Gudoomiyaha
Gudiga Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Baarlamaanka Xildhibaan Avv. Axmed
Ibraahim Max’ed “afar qaybood oo ka mid ah qodobka 11-aad ee Axdiga KMG ay
waajibaad isku xiran farayaan Xukuumada…”
Qoraal aynu ka helnay Gudoomiyaha Gudiga
Dastuurka iyo Arrimaha Federalka ee Baarlamaanka Avv. Axmed Ibraahim Max’ed oo
ka kooban 2 Bog oo uu kaga hadlayo Qodobada Dastuuriga ah iyowaxyaabaha buuqa
iyo kala qaybsanaanta geliyey Baarlamaanka, Xukuumada iyo Madaxweynaha ayaa
wuxuu ku sheegay
“in afar qaybood oo ka mid ah qodobka 11-aad ee
Axdiga KMG ay waajibaad isku xiran farayaan Xukuumada, waxaana Xukuumada waajib
ku ah inta ka horeysa 12-ka Oktoobar, 2007-da ay Golaha shacabka cod kalsooni
weydiisato, si looga hor tago khilaaf iyo jahwareer dastuuri ah oo dalka la soo
gudboonaada”
Xildhibaan Avv.Axmed Ibraahim Maxamed isagoo
qaab soo jeedin qaanuuni Sharci ah ku tilmaamaya, ayaa qodobadan waxaa uu u
soo qaatey sharaxaad:-
“Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federalka ee
Baarlamaanka waxaa waajib qaanuuni ah ka saran yahay Axdiga KGMG iyo shuruucda
dalka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa jira qaybo ka mid ah qodobka 11-aad ee
Axdiga KMG oo lagu samaynayo fasiraadyo kala duwan oo iska horkeenaya qaybaha
dowlada, sidaas darted waxaa waajib nagu ah inaan ka bixino, soo jeedin qaanuuni
ah oo ku aadan fasiraadahaas”.
1-Qaybta 5—aad ee qodobka 11-aad waxay leedahay
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee KMG, markii ay xilka qabato,
Waxay 90-Maalmood gudahood u soo jeedinayaan madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyada
Soomaaliya, magacyada Gudiga madaxa banana ee Dastuurka iyo Arimaha Federaalka,
si loo hubiyo hirgelinta habaka Federaaliga ah mudadii Axdigan lagu xadiday,
waajibaadkaasi wuxuu dhamaaday, markay dhisay Xukuumadu xubnahii Arimaha
Dastuurka iyo Federaalka, mudadii Axdiga qeexay oo ahayd 90-maalmood gudahood,
kana bilaabatey 11/01/2005-kii kuna ekeyd 12/04/2005-kii oo ahayd markii ay
xukuumadu xilka qabatey.
2-Qaybta 8-aad ee Qodobka 11-aad ee Axdiga KMG
wuxuu leeyahay Dowlada FKMG, waxay hubinaysaa in la dhaqan geliyo, habka
federaalka laba sano iyo bar gudahood laga bilaabo marka gudiga la dhiso.
3-Qaybta 9-aad ee Qodobka
11-aad waxay leedahay, hadii Xukuumada FKMG ay ku guul dareysato in ay ku
baahhiso habka federaaliga ah dalka oo dhan mudadaas loo cayimay ee ah laba Sano
iyo Bar, Xukuumada FKMG, waxay Golaha Shacabka weydiisandoontaa COD kalsooni ah,
haday weydo waxaa la dhisidoonaa Xukuumad Cusub, iyada oo la raacayo sida uu
tilmaamayo Axdiga.

4-Qaybta 10-aad ee Qodobka
11-aad waxay leedahay dowlada FKMG ee cusub ee lagu dhiso farqada (8-aad), waa
inay gaarsiisaa dhamaan Gobolada dalka Soomaaliya, habka federaalka (Sanad)
gudihiisa, hadii ay ku guul dareysato, waxaa lagu dhaqmayaa faritaanada Qodobka
11-aad farqadiisa 8-aad eek u xusan Axdiga, dhamaan qodobadaan waxay ku dhisan
yihiin, waqtiga lagu xadiday Axdiga KMG oo si aan qaanuunin ahayn wax looga
bedeli Karin, sidaas darted waqtiga la cayimay ee la faray Xukuumadu inay ku
baahiso habka federaaliga ah dalka oo dhan, wuxuu ku eg-yahayn 12-ka Oktoobar.
