone kaliya ; (+)-enantiomer lagama helin Sidaas darted caadi ahaan S-(-)-cathinone wuxuu kiimiko ahaan ku dhismo yahay S-(+)-amphetamine. Cathinone waxaa laga helaa marka caleentiisu qoyan tahay. Marka uu geedku weynaado cathinone wuxuu isu bedelaa cathine [(+)-norpseudoephedrine] and (-)-norephedrine. Geedkaas caleentiisa labada maaddo eek ala ah [(+)-norpseudoephedrine] iyo (-)-norephedrine waxay ugu kala jiraan saami ah 4:1

Gabagabadii waxaa ugu khatarsan uguna muhiimsan waa 3dan maaddo ee hoose :

1- cathinone: S-(-)-cathinone; S-(-)-α-aminopropiophenone; (S)-2-amino-1-phenyl-1-propanone;

2- 2-cathine: 1S,2S-(+)-norpseudoephedrine; 1S,2S-(+)-phenylpropanolamine; 2-amino-1-phenyl-1-propanol;

3- norephedrine: 1R,2S-(-)-norephedrine; 1R,2S-(-)-phenylpropanolamine; 2-amino-1-phenyl-1-propanol

Guud ahaan ururka caafimaadka adduunka ee WHO baaritaankii uu sameeyay wuxuu caddeeyay in dhiabaatooyinka hoos ku xusan uu keeno jaadku:

1-WADNAHA = Garaaca wadnaha iyo shaqadiisa oo xumaata, dhiig kar

2-KILYAHA IYO KAADI MAREENKA = kaadida oo yaraata sidaas daraadeed kilyaha u sababta cudurro, kaadi haysta cudurro ku dhaca,

3-NEERVAHA = nidaama darean wadka oo khalal ku dhaco sida dhiifoonaan badan, waalli khafiif ah, hurdo xumo, walwal,xanaaq badan, hadal badan gaar ahaan inta la cunayo, laleen ama lalleemasho ama gariir, madax xanuun, afka oo qallala, bulshada oo uu la colloobo ama uu la soo baxo dhaqan qallafsan iwm.

4-DHINACA TARANKA = SHahwada ragga oo dhimata taas oo keenta madhalaysnimo, xubinta taranka ragga oo noqota howlgab ama ciniinnimo qarsoon,dhinaca dumarka ugxanta oo koristeedu yaraato sidaas darteed taasoo keenta inay yaraato jaaniska ay uur ku yeelanayso, caadada oo ka qaldanta, marka ay gaarta 45sano oo ay la kulanto dilan badan ama dhiig bax aan caadi ahayn, waxaa kaloo la arkay inay batten carruurta aan caadiga ahayn gaar ahaan dumarka cuna jaadka ama sigaarka caba.

5-CALOOSHA IYO UUR KU JIRTA = wuxuu keenaa gaastariito ama gaas, cuntada oo qofka ka xiranta ama jeenan xumo, caloosha oo fadhiisata ,Xididada beerka oo xirma sidaas darteed uu beerku weynaado

6-WAXYAABA KALE =Baabsiir ,indha madoobaad, ilkaha oo baaba'a ama xumaada, miisaankiisa oo hoos u dhaca , khatarta ka timaado meelaha sida wada jirka ah loogu qayilo sida TB da , cudurada beerka ku dhaca oo lagu kala qaado, nadaafad darro la xiriirta gacmahii lagu soo guray ama kala iibsaday iwm.

7-DIIN AHAAN: salaaddii oo looga tago, naftaadii oo aad khattar galisay, caruurtii oo la dayacay oo biilkoodii ragga qaar u isticmaaleen inuu naftiisa ku raalli galiyo halka ay caruurtii ama islaantiiba ay dayacmeen, inuu qofka ku qasbo inuu galo danbiyo kale sida dhilaysi ama marka uu muddo wado uu uga sii gudbo daroogo kale oo ka xoog badan jaadka.

C/Kariin Sh Yuusuf -Dubai
E-Mail abucaaliya@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 1, 2008

qaasimWasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka..

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com