SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Guryaha: Raadinta Kaalmada Guryaha 

Somali Resources and Families
Mohamed Abdulkadir
Mohjama1@yahoo.com

USA  

Dhibaatooyin badan ayaa lagala kulmaan deegaanka cusub, dib u dejinta qaxootinimo ee dalalka qalaad waxay nagu furtay kaalin hor leh oo deeganaasho xumi ah. Tan oo bulshadii u horeseeday sal kac badan; waa marka ay dadka qaarkii yiraahdaan waxaanu nahay bulsho reer guuraa ah. Hadba dadkeenna degan Ameerika, waxaad la kulmi khalaad yaryar oo reeruhu sameeyaan taasoo dib iyakii ugu soo noqota oo waxyeelo gaarsiisa iyakoon hubin sababta ay taas u dhacday. Runtii waa guurid aan diyaargarow fiican loo samayn. 

Badanaa dadkeena noolashoodu waxaa lagu qiyaasaa ama ay tahay inay ka hooseyso xariiqda saboolnimada, saas darted wuxuu qofku xaq u yeelanayaa in dowladu caawiso kana kaalmayso noolashiisa sidii loo dejin lahaa sida Kirada guryaha, raashin, nafaqada ciyaalka, caafimaadka, haynta ilmaha iyo lacag cadaanba. 

Guryaha

Dhamaan gobolada Maraynkanku wuu ka siman yahay in dan yarta laga kaalmeeyo kirada guryaha, waxase ku kala duwan wakhtiga la sugayo. Qaabab badan ayaa kirada lagaaga caawin karaa waxaase ugu caansan; kan koowaad waa section 8 kan labaad waa guryaha shacabka (Public Housing) iyo RAP (Rental Assistant Program). 

Bulshadu waxay aad u yaqaanaan Section8 iyo Public Housing laakin RAP wuu ka yara duwan yahay labada kale maxaa yeelay isagu lacag idman ayaa lagu siinayaa qiyaastii ugu badnaan $250 oo joogto ah. Hadba, ma doonayo inaan gudo galo sida mid walba uu u shaqeeyo. 

Waraaqo badan ayaa la kor maraa marka lagu siinayo warbixinta (Orientation) deedna waad saxiixdaa - ha laguu turjurmo ama adigu aqood af ingiriiska waa warqado ku hafinaya adoo daalan karaahiyeystay ayaad saxiix ku duugaysaa. Si guud waxa aad saxiixday waxa weeye waan ka soo baxayaa kaalintayda; guriga waan xafidaayaa, isbedel kasta waan soo gudbinayaa, sharciga maamulka gurigayah waan ilaalinayaa iyo sannad walba waan dalbanayaa iwm. 

Meelaha ay sheekadu dhegdheg ka noqoto waxaa ka mid tiradda qoyska iyo helitaanka guri le’eg ama ku filan qoyskaas. Kolkolka qaar marka aad hesho guri kugu filan waxaa ku xanibi kara xaddiga lagaa bixinayo oo ku salaysan 30%  dhaqaalah ku soo gala. 

Marka aad nasiib u hesho inaad labadaa isla hesho (guri kugu filan iyo in lagaa bixin karo) dabadeed waxaa ku saaran mas’uuliya weyn oo loo baahan yahay inaad ilaashato waa tan tan aan doonayo inaan dadka kala hadlo. 

Waxaad arkaysaa qoys laga xanibay kaalmadii oo rafaadsan. Wax yar oo innaga macno noo samaynay ayaa lagu joojiyey sida warqad soo saxiix, balan fur, ogaysiin la’aan guuritaan, dagaal, iska horimaad masuulka guryaha, qarin ninkii, dayactir xumi iwm. 

Haddii aad qaadanyso kaalmo iyo haddii kale waa muhiim inaad dhankaad ka dedaasho, sidoo kale, waxyaalaha wareerka keena ayaa ah in qofkii oo laga sugayo inuu wargaliyo meelo badan sida hay’ada caydha, hayada shaqo gaynta, kuwo caruurta , iskuulada iyo guryaha.

Dadka qaar waxay u haystaan haddii aad midkood wargaliso in iyaku ay warka isla wadaagayaan. Jirtoo, in warka ay kala helaan hadan koox walba waxay kaa sugaysaa in aad toos ugu sheegto.  

Taladu waxa weeye;

  • Ha jabin Lease (heshiiska) oo badnaa ah 12 bilood.
  • Iska ilaali xumaan idin dhex marta maamulka guryaha; isku day inaad xaliso, daycatirto.
  • Iska ilaali mukhaadaraad inaad ku gado guriga.
  • Haddii qof guriga ku soo kordho ama ka baxo sheeg; sida qoyska oo kala taga, qoyska oo ruux uu ku soo kordho nin ama naag iyo caruur soo kordha.
  • Wargali hadaad guurayso dhamaan hay’adaha u shaqeeya bulshada.
  • Ninkaagga ha qarin: hadaad qariso hadana ha la soo bixin.

Guuritaanka; hadduu macno kuu sameenayo

Waxba kuma jabana inaad guurto laakin waafaji sharciga. Mida kale maxaad meeshii aad deganayd ku nacday? Marka su’aashan la weydiiyo jawaabtu waa reer halkan iima joogo. Dhinac kale, hadaad raadinayso inaad hesho Section8 ama Public Housing ood sidaas u guurayso marka hore raadi xog. Wac deegaanka aad u guurayso howl-wadeenka iyo Soomalida weydii imisa ayey kugu qaadan inaad hesho Section8? Ma jirtaa siyaabo fudud oo loo hor mari karo? Haddii ay jirto sidee lagu heli karaa meeshaa kale? Ma jirtaa inay haystaan RAP? Iyo wixii la mid ah. 

