Barnaamijkii Radio Xoriyo
16 October 2007.
Maamulka Hargaysa oo dad reer Ogaadeenya ah Itoobiya u dhiibay.
Jaaliyada Ogaadeenya ee Austria oo shir isugu timid.
Shir wayn oo Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay
Northampton
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo dad ku laayay Shilaabo.
Waraysi aan la yeelanay gudoomiyaha jaaliyada Ogadenya ee
wadanka Austria Cumar Cabdi.
======================
Maamulka Hargaysa oo dad reer Ogaadeenya ah Itoobiya u dhiibay.
Aroornimadii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 13 Oct. 2007, wuxuu
maamulka Woqooyi Galbeed ku wareejiyay taliska dhiigya-cabka ah ee Addis
Ababa 7 nin oo shacab ah oo u dhashay dalka Ogaadeenya oo sababo kala duwan
u joogay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.
Toddobadan nin ayaa dhawr maalmood ka hor laga qaqabtay magaalooyinka
Hargaysa iyo Burco, kuwaasoo sabtidii lagu wareejiyay taliska Addis Ababa,
iyadoo ayna jirin wax denbi ah oo maamulka Woqooyi Galbeed uu dadkaas ku soo
oogay.
Dadkan shacabka ah ee loo gacan galiyay xukuumadda gumaysatada Itoobiya
waxay kala yihiin;
1- Sh Maxamed Sh Cabdi
2- Maxamed Aaden Cumar
3- Muxumed Cabdi Aar “Galadiid”
4- Khadar Cabdi Ibraahim
5- Jawhar Sh Bashiir
6- Axmed Daahir Geesoole iyo
7- Xasan Ibraahim
Dadkan cadowga loo gacan galiyay waxay dhammaantood
ahaayeen dad shacab ah oo u dhashay dalka Ogaadeenya, kuwaasoo qaarkood ay
muddo dheer ku sugnaayeen gobollada Woqooyi Galbeed oo xirfado kala duwan
kaga shaqaysan jireen, qaarkoodna ay ahaayeen dad ka soo qaxay xasuuqa ay
ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa soo saaratay
bayaan kulul oo ay ku canbaaraynayso falkan waxshinimada ah ee maamulka
Riyaale uu ku kacay. Jabhaddu waxay bayaankan ku sheegtay in dhiibista
dadkan shacabka ah loo dhiibay xukuumadda Itoobiya ay si toos ah uga soo
horjeedo Heshiiska Qoxootiga ee Qaramada Midoobey ee sannadkii 1951, isla
markaana meel ka-dhac ku tahay Xeerarka Caalamiga ah, maamulka Riyaalana ay
ka dhigayso mid qayb ka ah denbiyada dagaal ee Ogaadeenya ka dhacaya.
Jaaliyada Ogaadeenya ee Austria oo shir isugu timid.
Jaaliyada Ogaadeenya ee waddanka Austria ayaa shir
ballaadhan isugu timid maalintii jimcaha ahayd ee tariikhdu ku beegnayd
12/10/07, waxaana shirkaas lagaga hadlay sidii ay Jaaliyadu kaalin muuqata
uga qaadan lahayd halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay.
Shirkaas, oo lagu qabtay magaalada caasimada ah ee Vienna, waxaa ka soo qayb
galay dadwayne fara badan oo ku nool dalka Austria. Shirkaas waxaa lagu
falanqeeyay sidii ay Jaaliyadu u kordhin lahayd dadaalkeeda ku wajahan ka
qayb qaadashada hawlaha halganka iyo in sidoo kale la xoojiyo xidhiidhka ay
Jaaliyadu la leedahay jaaliyadaha kale ee Ogaadeenya.
Shirkan waxaa lagu go’aamiyay in la sii labanlaabo waxqabadka Jaaliyada eek
u aaddan halganka xaqa ah ee shacbiga Ogaadeenya uu ugu jiro
madaxbannaanidiisa.
Shir wayn oo Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Northampton
Maalintii axadda ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 14/10/07 waxaa magaalada
Northampton ee dalka Britain lagu qabtay shir wayn oo lagaga hadlayay
arrimaha Ogaadeenya, kaasoo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Ogaadeenya ee
dalka Britain, faraceeda Northampton.
Shirkan waxaa ka qayb galay dadwayne aad u fara badan oo ka kala yimid meelo
kala duwan oo dalka Britain ah, isla markaana isugu jira bulshada Soomaalida
Ogaadeenya iyo Soomaalida Jamhuuriyadda. Waxaa sidoo kale shirkan ka qayb
galay madax sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
Shirkan waxaa lagu furay wacdi diini ah oo dhiirri galinaya faa’iidada ay
leedahay midnimada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshada
Soomaaliyeed, meelo kastoo ay joogto, ay u midowdo xoreynta dalkeeda.
Wacdigan ayaa bulshada soomaaliyeed ku boorriyay inay taageero dhinac walba
ah u fidiso xoogagga gumaysiga Itoobiya kula dagaallamaya Ogaadeenya iyo
Jamhuuriyadda dhexdeeda labadaba.
