Cali Maxamed Geeddi oo La filayo in uu Sabtida ku soo laabto Baydhabo...
- Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Geedi oo la filaayo inuu kala qayb galo Qado
Sharaf uu u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo
maanlinta Berri (Sabti).
Iyadoo mudooyinkan khilaafyo ba’an ay u dhexeeyeen Mas’uuliyiinta sar sare ee
dowlada, islamarkaana khilaaf darteed uu Ra’iisul Wasaare Geedi ugu amaba baxay
saraf dalka dibadiisa kadib markii uu casuumaad ka helay mas’uuliyiinta sare ee
dalka Ethobia ayaa tegitaanka Ra’iisul wasaare Geedi uu ku tagay dalka Ethobia
ay ka soo baxayaan hadalo is khilaafsan, Hadaladan is khilaafsan ee ka soo
baxaya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha laga dhaadhiciyey in uu xilka ka
dego, islamarkaana uu dalka dib ugu laabto.
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Geedi ayaa la filaayaa inuu maaninta beri ah dalka dib
ugu soo laabto, islamrkaana uu kulamo la qaato inta badan Xildhibaanada
Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo, isla maalinta berri ah, inkastoo
Ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogayn waxa uu dalka kula soo laaban doono,
marka laga reebo hadalan is khilaafsan ee ka soo baxaya.
Ka degitaanka xilka Ra’iisul wasaaraha DFKMG Geedi ayaa la sheegay in aysan ku
imaan Karin mid sahal ah, sida ay sheegayaan Xeeldheerayaal dhinaca Siyaasada,
waxaayna ku adkeysanayaan in arintan aysan dhici Karin, balse laga yaabo in xil
ka degista Geedi ay ku xirnaandoonto shuruudo adag.
Ra’iisul Wasaaraah DFKMGayaa mudadii uu xilka hayey Dowladiisa waxaa la soo
gudboonaaday culayso siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan uga imaanayey, mid iyada
dhexdeeda, mid dhaqaalo iyo dagaalo kala duwan oo aan wali dhamaan, sidoo kale
Wasiiradda Xukuumada Geedi ayaa markii labaad waxay sameeyeen gadood
siyaasadeed, iyadoo taasi lagu micneeyey mid dhaqaalo, kadib markii Wasiiradda
ay u soo jeediyeen in Miizaaniyada Wasaaradd walba ay si toos ah u dalbadeen in
ay helaan, taasoo keentay in arinta si laysla meel dhigi waayo.
Raga ku xeel dheer arimaha maamulka waxay ku sheegayaan hadii uu ka jawaabi
lahaa gadoodka siyaasadeed ee Golaha wasiiradda Ra’iisul Wasaaruhu oo uu
magacaabi lahaa, waxaa caqabad ku noqotey cida sixiixaysa,magacaabista
wasiiradda cusub,hawshuna waxay ku soo gebogebowday in indhaha layska fiirsado,
magaalada baydhabana ay noqoto meel marti gelisa TUHUN IYO TOORO BOORO
cusub, waxaana lagu soo rogay baandow ka bilaabanaya saacadaha hore, dadweynaha
magaalada baydhabo ayaa waxay is weydiinayaan, halka ay ku dambeyn doonto
xaalada iyo ciriiga amaan derida ee la soo gudboonaadey.
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Geedi ayaa markii uu dib ugu soo laabtey Magaalada
Baydhabo, kulamo gooni gooni ah la qaadanayey Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku
sugan baydhabo, waxaana kulamadaan ay u badnaayeen khilaafka soo kala dhexgalay
isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf sidii loo soo Af-jari lahaa, iyadoo la
marayo wado kasto oo lagu soo gebagebaynayo.
QAYB KA MID AH DOODII XILDHIBAANADA DFKMG:::
Xildhibaan C/kariim Axmed Cali “hadii la leeyahay, mooshin ha keento ama ha
laga keeno, inta jeer ee Mooshin laga keenay ayaan idiin xasuusinayaa….”