Xildhibaan Max’uud Axmed Kulalihi “Xukuumad waa wadar nin keligiisna ma
laha, waxaan keenay warqadii codka si aan loo saarin caalamad, islamarkaana
aan nina loo handadin inuu qarsoodi noqdo”.
Xildhibaan Mowliid Macaane Max’uud “Aduunka marka qodob sharci ah laysku
qabsado, waxaa lagu kala axaa..”
Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax “nidaamka fowdada waxay ku imaanee
Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha waayo sidii Daacuun oo kale ayey dadka u
saameyne…”
{Baydhabo} Dood ka dhalatey Ajende u sameynta Baarlamaanka
Iyadoo mudooyinkan ay jiraan khilaafyo aad u badan oo in mudo ah soo
jiitamey, islamarkaana uu u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha,
baarlamaankuna sida ka muuqata uu la kala saftay mas’uuliyiinta sare
mad-madowga siyaasadeed u kala dhexeeyo ayaa kala doorashada Ajanadaha uu
baarlamaanka ka doodi lahaa shalay iyo maanta ay ku jireen mudanayaasha
Baarlamaanka in laga doodo soo jeedinta 22-wasiirka ay soo jeediyeen in
codka kalsoonida ay weydiisato xukuumada Baarlamaanka iyo in la
xisaabtankii Xukuumada la sii wado.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo mudanayasha u soo jeediyey
labadaan fakir shalay markii ayaa waxaa markiiba is qortey inka badan
70-mudane oo doonaysa inay ka hadlaan, soo jeedinta gudoomiyaha waxaana dib
loo balamay in maalinta Axada dib la isugu soo laabto si loo sii amba qaado
doodan oo u muuqatay mid Xildhibaanada ay isu jawaabayaan ahaydna tii ugu
kululayd ee abid Baarlamaanku yeesho ayaa waxay u dhacaysaa sidan:-
Xildhibaan Mowliid Macaane
Max’uud waxaa uu isna ku dooday“Aduunka marka qodob sharci ah laysku qabsado,
waxaa lagu kala axaa qodob sharci ah oo lagu wada qanco, aniga hadii la dhihi
lahaa wax hala dedejiyo, waxaan ka mid ahay Xildhibaanada raba in manta wax la
dhameeyo, laakiin waxay su’aali ka taagan tahay maxaa la dhameeyaa iyo maxaa
Ajande ah?, sida runt ah waxaa inoo qoran 71 qodobo oo dastuuri ah wixii ka
baxsan waxba kama jiraan, lama soo qaadan karo, Gudoomiye waxaa su’aal ah horta
yaa Xukuumada dacwad u qaba?, sida ku xusan qodobka 11-aad, farqadiisa 8-aad
wuxuu qoroyaa, {DFKMG waxay hubinaysaa in la dhaqan geliyo,habka federaalka laba
Sano iyo Bar gudahood, laga bilaabo waqtiga Gudiga la dhiso}, dastuurku ma
dhahayo, laga bilaabo maalintii Xukuumada la dhisay ama dowlada la dhisay ama la
dhaariyey Madaxweynaha ama Gudoomiyaha Baarlamaanka ama Ra’iisul Wasaaraha la
dhaariyey, wax waliba waxay xalaall yihiin marka xeer loo sameeyo ama Dekereeto
loo sameeyo.
Mudane Gudoomiye ilaahay baa
Xildhibaano wax qora ama akh’rista naga dhigay, marabo inaan ku sifowno Juhalo
meel isugu yimid, waxaan rabnaa, Dastuurka siduu qoraayo inaad nagu hagto mudane
gudoomiye, waxay s’aali ka soo baxaysaa 22-tan Wasiir ayaa qoraal soo qortay,
iyagoo doonaya in Xukuumada ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, waxaan u
baahanayn inta taas la tixgelin inaan ku darno qodob dastuuri ah,, hadii tiro
Wasiiro ah ay soo jeediyaan in xukuumada kalsooni soo weydiisato uu Jaatarka ku
jiri lahaa maanta dood ma ooli lahayn, waayo dowladii waxay ka kooban tahay
sedax awoodood, laakiin waxaa yaab ah in awoodii Xukuumada loo bedelo aniga
awood ma lihi ee i gowraca macno ay sameyn karto ma aqaan, waxaan u malaynayaa
hadii aan Soomaali nahay inaan tabar yar nahay, warkuna uma dulqaadan karno, ee
Gudoomiye arintu waa cadahay Madaxweynihii Jamhuuriyada ayaa Dekereeto ka soo
saaray, dhismaha gudiga Federaaliisanka ee maxaan barbar dhignaa, wax haya ma
jirto wax lagu buriyey Dekereetadaas, waayo isagaa leh awooda ugu sareysa
sharciga isagaana ogolaaday, war xoolihii umada ayaa maqan, la xisaabtanka waa
mid muhiim ah, Baarlamaan baa tihiin nina ha u aaba yeelina ee wixii dhaqaalo
ahaa ee Deeq lagu helay xagey ka baxeen, aan iska deyno nin jeclaysi iyo nin
tooxsi, baarlamaanka waxaa loo dhaariyey waa inaan xaqiiqada ka hadalno oo wax
kale iska ilowno cid Jano na gelinaysaa ma jirto Cali iyo faarax mid kuu yahayba
ee mudane Gudoomiye shaqo ayaa inoo socotay Xamarna dhib baa ka jira ee
shaqadeena aan wadano”.
