Daadka Qado sharafyo siyaasadeed oo is daba
joog ah oo ay ku maashoonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaan Xaaji Muuse Suudi ayaa Kulan qado
sharafta siyaasadeed oo ay ka soo qaygaleen ku dhawaad 70 Xildhibaanadii
taageersanaa Ra’iisul Wasaarihii hore DFKMG Prof. Cali Max’ed Geedi ugu
sameeyey Hoteel Bakiin ee Magaalada Baydhabo.
Kulankaan qado sharafta siyaasadeed ayaa
waxaa ka Hadley, Xidhibaan Max’ed Qanyare, Xidhibaan Mowliid Macaane,
Xidhibaan Ibraahim Xabeeb, Xidhibaan Axmed Cusmar Jees, Xildhibaan
C/llaahi Sh. Ismaaciil, dhamaan xubnahaan xildhibaanada ah ayaa waxay ka
hadleen kulanka soo socda ee Baarlamaanku yeelandoona waxyaabaha loogu
doodidoono iyo waxa ay ka aaminsan yihiin, go’aanada ay soo gudbiyeen
Gudiga dibuheshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee lagu soo gebagebeeyey
Magaalada Muqdisho bilihii hore ee aynu ka soo gudubney, inkastoo ay
hore ula baxeen Kutlada Isku duubnida Baarlamaanka.
Xildhibaan C/laahi
Xidhibaan Max’ed Qanyare Afrax oo halkaasi
ka Hadley waxaa uu sheegay in ay sharciga u dhaarteen qof kastoo
difaacana uu kheyr ka helaayo, wuxuu keloo sheegey marna inaysan raali
ka noqon doonin in halkan lagu dumiyo.
Xidhibaan Max’ed Qanyare Afrax
“Sharcigii duulaan baa ku soo wajahan waxaa
la soo wadaa lacag fara badan yaan dheg jelaq loo siinin” ayuu si kulul
u yiri Xidhibaan Max’ed qanyare oo sheegay in qodobka 46 iyo 47 ku
dhisteen Nairobi in banaanka wax laga qaadan darteed, Bannaan ka keenida
hadii loo baahan yahay oo baarlamaanka la furayo ma aha in mooshin laga
keeno qodob ka mid ah go’aanadii ka soo baxay shirka dibuheshiisiinta
ee lagu soo heshiiyay, waxaa moshin keeni kara oo soo jeedin samayn kara
xubno tiradoodu gaarayso 193 waxa difaacaynaa qof doonaya inuu isaga
indhihiisa faraha iska geliyo” ayuu yiri Mudane Qanyare
Xidhinbaan Mowliid Macaane Max’uud Liibaan
ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “In Ujeedada qadada laga leeyahay
kulankaan qadada ah waa guushii ay ka gaareen xubnaha Kutlada difaaca
sharciga, kutladuna ma aha mid lagu kala jebinayo baarlamaanka, mana
nihin xisbi baarlamaan, laakiin waxaan ku midaysanahay difaaca
sharciga, sharciga ayaana qof kasta ka sareeya”
Xidhinbaan Mowliid Macaane
Xildhibaan Ibraahim xabeeb Nuur oo isna
halkaasi ka hadlay ayaa la yimid Masraxa wax ka duwan hadaladii ay la
soo shir tageen Mudayaasha kale ee la baxay Kutlada waxa uuna yiri
“Waxaan isku bahaysanay inaan ilaalino Sharciga qodobkaas isku mid ayaan
ka nahay, laakiin maka fikirnay shacabigeena Soomaaliyeed, markaan isku
koobno awoodii taladii dalka baarlamaanka in la furo waa muhiim in loo
furo banaanka, iyadoo sharciga la soo marsiinayo 3-sanno ka hor ayaa la
igu diiday markii Impagati la joogay hadana meeshii ayaan taaganahay
waayo waxaan aaminsanahay in cidii la doono bannaanka laga qaadan karo”
ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Xildhibaan xabeeb.
Xildhibaan Ibraahim Nuur{Xabeeb}.
Waxaa kaloo kulankaani ka hadlay Xildhibaan
Axmed Cumar Jees oo ah nin mudooyinkaan ka gaabsadey ka hadalka arimaha
siyaasada ayaa waxaa yiri “wixii sharci ahaa iyo qodobadii la doonayey
waxaa ka Hadley ragii iga horeeyey, waxaa uuna ku soo hal qabsadey nin
xaakim ahaa baa wuxuu yiri sodon qalad markuu kaa galo ee aad
shanqariweydo, ee boqol gas lagu siqaan soo siqaan wali, anigu
tirinmaayo khaladaadka ilaa halka ugu dambeysa layna gaarsiiyey, laakiin
waxaa jirta kelimad qalad ah oo loo adeegsanyo baadil.
Xildhibaan Axmed Cumar Jees
Balse xaq ay tahay baa jirta, maah maahda
iyadoo isku mid ah waxaa kala bedelaaya micnihii meesha adigoo guri ku
jira hadii uu nin ku caayo ama ku canaanto waa uu kula talinayaa, hadii
meel madal ah uu kugu caayo waa cay quman waana isla kelmadihii wuxu,
waxaan uu walaakey meesha ka yiri waxaa weeyaan siduu markii hore ahaa
iyo sida hada loo leeyahay way kala duwan yihiin, hadana cidbaa
adeegsanaysa markaasna waxay ahayd arin guud anigu sidaan u arko, sidaas
daraadeed anigu waxaan ku soo koobayaa ragii iga horeeyey ayaan ku
taageersanahay kaasoo ay yiraahdeen in waxkasta sharciga la mariyo ayaan
soo jeedinyaa,waxaa soo haray iminka waxaa soo baxdey arin kale oo ah
soomaalidu waxay tiraahdaa meyd waa kii ugu dambeysay, sababtoo ah
waxaa jirtay wiil yar oo Aabihii lacag leeyahay ayaa wuxuu u soo
gadayaa Kubad isaga iyo kuwo kale markii ay ciyaarta isugu yimaadaan oo
isaga laga badiyo Kubadii buu iska qaadanayaa ee marka hada markii la
arko in Baarlamaanka waxoogaa laga soo jiid jiido Kubadii baa meel kale
lala tegayaa, marka aniga waxay ila tahay meelaha kale cidii ugu
sameynaysa ha ugu soo sameyso laakiin inaga dhexdeena inaynaan sharciga
bidix iyo midig ka marin ayaa Soomaalidu dan u ah inagana dan inoo ah”.
Ra’isu wasaare ku xigeenka ahna wasiirka
Dastuurka iyo Arrimaha Federalka oo ka hadlay halkaas ayaa sheegay in
Dastuurka iyo Sharciga aan la samaysteen hadii ay cid sidii doonto u
adeegsanayso “Waa in uu Xilka na dhibaa cidna duulaan kuma nihin,
laakiin waxaa na simay sharciga ilaalintiisa, kutlada Isku duubnida
Baarlamaanka waxaa ku soo fool leh qoloocyo fara badan hadii la kala
adkaanayo ha lagu adkaado sharciga hadii la yaabo waxaa loo laabtaa
Yaasiinka anaga hadaan yaabno waxaan u laabanaynaa hilinka toosan hadii
aan la leexanana waan qasaaraynaa"