LABADII XAQ DARO KU HESHIISHAA XAQAY KU
COLOOBAANJaamac Cabdilaahi Suleymaan
Cigaal215@hotmail.com
Damaca cabdillaahi yuusuf ee kursi doonka
madaxweynaha soomaaliya iyo xataa samaynta
maamulka puntland wuxuu yimi ka dib markuu
geeryooday generaalkii aadka u shiiqinayey
ee maxamed faarax caydiid bishii August 2,
1996 wixii waqtigaa ka danbeeyeyna
cabdillaahi yuusuf wuxuu is tusay in ay
maalintiisi tahay si uu taas u gaadhana
wuxuu Markii ugu horeysay sameeyey maamulka
puntland oo ka madax banaan soomaaliya uuna
madaxweyne ka yahay wuxuuu kale oo
xidhiidh dhaw la yeeshay hogaamiya
kooxeedyadii fara badnaa ee ka jiray
magaalada muqdisho kuwaas oo dhamaantood ka
soo jeeday qabiilka hawiye wuxuu kale oo
xoojiyey xidhiidhkii uu la lahaa dawlada
itoobiya oo dhanka kale cadaw fara badan ku
lahayd dalka soomaaliya,
doonista kursiga madaxweynimo ee
cabdillaahi yuusuf waxay ahayd mid mudo
dheer soo jiitamaysay oo marba marxalad iyo
waqti taagnayd laga soo bilaabo tan Markii
kacaankii October 21, 1969 talada dalka la
wareegay sidaas oo ay tahay hadana marba
walba waxaa ku gudbanaa gidaar isaga
laftiisuna intaasba halganka waa ku jiray
waagii shirkii lagu dhisay dawladii
salbalaadh bishii june 1995 ee uu
madaxweynaha ka ahaa general caydiid,
cabdillaahi yuusuf wuxuu isku deyey inuu
madaxweyne ku xigeen isu soo sharaxo si
markaas uu u noqdo dhaxal suge laakiin taas
waxaa ka diiday saaxiibkiis caydiid oo ay si
fiican isu yaqaaneen wuxuuna madaxweyne ku
xigeen u doortay mudane c/raxmaan tuur
illaahay labadoodaba haw naxariistee, mudane
cabdillaahi yuusuyna waxaa loo magcaabay
xilka wasiirka dibu dejinta,
maaratoonkii dheeraa ee cabdilaahi yuusuf
u soo galay doonista kursiga madaxweynenimo
waxay u rumowday Markii la gaadhay bishii
October 10, 2004 ka dib Markii ergooyinkii
isugu tegay shirkii imbigaati ee lagu qabtay
dalka keenya u doorteen madaxweyne ku meel
gaadh ah mudo shan sanadood ah, waxaana
damaciisa u sahlaybaa la odhan karaa labo
qodob oo mid ahaa hogaamiyayaal
kooxeedyadii beesha hawiye oo kala qaybsanaa
aadna ugu kala duwanaa dhanka fekerka iyo
iyana gacmo shisheeye oon talada shirka ka
madhnayn talaabadii ugu horeysay ee uu qaado
cabdillaahi yuusuf waxay ahayd siduu u soo
magcaabi lahaa ra,iisal wasaare waxaana
layska dhex mariyey inuu ra,iisal wasaare u
soo magcaabayo mid ka mida hogaamiyaal
kooxeedyadii reer muqdisho ee uu
gacansaarka xooga la lahaa sida maxamed
dheere ama xuseen caydiid,ama qanyare
waxaana aad loogu dheg taagayey ninka uu
ra,iisal wasaare u soo magcaabayo waxaase
mar kaliya laga war helay maxamed dheere oo
kursigiisii baarlamaanka u baneeyey mudane
cali maxamed geedi oo siyaasada ku cusbaa
talaabadii xigtayna waxay noqotay in bishii
novembar 4, 2004 madaxweyne cabdillaahi
yuusuf ra,iisal wasaare u magcaabo cali
maxamed geedi oo ahaa dhaqtar bartay cilmiga
xoolaha.