Xildhibaan Bashiir Dhuuro Caso “Ajandaha dib haloo fiirsho..”
Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Axmed “fadhigeena sharci halaga dhigo, hadii kale
Baarlamaan ma nihin”
Xildhibaan Jen. C/raxmaan Max’uud Cali {Bayr} “waxaa ina saran mas’uuliyad
weyn….”
“Dood ka dhalatey Ajende usameyntii Baarlamaanka”
Xildhibaan C/kariim Axmed Cali ayaa isna qaba fakir ah “Waxaan la yaabanahay qof
kasta oo halkaan soo istaaga wuxuu sheegayaa oo uu ogol yahay, in Xukuumadu in
Xukuumadu Mooshin ay keensato iyo wuu inoo yaalaa ee Sharciga hala dhowro, waa
yaabe sharciga yaa ku tuntumanaya, hadii qolo waliba ay sheegayso in sharciga
lagu tumanaayo, aniga waxaa ii muuqanaysa, la jiifiyaa banaann, Sharciga yuu
dhowris ka rabaa, xubnaha Baarlamaanka waxay leeyihiin, sharciga hala dhowro,
aniga waxaan qabaa sharciga qof waliba wuxuu u dhigayaa sidii isag danta u
ahayd, halkaasna waxaa ka cad la jiifiyaa banaann, aniga waxaan qabaa waxaan
qabaa in sharcigii aynu tuurnay waa hore, Xukuumada hadii la leeyahay, mooshin
ha keento ama ha laga keeno, inta jeer ee Mooshin laga keenay ayaan idiin
xasuusinayaa oo la jiifiyaa banaann lagu sameeyey.
Maalintii Qaraxa banaanku ka dhacaayey, Xildhibaanadu waxay keeneen Mooshin, la
leeyahay Xukuumadu kalsooni ha weydiisato Baarlamaanka, sharcigu wuxuu sheegayaa
qodobkaas oo kale marka loo codeynayo, waa inuu qarsoodi ahaado, nasiib daro
Xildhibaanadii oo taagan ayaa waxaa la yiri, Gacanta hala taago, iyadoo xaaladii
ay taagan tahay, sidaasna lagu marsiiyey, hadii sharci ay tahay iyo hadii kaleba
waad wada fadhideen, Bishii July ee aynu ka soo gudubnay, Xildhibaano ayaa
mooshin ka keenay Xukuumada, iyagoo leh Xukuumadu kalsooni ha weydiisato
Baarlamaanka, laakiin Gudoomiyaha Baarlamaanka markii loo keenay wuxuu yiri
lifaaq sharci ma ahan oo mooshin ma noqon karo, islawaqtigii ayaa xildhibaano
boobsiiyey Mooshin cusub oo gudoomiyaha loo geeyey, waxaa is weydiin leh, in
Xukuumada mooshin laga keenay way cadahaye oo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa
hayee, meeshiis la sugaayey in kalsoonida Xukuumada laga doodo, waxaa la galay
wax jiiro dheer oo mudo 4-Bilood, nagu qaadatay,war Xukuumada halalla
xisaabtamo, hada qodobku wuxuu u yaalaa ka dooda isagoo qof waliba uu doonayo in
siduu rabo ay u dhacdo, waayo Maalinta Qiyaamo marka wax waliba ay hadlayaan,
kuwa hadla waxaa ka mid ah, Carabka, aniga Wasiiradda kala ma jecli ee been bay
inoo sheegayaan baan qabaa ee ma dirirsana, labo ayey isu qaybiyeen, markaas bay
leeyihiin, Xukuumadii, Xukuumadii, markii intaas oo mooshin la diidaayey,
Xukuumada ayey ku jireen, hadii aysan raali ka ahayn, markaas baa inta sharciga
la waafajiyo, ayey qayb ka noqon lahaayeen oo way ku mintidi lahaayeen, marka
maalinba sidii la rabo hadii loo dhigo sharciga, aniga waxaan qabaa inay khalad
tahay, mudo 4-Bilood baanu doodaynay mooshinkuna wuu yaalaa ee marka maxaa loo
leeyahay hala keeno mooshin iyo kaayagii baa yaala, ama mid ka aan wadno hala
