Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Khasaaraha Dagaalkii xalay ee Muqdisho..
Dagaal kharaar oo xalay muddo 5-saac ka badan ka socday magaalada Muqdisho iyo
Madaafiic lagu asqeysiiyey xaafado ka mid ah magaalada {dhimasho iyo dhaawac
badan oo ka dhashay iyo xusuusta dadka Muqdisho ee dagaaladii waa weynaa}
Dagaal qaraar oo muddo ku dhow shan saac socday ayaa xalay ka dhacay qaybo ka
mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Wadnaha oo inta badan dagaalku ka
socday.
Dagaalka oo ka bilowda maqribnimadii hore ee xalay Igoyska H/wadaag iyo
saldhigga degmada H/wadaag ayaa sii xoogeystay isagoo ku fiday wadada Aadan
Cadde ilaa isgoyska Bakaaraha, iyadoo markii dambe uu dhinaca wada Aadan Cadde
uu dagaalka mar kale dib ugu biloowday, kaasoo goobo kale saameeyay ,
Dagaalka oo marna u muuqday inuu hakaday marna u muuqday inuu sii
xoogeysanayo ayaa gaaray ilaa shantii saac ee habeennimo ee xalay, waxaana uu
saameyn ku yeeshay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay rasaasta
fudud iyo midda culusba gaareysay.
Dagaalka ayaa xalay uga badalnaa dagaaladii hore iyadoo Madaafiic culus lagu
asqeysiiyey qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, taas oo geystay dhimasha dad
badan oo ilaa hadda tiradooda aan si rasmi ah loo garaneynin iyo dhaawaca dad
lagu qiyaasay in ka badan 40-ruux, waxaana guul daradii ugu ba’neyd ay ka
dhacday deegaanka Siinaay halkaas oo maqaayad shaaha laga cabo oo dad badani ay
joogeen uu Madfac ku habsaday waxaana ku dhintay inta la ogyahay ilaa 5 ruux oo
mid ka mid ah uu yahay Sheekh si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho, kaas oo
lagu magacaabo Sheekh Cali Digir, iyadoo ilaa 10 kalena ay madfacaasi ku
dhaawacantay,
sidoo kale qaybo ka mid ah suuqa bakaaraha, Xaafadda Xamar Jadiid, Shiirkole,
agagaarka Sheekh Aaadan Dheere, agagaarka Foto One-1 oo la sheegay inuu madfac
ku dhacay goob haweenka lagu qurxiyo oo gabi ahaanba gubatay sida la sheegay,
iyo waliba deegaano kale oo badan oo aysan noo suurta galin in aan helno
magacyadooda helno, iyadoo dad goobjoogayaal ahina ay xaqiijiyeen in wadada
Aadan Cadde uu gaari nooca dagaalka ee loo yaqaano {Cabdi bilaha} uu ku gubtay
halkaasi,
Waxaa kale oo uu ku dhacay madfaca fooriyowga xaafada shiirkole iyo meel
internet caffe ah oo ku taala isgoyska howlwadaag .sidoo kale dukaano
abcadleyaal ah oo u dhow suuqa sarifyaraha ayaa dhinacdhan ka gubteen ,
Dagaalka oo markii dabe ay soo galeen ciidamada Itoobiya oo wata Taangiyo
hubka Altaleriga iyo rasaas culus oo ka soo dhaceysay qoriga ay Soomaalidu u
bixisay Fooriyaaye, ayaa saameytii ugu darneyd ku yeeshay dadka ku nool
xaafadaha ku dhow dhow iyo kuwa ka fog inta ba, waxaana ay qaar ka mid ah
dadkaasi ku sigteen inay habeennimo qaxaan iyadoo kuwo kale oo badan uu dib u
soo xusuusiyay dagaaladii cuslaa ee Muqdisho ku dhex maray ciidamada dowladda
FKMG oo garabsanaya kuwa Itoobiya, iyo xoogaggii ka soo hor jeeday joogitaanka
ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxaana walaaca ugu badan uu ka dhashay
rasaasta madaafiicda waa weyn ee ku dhaceysay xaafadaha ay dadku degan yihiin
taas oo ay adagtahay in gabaad laga galo iyadoo Jiingadaha iyo guryaha dhagaxa
ka sameysan ay isku mid yihiin oo aysan kaa celin Karin madafiicdaasi,
Taliyaha qeybta booliska gobolka Banadir, Col. Xuseen Dhuumaal ayaa
warbaahinta u sheegay in weeraro qorsheysan lagu soo qaaday saldhigga degmada
H/wadaag isla markaana ay iska difaaceen sida uu yiri. waxana uu iska fogeeyay
warar sheegaya in kooxo hubeysan ay xoog ku galeen saldhigga degmada H/wadaag,
isagoo sheegay in ciidamada booliska ay ku sugan yihiin isla markaana uu
shaqeynayo saldhigga laakiin warar ka madax banana ayaa sheegaya in kooxihii
weeraray Saldhiga ay muddo badan heysteen qaybo badan oo ka mid ah wadada
wadnaha oo uu ku jiro saldhiga, waxaana xili dambe la xaqiijiyey in ciidmada
boolisku ay dib ugu soo laabteen saldhiga iyo goobihii kale ee ay ka fadhiyeen
wadada wadnaha.
