Jawaab ku socota Umubakar oo ka hadashay
magta dumarka
Sidee u Fahamnaa Shareecada
Maqaalkaygan waa jawaab ku socota
gabadhii ka hadashay magta dumarka una
doodaysay inay la mid tahay midda raga.
Ugu horreyn waxaan uga mahad celinayaa
gabadha siday u jeceshahay in wax kasta
daliil lagu saleeyo, waxaanan u
rajaynayaa inay aqbali doonto wixii
qaacidadaas ku socda.
Maxaa daliil ah shareecada
dhexdeeda?
Adillada shareecada waxaa loo qaybiyaa
laba qaybood oo ah :
1- Nas (kitaabka iyo sunnada) 2-
Wax naska laga fahmay (ijmaaca iyo
qiyaaska).Waxaana lagu daraaseeyaa
hannaanka adilladu u kala horreyso iyo
qaabka loo daliishadaba cilmiga loo
yaqaan: Usuul Al-fiqhi.
Qaabkee nusuusta u daliishan karnaa?
Jawaab kooban oo arintaas ku saabsan
hadaan bixinno wuxuu qof kastaa ku
khasban yahay inuu raaco sidii saxaabada
rasuulku u fahmeen adillada shareecada,
maadaama ay yihiin kuwii diinta soo
gudbiyey oo ujeedooyinkeedana ugu fahmid
badnaa, qofna uma madax bannaanaan karo
inuu ka leexdo fahamkoodii;
Taasna waxaa daliil u ah aayado quraan
ah iyo axaadiis badan oo ka sugnaaday
nabigeenna sallallaahu calayhi wa
sallama.
Hadii aayadaha aan wax ka tilmaanno
wuxuu Allaah yiri :”Qofkii rasuulka
khilaafa markuu hanuunku u cadaaday
kadib oo raaca dariiqa mu’niinta mid aan
ahayn waxaan uga weli yeelaynaa (ku
xiriirinaynaa) wuxuu ka weli yeeshay,
waxaanan gelinaynaa jahannama meel loo
ahaadana way ugu xumaatay”. Suuradda
An-nisaa:115
Mu’miniinta wakhtiga quraanku soo
degayey noolaa ee laga hadlayo waa
asxaabtii rasuulka, aayadan iyo kuwo
kale ayaa culimadu ka qaateen in fahamka
saxaabadu xujo yahay, sidoo kale
ijmaacuna xujo yahay.
Waxaa nagigeennu sallalaahu calayhi
wasalama, saxaabada kasii dhex
xusay, khulafada hanuunsan, wuxuuna sii
xusay Abubakar iyo cumar, axaadiis badan
baana ku timid in la qabsado sunnadooda,
ayna hanuunayso ciddii qabsata.
Dabcan waxaan meesha ku jirin wixii ay
isku khilaafaan taasna cidna kuma
khasbana inuu qof mucayan ah raaco waxa
la fiirinayo waa daliilka ay kala
haystaan oo kii xoog badan baa la
raacayaa.
Sidee adilladu Diyada uga hadashay?
Majirto aayad quraan ah oo caddaysay
qadarka diyada, dhammaan waxay ku
sugnaatay sunnada nabiga iyo ijmaaca
saxaabada.
Sunnadu waxay sheegtay in qofka muslimka
ah oo xorta ah diyadiisu tahay 100 neef
oo geel ah , caddayntaas sunnadu saas
sheegtay oo boqolka ah waxaa nabigu ku
bixiyey intuu noolaa raga, sida ku sugan
Bukhaari iyo Muslim, kitaabka diyada,
baabka Qasaamada, mana dhicin inuu
haweenay 100 ka bixiyey, sidoo kale ma
sugnaanin inuu 50 ka bixiyey, hadaba
maxaa xal ah?
Waa inaan aadnaa tallaabada xigta
sunnadii khulafada raashidiinta, iyo
ijmaacii saxaabada, markaan kutubta
islaamka soo rogno oo mas’aladaan baarno
waxaan helaynaa in uu arintaas xukmiyey
Cumar Bin khaddaab iyo cuthmaan bin
caffaan, sida ku cad musannafka
ibnu abii shaybah mujalladka 11aad bogga
22aad. Iyo Irwaa Al-qaliil uu
qoray Sheekh Albaani 7/310. As-sunan
Al-kubraa uu qoray Imaam Al-bayhaqi 8/71
saxaabada rasuulkuna sidaas ayey ku
midoobeen in magta haweenaydu tahay kala
bar inta ninka, waxaana ijmaacaas soo
guuriyey culimo badan oo uu ka mid
yahay: Imaamu shaafici, Abubakar Bin
abii shaybah sida ku sugan kitaabkiisa
Musannafka ah, waxaa sidoo kale soo
guuriyey dhammaan fuqahada islaamka sida
ku cad: Al-muqnii uu qoray Imaam Ibnu
qudaamah 9/531, iyo Ijmaaca ibnu Mundir
iyo Ibnu C/barr, iyo fiqhi sunnah Sayid
Saabiq 2/377.
Marnaba ma dhacayso in saxaabadu ay ku
midoobaan shay aan daliil lahayn ama aan
xaq ahayn, mana dhacayso mana dhicin in
culimada islaamka dhammaantood ay
saxaabada kasoo guuriyaan ijmaac aan
jirin.
Sidaa darteed waxaan walaasheen leenahay
magta haweenku inay bar tahay waxaa
daliil u ah sunnadii Cumar iyo Cismaan
bin caffaan oo ay waajib kugu tahay
inaad raacdo, kulankii saxaabada oo
marnaba aadan dhinac mari Karin, illeen
Allaah baa naar kuugu goodiyey hadaad
dhinac martide.
Suaal: waxaa dadka qaar
iswaydiin karaan saxaabadu ijmaacooda
maxay u cuskadeen?
Jawaabtu waxay tahay: waxay cuskan
karaan siday nabiga ka arkeen ama ka
maqleen, khasabna ma aha inay sheegaan,
sida Usuulka lagu daraaseeyo, waxay
kaloo cuskan karaan fahamkooda maadaama
ay goob joog u ahaayeen degiddii
shareecadda, ujeedooyinkeedana ay
fahmayeen si ka badan sida dadka kale u
fahmayaan, waxay kaloo eegi karaan waxa
la yiraahdo Al-ashbaah wa nadaa’ir
(mas’alooyinka isku midka ah iyo kuwa
isu eg). Iyagoo kala mid dhigaya
dhaxalka, markhaatiga, xoreynta iyo
walqalka.
Codsi: waxaan walaasheen iyo cid kasta
oo mas’aladan sidaa si ka duwan u
aaminsan aan ka codsanaynaa inay noo
sheegaan qof saxaabada ka mid ah oo
sidaa la qaba ama cid culimada islaamka
ka mid ah oo la aaminsan.
Haddii aad waydaan ma idin la tahay wax
saxaabadii rasuulka iyo qarniyadii
fadliga badnaa iyo fuqahadii islaamka
dhammaantood ka qarsoomay inaad idinku
soo faagteen qarniga 15aad.
Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkaygan
hadalkuu uu yiri saxaabigii waynaa
C/laahi Bin Mascuud, Allaah haka raalli
noqdee: “ Raaca, idinku ha jeexanina
dariiq, waa la idinka kaafiyey”.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
::Umubakar:
Jawaab Ku Socota Abuu Ciise