qaato, maxayse tahay sababta loo qaadan waayey kii ka horeeyey?!, nimankan waxay
sugayaan sidii mooshinadii hore inay xaalad abuuraan, mana aha dadd dirirsan ee
hoosta ayey heshiis ka yihiin, waxayna raadinayaan siday ku baasi lahaayeen ee
ma dirirrsana anigu waxaan qabaa in laba maalmood aynu ka doodno, Waasaradda
Maaliyada ayaa ugu dambeysay oo waqti loo qabtey inay ku keento Miizaaniyadii
dowlada, mooshinkii yaalay ee baarlamaanku keensaday in Xukuumadda lagu qaado,
laakiin hada waxaa la abuurayaa Qodob dagaal oo labada Qolo ay ku diririkaraan
oo waqti dheer qaadan kara oo tashuush keeni kara ee yaan laysku mush kuladaynin
Xukuumaddu mooshin waa ka yaalaa”.
Xildhibaan Bashiir Dhuuro Caso waxaa uu isna yiri “anigu waxay ila tahay oran
mayo mana joogto qodob sharci ah ayaa yaala mudane Gudoomiye su’aashii aad na
weydiisay, hadii gudagalo waxaan ku weydiinayaa mooshin Xildhibaano soo qoreen
oo Xukuumadda ku weydiisanaya in kalsooni weydiisato Baarlamaanka waad inoo
sheegtey inuusan kaasi jirin, sidoo kale Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaare Geedi
kuma soo weydiisan kalsooni, mar hadaan labadaas qodob oolin ma u malaysnayo wax
sharci ah oo arinta ku saabsan ay jirto, sidaas darted Ajandaha dib haloo
fiirsho, waxaan leeyahay Baarlamaanka iyo Xukuumadda shaqadooda ha loo fasaxo”.
Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Axmed ayaa wuxuu doodiisa ku qotomiyey “waxaa nasiib
daro ah Gole Baarlamaan ilaa iyo intii la aas aasay sharciga aan dabaqno iyo wax
u eg sharciga ma rabno isku haysta, waa dhibaato, ma garanayo sharci waxaan u
dejinay, haduusan anaga iyo dalka dan u ahayn, waxaad og’tihiin qodobo badan oo
horteen yaala oo in ka badan 20 jeer cabashop laga keenay maxaa loo fulin waayey
oo aanan ka jawaabaynin qodobka Haweenka uu ka mid yahay tiradiisa loogu
talagalay in Haweenku uu ku yeesho Baarlamaanka oo loo diiday, sharciga mid aan
qaadano midna aan ka tango suuragal ma ahan, ma dhihi kartaan kaas naga daaya,
hadana tii baa taagan, shirka maanta socdey iyo kii ka horeeyey ee shalay waa
bilaa sharci, sida uu ku qabsoomo shirka Baarlamaanka ma ahan meel lagu murmo ee
waa inuu qodob yaalo oo dalka iyo dadkam dan u ah, oo xalinaaya dhibaato, waxaad
moodaa Gudoomiyuhu inuu ka xishoonayo waxyaabaha jira, ma garan karo, sababta
looga xishooday, dhamaanteen sharci baan meesha ku fadhinaa, Ruux sharcigii
diidayna meesha ma fadhinaayo ee waa inuu banaanka iska tagaa, waxaan leeyahay
wixii aan sharci ahayn aan iska dayno, sababtoo ah shirka sidee ku qabsoomi
karaa, Ajande ayaa inoo yaala, midkaas aaan ka hadalno ilaa iyo shalay rag badan
baa soo qaaday, hadal bilaash ah wax ma taraayo, ninka Xildhibaanka ah codkiisa
qiimo ayuu ku fadhiyaa ilaa iyo shalay qayblo ayaa la haayey fadhigeena sharci
ma ahan, waxaan wadnay la xisaabtanka Xukuumadda Ajande ah baa inoo yaalay,
markii aan meeshii nimid oo dhibaatadii dhacday iyo lacagihii lays dhaafiyey ay
sheegeen oo aan niri keeno Qoraalo, ayaa markii ay halkaas taagan tahay la yiri
