Ururweynaha ASOJ oo sheegay in wareegtada Wasaaradda Warfaafinta
DFKMG ay tahay mid ay ka naxeen qoowleysatada Saxaafada.

Ururka
isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu si buuxda u
taageerayaa Warqadii ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta ee DFKMG
,wuxuuna warqadaas u arkaa mid sharciya oo meesha ka saareysa in
shaqsiyaad aan metelin Saxaafada Soomaaliya oo baalmadoow uga jira
liiska Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay magaca Saxaafada meel kaga
dhacaan oo fagaarayaal la tagaan.
“ Warqada
Wasaaradda Warfaafinta ka soo baxday waxay ka turjumeysaa sharciga
saxdaa ,waxaan dhihi karnaa waa mid guul iyo cadaalad u horseedeyso
Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ee xaqooda ay cunayaan shaqsi iyo labo
shaqsi oo calooshood u shaqeystayaala,waxaana inoo farxada inay
gabagabo tahay sii jiritaanka NGO-ga shaqsiyaadka calooshood u
shaqeeystayaasha ee qoowleeysatada Saxaafada Soomaaliya loo yaqaan
ay sameysteen”ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ASOJ oo dhinaca kale ku baaqay in shaqsigii sumcad
iyo magac leh looga baahan yahay inuu ka qeybgalo doorashooyinka
guud ee loogu tartamayo xilalka sare ee Ururweynaha Saxaafada
Soomaaliya.
“ Hadii
shalay magaca Saxaafada lagu qaraaban jiray maanta waxay taagan
tahay tuug la qabtay talo maleh,waxaana ugu baaqeeynaa Cabdi risaaq
Sheekh Aduun inuusan noqon maqaarsaar ,uu weji gabaxa u adeegsado
shaqsiga ka hooseeya in magaciisa la sheego ee kaniisadaha u galo
raaligelinta gaalada iyo sidii uu xaqa Saxaafada Soomaaliya u booby
lahaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed oo dhinaca kale xusay in ururka ASOJ uu ku shaqeeyo
rabitaanka Saxaafada ,loona dhisay sidii heeryada musuqmaasuqa iyo
gumeysiga looga saari lahaa Saxaafada Soomaaliyeed.
“ Waxaa
nasiib daro ah inuu Cabdi risaq Sheekh Aduun maqaar saar iyo hayiin
u noqdo ninkii Muqdisho ka dejiyay Hotel Midnimo ee kaga dhuuntay
isaga iyo Weriyaashii la socday ee reer Puntland,ayna xilligaas u
gurmaden Saxaafiyiinta reer Muqdisho,waxaana doonayaa inaan
xasuusiyo ninka uu difaacayo been abuurkiisa inuu ka biloowday Cabdi
Qasim baan Xamar uga cararay,markii uu Nairobi yimidna uu ninkii aan
la dejinay oo ahaa Xuseen Jaabiri uu habeen bar jeebkiisa ka xaday
baasaboorkiisii Mareykanka iyo lacag jeebka ugu jirtay oo dhameyd
kun iyo shan boqol oo dollar,taas oo ahayd ceebtii ugu weyneed ee uu
ku dhaawacay sharafta Saxaafi ama Weriye leeyahay” ayuu yiri Dahir
Abdulle Alasow.
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed wuxuu ku
nuuxnuuxsaday in Wasiirka Warfaafinta uu mudan yahay mahadnaq iyo
bogaadin maadama uu ka shaqeeyay sharciga Saxaafada,dhaqankiisana ka
dhigay mid wanaagsan oo uu ugu hiiliyay madaxbanaanida Saxaafada.
 
Bidix: Dahir Abdulle Alasow, midig: asoj chairman Dahir Abdulle
Alasow
“Hadii aad
akhriseen Warqada Wasiirka Warfaafinta,wuxuu ku cadeeyay inuusan
jirin urur Saxaafada Soomaaliya metela,wuxuuna ugu baaqay Ururada
Saxaafada Soomaaliya inay soo maraan Wasaaradda Warfaafinta si loo
siiyo aqoonsi ama loogu diido.waana mida kaliya ee qoowleysatada
sharci darada iyo been abuurka ku nool ay ka qeeylinayaan,maadama
aysan heli Karin codka shan Saxaafi oo Proffesional ah,ayna hore
Saxaafada Caalamka ugu indha sarcaadiyeen ciyaal xaafadeed filim
laga duubay oo laga dhigayay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed”ayuu yiri
Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow.
“ Ururka
ASOJ ,wuxuu Wasaaradda Warfaafinta waydiisanayaa aqoonsi ,waxaana
rajo weyn ka qabnaa inaan dhawaan faafino dukumiintiyo saxiixan oo
cadeeynayo liiska Saxaafiyiinta ee ururka ka mida iyo aqoonsiyada
aan ka heysano Wasaaradda Warfaafinta” ayuu ku soo gabagabeeyay
hadalkiisa Dahir Alasow .
Ururka isu
taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa noqonaya Ururka ugu
balaaran ee ka jira Soomaaliya marka la eego magaca iyo muuqaalka
Weriyaasha ku bahoobay,iyadoo bilahii ugu dambeeyay ay Associated
Somali Journalists ASOJ ku biireen Ururo Saxaafadeedyo kala
duwan,sida Ururka Suxufiyiinta Waamo ee WAJ,Ururka Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee Gedo loona yaqaan GIJA iyo sidoo kale Ururo
Saxaafadeedyada Weriyaasha Soomaalida ee dalalka Kenya iyo Koofur
Afrika.
Mohamed
Omar Hassan
Mohhassan@hotmail.com
Capetown-S/Africa
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk.com | Oct 9, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|