Mujaahidiinta Soomaaligalbeed, oo dagaalo ay dhex mareen iyaga iyo ciidamadda
gumaysiga ee Ethiopia .
Dagaalo faraha laysula tegey ayaa dhex maray ciidamada Ethiopia iyo weliba
xoogaga mujaahidiinta soomaali galbeed islamrkaana ku dilay tiro badan oo ka
tirsan ciidanka gumaysiga ee ethiopia qaar kalana kaga dhaawacay.
Maalintii shalay ayaa dagaal culusi waxaa uu dhex maray Mujaahidiinta Midowga
Jabhadda Xoraynta Soomaali-galbeed iyo gumaysiga Itoobiya.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Muluqo oo
ka tirsan Dagmadda Shaygoosh ee gobalka Qoraxay, dagaalkan ayaa ahaa mid gaadmo
ah oo ay ciidamadda Mujaahidiintu ku qaadeen Ciidamadda gumaysiga oo fadhiisan
ku lahaa ceelal halkaa ku yaala oo xooluhu ka cabaan.
Mujaahidiinta ayaa ku dilay 10 ka tirsan ciidanka gumaysiga dagaalkaas iyagoo
tiro intaa ka badana ku dhaawacay dhanka Mujaahidiinta Alle mahadii ayuuna jirin
wax khasaaro ah oo kasoo gaadhay dagaalkaas.
Dhanka kale dhulka S/galbeed ayay wali ka jirta xaalad aad uqalafsan taasoo
isugu jirta dhibaatooyinka ay ciidamadda gumaysigu ku hayaan shacabka dhulkaa
dagan sida Dilka, Dhaca, iyo barakicinta, intaa waxaa sii dheer iyadoo
gobolkaasi in muda ahba ay goodoomiyeen gumaysiga iyagoo joojiyay dhamaanba
waxyaabihii ganacsiga lagu gayn jiray goblkaas.
gaashaan
Raysal Wasaare Geedi Oo Xarunta Ethiopia Ee Adiis Kula Kulmay Qaar Ka Tirsan
Madaxda Ethiopia.
Raysal wasaaraha dowlada KMG ah ee cali maxcamed geedi ayaa la sheegay inuu
safar aan hore loo shaacin ugu kicitimay xarunta ethiopia ee adiis-ababa
islamarkaana halkaas kulan kula yeeshay qaar ka tirsan madaxda xukuumada
ethiopia oo uu horboodayo wasiirka arimaha dibada siyum-musfin halka la sheegay
inuu saacadaha fooda inagu soo hayona la sheegay inuu kulan la qaadan doono
raysal-waasaraha xukuumada ethiopia melez.
Safarka cali geedi ayaa ka dambeeyey kadib markii uu khilaaf xoogani uusoo
kala dhexs galay isaga iyo madaxweynaha dowlada KMG ah c/laahi yuusuf taasoo
sababtay inay xubnaha baarlamaanka iyo xukuumaduba u kala jabaan labo dhinac oo
la kala safan labada masuul .
Khilaafkan oo marba marka kasii dambeeya u muuqda mid sii xoogaysanaya ayaa
keenay inuu gaaro xaalad maaran waa ah oo ay magaalada baydhabo ee xarunta
gobolka bay ay la ciir-ciirayso islamrkaana ay ciidamada doiwlada KMG ah ee ku
sugnaa magaalada caasimada ee muqdisho ay badankoodii kusii qul-qulayaan
magaalada baydhabo ee khilaafka labada masuul ay ka taagan yihiin kuwaasoo u
kala jan jeera geedi iyo yuusuf.
Dhinaca kale u yeeritaanka labada masuul looga yeeray sida la sheegay xarunta
Ethiopia ee Adiis ababa oo lagu wado inuu isna maanta ka ambabaxo baydhabo
madaxweyne yuusuf ayaa bar bar socda inay arinta soo kala dhex galaan ethiopia
,igad iyo weliba ururka midowga afrika ee AU si loosoo afjaro islamrkaana miiska
wadahadalka la keeno labada masuul .
Sidoo kale safiirka u fadhiya soomaaliya dalka kenya maxamed cali ameeriko oo
u waramayey wakaalada wararka ee AFP iyo routers ayaa daboolka ka qaaday in
ururka igad ay damacsan yihiin in qilaafka lasoo afjaro islamrkaana wada hadal
lagu dhameeyo arinta murugsan ee dhex taala madaxda dowlada .