maya, wax kale ayaa la keenay danta laga leeyahay ma garan karo, been yaan laysu
sheegin, dhamaanteen waan isla og-nahay, balan baa la qaaday in $32-dii Malyan
ee ugu dambeysay oo raadkeeda keena aanu niri in la diidan yahay bay u
Ekaanaysaa, anigu maxaan nahay, hebel baanu la xisaabtamaynaa, waxa aan
raadkiisa haynaa waa Hebel, Gudoomiye waxaan kaa codsanayaa, waxaan sharciga
ahayn in Baarlamaanka hortiisa lagu hayo, awood gaar ah oo inaga ina dirqin
karta ma jirto, fadhigeena sharci halaga dhigo, hadii kale Baarlamaan ma nihin”.
Xildhibaan Jen. C/raxmaan Max’uud Cali {Bayr} ayaa doodiisa ku bilaabay
“Mudanayaal waxaa ina saran mas’uuliyad weyn, waxaa loo baahan yahay inaynu ku
xisaabtano xilkana si fiican u gudano oo aan is-ixtiraamno, isla mar
ahaantaasina isu dulqaadano, arinta maanta waa mid la xiriirta Axdiga KMG oo
udub dhexaad u ah, heshiiskii lagu soo gaaray Nayroobi oo DFKMG ay ku dhisan
tahay, ma aaminsanahay inay u hogaansano Axdiga KMG, Mudane Gudoomiye waxaa inoo
socotay dood la xiriirta la xisaabtanka Xukuumada, hase ahaa ahaatee waxaa loo
baahan yahay in arintaas ay socoto oo laga guun gaaro, halkaan waxaa ka soo
baxay qodobka 11-aad oo leh war aniga miyaa layga saaray Axdiga KMG, wax lala
xisaabtami karo ma jirto ee aniga maxaa la ii tixgelin waayey, maxaa ku qoran
Axdiga KMG mala fuliyey, waxaynu isku haynaa, Xukuumada lagu nsoo dhisay
12/01/2005-ka ee 16/09/2005-ta oo halkaan lagu ansixiyey oo aan aniga ka mid
ahaa ragii taageeray oo aan aniga u arkaayey, waqtigaas inaanay haboonayn in la
rido, ayaan hada isku haysanaa, qodobka 5-aad, 6-aad, 8-aad,9-aad iyo 10-aad
maxay yihiin?,
Qodobka 5-aad wuxuu leeyahay Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda FKMG ah waxay
90-maalmood gudahood, marka ay xilka qabtaan u soo gudbinayaan Madaxweynaha,
magacyada loo magacaabay Gudiga madaxa banaann ee Dastuurka, waqtigu wuxuu ka
bilaabanayaa marka madaxweynuhu uu sixiixo, mudanayaal wax kasta waxaa ka weyn
Axdiga, marka waxaa inoo haboon inaan Axdiga ka been sheegin, si xuna aynu u
tarjumin, gudoomiye Axdiga kuma qorna, marka sharciga la sameynayo, hadii wax
dhibaato ah ay yimaadaan gadaal baan loo dhigaa ma oranayo, Xukuumada hadii ay
garatey inaanay waqtiga ku filnayn waxaa la rabay inay Golaha hor timaado,
7-Bilood ka hor tiraahdo waqti baa naloo qabatay, waqtigaas baa nahaysta, ee ma
fulin karno, sidaas darted waxaan idiin ka codsasnayaa, inaad waqtiga inoo
kordhisaan, sida xaqiiqda ahna, waa la kordhin lahaa, mudanayaal halkaan waxaa
laga eedeeyey wasiiradda keenay warqada anigu waxaan qabaan wax ceeb ah ma
sameyn ee qodobkaas ayey cuskadeen, iyagoo iyagoo waajibkooda gudanaaya, sida ay
inoo sheegeen in Ra’iisul Wasaarihiina ay u sheegeen inuu shir gudoomiyo shirka,
sidaas darted anigu waxay ila tahay xaqbay sameeyeen markay arkeen mas’uuliyada
ka saran Qaranka Mudane Gudoomiye waxaan kaa codsanayaa adiga inaad dhex dhexaad
ahaatid, siduu ilaanay kugu og-yahayna hawsha aad u maamusho”.