ilaa iminkana lama hubo sababta dhabta
ee cabdillaahi yuuusuf ku xushay ra,iisal
wasaare geedi, iyadoo la og yahay in aan
labadoodu wax aqoon ah oo hore isu lahayn oo
taxaa aanay xafladna ku wada kulmin waxaana
loo badinayaa in magcaabistii cabdilaahi
yuusuf ee ra,iisal wasaare geedi aanay ahayn
mid ku timi xulasho dhab ah oo ku salaysan
aqoon hore oo labadooda ka dhaxaysay waxaase
kolay jiray duruufo, iyo cadaadisyo ku
khasbay cabdillaahi yuusuf inuu sidaas yeelo
oo doorto cali maxamed geedi kuwaas oo kaga
imanayey taageerayaashiisii gudaha iyo kuwa
debeda labadaba.
SADDEX SANO KA DIB HALKEE XAAL MARAYA
Waxaa la sheegaa in bilowgii wada
shaqeyntooda labada nin mid waliba gaarkiisa
u faraxsanaa mudane cabdillaahi yuusuf wuxuu
ku faraxsanaa siduu u soo xushay nin aan
dhigiisa ahayn oon lahayn waaya aragnimo
siyaasadeed iyo mid milateri midna wuxuuna u
arkayey kol haduu yahay nin badda qalaylka
kaga soo baxay in cali geedi ku khasbanaan
doono inuu maro hadba wadada isugu u jeexo
dhanka kalena mudane cali maxamed geedi
wuxuu ku faraxsanaa sida dhibta yar ee
ra,iisal wasaare loogu magcaabay isagoon
waaya aragnimo siyaasadeed lahayn, laakiin 3
sanno ka dib wax waliba waa is bedeleen
waxaana cadaatay in aan cali geedi ahayn
ninkii cabdillaahi yuusuf moodayey,
xidhiidhkii iyo wada shaqeyntii u dhaxaysay
labada nin ayaa madmadow badani soo kala
dhex galay dhowr jeer oo cabdillaahi yuusuf
holiyey inuu tareenka ka tuuro cali maxamed
geedina isaga ayaaba qiiro qiiro galay hase
yeeshee waa ruug cadaa guun ah oo talo kama
soo dhamaatee hadba dhan ayuu uga wareegayaa
wuxuuna nidar ku galay inuu aakhirka badda
ku dari doono, cali maxamed geedi laftiisu
maaha nin sokeeya ee saddexdaa sano gudaheed
wuxuu soo maray habeeno iyo ayaamo badan oo
khatar badan wuxuuna ka soo badbaaday dhowr
shirqool oo cadawgiisu u dhigay, xiliga iyo
waayaha ayaa baray inuu mar walba salaada la
joogo tukado wuxuuna koradhsaday intuu
ra,iisal wasaaraha ahaa tabo iyo xeelado
badan oonu horteed aqoon, xaalkoodu wuxuu
hada taagan yahay sidii labadii nin ee
yidhi hebaloow yaa haadkaasi ku dhacayaa iyo
hadba keena eega
HALKEE LAYSKALA QAADAY
Fashilaada ku timi dawladii imbigaati
lagu soo dhisay ee ay gadh wadeenka ka
ahaayeen madaxweyne cabdilaahi yuusuf iyo
ra,iisal wasaare cali geedi shacabka
soomaaliyeedna quus ka joogo taasoo noqotay
kud ka guur oo qanyo u guur ayaa waxaa hada
muuqatay haadaan u dhaxaysa madaxdii
dawladaas ugu sareysay gaar ahaan
madaxweynihii iyo ra,iisal wasaarihii
farqiga labada nin u dhaxeeya ayaa sii
siyaadayey maalinba maalinta ka danbaysay
iyadoo midba midka kale u eedaynayo inuu
isagu ka danbeeyey in ay dawladu
waajibkeedii ka soo bixi waydo waxaa kale
oo jira waxyaabo kale oo laysku seegay
waxaana ka mida lacagta caawimada ah ee laga
helo wadamada deeqda bixiya iyo sida loo
maamulayo iyo cida gacanta ku haynaysa, sida
la sheegayna waxaa jira xisaab badan oo ku
maqan dhanka cali maxamed geedi oo uu ku soo
qaaday magaca dawlada taas oon labo cali
isweydiin, qodobka kale ee isna aadka
laysugu maan dhaafay waxaa weeye sida loo
maamulayo khayraadka wadanka iyadoo
cabdillaahi yuusuf ku adkaysay in maamulka
puntland u madax banaan yahay inuu ciduu
doonto heshiis caalami ah la geli karto
halka cali geedina taagan yahay waxaa
heshiis caalami geli karta dawlada dhexe oo
keliya maamulada goboladuna awood taas uma
laha arintaas oo cali maxamed geedi u arkay
inay tahay kaa fiicni ayaa iyana farqiga
labada nin sii murgisay waxaana qorshaha
cabdillaahi yuusuf ka muuqanaysa inuu taagan
yahay taadana kula lihi tayduna ii gaar
maadaaba uu isagu dalka madaxweyne ka yahay
hadana ula dhaqmayo maamul goboleedka
puntland sidii maamuul ka madax banaan
dawlada dhexe, wax fara gelin ahna aanay ku
samayn karin dawlada dhexe
XAALADU MAXAY KU DANBAYN.