Maareeye Oo Dhaleeceeyey Isu Imaatinka 22-ka Wasiir Ee Kulanaku Uga Socdo
Baydhabo.
Wasiirka dib u heshiisiinta dowlada KMG ah maxamed cabdi xayir maareeye ayaa
shaaca ka qaaday inay yihiin wasiirada ka tirsan xukuumada geedi ee ka kooban
22-ka wasiir uu kulankoodu yahay shimbirayohow heesa islamrkaana ay yihiin shini
boqorkoodii ka maqan yahay waa siduu hadalka u dhigaye .
maareeye ayaa intaasi sii raaciyey in raysal wasaare geedi uu wakiil uga
yahay golaha wasiirada wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka c/laahi sheekh
ismaaciil ,islamrkaana uu dukumenti gacanta u geliyey ay ku qoran yihiin
macluumaadka iyo sidii loo maamulayo inta uu ka maqan yahay xukuumada .
'' ma qaban karaan wasiiradani shir uusan shir gudoominayn c/laahi sheekh
ismaaciil oo ah raysal-wasaare ku xigeenka labaad mana loo baahna in qol laysku
soo xiro inta kafee laga dhergo '' ayuu yiri maareeye oo saaka ka hadlayey qaar
ka tirsan warbaahinta gudaha .
Dhinaca kale wasiirka wasaarada isportska iyo dhalinyarada mowliid macaane
maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in wasiirada shirsani ay yihiin niman geedkii
ay saarnaayeen miinshaar ku goynaya islamrkaana aan laga aqbalayn in xukuumada
aan soo dhoob dhoobanay ay naga bur-buriyaan .
Si kastaba ha ahaatee heerka kala qaybsanka ,baarlamaanka iyo xukuumada ayaa
maraya heerkiisii ugu xumaa islamarkaana qarka u saaran in lagu kala baxo
magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay taasoo lawada eegayo marka mooshinka
lasoo hor dhigo xubnaha baarlamaanka lagana dhursugayo meesha ay ku dambayn
doonto dowlada TFG_da .
Musharaxa Maamul Goboleedka Punt-land Colaad Maxamed Oo Ku Tilmaamay Maamulka
Punt-land Mid Fadhiid ah.
Musharaxa maamul goboleedka punt-land colaad maxamed siciid ayaa ku tilmaamay
masuuliyiinta maamulka soomaaliyeed ee punt-land mid ka habaabay marinkii loogu
tala galay islamrkaana aan si haboon u gudanayn xilkii umadu u dhiibatay waa
siduu hadalka u dhigaye .
Colaad ayaa tibaaxay in maamulka uu hogaamiyo cade muuse iyo ku xigeenkiisu
ay xilka iska wareejiyaan taasoo oo uu ku macneeyey in dalkii iyo dadkii ay
lumiyeen islamarkaana ay dadka shacabka ah ee reer punt-land aysan wax kjalsooni
ah u hayn waa siduu hadalka u dhigaye .
sidoo kale colaad ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax difaacid ah oo ay
difaacayaan ciidamada punt-land oo uu ku macneeyey siyaasad xumada masuuliyiinta
punt-land darteed aysan jirin cid wada socotaa islamrkaana uu sheegay inaysan
jirin wax horumar ah oo la taaban karo oo ay ka qabteen dhinaca deegaanka taasoo
oo uu sii raaciyey inay qaataan canshuuro fara badan balse aan la ogayn meesha
ay ku bixiyaan .
Dhinaca kale waxuu xusay in ciidamada punt-land ay ka badan yihiin ilaa
8000-kun oo ciidamo ah oo mushahar ka qaata punt-land laakiin aysan jirin wax
tayo ah oo ay leeyihiin dhinaca amaanka iyo weliba difaacaba ,taasoo uu sabab
uga dhigay waa siduu hadalka u dhigaye siyaasad xumada ka taagan punt-land oo ay
hurmuudka u yihiin labada masuul ee ugu sareeya .
Colaad maxamed saciid oo ku sugan magaalada garoowe ee xarunta maamulka
punt-land ayaa ugu baaqay masuuliyiinta ugu sar sareeya punt-land
inay xilka iska casilaan islamrkaana shacabka u daayaan inay aayahooda ka
tashadaan si ay u doortaan cida ay iyagu doonayaan .
yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007

Dood ka dhalatay Ajande
sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc
kadib Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa,
Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo
Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay
Amaanka Goobta shirka.
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|