Hase ahaatee marka laysku soo duubo dooda Baarlamaanka ayaa waxay u muuqata mid
u eg inuu mid gebi ahaanba lagu kala diridoono Baarlamaanka iyo Xukuumada,
ilamarkaana dalka uu yeelan doono wajiyo aan laga fiirsan, dadka ku Xeel dheer
arimaha Siyaasada Soomaaliya, waxay carabka ku adkeynayaan in Siyaasiinta
Soomaalida qaarkood aysan ku dhaqmeynin Dastuurka ay degsadeen, Kitaabka
Quraanka iyo Kii ay dhaqan ahaan Soomaalidu u lahaaan jirtey, waxayn leeyihiin
siyaasiinta Soomaalida ma ahan kuwa mab da’ aaminsan, waxa keli ah oo ay
doonayaan waa lacag iyo Baawar ay ku maquuniyaan Soomaalida inteeda kale,
waxayna ku sababaynaan mudadii ay jirtey DFKMG dhexdeeda waxaa ku jirey khilaaf
sharci ah, mid dhaqaalo, mid siyaasadeed iyo faragelin shisheeye, ma jirin wax
dib u eegay Nidaamyadii ay degsadeen iyo midka Diinta oo ay Caqiido ahaan Af-ka
ka sheegtaan oo kale, markii ay dib u soo qooraan sadeena qaar ka mid ah
Xildhibaanadii waxaa soo baxday in Xukuumada la la xisaabtamo, taasoo ay uga dan
lahaayeen dano kala duwan, laakiin taasi waxay lumisay furado badan oo dalka wax
looga qaban karay, dooda baarlamaanka ayaa waxay socotaa in ka badan 3-bilood,
taasoo ilaa iyo hada aysan soo gebageboobin, waxayna noqotay mid iska sii
baaba’aysa, waxaana soo baxay khilaafyo isasaaran, waxaa isku dhacay Golihii
fulinta dhexdiisa, Garsoorka iyo Xukuumada, waxaa isku dhegan Baarlamaanka iyo
Xukuumada, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaarihiisa, waxaa kala qaybsan
Baarlamaanka dhexdiisa, dhamaan arimahaan waxay fududeynayaan ama muujinayaan in
siyaasiinta Soomaalida aysan lahayn wax hadaf ah ama Caqiido, waxa keli ah oo ay
leeyihiina ay tahay dano dhaqaale
Maxamed Macallin Cismaan {All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com.
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2007
Musharaxa Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Tilmaamay
DGPL Mid Fadhiid ah.
iyo Mujaahidiinta Soomaaligalbeed
oo dagaalo ay dhex mareen iyaga iyo ciidamadda gumaysiga ee Ethiopia..
Odayaasha dhaqanka
iyo midnimada beelaha oo warsaxaafadeed ka dhan dowladda Norway ka soo
saaray magaalada Muqdisho....

Dood ka dhalatay Ajande
sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc
kadib Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa,
Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo
Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay
Amaanka Goobta shirka.
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|