Xildhibaan Maxamed Xuseen
Raage “ Mudane Gudoomiye dooda Baarlamaanka ka socota hada, waxaan aaminsanahay
inaysan ahayn sidii loogu talo galay, sababtoo ah Xukuumada waxaa looga baahnaa,
hadii ay aragtey waxyaabo khaladaad ah horta inay digiin siiyaan, Baarlamaankuna
hadalkooda wuu dhegaysan lahaa qiimayn waa ku sameyn lahaa, mudane Gudoomiye
anagu mooshin noom yaalo, shaqooyinkii Baarlamaanka hore u waday waa istaageen,
tii Xukuumaduna way istaagtay, waxaana jira hawlo aan loo baahnayn oo wadanka
laga dhex abuurey, Baarlamaanku wuxuu xaq u leeyahay inuu sharciga ku fadhiisto,
laakiin ma ahan in dowladu la dumiyo ama Baarlamaanka, waxaan arkaynaa in
doodaha la bedelayaayo iyo go’aankiisa, mudane Guydoomiye waxaan kaa codsanaynaa
in mooshinka la xakameeyo, waayo waxaa jira Rag doonaya in mooshin ay keenaan oo
aysan taladu faraha ka bixin oo Xukuumada la joojiyo”.
Xildhibaan Maxamed Qanyare
Afrax “wuxuu ku soo hadal qabsaday Af ama hebel haku hadlo ama Lo’ haku daaqdo
ayey Soomaalidu tiraahdaa, warku waa dhamaadey wuxuu ku dhamaadey ayaan rabaa
inaan qayb sheego, Golaha Wasiirada sharafta leh waxay la mid yihiin shir ay
qabteen Dhalxa iyo Boqore in la aqoonsado oo al soo dhaweeyo ma ahan oo waa
fowdo, isagoo jooga Gudoomiyaha oo aan loo dhiibin, hadii ay shir qabtaan,
Wasiiradda Ra’iisul Wasaarahooda waa joogaa ee ha aadaan, waxaa xiga nidaam
fowdo ah inaan halkaan lagu taageerin waayo nidaamka fowdada waxay ku imaanee
Gudoomiyaha, Madaxweynaha waayo sidii Daacuun oo kale ayey dadka u saameyne,
sharcigu waa qayaxan yahay, Golaha Wasiiradu Xeer hoosaadkooda aniga ma
akh’rinin, laakiin dastuurku wuxuu leeyahay waxaa hogaamiye u ah Wasiirka 1-aad,
meel dhigaysa kuma jirto Wasiir kale inuu wasiiro ku shiro, waxaan sharci ahayn
ayaad doonaysaan inaan nagu jiidaan, halkaas ayey kuwaasi joogaan ee mudane
gudoomiye Ra’iisul Wsaaarahooda ha u noqdaan ama hadii ay ios casilayaan ha is
casilaan oo iyagoo Xildhibaano ah Mooshin ha keenaan, si ay mooshin ku keenaan
ayaa lag rabaaye, 31-ada Wasiir waxay ka dhexeysaa 275-ta Baarlamaanka, naga
baxa anagaa nala qori lahaaye oo is casila, wasiirka shirko ayaan ku nahay ee
naga wareega, awooda qaranka iyadoo jeebkooda ku jirto ayey meelo kale u
doondooneen,Xumuukada ayaa awooda fulinta ugu sareeysa, taas intay ka tageen
ayey kuwo kale dooneen, waxaa la yiri halaga hadlo marka gudoomiyaha waa yaabay
oo Kor iyo hoos ayaa loo dhibay, waxaan qabaa in dhibka yimid darteed uu u
leeyahay, laakiin Sharci ma ahan, ee waa xeer jajab, waana loo baahan yahay
mararka qaarkood in la sameeyo, wax Ra’yi ah looma joojinkaro shaqadii Xukuumada
iyo Baarlamaanka wax aan meel ku salaysnayn oo dad abuureen, Sharci iyo
muwaafaqo midna aan la hayn, gudoomiyaha dhibkaas ayuu meesha u keenay, mudane
gudoomiye niman wado yar oo wadiidig ah ku socda ma raaci karnee waxaan ku
soconaynaa wadadeenii hore, adiga ayaa laga rabaa Inaad digniin siiso oo aad
shaqadooda u dirto, sababtoo ah, hore ayaa Madaxweynaha u sixiixay, ee markuu
isaga sixiixaayey miyey been ahaayeen mise adinkaa wax been ah wata, hadii la
raaci waayo Dekereetada Madaxweynaha wax walba waa la diidayaa, waayo Sharci aan
madaxweynuhu sixiixin lagama hirgelin karo sidaas ayaa dastuurka inoogu qoran,
maxaad ku beeninaysiin ee ninka beeninayo ha yimaado, anigu waxaan soo
jeedinayaa inaan u noqono Sharciga wax qaanuun oo salka ku hayo ma jirto.
