Wararkii: Oct 9, 2007
- Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan halka uu marayo khilaafka Yusuf iyo
Geeddi.
- Mid ka mid ah garsoorayaashii Maxkamada Gobolka banaadir oo iscasiley...
- Ciidamada Dowladda iyo Itoobiya oo shalay howlgalka …
- Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi oo kulan la qaatay Xubnaha labada gole
iyo …
- C/llaahi Yuusuf oo deg deg ugu ambabaxay Magaaladda …
- Xarunta SOWJA oo lagu
soo gebagabeeyey Siminaar ku saabsan Saxaafadda iyo..
- Ururka Suxufiyiinta SOWJA oo simanaar laba maalmood socday u soo
gabagabeeyay 25-Haween suxufiyiin ah
- Ururweynaha ASOJ oo sheegay in wareegtada Wasaaradda Warfaafinta
DFKMG ay tahay mid ay ka naxeen qoowleysatada Saxaafada.
Binti Jaylaani oo Gaartey Minneapolis:
Sawirada hoose waa Binti Jaylaani oo gaartey garoonka Minneapolis Oct 6, 2007
Binti iyo aabaheed markii ay ka soo degeen garoonka Minneapolis waxaa soo
dhoweeyey koox Soomaali ah oo ka kla timid magaaloyinka Rochester,
Minneapolis iyo Owatonna.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan halka uu marayo khilaafka Yuusuf iyo
Geeddi..
Inkastoo dhowr jeer ay ku celceliyeen in uu dhamaaday khilaafkii u dhexeeyey
Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG, haddana waxaa maalmahan muuqda
saansaanta khilaafkaasi.
LIFAAQ::: TAARIIKHDA DKMG:: Dawladii hore ee
kumeelgaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa C/Qaasim: Waxaa
baarlamaankii kalsoonidii kala laabtay Cali Khaliif Galaydh, waxana uu
Galaydh aqbalay arrintaas isagoo aan muran ka keenin... Su'aashu waxay
tahay haddii baarlamaanka DFKMG uu kalsoonida kala laabto Cali Maxamed
Geedi, markas Geedi arrintaas ma aqbali doonaa!! |
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi waxa uu bilaabay in uu kulamo la yeesho
siyaasiyiinta Beelaha Hawiye iyo Odoyaasha kale ee beelaha, iyadoo Odoyaashu ay
sheegeen in Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi uu ku joogo xilka wadanka awood qaybsi
ay ku heshiiyeen dhamaan Beelaha Soomaaliyeed, halka Madaxweynaha DFKMG C/llaahi
Yuusuf isna uu ku joogo awood qaybsigaasi, waxayna siyaasiyiinta ay isku jaalka
yihiin Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi sheegeen in haddii xilka laga qaado Geedi
ay keeni karto in xaaladda Soomaaliya ay sii gasho mugdi, isla markaana ay dhici
karto in gacan hadal uu dhaco.
Geedi oo awood badan ku leh golaha Baarlamaanka ayaa haddana C/llaahi Yuusuf
waxa uu waddaa qorshe uu keligii doonayo in uu xilka kaga qaado Ra’isul
Wasaaraha DFKMG Geedi waa sida wararku sheegeene, waana midda keentay in
C/llaahi Yuusuf uu ambabaxo Magaalada Baydhabo, waxa uuna markiiba kulan la
qaatay qaar ka mid ah Golaha Baarlamaanka.
khilaafkaan ayaa waxa uu ku saleysan yihiin dhowr arimood, sida arrimo la
xiriira dhanka shidaalka oo la sheegay in madaxweynuhu uu wato shirkad gaar ah,
halka ra’isul wasaaruhuna isna uu wato shirkad gaar ah, halka khilaafka kalana
uu ka jiro lacag laga soo qaaday dolwadda Sucuudiga oo ay gacanta u gashay
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi, sidoo kale waxaa dheer intaa oo khilaaf kale
dhalisay xil ka qaadistii xeer ilaaliyihii guud ee qaranka. Web-Site-ka Power
Interest News Report lagana akhristo magaalada Washington ayaa sheegay in
C/llaahi Yuusuf uu doonayo in uu isku soo koobo awoodda wadanka Soomaaliya,
isla markaana uu doonayo in uu la mid noqdo madaxda wadamada Jabuuti, Ereteriya
iyo Itoobiya oo iyagu xukunka gacanta ugu jiro.
Mid ka mid ah garsoorayaashii Maxkamada Gobolka banaadir oo iscasiley...
Mid ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda Gobalka Banaadir oo lagu magacaabo
C/qaadir Sheekh Nuur (Buqaari) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay maxkamadda
Gobalka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in uu iska casilay xilkii garsoorenimo ee
gobalka Banaadir, kadib markii uu soo sheegay in ay soo gaareen hanjabaadyo fara
badan oo la xiriira in la dili doono.
Bukhaari waxa uu sheegay in waqtigaan uusan sii hayn Karin xilkaasi, isagoo
sheegay in uu noqdo ninka iska caadi ah oo ku dhex jira bulshadiisa.
Waxaa dhawaan la dilay qaar ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda gobalka
Banadir, iyadoo dhawaan suuqa Bakaaraha lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii
Garsoorka Gobalka Banaadir C/qaadir Max’ed Yuusuf (Aayatullaah), sidoo kalana
waxaa isna degmada Huriwaa lagu dilay Gudoomiyaha maxkamadda gobalkaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii uu isna iska diiday in xilka guddoomiyenimo ee
degmada Waabari uu qabto Xasan Cali Waranto oo isna sheegay in uusan xiligaani
diyaar u aheyn uu qabto xili Dowladeed, iyadoo la og yahay ilaa iyo
11-guddoomiye iyo ku xigeenadooda lagu dilay
Ciidamada Dowladda iyo Itoobiya oo shalay howlgalka …
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo shalay markii ugu horeysay si wadajir
ah uga hawlgalay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayay qaar
ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Isgoysyada.
Isgoysyada ay ciidamadu dhobnaayeen ayaa waxaa ka mid ah wadada dheere ee
Maka Al-Mukarama oo ay qayb qayb bu taagnaayeen, iyadoo xitaa watay Gawaari
Tikniko ah, sidoo kale waxaa ciidamadani lagu arkayey Fagaaraha Tarabuunka,
Isgoyska Tarabuunka, Xararyaale iyo Wadooyin kale.
hawlgalkaani waxa uu ku soo beegmay xili uu shalay Muqdisho ka ambabaxay
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed gaarayna Magaalada Baydhabo oo uu kulan kula
leeyahay Golaha Baarlamaanka.
Ammaanka garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la
baajiyey duulimaadyo soo degi lahaa, waxaana markii dambe dib loo furay garoonka
iyo wadooyinka soo gala.
hawlgalkaan oo la sheegay in uu socon doono mudo 20 maalmoo ah ayaa waxaa ka
qaybqaadanaya xooggiisa ciidamada Itoobiya, iyadoo meelihii ay ka hawlgaleen la
sheegay in ay ka qabqabteen dhowr qofood oo loo taxaabay xabsiga.
Ciidamada Itoobiya ayaa galay guriga Guddoomiyaha Siyaasadda Beesha Cayr
Max’ed Maxamuud Culusow waxayna halkaasi ka wateen labo dhallinyaro ah oo
gurigaasi ku sugneed, iyadoo mar la wareystayna Culusow uu codsaday in si dhaqsi
leh loo sii daayo dhalinyaradaasi .
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi oo kulan la qaatay Xubnaha labada gole iyo …
Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi ayaa shalay gurigiisa kulan kula
qaatay xubno ka socday labada gole ee Dowladda ee Beelaha Hawiye iyo Odoyaasha
Beelaha Hawiye oo uu horkacayo Max’ed Xasan Xaad, waxaana kulankaasi la iskula
soo qaaday arrimo badan oo ay ugu horeyso xaaladda nabadgelyada ee Magaalada
Muqdisho.
kulankaan oo uu codsaday Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa maalmahan
waday kulamo uu la yeelanayey Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye, isagoo doonaya sidii
uu uga heli lahaa taageero balaaran, waxa uuna kulankaani ku soo beegmay xili uu
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu shalay gaaray Magaalada Baydhabo, inkastoo
aan la faahfaahin tegista C/llaahi Yuusuf ee Baydhabo, haddana warar ayaa waxay
sheegayaan in ay la xiriirto khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed Geedi
C/llaahi Yuusuf oo deg deg ugu ambabaxay Magaaladda …
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa shalay deg deg ugu ambabaxay Magaalada
Baydhabo oo haatan xarun ku meel gaar ah u ah golaha Baarlamaanka.
C/llaahi Yuusuf oo diyaar ka raacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu
tilmaamay safarkiisa in uu ahaa mid deg deg ah, waxaana ka soo baxaya warar kala
duwa, qaar waxay sheegayaan in uu madaxweynuhu kulamo la yeelan doono Golaha
Baarlamaanka oo la xiriita wixii u qabsoomay saddexdii sano ee uu xilka hayey,
iyadoo lagu wado in xuska saddexaad uu ka dhaco Magaalada Baydhabo.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu halkaasi u tagay arrimo
la xiriira khilaafka u dhexeeya isaga iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi,
waxayna wararku sheegayaan in uu Madaxweynuhu qorsheynayo in uu xilka ka qaado
Ra’isul Wasaare Geedi uu waayadani u dhexeeyey khilaaf aad u xoogan kaas oo la
xiriira arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday dalka sucuudi carabiya iyo
xil ka qaadistii xeer ilaaliyihii guud ee qaranka.Xarunta SOWJA oo lagu
soo gebagabeeyey Siminaar ku saabsan Saxaafadda iyo..
Waxaa Maalintii shalay ahayd xarunta SOWJA ee Magaalada Muqdisho lagu soo
gebagabeeyey siminaar socday mudo labo maalmood ah oo ay ka qaybgaleen gabdho
gaarayey 25 kuwaas oo ka kala yimid gobalada Sh/hoose, Banaadir iyo Sh/dhexe.
Siminaarkaan ayaa waxaa looga hadlay ama waxaa looga dooday xirfadaha suxufinimo
ee Haweenka, Doorka saxaafaddu ka qaadan karto nabadda iyo dib u dhiska, ka
qaybgalka siyaasadda ee Haweenka iyo xalinta khilaafaadka.
Siminaarkaan oo ay maalgelisay Hay’adda National Endowment for democracy ayaa
waxaa soo qabanqaabiyey ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali
Women Journalism (SOWJA).
Siminaarkaan ayaa waxaa cashiro ka bixinayey Macallimiin ka socotay Somali
Consultants Organization for Research and Empowerment.
Qamar Salaad oo ka mid ah saraakiisha sarsare ayaa waxay sheegtay in
siminaarkaani uu yahay midkii ugu horeeyey oo hay’addu qabato, iyagoo sheegay in
ay siminaaro ku soo kala qabteen magaalooyinka Baydhabo iyo Baladweyne, kanna uu
ahaa mid daba socday siminaaradaasi, waxayna u mahadcelisay intii kala shaqeysay
qabsoomida siminaarkaasi.
Ururkaani waxaa ku bahoobay saxafiyiinta Haweenka Soomaaliyeed, waxaana xubno ka
ah Haween fara badan, iyadoo mas’uuliyiinta ururka SOWJA ay sheegeen in ay mar
kasta diyaar u yihiin in ay kor u qaadaan aqoonta Haweenka Suxufiyiinta
Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dalka [Warbixin dheeraad ah hoos ka
akhri]
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Ururka Suxufiyiinta SOWJA oo simanaar laba maalmood socday u soo
gabagabeeyay 25-Haween suxufiyiin ah

Waxaa maanta la soo gabagabeeyay siminaar u socday 25-suxufi ah oo haween
ah, kuwaas oo ka kala socday magaaloyinka Marka, Jowhar iyo Muqdisho.
Simaanaarkaas ayaa lagu baranaayay casharo ay ka mid yihiin:
- Xirfadda saxafinimo ee Hweenka
- Doorta saxaafadda ay ka qaadan karto nabaadda iyo dib u dhiska dalka
- Ka qaybgalaka siyaasadda ee haweenka
- Xalinta qilaafadka
Simaarkaan ayaa waxaa maalgeliyay Hay’dda National Endowment for
Democracy ,waxaana soo qaban qaabiyay Uruurka haweenka suxufiyiinta
somaliyeed ee SOWJA, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen

25 gabddhood oo ka kala yimid magaaloyinka Marka, Jowhar iyo
Muqdisho,waxaana uu socday labomalmood oo ah shalay iyo manta (7-8/10/2007.
 
Waxaa casharada bixinayay macalimad ka ka socoto somali cosultants
organizaito for research and Empowerment, waxaana lagula dardaarmay
suxufiyiintii ka qeybgashay siminaarkaas inay gaarsiiyaan kuwa aan fursada u
helin.
Ugu dambeyntii waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta
Uruurka haweenka suxufiyiinta somaliyeed ee SOWJA, waxeyna ku booriyeen
suxufiyiintii ka qeybgashay siminaarkaas gebi ahaanba inay ku dhaqman
waxyabaihii ay ka kororsadeen siminaarka.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Madaxweyne Col. C/llaahi Yuusuf iyo Wafdi uu
hogaaminayo oo soo gaarey Magaalada Baydhabo, iyadoo Xukuumada iyo
Baarlamaanka FKMG ay u socoto dood kulul.
Madaxweynaha dowladda federaalka KMG Soomaaliya Col. C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa Isniin (Oct 8, 2007) soo
gaaray Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka FKMG.
Madaxweynaha oo saaka barqadii kasoo ambobaxay
garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho Aadan-cadde International Airport
ayaa intii uusan soo gaarin Magaalada Baydhabo amaanka Wadooyinka soo gala
Garoonka Magaalada si weyn loo adkeeyey, iyo jidcadeyaasha gudaha magaalada
Baydhabo, iyadoon si weyn loo dareemin hawlgalkan amaanka lagu sugayey, balse si
buuxda loo dareemay markii uu soo degay Madaxweynaha DFKMG.
Madaxweynaha DFKMG ayaa waxaa
Garoonka ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Max'ed Nuur
{Sh,. Aadan Madobe} iyo qaar ka mid ah xubnaha labada Gole.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo soo dhaweynaya Madaxweynaha DFKMG
Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya xubno
ka tirsan labada gole oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed
Max'uud Gacmo dheere iyo qaar ka mid ah gacanyareyaashiisa, waxaana madaxweynaha
la filayaa in maalmaha soo socda uu baarlamaanka ugu warbixiyo waxyaabihii u
qabsoomey intii uu xilka hayey mudadii sedaxda Sano ahayd.
Madaxweynaha DFKMG, Col. C/llaahi Yuusuf, ayaa
waxaa horyaala arimo badan oo ay ka mid yihiin: wixii ka soo baxay shirkii
dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, khilaafka mudooyinkan la sheegayey isaga
iyo Ra'iisul Wasaarihiisa u dhexeeya halka uu marayo iyo waxa keenay, Dhaqaalaha
soogalay dowlada sida loo maamulay, nidaamka awood qaysiga ee Xukuuumada in la
waafajiyey qaabka dhismeedkeeda, khilaafka u dhexeeya Xukuumada iyo Golaha
Garsoorka DFKMG IWM.

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare oo ka
jawaabaya su'aalihii
Dhinaca kale, kulankii Isniintii ee golaha
baarlamaanka FKMG Soomaaliya uu ku yeeshay xaruntiisa Magaalada Baydhabo oo uu
shirgudoominayey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Prof Max’ed Cumar Dhalxa oo ay soo
xaadireen 154 mudane, islamarkaana lagu dhegeysanayey jawaabaha Wasiirka Hidaha
iyo Tacliinta Sare ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Saalim Caliyow
Ibrow iyo Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed Md. Maxamed
Cabdi Xayir {Maareeye} ayaa gunaanadkii shirka buuq iyo sawaxan ku soo
gebogeboobay, kadib markii ay qaar ka mid ah Xildhibaanada ay isku khilaafeen
sida laga yeelayo xubno xildhibaano tiradoodu gaarayso 16 oo in mudo ah ka maqan
fadhiyada Baarlamaanka, iyagoo wax fasax ah oo ay ku maqan yihiina la xusin,
taasoo Prof. Dhalxa uu sheegay in xisaabta aysan ku ekaandoonin Xukuumada oo
keli ah, balse Baarlamaanka dhexdiisa uu isagana laga doonayo inuu is-xisaabiyo,
islamarkaana Tilaabo adag laga qaado inta fasax la’aanta ku maqan, hadalka
Gudoomiye ku xigeenka waxaa ka soo horjeestey Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax
iyo Xildhibaan Kulalihi.

qaar ka mid ah Xildhibaanada oo ka soo baxaya shirka
Xildhibaan Qanyare ayaa ku doodey lalama
xisaabtami karo xubnaha maqan, waayo Baarlamaanka iska furan oo aan la xirin
aduunyada lama arag, Baarlamaanka fadhigiisa waxaa uu furmay 26/02/2006 wuxuuna
socdaa 08/10/2007 waa furan yahay, baarlamaanka aan fasax lahayn sidee lagula
xisaabtami karaa, waxaa lala xisaabtami karaa marka laga jaro inta uu socdey
shirka caadiga fasaxiisa midaas ayaa lagula xisaabtaami karaa, tan kale
Wasiiradda Xukuumadda ka tirsan iyaguna sow lagama rabo inay soo xaadiraan
fadhiyada ayuu weydiiyey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed
Qanyare”.
Wasiirka Dibu-heshiisiinta Md. Max’ed Cabdi
Xayir {Maareeye} oo ka jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen qaar ka mid ah
mudanayaasha Baarlamaanka ayaa wuxuu ka bixiyey jawaabo kulul, waxaana
hadaladiisa ka mid ahaa” aniga waxaa la ii dhiibey xil Qaran, hadii aad
leedihiin qofka xilkiisa runta ka sheega muxuu isu casiliwaayey, hadii taasi uu
Baarlamaanku uu go’aamiyo aniga qofka ugu horeeya ayaan ahay”.
Kala Aragti duwanasho aan soo muuqan oo ka soo dhex baxaysa xubnaha
Golaha Baarlamaanka.
maxamed MacallinCisman{All-man} Somalitalk Baydhabo.
SomaliTalk.com | Oct 9, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|