Waxaa markaas erayo furitaan iyo soo dhawayn isugu jira shirka ka soo
jeediyay guddoomiyaha faraca Northampton ee Jaaliyada Ogaadeenya ee Britain,
kaasoo ka xogbixiyay qaabka ay Jaaliyadu u shaqayso iyo hawlaha laga sugayo.
Waxaa markaas ka dib hadalkii lagu wareejiyay guddoomiyaha Hooggaanka
Warfaafinta JWXO Axmed Yaasiin Cabdi, oo warbixin dheer oo dhinacyo badan
taabanaysa halkaas ka soo jeediyay. Guddoomiyuhu wuxuu ka xogbixiyay ololaha
xasuuqa ah ee ciidammada Itoobiya ay ka wadaan dalak Ogaadeenya, wuxuuna
tilmaamay in Itoobiya ay ololahaas ku guul darraysatay, isla markaana ayna
haba yaraatee ka gaadhin wax natiijo ah.
Wuxuu tilmaamay in fashilaada ay Itoobiya ku fashilantay ololahaas ay
gundhig u tahay kartida lama loodiyaanka ah ee ay muujiyeen CWXO iyo
dhirbaaxooyinka lama illoobaanka ah ee ay u gaystaan ciidammada cadowga,
taasoo quusisay ciidammadii cadowga ay ololahaas waday. Waxaa kaloo ololahan
fashiliyay adkaysiga cajiibka ah ee dadwaynaha Ogaadeenya ay muujiyeen.
Wuxuu tilmaamay in dilkii, kufsigii, cunaqabatayntii, xidhaygii iyo
dhibaatooyinkii kala duwan ee ciidammada cadowgu u gaysanayeen ay dadwaynuhu
ka qaadeen dhiirranaan iyo isku duubni ay cadowgooda kala hortageen.
Wuxuu sheegay in Itoobiya, gudaha iyo dibaddaba, ololahaas lagu fashiliyay,
iyadoo diblumaasiyada JWXO ay horseeday in maxfallada caalamiga ah lagu
falanqeeyo xadgudubyada ay Itoobiya u gaysato dadwaynaha Ogaadeenya.
Guddoomiyuhu wuxuu dadwaynihii Jamhuuriyadda ee shirka ka qayb galay ku
guubaabiyay inay ka shaqeeyaan sidii bulshada Soomaaliyeed loo midayn lahaa
oo loogu jihayn lahaa inay la dagaallamaan gumayisga dalkoodii qabsaday,
wuxuuna kula taliyay inay gumaysiga gacan bir ah kala hortagaan inta uuna si
fiican isugu ballaadhinin dalkooda.
Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha Jaaliyada
Ogaadeenya ee dalka Britain mudane C/shakuur Cali Budul, kaasoo ka qayb
galayaasha ku guubaabiyay inay kaalinta kaga aaddan halganka ka soo baxaan,
isla markaana ay xusuusnaadaan in halganku uu yahay mid ay filalkoodii hore
ka dhaxleen, iyaguna ay filalka soo socda uga tagi doonaan, sidaas darteed
looga baahan yahay inayna dayicin taariikh halganeedkii ay awoowyadood uga
tageen.
Waxaa kaloo iyaguna shirkaas ka hadlay wakiilka Britain u fadhiya Ururka
Qurba-joogta Soomaaliyeed, kaasoo ka xogbixiyay xaaladda Soomaaliya iyo sida
ay lagama maarmaanka u tahay in ummada soomaaliyeed ay u midowdo xoreynta
dalka Soomaaliya ay gumaysiga cusub galay.
Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalak Britain ayaa isaguna shirkan ku
soo bandhigay barnaamijyo muujinayo xadgudubyada ay ciidammada Itoobiya u
gaysataan dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho. Waxayna
barnaamijkaas ku soo bandhigeen muuqaallo iyo cajalado murugo aad u badan ku
reebay ka qayb galayaasha shirka oo tilmaamaya burburka iyo baaba’ ay
ciidammada Itoobiya u gaysteen dadka iyo dalka Soomaaliya.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo dad ku laayay Shilaabo.
Wararka ka imanaya magaalada Shilaabo ayaa sheegaya in
galabnimadii axadda ahayd nawaaxiga Shilaabo laga helay maydka toddoba nin
oo ciidammada Itoobiya ay silig ku mirrijiyeen.
Raggan ay ciidammada gumayigu laayeen waxay ka mid
ahaayeen dadka reer guuraaga ah eek u dhaqan deegaanka Laba-baar, oo ku
ogog-leh magaalada Shilaabo.
Ciidammada Itoobiya ayaa wali wada xasuuqii ay ku hayeen
dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, oo seddexdii bilood ee u denbeeyay ay
dhibaatooyin badan ka soo gaadheen gumaadka ay ciidammada Itoobiya gayigaas
ka gaysanayaan.
16 October 2007
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|