SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab Umubakar iyo Cammaar

Bisillaahi raxmaani raxmiin

Asalaamu Calaykum ww

Bacda Taxiyah

 

Awalan waxaa mahad islkaleh alle subxaana watacaalaa ,Naxariis iyo nabedgelyena allaha yeelo rasuulkeenii suubanaha ahaa SCW thaaniyan waxaan umahadcelinayaa  dhamaan dadka kuhawlan webka una taagan sida ay walaalohood soomaaliyed ugu gudbinayaan wararka iyo waliba ra’yiga dadwaynaha intaba ,

 Intaa kadib ,

 

Waxaan filayaa in  walaal Camaar  hadalka  kusoobooday laakin waxbadanna uusan kafiirsan laftiisa ,

marka aaan sidaas leeyahay waxaan uga jeedaa sadexda hadal ee aan sooqoray way cadyihiin leexleexna malahan hadii aan loohadlayn waa lahadlaa oo kale ,

 

hadii aan ku horreyo qabyaaladii aan kahadlay qoraalkaygu waa ku cadyahay hadalka aan kahadlayna waxaa weeye aynu tuurno qabyaalad , oo aan lahayn wax istithne ah , istthne waxaan uga jeedaa in aan waxba laga sooreebin shayga laga hadlayo oo dhaantiisa faraha lagala boxo noocuudoono hanoqdee ,hadalkaas ayaan kahadlay kumaanan raacsanayn hadalkaas gabadha, qabyaalada iyo qaabka ay tahayna waan usameeyay faahfaahin , waxayna ku caddahay qoraalkayga aan sooqoray ,

 

Taas hadii aan halkaa uga boxo , ee aan usoonoqdo hadalka ah raga  iyo dumarku waa iskumid ayadana sidii aan markii hore kataagnaa ayaan kataagnahay hadalkaasna walaalkay Camaar maanu qeexin waxaana meesha kacad isaga laftiisu sida ay uhadashay Zahra inuu laqabo , kuna raacsanyahay , hadii lacudur daarayana sidaas looma cudurdaaro

Wayo anigu waxaan sheegay oo qoraalkaygana kucad hadii loonoqdo , in raga iyo dumarku wax ay kasimanyihiin ay jiraan taas waan caddeeyay oo cumuum ahaan uma aanan inkirin , laakin waxaan filayaa Camaar laftiisu inuusan si dhab ah ugu fiirsan hadalka gabadhu ay sooqortay iskabadaayo inuuba u raadiyay cudurdaar aniguna waxay iila muuqataa ama meeshaba kacad in sharcigii alle ay kutumatay si bareer ah , ulajeedadu hakala duwanaato hadii ay rabto

 

Taas waxaan kalleeyahay WAMANKAANA FIIHAADIHIL ACMAA FAHUWA FIL AAKHIRATI ACMAA ,

 

hadalka uu walaal kaga jawaabay arrinta aygabadhu kahadashayna wax nas ah oo diin cuskan oo noqon kara daliil kuma uusan muujin meesha balse waxaa uu keenay ra'yi ay keentay allaha karrali noqdee zawjaadkii nabega SCW mid kamid ah oo ahayd heshiiskii sulxul xudaybiya kadid markii uusoogalay rasuulku scw heshiis ajandihiisu aad iyo aad u adkaa oo ay saxaabado aqbali waayeen , markaa kadib ayuu rasuulku amray in ay madaxa ay  xiirtaan wayna kayara madax adeygeen isagoo yara caraysan ayuu u yimid haweenaydiisii la'oran jiray ummu Salamah waxayna waydiisay arrinkisa markii uu usheegay ee uu ku yiri saxaabadii ayaan arrinkaa ushegay wayna kamadax adeegayn ayay ku tiri adigu marka hore xiiro adigoo aan waxba cidwaydiin ,

markaad xiirato ayay iyaguna xiiranayaan sidii ayuu yeelay rasuulku wayna kudaydeen saxaabadii , sidas ayay ahayd qisado , waxayna ahayd arrin ra'yi ah oo ay haweenaydiisa  rasuuka kubiirisay loomana daliishan karo in layiraahdo waa iskumid rag iyo dumar walaalkeeyna waxbaa kayara khaldan ,

waxaana loodaliishan karaa taasoo kale qofkii yiraahdo wax talo ah magali karaan dumarka waxna lagalamatashan karo  taasna anigu maanan oran qoraalkayguna kumuusan caddayn ,,

 

maanan oran lalama tashan karo waxna lamawaydiin karo waxna yaan loo'ogaan midna maanan oran hadalkayga waxaa ku jirtray wax ay kasimanyihiin ayaa jira raga iyo dumarka balse gaf ayay samaysay zahro in ay tiraahdo rag ayaa dhegaha loogushubaa 100 ayaa tihiin dumarkana 50 ayaa tihiin inta fakarkaas nagu jiro hurumar magaarayno hadalka sidas ayuu ahaa ,waxkastaba hakalajeedee daliilna umanoqon karo ra'yigii ay keentay umu salama oo ay ushegtay rasuul scw ,