Muqdisho oo deganeyd dhowrkii habeen ee la soo dhaafay isla markaasna aysan
ka dhicin wax iska hor imaadyo ah ayaa waxay xalay martiday iska horimaad ka
culus afar jeer kuwii horay u dhici jiray, waxaana dadkii niyeystay in nabaddii
ay ku soo noqotay magaalada Muqdisho ay mar kale Candhuuftoodii dib u liqeen,
xalay markii dagaalka lixaadka lihi uu ka bilowday qaybo ka mid ah wadada
wadnaha ee magaalada Muqdisho
dagaalkaan ayaa ku soo aaday xili dowlada FKMG ay ku hanjabtay in ay wax ka
qabandoonto deegaanada ay ku badan yihiin dadka ka soo horjeedo qorsha dowlada
FKMG oo madaxweynaha DFKMG ugu baaqday in uusan burbur u horseedin dowlada
uumadaxweynaha ka yahay .
Dagaal Xooggan oo Caawa ka Dhacay Muqdisho...
Caawa oo ah Talaado ay Arbaco soo geleyso (Oct 16, 2007) waxaa magaalada
Muqdisho ka dhacay dagaagaal aad u xooggan oo la is weydaarsadey hub culus.
Waxa wararka ugu horeeya ay tibaaxeen in dagaalka ugu xoogga weyn uu ka
dhacay saldhigga Booliska Hawl-wadaag, halkaas oo la isku weydaarsaday hub
culus, xilliga oo habeenimo ahaana lama xaqiijin karin cidda gacanta ku haysa
saldhiga iyadoo ay ka soo baxayaan warar is khilaafsan.
Waxaa kale oo wararku sheegeen in madaafiic ku soo dhacaysay aagga isgoyska
Siinay, xamat jajab iyo qaybo kale oo ak mid ah magaalada.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku dugan xarruntii
Madaxtooyada in ay hub culus ku garaacayaan qaybo ka mid ah magaalada, iyadoo
aan loo miidaan deyin.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ay dagaalada ugu dambeeyey geysteen.
Shuftadii badaha oo ku soo laabatay Xeebaha Soomaaliya, maxakamadihii
kadib... AP
Wararka ay faafisay hay'adda wararka AP oo soo xiganeysey khubaro la socda
shuftada badaha ayaa sheegay in ay shufta badeedku aad ugu soo bateen xeebaha
Soomaaliya.
Waxayna hay'adda AP oo arrintaas faahfaahineysa sheegtay in khubaradu ay
sheegeen in shuftadu ay ku siyaadey xeebaha Soomaaliya kaddib markii awooda laga
qaaday maxkamadaha islaamiga ah oo intii ay awooda haysteen si xoog weyn u kala
dhantaalay shufta badeedka. [
READ SOMALIA LATEST NEWS...]

Dood ka dhalatay Ajande
sameyntii Baarlamaanka DF Usbuuc
kadib Baarlamaanka FKMG oo is-weydiinaya Ajandihii uu ka doodi lahaa,
Xukuumada oo is khilaafasan, Baarlamaanka oo u kala qaybsamay laba iyo
Ciidamada Ethoobiya oo la wareegay
Amaanka Goobta shirka.
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|