SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Musharraxa Ra'iisul Wasaarenimada DFKMG Soomaaliya.

Taarikh Nololeed kooban ee Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) 

Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.

Nuur CaddeCol Nur waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadaka Sare ee Boliiska Aduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

Col Nur waxa uu leeyahay khibrad shaqo iyo maaamul muddo ka badan afartan sanadood. Waxaa uu madax ka soo noqday qeybaha ugu muhiimsan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed muddadii u dhaxeysay (1965- 1990). Haatanna waa Xoghayaha iyo Hey’adda bisha Cas ee Soomaliyeed oo Xoghaye Guud ka ahaa 17kii sano ee ugu danbeysay. 

Howlihiisa Ku aadan Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed 

Col Nur Cadde xiligan aynu joogno waa Xoghayaha guud ee ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed wuxuuna xilkan hayey 17dii sano ay dagalada sokeeye ka socdeen wadanka somaliya. Sanadkii 1976dii ayuu ka mid noqday xubin mutadawac ah ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, kadibna waxaa loo doortay xubin gudiga fulinta ee ururka.  

Xiligii ay dagalada sokeeye aafeeyeen dhamaan bulshada Somaaliyeed waxaa uu kaalin weyn oo lama ilaawin ah ka qaatay badbadinta shacabka Somaaliyeed ee waxyeelada ka soo gaartay dagaalada sokeeye.  

  1. Col Nur waxa uu ku guuleystay inuu ka badabaadiyo Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed, burbukii ku yimid heydahii dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka jiray wadanka gudahiisa dagaalada ka hor (1991). Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed waa ururka keliya ee Somaliya ka jira oo weli sidiisii uga shaqeeya Guud ahaan Somaaliya.
  1. Hogaanka  wanaagsan ee Col Nur ee Ururka Bisha Cas, isagoo kaashanaayo hey’adda Caalamiga ah ee laanqeyrta cas ee aduunka  (ICRC) waxa ay ka fuliyeen somaaliya sanadkii 1992dii barnaamijkii Gargaarka Beni’aadmnimo ee lagu badbaadiyey shacabka Somaaliyeed kaas oo ahaa howlgalkii ugu balaarnaa ee Hey’adda ICRC ay ka fuliso aduunka oo idil  kadib dagaalweynihii labaad ee aduunka 1940-45. Barnaamijkan fulintiisa Heyadda Bisha Cas ee Somaaliyeed waxa ay ku muteysatay billad heer caalami ah oo ay guddooniisay Boqoradda Ingiriiska sanadkii 1993.
  1. Uruka Bisha cas waxa uu ka fuliyaa howlihiisa garagarka guud ahaan wadanka Somaaliya waxa una maamulaa cisibitaalo waaweyn sida Madina Hospital, Keysaney Hospital, Garowe iyo Baydhaba Hospital. Waxa kale oo ay maamulaan sagaal iyo afartan (49) xarumood ee caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, iyo saddex xarumood oo lagu farsameeyo qalabka curyaaminta.  

Col Nur Cadde waa nin lagu yaqaan deggenaan, wadatashi, xog ururin iyo gaarid go’aan laga fiirsaday. Waana nin lagu yaqaan howlkarnimo, daacad iyo wadaninimo. 

Howlihiisii Ciidanka Boliiska Somaaliyeed 

Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Somaaliyeed waxa uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala duwana waxa uu ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

Saraakiisha iyo dhamaan ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxa ay rumansan yihiin Col Nur inuu ka mid ahaa Tiirarka aqoonta iyo maamul wanaagga u sameeyey Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sanadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sida la wada ogayahayna tayada Ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxay aheyd mid ku dhisan aqoon iyo maamul wanaagsan.

Sanadkii 1986 Col. Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka talyaaniga halkaasi uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska   Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, ayaa waxa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo denbiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sanad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Dalka Somaaliyeed.

Qore: Maxamed Xasan
mnhassan28@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com