 

Taas hadii aan halkaa uga boxo  ee aan sooqaato khitaanka gudniinka islaamku waxaa uuqabaa in laysgudo waxaana daliil u ah oo ay jamhuurul culimaa’ay daliishadaan xadiithkii ahaa sheekaynka bukhaari iyo muslinba ay warinayaan  Markii ay kulmaan labada Khitaan oo ah labada gudniin waxaa waajib ah Qubays xadiiskaasi waa saxiix , waxaana halkaa kacad in gabadhaha lagudo gudniinka noocuuyahayna anigu maanan sheegin balse waxay tiri gabadhu gudniinka noocuudoonaba hanoqdee taas ayaan kahadlay , qofkana waxaa fiican inuu waxbadan fiirfiiriyo kahor inta aanu hadal katagin ,

 

Taasi hadii aan halkaa ugaboxo Camaar sooqoray , ee aan ugudbo tii gabadha ,

 

Hadii aan ujawaabo Zahra anigu Xumaan sheegi mayo durinamayo

Balse waxaan filayaa fahamkayga xumaantiisa ay kasharqamisay dhab ugamaanay fiirsan hase ahaatee si nasteexa leh ayaan doonayaa in aan ugujawaabo oo aan lahayn meelkadhac ,Maadaama aysan kahadlin arrimaha aan kusoo’eedeeyay , oo ah gafka ay kagashay alle kitaabkiisa ,balse waxa qoraalkeedii dambe kuxusnaa Abu Cisa waxaa dhib kunoqotay Naag baahadashay oo diin kahadashay iyo inuusan dumarka waxba u ogayn taas waa Gafkale ,

 

Waayo hadii aanan dumarka wax u ogayn kulamaba hadlen hadiise aan wax yar faahfaahin kabixiyo anigoo khilaafsan fakarka aad iga qabto oo ah dumarka waxba uma oga , Run ahaantii hadalkaas hadii uu kaa ahaa malo iyo hadii aad u hadlaysay dhab waad ku khasaartay ,waayo wax caddaynaya maadan keenin hadal iyo qoraal midna , qofkana waxaa wax looga aqbali karaa qoraal ama Markhati ama sowt aad kahayso oo duuban , midna igama aadan hayn eedaasina way iga dheertahay , anigu qoraalkii aan qoray ee kaakeenay in aad sidaa doonto u hadasho waxaa uu lahaa qoraal aad qortay oo aan kumuujiyay goobta hadii loonoqdana kaagii laga helayo ,

 

Siwalba hanoqotee anigu dumarka muslimaadka ah waxkamaanan sheegin mana durin ilaahna iguma qabto taas , Dumarkuna way noqonkaraan dumar dadka diinta uguyeera ama hadii ilaah uu siiyo cilmo uga faa’idaysa haweenka kale iyo raga sida kasugnaatay caa’isha RC, laakin

 

Hadii aan usoonoqdo magaca  Tirmidi xogaa waad dhaliishay gaar’ahaan aniga,, waxaadna kadhigtay mid uusan labixi Karin qof soomaali ah sida kucad qoraalka aad kujawaabtay , Imaamu tirmididana waxaa uu kamid yahay Sabcada , Bukhaari Muslim Abuu Daa’uud Tirmidi Nasaa’i Ibni maajah iyo Axmed , dhamaantood raali allaha kanoqdee waxaan jeclaan lahaa in ruuxkasta oo jecel wanaag inuu laboxo magacyada dadka Saalixiinta ah ama wanwanaagsan ee khyarka leh , Taariikhda ay leeyihiin iyo dadaalkoodana maahan mid aan kusookoobi karo qoraal, ama aan uga hadli karo si mubaashir ah , balse hadii aan unoqdo hadalkaagii ahaa kenyaan maahi oo maraykan maahi waxaa uu katurjumayaa in aan lalabixin magacyada dadka sulxada ah , maadaama aysan ahayn dad soomaali ah waa sisda kucad qoraalkaaga ama qofkasta oo soomaali ah uu kafahmi karo ,

 

 

Taas hadii aan halkaa kudaayo ee aan ugudbo , hadalka ah rasuulka SCW qaabka aan u qoray salligiisa adigoo taasna dhaliilay , soona qaatay culimaa’ul islaam fadwo ay kasoosaareen , waxaan taas uga jawaabayaa ,

 

