Abu Ciisow,Allaha xaqa ku tuso.
Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com
Qof kasta
sida uu yahay lagama beddeli karo,qofka Allah ku xiran mooyaane
oo isagu markii xaqa loo sheego durba qaata,dadka uu ka qaatana u duceeya,qofna
lama hanuunin karo qofkii Allah hanuuniyo mooyaane,waa tii uu Rabbi rasuulkiisa
sallallaahu calayhi wasallama ku yiri: Adigu (nebiyow) ma hanuunisid qofkii aad
jeceshahay,laakiinse Rabbi baa hanuuniya qofkii uu doono,isagaana garanaya kuwa
hanuunsan (suuradda Al-Qasas,aayad lambar 56), sidaas daradeed bay
ulajeeddadaydu u ahayn in aan hanuuniyo Abuu Ciise waayo maba hanuunin
karo qofna,balse waxay iga ahayd xaqa sheeg wixii aad garatayna soo bandhig,si
maalinta qiyaame lay oran:maxaad walaalkaa oo khaldanaa uga bakhiishay ama uga
xasadday in aad xaqa u sheegtid ama aad u soo bandhigi weyday wixii aad
garanaysay,rasuulkeenana sallallaahu calayhi wasallama waa tii uu yiri ballighuu
cannii walow aayah (xadiiska waxaa soo weriyay Bukhari),macnaha xataa hal aayad
iga gaarsiiya,laakiin haddana arrinka dadka loo sheegayo ama la gaarsiinayo oo
xaqa ah waa in ay salka ku haysa kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu
calayhi wasallama.
Abuu Ciisow
kulama jecli in aad qaadato sifo kasta oo xun kulamana jecli in
aad istus wax ku qorto oo aadan kala jeclayn wixii denbi ah oo ka imaan kara
hadalkiisa,mana ahan in dadka dhowrsan oo hadalka Allah soo bandhigayo ama
hadalka rasuulka sallallaahu calayhi wasallama soo gudbinayo in lagu sifeeyo ama
lala barbar dhigo dad gaallo ah oo Allah ku kufriyay oo inkiray jiritaanka Allah
ama ku jeesjeesaba hadalka Allah,haddii aan xaqa la iftiimina oo la iska aamuso
waxaa dhici karta in qofka khaldan wixiisa ay la wanaagsanaadaan runa u maleeyo
waxa uu dadka ku dhaleecaynayo, markaana uu suntiisa ku faafiyo dadka caamada ah
oo aan iyagu u kala soocneyn wixii xaq ah iyo baaddil ah.
Imaam Adahabi
wuxuu kitaabkiisa caanka ah ee Al-Kabaa’ir uu cayda dadka
dhowrasan ka mid dhigay denbiyada waaweyn, marka qof muslimad ah oo waliba xaqa
sheegaysa in aad la barbar dhgito qof kaafirad ah oo faasiqad ah oo cadowga
Allah ah oo cadowga diinta ah oo cadowga rasuulka sallallaahu calayhi wasallama
waa nasiib xumo iyo jahli,Rabbi wuxuu yiri:kuwa ku tuura haweenka dhowrsan ee
illowsan xumaanta ee mu’minaatka ah,macnaha kuwa haweenka muslimaatka ah caaya
waxaa lagu lacnaday adduun iyo aakhiro,waxayna mudan yihiin cadaab weyn
(suuradda Annuur, aayad lambar 23).
Labada sheekh
saxiixooda waxaa ku xusan in rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama uu
yiri:addoonku wuxuu ku hadla hadal aanu u caddayn oo uusan ka fekerayn
xumaantiisa iyo waxa ka soo gaarayo,hadalkaa daraaddiisana oo uu ugu dhowaan
karo naarta,Rabbi wuxuu yiri:qowl kasta oo lagu dhawaaqayo wuxuu leeyahay Raqiib
oo xafida acmaasha,iyo Catiid oo xaadirka ah oo arrimaha diyaariya (suuradda
Qaaf,aayad lambar 18)
Qofka caaqilka ahi wuu og yahay
waxa uu ku hadlayo iyo waxa uu qorayo,wuuna og yahay in qofkaasi laga
xisaabinayo maalinta qiyaame,waana la-hor keenaya wixii uu ku hadlay ama uu
qoray,si uu u arko haddii ay xumaan tahay iyo haddii ay wanaag tahayba,si uu u
arko khayrkiisa ama sharkiisa,Rabbi wuxuu yiri:qof kasta waxaanu laasiminay
luquntiisa camalkiisa,waxaana u soo bixinaa maalinta qiyaame kitaab uu la kulmi
isagoo fidsan,laguna dhihi akhri kitaabkaaga,macnaha wixii aad qortay ama aad ku
hadashay,isagaa kuugu filan maanta korkaaga xisaabe (suuradda Al-Isra’,aayado
lambar 13 iyo14).
