Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf oo soo gaarey Magaalada
Baydhabo
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG Col/ C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa
dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo abaarihii 4-tii ilaa iyo 5-tii
Galabnimo, iyadoo si weyn loga sugaayo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha
cusub ee ee DFKMG Soomaaliya, dadka Magaalada Baydhabo ayaa waxay
intooda badan isweydiinayaan "Ra’iisul Wasaarihii Boorsada lagu wadey
goormaa la magacaabidoonaa" ayey isleeyihiin, iyadoo taasi ay uga
danleeyihiin in Ra’iisul Wasaarauhu uusan ku imaaneynin rabitaanka
shacabka Soomaaliyeed, kan Madaxweynaha iyo Golaha Baarlamaanka, balse
uu ku imaandoono rabitaanka dowlado gaar ah.
Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa la hadal hayaa in maalinta
Khamiista soo socota iyo maalinta Arbacada oo Taariikhdu ay ku began
tahay 14/11/2007-da lagu dhawaaqidoono, sida ay sheegayaan ilo wareedyo
ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada.
Inkastoo xubnaha Golaha Baarlamaanka qaarkood ay hore ula baxeen xubnaha
Kutlada ee iskuduubnida iyo kuwo kale oo ka soo horjeeda, inkastoo aan
la ogeyn in garab kale uu soo bixidoono iyo in kale.
Laakiin dadka arimaha siyaasada ku xeel dheer waxay carabka ku
adkeynayaan, in garab kale oo cusub uu baaralamaanku kasoo dhex
bixidoono, islamarkaana Ansixinta magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub
ay adkaato, arintaan ayaa waxaa si weyn u adkeynaya in ay jiri karto,
62-ada xubnood ee isugu jira Wasiir iyo Wasiir ku xigeenada oo aan helin
intii ay Xukuumadu jirtey wax fursad ah oo ay wax ku qabtaan intii uu
Wasiirka Koobaad ahaa Md. Geedi, waxayna ku andacoonayaan maxaan qabtaa
ama laygu eedayaa ma helin wax Miisaaniyad ah oo Wasaaradeyda hawlaheeda
aan ku fuliyo iyo arimo kale, balse la Arkidoonee halka ay arintu ku
biyo shuban doonto
Wasiirka
Warfaafinta DFKMG "Dowladu lama dhihi karo eeda iyadaa iska leh, ee eeda
waxaa iska leh dadka
Wararysiga Madoobe Nuunow halkan ka dhegeyso
Wareysi aanu la
yeelaney Prof. Buubaa iyo Tirada xilka doonista Wasiirka Koobaad oo sii
kordheysa. Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk
Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2007
Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....


|