Xildhibaan Max’uud Axmed Kulalihi ayaa isna qaba aragtidan “Walaalyaalow
waxaan matelnaa si KMG ah Ilaahaa og inta naga soo noqonaysa sharcigii aan
ku dhaaranay ee 5-ta sano markay dhamaato waxaan rajaynaynaa in doorosho
lagu imaado ninkii ilaah nasiib ugu dhigo iyo in ninkii kaleba waxaan
hoosta ka xariiqayaa mudnaantana aan siinayaa Gudoonka oo xaalada murugsan
ee soomaaliya ee murgan Ajandaha waxaa waaye Gudoonka ayaa soo goosanaya
gudiyada gudomiyaashooda ayaa ka soo hadlaaya Gudoonkana waxa uu xaq u
leeyahay arin cusub haday jirto inuu sheego waana na hortaalaa arinta cusub
nin qarin karaa ma jirto ajandihiina hadii aad xeer-hoosaadka waad ka
arkaysiin arinta ku saabsan ajandaha si dimuquraadiyad buuna uga hadlay
Gudoomiyahiina waxa uu idiin dhahay idinkay idiin taalaa aniga waxaan meesha
u fadhiyaa inan hadalka idiin qeybsho oo aan hadalka idiin qeybsho inaan
waxba idiinku darsan Anigoo Kulalihi ahna si aysan maalintii hore codayntii
gashay u galin waxaan keenay warqadii codka si aan loo saarin caalamad
islamarkaana aan nin loo handadin inuu qarsoodi noqdo.
Laakiin arin ayaa jirta hadaad la socotiin Aabo iyo hooyo waxaa noo ah
Axdiga kaasoo 15-Septembar 2004-ta la Ansixiyay, Axdiga qodobadiisa wuxuu
ku leeyahay sareynta Sharciga nin ka hor imaan karaa ma jito, Axdigii
Qodobadiisa ayaa cadaynaaya waxaana ku raacsanahay dadkii iga horeeyay oo
lahaa war maxaan Xukuumad ka hadalnaa shgarcigii baaba qabtee 12-Oktobar
2-sano iyo barkii baaba ku dhamaadee xukuumada waa xukuumad wadar nin
keligiis ma laha, waxaa naloo keenay laba warqadood oo nalgu jaha
wareerinyaayo warka waa inuu noo cadaadaa Golaha Xukuumada meelay ugu taalo
inay moshin keenaan ma jirto laakiin waxay soo sheegeen iyadoo la waafinaayo
shirkoodii in qodobka 12-Oktoobar kla soo gaaray xilligiisii, iyadoo ay
saas tahay ayaan waxaan haynaa in ka badan 25-wasiir oo baarlamaanka ka
hadlay oo cadeeyeen yirina wax Miisaaniyad ah ma hayno maamulkeeniina
meeshaas ayaa maraayaa dadka ku dhuudhuumanaaya aan sii wadno in ka badan
25-wasiir ma ku qanci waydeen 25-ka wasiir hadii aad ku qanci waydeen
22-wasiirna kuma qanceysaan Ilaahaana idiin qancin kara, dimuqraadiyada ha
noolaato.
La soco qaybta kale ee dooda
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2007

Dood ka dhalatay Ajande
sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc
kadib Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa,
Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo
Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay
Amaanka Goobta shirka.
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|