C/Naasir Guure Faarax [jeer] |
A/s wr wb waan Idin salaamayaa Bahada SomaliTalk waa nin ka mid ah dadka
arintaan markii hore wax laga soo waydiiyay oo arimaha puntland ku dhow dhow
balse magaciisa iminka aan doonayn in uu shaaciyo sababo siyaaseed awgeed.
Salaan ka dib C/naasir Guure faarax jeer markii hore nin kale ayaan u fahmay
Emailkiisa markii aan arkay ayaan fahmay in uu ahaa ninkii sheegan jiray
Afhayeenka Ramaas markii hore waan fahmi waayay qoraalka hada markii aad
waydiisay ayaan si fiican u fahay
keenadiid18@hotmail.com ahaan ayan Emailkiisa u aqaanay waana
sheekaysanay marar badan .
Xitaa arintii dhagaxtaanta la dhoofinyay ayaan wax ka waydiiyay hada ka hor
waxaana oo ii sheegay hadal ah in cade muuse dhulka xitaa iibsan doono hadii
aan laga hortagin arinta maxjarkii waxaad ogaydeen sidii uu u diidanaa tan
siyaasada baarintaanada shidaalka waa diidanaa.
In aad warbixinta ka
qorteen waa arin fiican, dadkana waa ay ka faa'iidaysan doonan maxaa la dhihi karaa way ku kaliftay
arintan iminka cusub ee firikirka cusub.
Nin siyaasi sheegan jiray oo Xisbi mucaarad ah ku jiray sidee buu si deg deg
ah oo sidaan oo kale ah dowlad ugu soo biiri karaa.
Miyaysan ahayn in uu marka koowaad ku dhawaaqo istiqaalada Ramaas miyaysan
ahayn marka labaad in dowlada puntland ee uu sheeganayo in uu afhayeen u
hayay maamul iyo madax bay lee dayahaye lagu dhawaaqo oo la shaaciyo marka
hore in xilkaasi loo magaacabay C/naasir Guure Faarax Jeer.
Arintaan waxaa u keentay xukun jeceel ayaa la dhehi karaa oo baryahaan waan arkaynay dad
badan oo buufis dhanka siyaasada ah ku dhacay oo marba Jago uu maskaxdiisa
ka keensay ah sida ururo afhayeeno, horay ayaan waxan la yaabanayn mid ka mid
ah dadka ku nool dalka Kenya mid ka mid ah oo
oo marna sheegan jiray afhayeenka madaxwayne ku xigaynka puntland Xasan
Daahir Afqurac,marna sheegto gudoomiyaha jaaliyada gobolada Sool Sanaag Cayn
SSC, marna sheegta gudoomiyaha jaaliyada Puntland ee kenya marka sheegta
Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi Kenya, yaabka yaabkiis.
siyaasi sidaa miyaa lagu noqdaa mise si kale ayaa lagu noqdaan waa arin
jawaabteeda ay lee yihiin dad waynaha Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa reer
puntland ee arimahaan isha gaarka ah ku hayay.
Ugu danaybtii waxaan u mahad celin Bahda soamlitalk sida ay arintan u
xaqiijisay iyo sida ay baarintaanada u samaysay ku aadan jeer waana arin
fiican oo cid kasta wax in ay ka tiraahdo ah tixraac ayayna haysaa
Somalitalk arintaasi ku aadan kowadii bishaan ayaa qoraalkaasi loo soo diray
maantana waa lixda intaas baarintaan ayay ku jireen.
Qore:
Mid ka mid ah dadka reer Puntland.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraga kusaxiixan
"Ma
jirto maxaabiis Muqdisho laga keenay oo la keenay Galkacayo..." - Jeer
: Xisbiga Mucaaradka ee Ramaas ma waxa uu ku biiray Maamulka DGPL,
mise waa....