Hadii aad akhrisatay Kitaabada Mokhtasarka ah ee qoran sida kucad waxaa kamid ah marka laga hadlayo axaadiithta qaar kamid ah in aanay dhamaystirnayn ama aan lagu garan Karin wax calaamad ah oo tusin kara qofku inuu dhamaystiranyahay xadiithka  , waxayna qoraan marka xadiiska inta hore laga akhriyo ayay kuxijiyaan Alxadiith oo kaliya oo macneheedu yahay akmilil xadiith  waxbadan  ayaa lagu arkaa kutubta qoran ama rasaa’ilka ay quraan culimada  , taas hadii aad kuqanciwaydid ee aan ugudbo dhanka Qur’aanka Munazalka ah ,

 

Sidaasoo kale waxaa kucad marka culimadu ay kahadlayaan mowduuc ama muxaadaro ee ay sooqaataan daliil daliilkaasi ha’ahaado mid kitaaba ah ama mid qiraa’a ah akhrin iyo qoraal kii uu doono hanoqdee waxaa kucad in la’akhriyo ayadaha qaar kamid ah markii inta hore laga akhriyo kadibna layiraahdo ilaa aakhiril aayah taasoo aan lahayn calaamad gooni ah ee lagu garan karo marka ay qorantahay , waana kalaamkii alle ,

Salliga Rasuulka SCW, Qofkasta oo soomaali ah meelkasta hajoogo dal iyo dibadba waa uu kafahmayaa sadexda xaraf in looga jeedo kusallin lagu salinayo rasuulka SCW

 

Intaasoo dhan kasoogudub Culimada islaamka ama dadka xaakimiinta ahi sawaab iyo khada’ labadaba way yeelan karaan waayo maahan Rusul mana ahan Malaa’ik Tusaale ahaan hadii aan sooqaato Dagaalkii ugu horreyay ee khaliijul carab Sheekh Ibnu baaz waxaa uu kamid ahaa culimadii fadwootay in lagu duulo ciraaq lagana saaro kuwayt ayadoo loo’adeegsanayo America , culimadii mucaasirka ahayd ee markaa jogay inbadan ayaa kudiidanaa fakarkaa hadana sheikh ibnu baaz waxaa uu ahaa sheikh caalim ah oo fadwooday ,

 

Culimada sucuudiga qaar kamid ah hader maxasuusta magacisa balse waan sooheli donaa ayaa waxaa uuqoray run ahaantii hadal cajiib ah waxaa uu ahaa hadalkaasi ,isagoo ula jeeday dagaalkii kadhacay khaliijka ayuu yiri Bacthiyiinta waxay cadaw nooyihiin sacaad , maraykankuna waxaa uu cadow nooyahay ilaa qiyaami saaca , ALBACTHIYUUNA CADDUWUNASSAACAH WAL AMERIKAA CADUWANAA ILAA QIYAAMI SAACA sheekhas darsin ayuu ka’akhrinayay Saudi a ,,

 

Tas hadii aan halkaa uga gudbo ee aan usoonoqdo , hadalkii ahaa waxaad is tiri qur’aanka mayaqaanaan aqoonta qur’aanku maahan mid lagu faano ee waa mid ruuxu uu u baahanyahay inuu ku dabaqo naftiisa isagoo dhawraya Xuduuda uu leeyahay ,kuna tadaburaya ,

Quraan labarto oo aan lahayn dhaqan maahan qur’aanLamana oran karo qur’aan ayuu yaqaan

Hadii dhaqanka kaasoofulayaa uu xunyahay waxba kumatarin qur’aankii adiguna waxba maadan tarin waana wax alle lagamagan galo qur’aan laxafiday oo aan lagu dhaqmin waligaaba xuruuftiisa iyo laaxinkisa dhawr hadii aad rabto , Mar hadii uusan kuu ahayn kitaabka alle dastuur waxba kama jiraan waxakale ee aad samayso oo ah tilaawada , ama xifdiga

Waayo Rasuulku SCW KHuluqiisu waxaa uu ahaa Qur’aanka , hadii ay dhacday in aan aayado isdhaafiyay lambarkoda waa khalad aniga iga yimid waxaana hubaa ayada aad kusheegtay 13 anigana aan kusheegay 12 taas in aan kaaga saxnaa ee ahayd suuratul xujiraat khaladkuna qofwalba waa ku imaan karaa balse anigu hader kugudhaliili mayo balse waxaan kuushegayaa khalad iyo gaf inuusan insaanku aamin ka’ahayn , waxaynu iskuhaynay ee aadan kahadlina waad dareemi kartaa, hadii khalad lafiirinayo , anigoo uba arka inuu khaladkaasi ahaa mid barer ah  

 

