"Dilka waa sida jeceylka oo kale" waxaa sidasa
yire dilaaweyn oo reer Russia ah.
Mascow.{Reuters } nin
Russian ah oo ku eedeysan dilka in ka badan 49 qof ayaa weydiistay Maxkamadii
la soo taagay in loogu kordhiyo kiiskiisa dilka ah dhibco gaaraya sida uu yire
11 kale oo ah dilal uu u geystay dad rayid ah ,waxa uuna si layaab leh Gudiga
eegaya Dacwadeesa ugu sheegay in markii ugu horeysya oo uu dilka marjin ah
geysanayay ay ula muuqatay in ku jira haasaawo jaceyl oo uusan isku arkin nin
dambigalaya,isaga oo yire waxa ay ila aheyd waqtigee iigu horeeyay oo aan jaceyl
jilo.
Alexander Pichushkin oo ah
33 ka shaqeeya super market ayaa furay oo jabiyay rikoorka dilalka isaga oo lagu
qoray halka ugu sareysa boorka lagu soo bandhigo dadka geysta falalka dilalka ah
ee ugu badan sida ay daabaceyn Wargeysyada Russia .
"dilka kuugu horeeya marka
aad geysaneyso waxa ay kuula muuqataa sida jaceylkaadii koowaad. Waligaana ma
hilmaamidoontid"ayuu yire Alexander Pichushkin oo ah nin Russian ah oo ku
eedaysan in uu laayay tiro dad ah isaga uu qirtay.
Waxa uu qolka maxkamadaha
gudaheeda ka sheegay kadib markii uu sharaxayay sida uu ku bilaabay dilka
waqtigee uu 18 arday ah waqtigaas oo uu dilka ka geystay gudaha fasalkee uu
dhiganayay ,waxa uuna sheegay in xiligaas uu fasalkiisa usoo jeediyay inay
geystaan dil ayna dilaan qof laakiin markii uu arankaas ka dhago adeegay
saaxiibkiis waxa uu yire "waxa aan udiray Janada"ayuu uga qosalsiiyay Xeer
ilaaliyayaasha Maxkamada .
"Waxa aad tahay qofka iigu
dhow adiga ayaana iiga wanaagsan dhamaan ,waa in aan sameynaa dil fiican oo
xiiso leh "ayuu yire isaga oo la hadlayay saaxiibkiis oo arintan aan ku
qanacsaneyn.
"dhamaan falalkan dilalka ah
waxa aan ugeystay hal ujeedo oo kaliya , waxa aad u dilay dadkan si aan u
noolaado maxaa yeelay marka aad wax dishid ,waxa aad dooneysaa si aad u
noolaato" ayuu maxkamada horteeda kayire Pichushkin,isaga oo faraha kala
rogrogaya oo qosolna ka raadinaya Xeer ilaaliyayaasha.
Isaga oo ka hadlayay Qolka
lagu maxkamadeynayo ayuu yire Pichushkin"aniga nolo dil la'aan ah oo aan waxba
dileyn waxa ay iila mid tahay sida ay kula tahay Nolo cunto la'aan ah,"
Alexander Pichushkin ayaa
lagu eedeyay in kabadan 49 dil saddex isku day dil ah laakiin waxa uu xeer
ilaaliyayaasha kaga naxsaday oo uu kagayaabiyay isaga oo codsaday in la siiyo
fursad uu ku korarsado dilalka uu geystay isaga oo carababay in la siiyo tiro 11
akle oo dil ah kuwaas uu waqtigaas kadib geysanayo.
"waxa aan filayaa in aysan
cadaalad aheyn in la eedeedo 11 kale oo dil ah " ayuu yire Alexander Pichushkin
xili lagu gudajiray qaadista dacwadiisa ah in uu geystay 49 dil.
Haddii la xukumo ninkan waxa
uu noqondoonaa ninka ugu dilalka badan ee gudaha wadanka Russia.
Andrei Chikatilo oo lagu soo
eedeeyay 1992 dilal farabadan ayaa lagu daldalay 1994,isaga oo lagu soo eedeeyay
Kufsi iyo qalasho uu qashay dad badan ,isaga oo cunay hilibka dad gaaraya 52 qof
.
Alexander Pichushkin ayaa
waxaa lagu wadaa in la balaariyo Dacwadeesa ,iyada oo la qorsheeyay 41 qof oo
qaraabo la ah dhibanayaashii uu dilay ninkan in al keeno Dacwada iyo 98 kale oo
Marqaatiyaal ah..
Maxkamada ninkan ayaa waxa
ay bilaabatay 13 septkadib markii ay police-ka Russia ay soo qabteyn sanadkii la
soo dhaafay ,waxa uuna bishii June sanadkii 2006 markii la soo qabtay uu sheegay
in uu isaga dilay 60 qof kuwaas oo uu ka la dilay Sanado kala duwan laakiin waxa
uu maxkamada u sheegay iany la imaato cadeymaha sheegaya in uu dilay 49 qof oo
qura kuwaas oo uu laayay inta u dhaxeysay sanadkii 2005-2006
W/d:Muxyadiin Axmed Rooble
Email:
saadaam_7@hotmail.com
Email:
muhudin01@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2007
Musharaxa Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Tilmaamay
DGPL Mid Fadhiid ah.
iyo Mujaahidiinta Soomaaligalbeed
oo dagaalo ay dhex mareen iyaga iyo ciidamadda gumaysiga ee Ethiopia..
Odayaasha dhaqanka
iyo midnimada beelaha oo warsaxaafadeed ka dhan dowladda Norway ka soo
saaray magaalada Muqdisho....

Dood ka dhalatay Ajande
sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc
kadib Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa,
Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo
Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay
Amaanka Goobta shirka.
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|