SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xaqiiqada runta ah ee isku dhacyada gobolka sool

Abdirahman mohamed
  hurlinghum nairobi kenya
  gaambool@hotmail.com

Waxaa mudooyinka danbe laga soo sheegayey isku dhacyo xaga ciidamada puntland iyo maamulka waqooyi ee s/land isku dhacyadan oo ay sabab u tahay cidii maamuli lahayd ama gacanta ku dhigi lahayd kala danbeynta magaalada las canod ee gobolka sool .
   
  Hadaba waxaa halkaas  ka dhacay iska hor imaadyo ciidan laba dhinac kala taageersan isla markaana kala sheegtay guulo ay soo hooyeen labada dhinacba balse xaqiiqda dhabta ah ee jirta in uu yahay in dagaalkuu uu ku saleeysan yahay mid qabiil isla markaana taageero ka kala helaya labada dhinac !!
   
  Dagaalkii ka dhacay laascanod uu udhexeeyey tageerayaasha ninka isku magaaaba gudoomiyaha gobolka soolee dhinaca maamulka waqooyi galbeed iyo kooxo kale oo fikrad ahaan taabacsan moowqifka uu qaatey ninkii horey u ahaan jirey wasiirka arimaha gudaha puntland ee  oo dhinaca iyo xoogaga kale oo daacad u ah ninka aan dadaalka badneyn ee lagu magacaabo xasan daahir af-qudhac oo ah madaxweyne ku xigeenka puntland.
   
  Lama sheegin wax ciidan s/land leedahay oo magaalada soo galay  marka laga reebo ciidanka degaanka ee gadoodsana kana soo horjeeday maamul xumada xasan daahir af-qudhac.

  Dadka magalada ayaa waxa la sheegaya ineey kacsan yihiin kuwaas oo ay ugu wacan tahay in magalada ay soo galen ciidamka maamulka w/g lana sheegayo inay taayiro gubayaan isla markaana wadooyinka dhaxgaan ku xidhay isla markaan mudaraadaya taas oo ay ugu wacan tahay cadhada iyo ciilka fog ee ay u qabaan ciidankan kusoo duuley oo aaney diyaar u ahayn in aay haatan qaabilaan isla markaan soo dhaweeyaan
   
  Arinta gobolka sool ayaa waxaa la isku dayeey in mudooyin fara badan la dhameeyo isla markaana xal laga gaadho balse ay taasi soocon laadahay isla markaana arinteedu ay markasta soo noq noqoto taas oo walaac ku haysa shacabka balse ay farxa u tahay kuwa isku sheega siyaasiyiinta gobolka sool
   
  markaan u kuur galay sababta keentay dagaalka  uu ahaa in arintan ay tahay mid mudaba soo jiitameeysy  isla markaana ay waxbadan kala tabanayaa beelaha daga gobolka balse arinta xaqiiqadeedu ay tahay in labada maamul ay dano gara ka kala leeyihiin magaalada yar ee buuraha ku dhex taal laguna magacaabo laascaanood,
   
  Balse sikasta oo ay noqotaba waxaa la filayaa dhawaan in ay talaabo culus qaadaan maamulka dowlad goboleedka somaliyeed ee puntland kuwaas oo taageero badan kuleh gudaha magaalada laascaanood  sababina kara in ciidanka puntland ay wakhtigii ladoono gacanta ku dhigi karaan magalada taas oo ay sababtu tahay iyagoo tageero badan ku leh gobolka dadka oodhan .
   
  Nin dhalinyaro ah oo jooga halkaas oo aan weeydiiyey waxa ugu weyn ee ay dadku la gadodsan yihiin ee waji gabaxa ku riday ayaa waxa uu iisheegay ineey tahay,
  Calanka buluuga ahaa ee somaliya oo laga dajiyey dhamaan xarumihii dowlada isla markaana lagu badalay calanka beesha kasoo jeeda gobolada waqooyi ee s/land taas ayaa ah ciilka ugu badan ee ay maanta reer laascaanood qabaan isla markaana aaney waligood ka seexan dooniin ilaawina doonina.
   
  Abdirahman mohamed
  hurlinghum nairobi kenya
  gaambool@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com