Mar haddii aad xooraamisay, waxaa kolkol kuu soo baxay habab badan oo aad dhakhso ku heli kartida waxaa ka mid Hooyadii oo ka cabta ninkeed oo sheegta Dhibaato Qoyseed deedna ku xaroota meelaha dadka guri la’aanta (shelter) ama kuwa hay qoysaska ka soo cararay dhib uu ku hayo ninkeeda. Waxay dadku isku guubaabiyaan inay sidaas sameeyaan waanna wax xun runtii. Sababtoo ah, markii ay helaan Section8 oo ay hooyadii degto waxay markiiba bilaabaan isku imaansho hooyadii iyo aabihii. Weyna adag tahay in laga dhaadhico mararka qaarkood inaan ninka guriga lagu arki karin ugu yaraan sannad ama laga ceshan doono Section8 sidoo kale maamulka guriga ma ogola inuu ku daro magac ninka heshiiska guiriga.

Waxaa dhacda qaadan waa’ ku saabsan maxaa loogu dari karin? Waan heshiinay, waan isku noqonay iwm deedna waxay xoojiyaan in ilaa iyo ilaa lagu daro ninka heshiiska guriga. Taa waxay lugta la gashaa in loogu hanjabo …haddii kale waanu kaala noqanaynaa warqada fasax kirada (Section8). Sharci ahaan waxaad samaysay musumaasuq iyo isdabomarin. Waxay kuu horseedi kartaa; 1. Ugu yaraan seddex sanno in lagaa xanibo helitaanka in lagaa kaalmeeyo Kirada. 2. In ay lugta la gasho meelihii kale ee kaalmada kaa soo glai jirtay oo mid walba uu dib u eego daacadnimadaada. 

Waxaan rabaa inaan kuu cadeeyo qoysku isagoo isku duuban ayuu shelter gali karaa cid idiin diidayso ma jirto halka aad been ku maali lahyd run ku qaado. Gabaadka (Shelter) wuxuu u furan dadka guri la’aanta haysto. Laakin innagu Qaxooti ahaan waxaan u galnaa jid fududeyn ma na xuma taa ogowse inaan loo baahnayn been abuur. 

Hadduu buuxo Gabaadka (Shelter), marar badan ayaad la kulmi dad ku leh heblaa degan waxay ii sheegtay inuu banaan yahay qolyahan waa sidaas iyo sidaas. Waa dhab in kolkolka qaar ama badnaa inay sidaas u dhacdo, laakin waxaa inaga qarsoon habku uu u shaqeeyo guryaha gabaadka ah (shelter). Waxay ku shaqeeyaan Grants (deeq) ay dowlada ama hay’ado ay ka codsadeen in lacag la siiyo. Deeqdaas waxay ku socotaa xujo balan oo ah hadaan lacagtaas ku siiyo sidaas oo kaliya ayaad u isticmaali kartaa. Haddii kooxdii ay aqbasho deedna waxay qoran codsigii oo ay dhiiban, haddii ay hesho lacagtaas waxaa laga filayaa inay ku dhaqanto ooy fuliso balantii. Waan lagu dabo joogayaa.

Intaa haddii aad fahan tahay, waxaan u dhaadhacaynaa, maxaa loo arkaa gabaadkii oo madhan in la yiraahdo wuu buuxaa? Badnaa sidaan kuu soo sheegay deeq kasta waxay lee dahay shuruudo, shuruudahaas waa inaad fuliso. Waxay u badan tahay in deegaan aad ka dalbatay Gabaadka ee lagu yidhi wuu buuxaa in shuruuda ay dadka ku aqbalayaan inay tahay in marka hore la siiyo mudnaanta koowaad dadka degan deegaanka ee aan haysan meel ay degaan. Adigu badnaa adigoo haysta gurigii aad daganayd ayaa iskaa uga soo baxday – waxay noqonaysaa doorasho iyo adigoon degannayn deegaankaas. Saas darted mudnaanta koowaad ma lihid.  

Mid kalaa kaa daahan, magaalooyinka waaweyn dhakhso loogam helo section8 saas darted reeruhu waxay u qaxaan toolooyinka. Si kasta ha ku helaan markii ay helaan Section8 way la guuraan. Eeg, haddii kharashka kugu baxay qoyskaagu uu ahaa inta u dhaxaysa $550-$750 ood u guurto magaalooyinka waaweyn kharashkaas wuxuu noqon karaa labo laab. Deegaanka aad ka soo guurtay wuxuu ku khasban yahay ilaa lix bilood inuu isagu kiradii kaa sii bixiyo. Ogow, dhinaca kale, waxaad la kici kartaa dhaqaalihii qof kale kiradada looga bixin lahaa. Saas darted ma jecela guuritaanka.  

Hadaad soo guurtay oo aadan iska bixin karin kirada u marti reer deedna wargali kuwa maamula gabaadka (shelter). Reerkii ku martigalyey ha u sheegeen in reer aan waxba ahysan ay la degan yihiin. Ku celceliya telephone, u dhaaf meel lagaaga soo xiriiro, ha ka daalin ku celceli ilaa aad hesho. Haddii ay adkaato raadi barnaamjika RAP ku sii meel gaar ilaa aad hesho wixii aad u timid. 

Ogow, Tuulooyinka muddo qiyaastii afar sanno ah ayey celceliyeen qoysaskii oo adeegsadeen sharciyo gaar u ah iyakoo baal maray mid federaalka is jiidjiid badan ka dib hadda waa la ogolaaday in lala guuri karo. 
 

Mohamed Abdulkadir
Mohjama1@yahoo.com
Somali Resources and Families  
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com