SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAA:

HOGAAMINTA SARE EE PUNTLAND WAA LOO SIMANYAHAY

Waad salaamantihiin
 
SHacab weeynaha puntland waxay si wada jir ah u dhisteen maamul ay raali kawada ahaayeen 1998 oo ah dawlad goboleedka puntland,taasoo hadaf keedu aanu ahayn gooni isutaag iyo dalab ka gu id soomaalida oo wad jirta.waxa uu ahaa maamulkani mid looga gudbayo aafooyinka ka dhacay dalka soomaaliya kadib burburkii dawladii uu madaxweeynaha ka ahaa alle ha u naxariistee maxamed siyaad bare 1991 dii.waxbadan oo faa iida ah oo amanka iyo kala danbayntu u horeeyso ayaa laga helay dhisidii maamulkaas,xag daganaansho,xag tacliimeed, xag ganaacsi iyo hormar guudba.waxa intaa dheer waxayba horseed iyo fure unoqotay puntland dib usoo celinta mustaqbalka dadka iyo dalka soomaaliyeed guud ahaan tasoo ilaa hada ay inta karaankooda ah ku raad joogaan sidaan waa la orankaraa.
 
Intaa aan soo sheegay macnaheedu maha in maamulkoodu sax yahay ee waxaa kabuuxa qalooc iyo ceebo tiro badan kuwaasoo keeni kara mararka qaarkood inaan lagaarinba hadafka ah in dalka soomaaliya nabad lagu soo dabaalo daayee inay puntland dib u dhac joogta ah iyo burbur kabixi waydo.maxaa keenaya hadaba siyaasadan fadhiidka ah?waxa keenaya qalbi fayoobidii shacabka puntland ay ku ayideen kuna dhisteen maamulka puntland ayaa koox yari wado qaldan mariyeen, taasoo ah tan kamuuqata degaanada puntland oo ah inay khiyaameeyaan kursigii madaxweeyne nimo ee shacabku usinaa inay lagaarnoqdaan.tani waxay maanta dhalisay in markii degaanada sool,cayn iyo sanaag kursiga usoo istaageen laga horjoogsado oo cade iyo cabdullahi si wada jira ugu diideen xaabsade, lamariyayna wadadii maxamed cabdi xaashi.puntland jifo kaweeyn.
 
Laascaano waxay doonaysaa uun xuquuqdeeda ah inay markeeda xukunto puntland si waasac ah,sidaasaana cadaalada iyo iswada shada dadka puntland ku jirtaa dadka oo dhamina raali kawada yahay marka laga reebo talo xumayaasha sida gaaban ufakara ee cade iyo cabdulaahi.wadajirka ayaa lagu gaaraa qurux,cadaalad iyo sinaan taasoo keeni karta hormarka la raadinayo.kursigu wuxuu dhex yaalaa shacab weeynaha puntland cidna gaar uma qoondaysan karto kii isku dayana hade umeel marimayso wataa laascaano utaagan xaqeeda; waan qasbina meesha masoo gali karto.qofkastaa oo aqli leh wuu garanayaa hadii kursiga madaxweeyne markaan loo daayo xaabsade in puntland ay nabad weeyn oo fadhida helayso taasina ay saacidayso dawlada fadaraalka oo guulaysata iyo soomaaliya oo guud ahaan dagta.umad badan oo gobolada kale ee aan puntland ahayn oo soomaalinimada iyo dawladnimada raadinaya iyo in dalku xasilo waa jiraan gaar ahaan koonfurta soomaaliya balse malaha ayagu maamul sida puntland udhisan,marka laga reebo 6 bilood ee culimada diintu inoo kacday oo ay waxween oo taariikhda galay inoo qabteen lana ilaawikarin taana hede gaalo baa inagu soo duushay ee macnuhu way kamid yihiin mooye maha uun in puntland wax raadinayso. hadiise hogaanka sare ee puntland la wanaajiyo oo cadaalad lagu hogaamiyo iyo sinaan loo siman yahay soow saameeyn mayso soomaalida kale oo dhan cadaaladaasi??

waxan ku gaba gabeeynayaa labada oday cabdullahi iyo cade waxay isu sheegeeni waxa uu burburinayaa koow puntland oo macnaheedu yahay fadaraalkiina burbur waxayse haystaan fursad ay ku caymiyaan haday wax kasayaan gaar ahaan oday cabdulahi dagan.
 

Liibaan Ali Qaalid3@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2007

Musharaxa Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Tilmaamay DGPL Mid Fadhiid ah.
iyo Mujaahidiinta Soomaaligalbeed oo dagaalo ay dhex mareen iyaga iyo ciidamadda gumaysiga ee Ethiopia..

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha oo warsaxaafadeed ka dhan dowladda Norway ka soo saaray magaalada Muqdisho....

dfkmg

Dood ka dhalatay Ajande sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc kadib  Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa, Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay Amaanka Goobta shirka.


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com