Arinta aadka laysu waydiinayo ayaa ah
waxa xaaladu ku danbayn doonto uma muuqato
in ay heshiinayaan labada oday marka loo
eego halka xaalku marayo, waxaase lays
weydiinayaa keebaa reerka u hadhi doona,
waxaa muuqata indhawaaleba in laysu hub
urursanayey oo labadooda mid waliba
dhinaciisa ka xiiqsanaa kana waday olole ka
dhan ah ka kale waxaana aad moodaa sida hada
xaalku yahay in laysu xiiqay inkastoo
ciyaari aanay weli dhawn sida la
saadaalinaya waxaa dawlada ra,iisal wasaare
cali maxamed geedi la hor gayn doonaa golaha
baarlamaanka oo cod kalsooniya u qaadi doona
inkastoo dood badani ka taagan tahay
sharcinimada codka golaha baarlamaanka
hadana waxa arinta sii murgiyey 22 wasiir oo
ka mida 35 wasiir ee golaha wasiirada oo
madaxweynaha iyo baarlamaankaba ka codsaday
in dawladu u baahan tahay in ay hesho codka
kalsoonida baarlamaanka, uma muuqato in xal
loo helayo is mariwaaga jira cali maxamed
geedi laftiisuna dhawrkii bilood ee u
danbeeyey wuxuu beeshiisa hawiye ka kasbaday
kalsooni badan, wuxuu kale oo soo xidhiidh
dhaw la samaystay ragii hogaamiyayaal
kooxeedka ahaa ee ka soo jeeday beesha
hawiye kuna jiray golaha baarlamaanka, dood
dhawaan ka dhacday golaha baarlamaanka oo
lagaga doodayey sharcinimada dawlada dadkii
ka qayb galay waxaa ka mid ahaa maxamed
qanyare afrax oo ah xubin baarlamaan waxaana
doodiisa ka mid ahayd kursigii madaxweynaha
layskuma hayso oo beel baa leh halkaas
ayaanu yaalaa, kii baarlamaankana layskuma
haysto oo beel baa leh halkaas ayaanu
yaalaa, markaa maxaa layskugu haystaa
kursiga ra,iisal wasaaraha dadkase isku
haystaa miyaanay ogayn in beeli leedahay,
hadalkaas qanyare wuxuu daaha ka faydayaa in
hadii baarlamaanku kala noqdo kalsoonida
dawlada hada jirta in taasi horseedi karto
in dawladuba burburto oo reero noqoto iyadoo
aanay awalba lugo adag ku taagnayn mida kale
ee iyana aan weli la ogayni waxaa weeye
taageerada dawlada itoobiya taas oo taageero
laxaad leh siisa dawlada ku meel gaadhka ah
ciidamadeeduna yihiin rukumada ay ku taagan
tahay kolkaas is qabqabsi kasta iyo muran
awoodeed oo soo dhex gala dawladii
maqaarsaarka ahayd ee lagu soo dhisay
imbtigaati wuxuu aakhirka soo dedejinayaa
dhicitaankeeda labadan baarqab ee ku hor
doobinayana midna kuma sii negaan doono
kursiga uu maanta ku raaxaysanayo
Jaamac Cabdilaahi Suleymaan
Cigaal215@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan