-
Kala Aragti duwanasho aan soo muuqan oo ka soo dhex baxaysa xubnaha
Golaha Baarlamaanka.
-
Wasiir ku xigeenka Dibu u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha DFKMG Md Xasan Cabdi
Guure {Xasan Jabhad} “waxyaabo dhaliil ah way iska jiri karaan maadaama
meesha ay dowladi ka jirto, waxa aan ku hadlaayo waa wax sharci ah”
-
Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha
Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} “waa nasiib daro in ummadda
Soomaaliyeed iyo madaxdoodu 17 sano
Kala Aragti duwanasho aan soo muuqan oo ka soo dhex baxaysa xubnaha
Golaha Baarlamaanka.
Shir ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Golaha Baarlamaanka oo ay soo
xaadireen in ka badan 164 mudane, islamarkaana su’aalo lagu weyiinayey
Ra’iisul wasaare ku xigeenka DFKMG ahna Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare
Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Xiriirka Jaaliyadaha
Dibadda Md. Max’ed Cabdi Xayir {Maareeye} oo uu shir gudoominayey Gudoomiye
ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Maxed Cumar Dhalxa ayaa waxaa uu soo shaac
bixiyey kala qaybsanaanta xubnaha Baarlamaanka iyo sida ay u kala taageersan
yihiin mas’uuliyiinta sare ee dowlada.
Kulnakii maanta oo su’aalo kulull ay weydiinayey mudanayaasha Baarlamaanka
labada Mas’uul ayaa mudanayaashii halkaasi ka hadlayey waxay gaarayeen 22
xildhibaan waxayna qaarkood kala taageerayeen labada Wasiir, marka si qoto
dheer loo dhuuxdo hadaladooda, mudanayaasha qaarkood waxaa ka soo bur
qanayey hadalo culus oo la is dhihi karo waxay u muuqdeen kuwo aan
miisaanayn, waayo caro ay u qabaan waxay hadalo kulul ka dul ridayeen labada
mas’uul, laakiin hadaladaan ka soo yeeraya mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ah
kuwo laga dhadhan sankaro, kuwo Ujeeddo badan ah, mana ahan markii ugu
horeysay ee ay ka soo baxaan mudanayaasha Baarlamaanka hadalada noocaan oo
kale.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa ayaa wuxuu yiri
mudanayaal waxaan soo jeedinayaa inaan isla qaadano laba arin oo kala ah “
Mudanayaal beryahaan waxaa soo batay dilallka dadka wax galka ah oo bulshada
wax u qabanaya, iyadoo siyaabo kala duwan ay u dhacayaan, islamarkaana la
joojiyo kuwa wada dilalka waxashnimada ah iyo in dowladu isu xilsaarto dadka
danyarta ah ee hantidooda ku gudbatey dabkii dhowaan ka qarxay Suuqa
Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Gunaanadkii shirka ayaa Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof.
Maxamed Cumar Dhalxa ayaa qoysaskii ay ka geriyoodeen Gen. Axmed Jilacow
Cadow, xeer ilaaliyihii Gobolka Banaadir Aayatulaahi iyo dadkii rayidka ahaa
si naxariisderida ahaa loogu dilay Magaalada Muqdisho ayaa isagoo ku hadlaya
magaca Golaha Shacabka Soomaaliyeed u direy Tacsi tiiraanyo leh, waxaana
ilaahay uga baryey inuu janadii fardowso ka waraabiyo qoysaskii ay ka
tageena samir iyo iimaan aka siiyo.
Marka laysku soo duubo hawlihii uu mudooyinkana waday Baarlamaanka oo ahayd
la xisaabtanka Xukuumada ayaa waxay u muuqdaan kuwo keenidoona dhibaato aan
laga fiirsan, islamarkaana horseedaysa mugdiyo isasaaran, waayo waxaa isku
dhegan Xukuumadii iyo Baarlamaanka oo in mudo ah u socdey xisaab, waxaana ka
soo baxay dul duleelo aad u weyn oo aan si dhakhso ah loo dabooli Karin,
sidoo kale waxaa isku dhegan Xukuumada iyo Garsoorkii dalka, dadka arimaha
sharciga ku xeel dheer waxay carabka ku adkeynayaan hadii ay is qabtaan
Xukuumadda iyo Baarlamaanka, aysan jirin cid kala dhexgelaysa labadooda oo u
kala gar qaada, waayo waxaa isku dhegan Garsoorkii dalka dhexdiisa,
Garsoorka iyo Mas’uuliyiinta sar sare ee Xukuumada, waxaa intaas oo dhan
isku fuuqsadey Mas’uuliyiinta sar sare ee dowlada oo iyaguna beryahaan uu
mugdi soo kala dhexgalay, taasoo wali aan la helin xal kama dambeys ah oo la
shaaciyey.
Wasiir ku xigeenka Dibu u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha DFKMG Md Xasan Cabdi
Guure {Xasan Jabhad} “waxyaabo dhaliil ah way iska jiri karaan maadaama
meesha ay dowladi ka jirto, waxa aan ku hadlaayo waa wax sharci ah”
Wasiir ku xigeenka Dibu u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha DFKMG Md Xasan Cabdi
Guure {Xasan Jabhad} ayaa shir jaraa’id ku qabtey Xarunta Baarlamaanka ee
Magaalada Baydhabo, ayaa ka Hadley warbixin uu shalay ka jeediyey
Wasiirkiisa, mudane Jabhad ayaa sheegey inuusan xaadir ku ahayn Magaalada
Baydhabo markii uu bixinayey Wasiirka Warbixinta, shirka jaraa’id kadib oo
wariyayaasha weydiiyeen su’aalo dhowr ah ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegey
“shirka wixii ka soo baxay wax wanaagsan buu ahaa, aniga iyo wasiirka waa
kala war qabnaa, wasiirka shalay uunbay talada si wax uun ka noqdeen mooyee,
shalay wuxuu ka hadlay wasaaradda inaysan waxba ka ogeyn, waayo shirka
wasaaradda wuu ka madax banaanaa gebi ahaanba, waxyaabo dhaliil ah way iska
jiri karaan maadaama meesha ay dowladi ka jirto, waxaana meesha ku shiraayey
dhamaan Beelaha Soomaaliyeed, go’aankaas Baarlamaanka ayaa gaarey, in
Wasaaradda iyo Gudiga dibu-heshiisiinta ay ka madax banan yahay shirka, in
shirka ay maamulaan wax ka tirsan Golayaasha dowlada wuxuu ahaa wax lagu
heshiiyey” 
Jabhad
Wasiirk u xigeenka mar aan weydiiyey in uu isagu garab marsan yahay
warbixintii uu hore wasiirka Dibu-heshiisiinta uu bixiyey, mala dhihi karaa
taasi dowlad nimadiina ayey meel uga dhacaysaa? ayaa
Waxaa uu ku jawaabay “maya lama dhihi karo, waayo aniga iyo wasiirka wax
khilaaf ah oo na dhex yaala ma jiro ee waxa meesha yaala waa ra’yi,
ra’yiguna hadana wixii dhab ah ee ka jira meesha ayaa ka soo baxaya, waayo
dolwadu waa dowlad dibu heshiisiin Baarlamaanka ayaana go’aamiyey.
Sidoo kale mar la weydiiyey waxa kalifay in wasaaradda ay ka madax
banaanaato shirka dibu heshiisiinta ayaa wuxuu ku jawaabay, waxaa kalifay
Beesha Caalamka, maadaama dad ka soo horjeeda dowlada ay ka had hadlayeen
banaanka iyo gudahaba, oo arintaas ay dhex dhexaadinayeen Beesha Caalamka
dowlada iyo dadkaas ka soo hor jeedayba, waxaa keloo jirtay soo jeedin ah
in madaxweynaha uu soo jeediyey in soomaalida shir dibu-heshiisiin loo
qabto, kadib markii uu ka qaybgalay shirkii Adis Aba bba lagu qabanyey oo ay
dowladuna ka madax banaann tahay, arintaasna Baarlamaanka dhex diisa ayuu ka
sheegey madaxweynuhu waana la ogolaadey oo lagu raacay.
Mudane wasiir waxaad sheegtey in uusan khilaaf idiin dhexeynin adiga iyo
wasiirkaada sow miyeysan haboonayn inaad wada tashi la sameyso inta aadan
shirka jaraa’id qaban, waxa aad ku hadlaysidna ma sharci baa?
Waxaa uu ku jawaabay waxa aan ku hadlaayo waa wax sharci ah, waxaana idiin
sheegay in shirkan uu ka madax banana yahay, wasiirkuna uu taasi og’yahay,
waana ognahay shirka mid aan anagu maamulaynay inuusan ahayn.
Mar aan weydiiyey go’aanadii shirka ka soo baxay waxaa lagu soo sixiixay
dalka sucuudi Arabia, waxaana soo sixiixay seddaxda mas’uul ee ugu sareysa
dalka iyo xubnihii ka qabygalay shirka Ergada ee marka go’aankaasi sow
sidaas ansax kuma ahan, oo miyaad leedahay go’aankaasi waxaa la keeni doonaa
Baarlamaanka?
Waxaa uu ku jawaabay Md. Jabhad waa run in ay soo sexiixeen seddaxda mas’uul
ee ugu sareysa dalka go’aankaasi, waxaana ogolaan-shihii ay isla ogolaadeen
go’aanadii shirka Odayaasha iyo sixiixa seddaxda mas’uul Baarlamaanka ayaa
la keeni doonaa.
Dhanka kale
waxaa inoo suura gashay Akh’ristayaasha sharafta lehoow inaan helno Qoraal
uu ku sixiixan yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DFKMG ahna Wasiirka Hidaha
iyo Tacliinta sare Md. Saalim Caliyow Ibrow oo ay soo bandhigeen qaar ka
mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Ibraahim
Aadan Xasan {Kiish Bur}, islamarkaana ka tarjumayey sida ay u maamushey
lacagihii deeqaha ahaa ee isugu jirey kuwa Yurubta, Markeykanka, kuwa
Carabta iyo dhaqaalaha soo galay dowlada oo kor u dhaafaya 150-Milyan oo
doolar iyo lacagihii la soo daabacay
Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha
Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} “waa nasiib daro
in ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdoodu 17 sano xasuusan waayaan in xalka
Soomaaliya xagga Ilaahay ku maqan yahay, Madaxda qaranka waa xiiqsan yihiin
oo aad bay u shaqaynayaan natiijada ay gaarayaana ma badna”.
Wasiirka Wasaaradda Dibu-heshiisiita iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed Xildhibaan
Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} oo warbixin siiyey in ka badan 155 mudane oo
soo xaadireen kulan ay isugu yimaadeen hoolka shirarka Baarlamaanka FKMG ee
xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo, oo uuna shir gudoominayey Gudoomiye ku
xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa
warbintiisa ku sheegay, in shirkii dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed
uu ku dhamaadey, miisaan la’aan, musuq-maasuq iyo cadaalad daro uuna u
baahan yahay in Baarlamaanku uu u saaro, gudi soo baara, sidii loo maamuley
shirka iyo hantidii loogu talagay Ergooyinka oo Qaylo fara badan ka soo
yeereysay oo aan la ogeyn sidii loo aamusiyey, iyadoo Gudiyada Barlamaanka
waajibaadkoodu yahay kontoroolka, sixida, hubinta, toosinta iyo dardar
gelinta hawlaha dowladda iyo xukuumadda.

Wasiirku wuxuu keloo shegay in weli aan la arag cid ka socota Barlamaanka
oo tiraahda maxaad ku sugan tihiin, dib u heshiisiintii ummaduna xagay
maraysaa, maxaa idiin qabsoomay, maxaa idiin qorshaysan, maxaa idiin
hortaagan sidee looga gudbi karaa, taasoo habac gelisay habsami u socodkii
hawlaha dalka , Iyadoo la ogyahay in Dawladda federaalka KMG ahi tahay
Barlamaani oo awooda ugu saraysa ee cid kasta siisay sharciyada iyo xilka ay
ku shaqaynayso ay tahay Barlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Waayo buu yiri nabadeynta iyo dib u heshiisiintii dalku meel xun bay
maraysaa, mudane gudoomiye been baan sheegayaa hadii aan iraahdo nabad iyo
dib u heshiisiin laysku halayn karo ayaa socota, waxaadna moodaa in fidnada,
colaada, neceybka, iska nixid la’aanta, is mu’aamaradaynta, is dilka,
gaajada, barakaca, in uu sii badanayo, dadku waa jah wareersan yihiin oo
meel ay u socdaan ma yaqaaniin, qof waliba waa jecel yahay in dhibka laga
baxo waana la sii geliyaa.
Wasiirku wuxuu yiri “waxaan qirayaa in ay igu adkaatay dhibaatooyinka iyo
wada shaqayn la’aanta aan kor ku soo sheegay awgood, waxaad moodaa in halkii
nabada iyo dib u heshiisiintu fidi lahayd oo aan fidnada iyo colaada fogayn
lahayd in colaadii iyo is naceybku uu fidayo oo xataa uu inaga TFG ahaan na
soo dhexgeliyo oo nagu fidayo, waayo 9 bilood ka hor ayaa lay dhaariyey in
aan nabad iyo dib u heshiisiin ka bilaabo hoolkan aan fadhino oo laygu
ansixiyey kuna baahiyo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ilaa
jaaliyadaha ku kala firirsan dacalada aduunka anigoo kaashanaya Madaxda
Qaranka, Golaha Wasiirada, kan Barlamaanka iyo waxgaradka shacabka
Soomaaliyeed”. Ayuu ku sheegay warbixintiisa wasiirka oo khudbadiisa sii
wata ayaa intaa ku daray,

“in mudo 3 sano ay shaqaynaysay dowladu, ayna haysataan taageerada
shacabka taageerada beesha caalamka, ayna daabacan karnay ama urursan
karney dhaqaale fara badan, waxaynu helnay ciidan shisheeye dalkii oo dhan
inoo qabtay, waxaynu awoodi la’nahay in aan dhexdeena ka heshiino oo dalka
maamulno, uuna ruux waliba cabanayo, wuuna ciishaysan yahay, quluubta dadka
iyo tan xildhibaanadu way kala jeedaa, nin waliba nabad, heshiis, sharaf iyo
nolol buu raadinayaa mana helayo, waxaa kuu cad in awood kale jirto,
Diintiina Islaamka ee aynu aaminsan nahay waxaa ku soo arooray in hadii
qaryo ama magaalo roob ka di’i waayo in ay Rabi tuugmo u banaan baxaan,
Qoraxda istaagaan oo Ilaah baryaan in uu dhibka ka qaado, runtii marka lays
barbar dhigo roob la waayey waqti kooban iyo dhibta shacabka Soomaaliyeed
laba qarni haystay ee juuca, maradka, Khowfka iyo masiibooyinka dabiiciga ah
ee roob la’aanta iyo daadadku ka mid yihiin, qaryada roobka weydey waxay la
mid noqonaysaa qof jano ku jira oo kale, hadaba mudane gudoomiye, waa nasiib
daro in ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdoodu 17 sano xasuusan waayaan in
xalka Soomaaliya xagga Ilaahay ku maqan yahay, ayna haboon tahay in ummadda
loogu baaqo in ay Ilaahay u noqdaan oo banaan baxyo rabi tuugmo, nabad iyo
cafis ah qabtaan”.

Md. Maareeye wuxuu keloo warbixintiisa ku xusay Soomaaliya 17 sano ayey
hoos u sii socotaa, 13 shir oo ka horeeyey kii Embagathi, oo lagu soo
dhisay Dawladdo, maamulo, isbahaybsiyo iyo dedaalo fara badan oo badankooda
gudoomiye adiga iyo xildhibaanada qaarkood aad ka mid ahaydeen ayaa
fashilmay, waxaana dhihi karaa shacabka Soomaaliyeed ee aynu madaxda u nahay
maanta wuxuu ku jiraa duruuftii ugu adkayd, waa lays dilayaa, waa lays
dhacayaa, waa la qaxayaa, meel loo ciirsadona ma jirto, Madaxda qaranka waa
xiiqsan yihiin oo aad bay u shaqaynayaan natiijada ay gaarayaana ma badna,
waa la cibro qaataa, waxaa ii cadaatay in xalkii, heshiiskii iyo nabadii
Soomaaliya furaheedii weli naga maqan yahay oo aynaan helin dariiqii loo
baahanaa. 
Dhinaca kale Wasiirku mar uu ka hadlaayey qaab dhismeedka wasaaradda ayaa
wuxuu sheegay Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo xiriirka Jaaliyadaha
Soomaaliyeed, ay tahay Wasaarad cusub oo loo dhisay daruufta nabad gelyo iyo
heshiis la’aanta dalka Soomaaliya ka jirtay 29 sano ee u dambeeyey, ilaa
aasaaskeedii mudo hada laga joogo sadex sano waxaa iiga horeeyey laba Wasiir
oo kale, Wasaaradu sida magaceeda ka muuqata waa wasaarad muhiim ah oo wax
qabadkeeda ay ku xiran tahay guusha iyo guul darada dawladan aad madaxdeeda
ka tihiin gudoomiye, Wasaaradu waxay ladahay sadex aag shaqo waaweyn oo
kala ah qaybta heshiisiinta Sahacabka iyo Beelaha Soomaaliyeed, qaybta
dhisida maamulo gobol iyo degmo oo ku yimid heshiis iyo is afgarad dhex
maray shacabka iyo beelaha gobolkaas ama degmadaas ama tuuladaas wada dega
iyo qaybta xiriirinta, heshiisiinta, mideynta iyo la socodka xaaladaha ay ku
sugan yihiin Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala firiray dacalada aduun
weynaha.
Mudanayaal Aniga waxaa Wasaaradda lay magacaabay 08 Janaury 2007, mudo hada
laga joogo 9 bilood, iyadoo Wasiirkii iga horeeyey iyo wasaaraduba in mudo
ah shaqayn khilaaf iyo dagaalo dalka ka jirey awgood, shaqadii wasaaradana
ay kala qaybsadeen wasaarado iyo gudiyo, tusaale ahaan qaybtii dhisida
maamulada gobollada iyo degmooyinka oo heshiis ku yimid iyo hantidii beesha
caalamku ugu deeqday waxaa loo magacaabay oo lagu wareejiyey Task force si
gaar ah u maamula oo aanay wasaaradu wax shuqul ah ku lahayn, taasoo si weyn
u dhaawacday micnihii shaqada wasaaradda. Markii aan la wareegey xilkii
wasaaradda waan isku deyey in aan qaybtaas soo celiyo laakiin iima suura
gelin, ka dibna waxaa bilaabay in aan hawl geliyo labadii qaybood ee soo
hartay isla markaasna aan xiriir la sameeyo gudiga dib u heshiisiinta
Qaranka oo aanu isku shaqo nahay. Sida aad la socotaan 29 Janaury 2007,
labaatan casho ka dib markii lay magacaabay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu kaga dhawaaqay shirkii AU-da ee
lagu qabtay magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia in magaalo madaxda dalka
Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabanayo shirweyne qaran oo ay ka soo qayb
gelayaan ergooyin gaaraya ilaa 3000 oo laga soo xulayo qaybaha bulshada
Soomaaliyeed sida Salaadiinta, siyaasiyiinta, culimo awdiinka, haweenka,
dhalinyarada iwm. Ka dibna Wasaaradda iyo Gudigii dib u heshiisiinta
qaranku waxaanu u diyaar garownay hawshaas baaxadda leh sidii aanu u
hirgelin lahayn, waxaanu bilownay maamul ahaan in aanu dhamays tirno qaab
dhismeedka wasaaradda iyo dejinta qorshayaasha hoos ku qoran oo aanu sal uga
dhignay waxqabadka wasaaradda.
Waxaanu dejinay qorshe balaaran oo qeexaya siyaasadda iyo nidaamka dib u
heshiisiinta iyo nabadeynta dalka Soomaaliya ku soconayo wixii hada ka
dambeeya, waxaan hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ee ka shaqeeya
nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ku war gelinay in dalka
Soomaaliya dawladi ka jirto, habkii ay hore ugu shaqaysan jireen ee
mashruucaynta iyo qaadashada sawiro naxdin leh oo lagu tuugsi tagona aanu
shaqanayn.
Hay’adahaas nabada ka shaqeeya oo warbixino isi soo tarayaa ay sheegayaan in
qaarkood mararka qaar nabad gelyo la’aan abuuraan si aan hawshoodu u
dhamaan, waxaanu ku amarnay in ay is diwaan geliyaan, hadii ay doonayaan in
ay hawl nabad gelyo iyo dib u heshiisiin dalka ka fuliyaana in ay Wasaaradda
u soo gudbiyaan profile-ka hay’adda, meesha ay ka hawl gasho, cadadka
budgetkeeda, meesha ay hantidaas ka hesho iyo wixii la mid ah, kadibna
wasaaradu u fasaxi doonto gudasha waajibaadkooda markii ay hubiso in dani
ugu jirto ummadda
Soomaaliyeed, dabagalna iyo kormeerna ku samayso in hawshii u fushay sidii
loo qorsheeyey.
Waxaanu dejinay work plan-kii wasaaradda oo sida caadiga ah leh qorshe dhow,
mid dhexe iyo mid dheer, mid waliba wato qaab faahfaahsan oo ay ku cad
yihiin sidii qorshahaasi u fuli lahaa, shaqaalaha iyo budget-ka loo baahan
yahay iyo waqtiga aanu ku dhamaystiri karno.
Waxaanu dhisnay qaab dhismeedkii Wasaaradda dib u heshiisiinta iyo Xiriirka
Jaaliyadaha, waxaanuna magacownay Agaasimayaashii waaxyaha Wasaaraddda oo ka
kooban 6 Waaxood oo kala ah Waaxda Maamulka iyo shaqaalaha, waaxda dib u
heshiisiinta iyo is cafinta, waaxda wacyi gelinta iyo abuurista is aamin iyo
kalsooni la dhex dhigo bulshada, waaxda xiriirka Jaaliyadaha, waaxda xalinta
khilaafaadka dhulka iyo hanti isu celinta iyo waaxda qorshaynta, cilmi
barista iyo ka hortaga colaadaha.
Anagoo Tixraacayna Qudbadii iyo Go’aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ee ku saabsanaa in Beelaha
Soomaaliyeed loo qabto shirweyne qaran, waxaanu dejinay Qorshe gaar ah (
road map) oo uu ku cad yahay nidaamkii shirku ku soconayo, cidda ka soo qayb
gelaysa, cidda maamulaysa, Qarashka loo qaaban yahay iyo doorka Wasaaradda,
Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka, Gudiga Jeerinka shirka iyo Gudiga dib u
heshiisiinta Barlamaankuba ku yeelanayaan.
Waxaanu Xaruntii ku meel gaar ahayd ee Dawladda- Baydhabo- iyo Magaalo
madaxda dalka ee Muqdishuba oo aanu u guurnay bilowgii April ka furnay
Xafiisyo ay Wasaaraddu ku shaqayso oo ay yaaliin qalab kooban oo lagu hawl
geli karo.
Waxaanu Daraasad kooban ku samaynay dhibaatadda Soomaaliyeed, waxyaalaha
sababa khilaafka iyo dagaaladda, iyo sidoo kale siyaabaha looga hortegi
karo.
Waxaanu Degmooyinka dalka qaarkood ka samaynay Gudiyo u ololeeya nabada iyo
dib u heshiisiinta oo lagu magacaabo “ Gudiga Dib u heshiisiinta iyo
nabadeynta ee Degmadda “hebla..” iyadoo ay noo qorshaysan tahay in aanu
qorshahaas dalkoo dhan ka hirgelino, laakiin waxaanu weyney wax aan ku
taakulayno hawlgalkooda.
Waxaanu xiriir joogto ah la samaynay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool
dalka debediisa, anagoo ku dedaalnay in aan ka dhaadhicino in ay midoobaan
oo samaystaan ururo ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Wadan kastaa ka dibna
Jaaliyadda Qaarad kastaa sida Europe ama North America, waxaanu sidoo kale
ku dhiiri gelinay in dadka wax bartay dalkooda ku soo noqdaan si ay u samata
bixiyaan iyo in ay dadka baahan soo caawiyaan, taasoo waxoogaa horumar ah
laga gaaray.
Waxaanu Beelaha iyo Jufooyinka Soomaaliyeed la yeelanay shirar, kulamo iyo
wada hadalo aan la soo koobi karin oo aanu ku xalinayno khilaafaadyo jirey
kuwaasoo qaarkood aan ku guulaysanay, Markii aanu intaas oo diyaar garow ah
u galnay gudasha waajibaadkayaga, moral iyo niyad buuxdana u hayno, ayaa
Barlamaankan aan hortiisa ka hadlayaa dhowr jeer gacanta u taagay mooshino
aan qaarkood si sharciga waafaqsan ku hor imaan Barlamaanka, oo Gudigii
Jeerinka shirka Beelaha Soomaaliyeed lagu siinayo awoodo aan xad lahayn,
iyadoo meesha laga saaray doorkii hay’adaha dastuuriga ah sida Wasaaradda,
Gudigii dib u heshiisiinta qaranka iyo xataa awoodii kontoraal iyo daba gal
ee uu lahaa Gudiga dib u heshiisiinta Barlamaanku, mudanayaal, iyadoo mugdi
ku jiro waxa aanu qaban doono shaqadii Wasaaradana ay noo hartay xiriirka
Diasporaha oo keliya ayaanu u guurnay Xamar, kadibna madaxda qaranka ayaanu
wax badan weydiisanay in lays waafajiyo wada shaqaynta hay’adaha ka shaqeeya
nabadeynta iyo dib u heshiisiinta laakiin lama yeelin.
Wixii intaas ka dambeeyey, waxaanu isku daynay Aniga iyo Wasiir ku xigeenkii
iyo dhaqaalaha Wasaaradda oo dhamaa toban iyo weliba Gudigii Dib u
heshiisiinta ee Dastuuriga ahaa in aanu qabano wixii noo suura gal ah,
waxaanu qorshaynay in aanu safaro ugu baxno goboladda dalka oo heshiisyo
grass root ah soo samayno, waxaase naga hor yimid dhibaatooyinka hoos ku
qoran:-
Wasiirku mar uu xusayey Dhaqaalo la’aanta wuxuu yiri “Mudanayaal Dhibaatadda
ugu weyn ee naga hor istaagtay gudashada waajibaadkayagii ka sokow jejebinta
waajibaadkii Wasaaradda waa dhaqaalo la’aan, mana jiro hal kun oo shillin
Soomaali ah oo mudadii aanu haynay xilka Wasaaradda naloo dhiibey si aan u
fulino hawsha qaranka, dhamaan waxqabadka aan kor ku soo sheegay waxaanu ku
fulinay deymo aanu ka qaadanay dad aanu si shaqsi ah xiriir ula leenahay iyo
gunada aanu marar qaarkood Barlamaanka ka qaadano.
Mudane gudoomiye Dhibaatadda labaad waa dhinaca amniga iyo Isgaarsiinta oo
way noo suura geli weyday inagoo aan haysan dhaqaale, gaadiid iyo ciidan u
baxno gobolada dalka si aanu u joojino colaadaha socda bulshadana u dhex
dhigno is aamin iyo nabad ku wada noolaansho.
Sida la wada ogyahay waxaa jira Wasaaradda dib u heshiisiinta, Gudiga dib u
heshiisiinta Barlamaanka, Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka, iyo Gudiga dib
u heshiisinta Beelaha Soomaaliyeed, sidoo kale Madaxweynaha, Ra’iisul
Wasaaraha, Golaha Wasiiradda iyo kan Barlamaanka ayaa iyaguna qayb
waqtigooda ka mid ah siiya dib u heshiisiinta, Hadaba, dhibaatadda jirta oo
aan dhihi karo waa tan ugu xun waxa weeye hay’adaha sida tooska ah ugu xil
saaran dib u heshiisiintu ma laha waajibaadyo kala qeexan (clear role and
responsibility), wax xiriir wada shaqayn iyo kala warqaadasho ahina kama
dhexeeyaan, kadib markii mid kasta madax banaani buuxda Barlamaankani
siiyey, sidoo kale hay’adaha qayb waqtigooda ka mid ah siiyey dib u
heshiisiintu kuma marti qaadaan Wasaaradda kulamadooda, wax warbixin ahna
kama soo gaarsiiyaan Wasaaradda wixii natiijo ah ee ay la kulmeen, si aanu
dabagal ugu samayno, madaxda sare ee qaranka oo aanu dhowr jeer arintaas u
sheegnayna sidaas bay ku ogyihiin.
Mudane Gudoomiye Anigoo ah Wasiirkii aad u xil saarteen nabad iyo dib u
heshiisiinta waxaan hayaa talo iyo codsi, taladu waxa weeye, Ilaah tiisii
baa dhimane ummadda Soomaaliyeed ha toobad keento oo ilaah ha u noqoto.
Codsigu waxa weeye, in aan barlamaanka iyo Gudoonkiisa ka codsado in ay
ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaan in ay isugu soo baxaan Banaan baxyo rabi
tuugmo, nabad raadin iyo is cafin ah, gaar ahaan Bishan Barakaysan ee
Ramadaan 27-keedu oo ku began xilliga culimada Islaamku u badan tihiin in uu
yahay habeen aqbalaadeed, oo Barlamaankani maanku ku baaqo in 27 Ramadaan
ay tahay maalintii nabadda iyo is cafin oo aan shaqo jirin isla markaana
culimada, Salaadiinta, ardayda isguulada, madaxda qaranka iyo kuwa
muqaawimada dagaalamayaa, hooyooyinka iyo dhamaan shacabka degmo kasta oo
dalka ahi isugu tagaan barxadaha magaalooyinka iyagoo dhar cad cad ninkii
heli kara gashan oo ilaa habeentaas rabi la tuugo laysna cafiyo.
Mudane Gudoomiye Waxaan xoojinayaa codsigayga, waxaan adiga iyo
xildhibaanada sharafta lehba ka codsanayaa in idiinkoo isticimaalaya
awoodiina, idiinkoo u naxaya shacabkiina, idiinkoo Ilaahay u toobad keenaya
kana cabsanaya in aad maanta ku baaqdaan banaanaxaas nabadaeed iyo is
cafineed, anigoo rajaynayaa in hadii aan sidaas yeelno, aan heli doono
dariiiqii nabada iyo walaalnimadda Ishaa-Allah ayuu hadalkiisa ku soo
gebagebeeyey Wasiirka Dibu-heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed
Khudbadiisa Md. Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye}.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man}.
SomaliTalk.com | Oct 9, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|