SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Umubakar waxay fakarka kalamid tahay Condoleessa Rice 

Abu Cisa Tirmidi
tirmidi1@hotmail.com

Asalaamu calaykum ww
waxaan akhriyay maqaalkii ay sooqortay umubakar kaasoo ay kadhigaysay mid ay aniga iigusoojawaabtay hase ahaatee jawaab noqonmaayo ee wali waxaa uu meelkadhac kuyahay sharciga islaamka ,

Mida kale qofwalba oo daaci ah ama sheikh ah waxaa uu leeyahay sheikh  uu wax kabarto oo ah macalin ama sheikh , noqonkarana masdar ay waxkasoobillawdaan , sida nebi muxamad scw uu mucalim ugu ahaa jibriil, nebiguna uu mucallim ugu ahaa saxaabadiisa allaha karrali noqdee ,  Sideedana qof wax iskabarta sheikh la’aan ama macalin la’aan majiro ,  waxaan filayaa gabadha awalna way lunsanayd haderna waxaan filayaa inay suulintay marka aan sidaas leeyahay waxaa dhacda markii ay joogto dhawr todobaad ayay mar wax sooqortaa  waxa ay sooqoraysana maahan wax run ahaantii  leh meel looraaco taasoo aan u fahmi karo in ay leedahay dad aan waxba kudhaamin dhanka diinta oo ay wax kasoonaqdiso ,

Waxaa kale oo ay bogaadin usoojeedisay cidii kudhiirrigalisay xaqa taasi waa sax hadii ay jirto laakin ha'ogaato wali inay xaqii daba marsantahay , hadii sida ay sheegtay ra'yiga faasidka ah oo aan diin cuskanayn laguraacayna oo loogu hambalyeeyay iyada iyo intii ugu hambalyaysay intuba jahligu waa wada saameeyay iyo garasha la'aantuba , mana faliyo qof diin wax kayaqaan inuu kurraacayo afkaartaas xamaaqada ah ee kadhaadhacsan gabadhaas,

Hadii aan usoonoqdo hadalkeeda ah wax kasta kitaabka ayay kudhanyihiin taasi iskumahayno laakin su'aasha taagan waxaa weeye wax sharci ahaan loodabaqo oo aanay aayad kahadlin xadiisna kahadlin sow majiraan laguna dabaqo ijmaaca iyo qiyaaska saxiixa ah , taas waxaan filayaa in ay kamadoowdahay oo aysan lahayn garasho siixeeldheer oo ay ku’ogaato ,
 
Hadii aan usoonoqdo hadalkeeda ah in magta dumarka aytahay 50 majirto ayad shegaysa ama xadiiskahadlaya , aynu halkaa udayno illen waxay sooqadatay oo qoraalkeeda kucad in labadaas kaliya wax laga qaato , wixii lagawaayana aan lacuskanayn ,

Hadaba xujo ma’uhaysataa kan ay kudoodayso oo meel masaari kartaa kaasoo ah in magta dumarka iyo ragu ay simanyihiin kaas xagee kakeentay? waa su'aal loobaahanyahay jawaabteeda , Kitaabka kumacadda sunnadana kumacadda sidaa darted meel hasaarto maadaama ay sheegatay in ay magteedu tahay tan raga oo kale , tii aanu usheegnayna ay tiri kitaabka iyo sunadu midna kumaycadda , wax kale oo wax laga qaadan karaana majiraan waa sida ay hadalka udhigtaye hakeento fadwadeeda meesha ay ucuskatay hadii kale ha’ogaato in ay doodeedu tahay macno darro ,

Waxaa dadka qaarkii lagu yaqaan markii wax lagu qabsado in lawaayo oo aan la’arkin hadalkaas ubayaani dadka adigoo kaashanaya dadkii kugu hambalyeeyay baadinimada aad kutaagantahay si loowada arko hadii uu xaqyahay iyo hadii uu yahay xaqdarro labadaba

 Waana sida aad usheegtaye waxa hadii aadan garanayn lama sootaagnaadee culimadaa lawaydiyaa hadalkaasna qofkale oo uuqabanayo oo aan adiga ahayn majiro waayo waxaadan culimada soowaydiin ayad nagulasoonoqonaysaa indha adeeg intaas le’eg waligay maanan arkin oo hadana qof dumar ah latimid ,

 Tankale aflagaadada aadkuhadlaysid ama aad qoraysid hadii aan wax katilmaamo , waxaad nagusheegtay inaanu nahay mooryaan aan waxba qaadan xaga diinta hadalkaas hadii aan kajawaaabo , run ahaantii waxaa  jirta qofku inuu tarbiyadda iyo dad ladhaqanka kusoobaarto gurigooda hadii aanu lahayn aabe ama hooyo bara tarbiyadda waxaa dhacda inuu dadka isaga dhaco iskana aflagaadoodo sida adiga waxa kaasoofulaya oo kale , markaa waxaan oran karaa waxaa tahay qof aan labarin tarbiyad iyo  ixtiraamka dadku leeyahay midna ,

Abu Cisa Tirmidi
tirmidi1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

::Umubakar: Jawaab Ku Socota Abuu Ciise

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com