Abuu Ciisow,ma
waxaa isku kaaga mid ah qof gaal ah iyo qof muslimad ah,qof jaahil ah iyo qof
wax garanayo,Rabbi wuxuu yiri:waxaad dhahdaa (nebiyow) ma isku mid baa kuwa wax
garanayo iyo kuwa aan waxba garanayn (suuradda Azzumu,aayad lambar 9),Rabbi
wuxuu yiri:waxaad dhahdaa (nebiyow),ma isku mid baa qof wax arkayo oo indho leh
iyo qof aan waxba arkaynin oo indhoole ah (suuradda Al-Ancaam,aayad lambar
50),Rabbi wuxuu yiri: waxaad dhahdaa (nebiyow), isku mid ma’ahan wax xun iyo wax
fiican (suuradda Al-Maa’ida, aayad lambar 100).
Maqaalkaygii hore
waxaan ku caddeeyay in Abuu Ciise uu ka xun yahay haweenay baa xaqa
sheegtay oo hadalka Allah fasirtay oo xadiiska rasuulka sallalllaahu calayhi
wasallama soo bandhigtay,Abuu Ciisena intuu is celin waayay buu
maqaalkiisa ugu danbeeyay shaaca uga qaaday hadal lagu inkirayo haweenka,xaqii
aan sheegaayayna wuxuu ku tilmaamay oo uu yiri:indho adayg intaas la eg
waligay maanan arag oo haddana qof dumar ah la timid, Subxaanallaah ma
sidaas buu ahaa xaalkaagu,ma illowsan tahay haweenka saalixaatka ah in ay soo
saareen niman wanaagsan oo hadalka Allah iyo hadalka rasuulkeena sallallaahu
calayhi wasallama ku duulayo,manhajkooduna uu yahay kitaabka iyo sunnaha
rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama,kuwa shaydaanka wehel ka dhigtana ay
soo saaraan niman mooryaan ah oo diintoodu qabiil yahay sheekhooduna kaabo
qabiil yahay.
Abuu Ciisow
marjacayga kowaad iyo meelaha ugu horreeya ee aan wax ka soo xigto waa kitaabka
iyo sunnaha rasuulka sallallaahu calayhi wasallama,kuma duulo marjacna kama
dhigto sheekh hebel iyo daaci hebel,qof kastana warkiisa waa lagu celinaya sida
uu sheegay Imaam Maalik Allah u naxariiste,qofka qabrigan ku jiro mooyaane
isagoo ulajeeday rasuulka sallallahu calayhi wasallama.
Abu Ciisow
haddii ay naag wax kuu sheegto ma’ahan in aad gadoodid oo aad ciishootid oo aad
carootid oo aad furka tuurtid oo aad jahawareertid,Caa’isha Allaha ka raalli
noqdee oo ahayd xaaskii nebiga sallallaahu calayhi wasallama waxaa mas’alo ugu
imaan jireen rag asxaabta ka mid ah,mana oran jirin naag warkeeda naga
daa,waxayna asxaabta ka soo weriyeen Caa’isha axaadiis fara badan oo ka
sugnaaday nebiga sallallaahu calayhi wasallama. Caai’sha Allaha ka araalli
noqdee iyo ghayrkeeda ayaana tusaale ii ah.
Zahra Abdi Hersi
Holland
umubakar@hotmail.com
:::Umubakar waxay fakarka kalamid tahay
Condoleessa Rice | Abucisa
:::Jawaab: Umubakar oo ka hadashay magta
dumarka | Abuuxaazim
::Umubakar:
Jawaab Ku Socota Abuu Ciise
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007
|