Hadii aan usoonoqdo xadiiska aan sheegay ee aan iri mulim ayaa wariyay ee aan raacshay malaha ee kahadlayay khitaanka kumaanan khaldanayn waayo xadiiska ama raawiyadu waybadanyihiin , mana khaldamin hadii aan iraahdo xadiith uu wariyay aanas iyo caa’isha iyo abuu hurayrah mid kamid ah hadii aan qabsado ama aan iraahdo waxaan filayaa inuu hebelyahay iyagoo dhamaantood  wada wariyay hadii aanan hubin waa wax iibannaan , hadii aad adigu soosamaysay mudaalaco waa goonideeda , balse hadii anaan ogayn cid warisay mana sheegeen malana kamaanan daba geeyeen , balse sida cad qofkasta oo sheega kalaamka rasuulka waxaa uu raaciyaa ow kamaaqaala Rasuulullaah SCW taasna halkaa ayaan ugabaxay

 

Hadii aan kahadlo sheekha ama dadku qofka ay kadhigtaan isin waxaan kaga hadlay qoraalkaygii hore balse si ayaa dagaal idinkujiraa hadalkayguna waxaa uu ahaa hadal meelo badan wax kataabtay waana kucelinayaa qofka sheekha ah ee ladoortay islaamku waa utixgaliyaa taasna been maahan jeebkaygana kalamaanan soobixin waayo qofka iyadoo lagu amaanayo xilka uu hayo in looguyeero looguna tix galiyo wax diidaya hadii aad haysaan keena , rasuulku SCW markii uu galay maka waxaa looshegay abuusufyaan inuu ahaa nin madax ah dadkana ujoga maqaam sare rasuulku waxaa uu yiri sida waadaxa ah Qofkii xaramka galaana waa aamin qofkii guriga abuusufyaan galaana waa aamin , sow maamuusid lagu maamuusay iyo in lootixgaliyay wanaagii uu ku lahaa dadka dhexdiisa maahayn jawabtu waa iska caddahay  

Islaamkuna maahan mid wax dulleeya ee waa mid wax cizzeeya taasna lasocoda waayo hadii wadan inqilaab kadhaco madaxda iyo dhamaan cidii dawladii la’inqilaabay ushaqaynjirtay waxay uqaybsamaan wax lalaayo iyo wax laxirxiro iyo wax lamasaafiriyo , sida kucad ayadda 34aad ee suuratu Namli ee ah innal muluuka Idaa dakhaluu qaryatan ilaa aakhiril aayah ,

Sidaa darted islaamku taasi waa kaduwantahhay xaalkiisa waana sharci laraaco oo lagu dhaqmo iyo dastuur alle kasoodajiyay todobada samo karkooda ,

 

Isimada manta joogaa qaar waxaa lahelayaa culima ah dadkoodana hogaamiya waxa xunna aan kurraacin iskabadaa inay kuraacaane markii beesha uu magaca usido xal lagawayo ee uu kadheeryahay goobtaas markii uu yimaado ayaa xal rasmi ah loohelaa dad badan ayaana wata magac isinka oo ay kamidyihiin dad wadaado ah oo aan anigu ognahay , kuwa aad kasheekaynaysaana kama marna in ay jiraan laakin waxa layskuqadayo halajoojiyo tas ayaan kaga hadlay arrinta isimada ,

 

Gabagabo;;

Hadii aan hadal yar iraahdo qofta layiraahdo zahro run ahaantii qoraalka aad sooqortay ee hore wax kastaba uga jeedoo maahan mid sax ah  , Ogowna inuu qofku  diinta islaamka kaboxo aysan ahayn  wax labaciidsan karo ama adag kalimad yar oo afkaaga kasoobaxday ayad kuseegi kartaa aakhiroo dhan adigoo markaa isuhaysta in aad tahay qof saxan , hadii hadalkaygii keenay in laysugafo ama xumaan layskusheegana anigu taas dhib iguma hayso waayo wax kasta oo wax sheeg ah in ay dhibi igusoogaarto diyaar ayaan u ahay af iyo addin intaba , Anigoo dareensan qofkasta oo wax wanaag ah sheegaya inay kaho imaanayso caqabad iyo dhib hadna hadalkaa aad sooqortay ee aad kadhigtay jawaabta jawaab uma noqonayo balse waanu sugayna waxa dambee aad sooqorto I nsha allaah

 

Wabillaahi Tawfiiq

 

Wixii aan asiibay rabi ayay xagii ka’ahaatay wixii aan kugafayna waa  naftayda iyo shaydaan

 

Abu Cisa Tirmidi
tirmidi1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007 

QORAALKII:  Faham Xumida Abu Ciise ee Diinta Islaamka | umubakar

Qoraalkii: . Hakanoqoto hadalka ay sooqortay (Zahra Abdi Hirsi) | Tirmidi

. Jawaab Kusocoto maqaaladii Abuu ciisa tarmadi iyo Zahra | camaar

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com